SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 


MA ANIGOO MAREEXAAN AH BAAN MIDGAAN MAGAN GALAA!!

C/raxman EELAAY  eediran@yahoo.com

Qiiq!, Qiiq!,Waa wareey!, Alla!, Alla! aboowe iska eeg! Haah Illaahay waa kaa nabad geliyey! Wac saddexda xaraf (911), ku dhakhso! Ma qortay taarkada! Waan, Waan! Waan! Waa Booliskii oo daqiiqado gudahood nagu soo gaadhay! Bal warrama sidee wax u jiraan buu nagu bariidiyey? Waxaanu u sheegnay in baabuur nalagu soo cayrsaday oo aan in yar uga baxsanay! Waanu dhiman lahayn haddii uusan Eebahay naga badbaadin!   

Booliskow waxaan waayey meel aan seexano, meel aan ku nasano, iyo meel aan ku nabadgalno. Waxaa nala dagaalamaya wax naga tira badan oo aanan garanayn, wax xiriir ahna uusan na dhex marin. Waxaase shirka hore fadhida qof aanu muuqaalkeeda garanano, oo aad aanu u naqaan!  

Booliskii baa madaxa luxay lana yaabay cadaawadu meesha ay ka socoto, wuxuu ogaa oo diiwaanka booliska ku jirta dhibtii hore ee ka dhacday carwada weyn ee Soomaalidu wax ka iibsato. Waxaa diiwaanka ka soo booday qoraalo, sawiro iyo cajalado tusinaya sidii naxdinta lahayd ee Sagal loogu galay carwada dhexdeeda iyo sidii ay dhamaan dadkii meesha joogay ay dhinac uga noqdeen ee loogu markhaatiga furay maxaa yeelay gabadhu waxay ka soo jeedaa qowmiyada Hawraarsame!  


GUJI HAALKAN...

Alla walaalayaal miyeydaan Islaam ahayn, maxaad u furaysaan markhaati beenaalaha? Miyeydaan arkeeyn dhiiga ka shubmaya dhabanadeyda? Miyeydaan arkeyn in meel waliba I diiran tahay oo layla dhacay biro iyo ulo? Miyaan laydin su’aaleyn markaad igu daawaneyseen ee aad sacaba tumeyseen?   

Eebe waa samata bixiyee gabadh kale oo la socotay oo Illaahay lixaad u dhiibay ayaa inta ay ulihii iyo birihii gacan keliya ku qabatay bay dadkii soo duulay tidhi hoo bariiska!

Carwadii baa isku buuqday oo ciidamadii amaanka loo yeedhay. Mise gabadh baa halkan dhiig ka da’ayaa oo lagu rifay! Way taagan tahay gabadhu iyadoo madaxa janjeerinaysa si ay dhiiga maryaha uga duwato, laakiin kuwii dilay ayaa halkan galgalanaya oo cabaadaya! Ogow Qurbaha haddii wax yari kugu dhacaan sidii adigoo jiif cabee gelaya ayaa lay tuuraa si xaq laguu siiyo ama eeda lagaaga duwo! Dhamaan dadkii meesha joogay baa af labadii yeedhay: “ Sagal baa gardaran!, Sagal baa wax dishay! Bal eeg gabadhan ay beerka kala soo baxday! Ha loo yeedho Ambalaas, ma socon kartee! Waa tacbaan!. Booliskii baa yaabay oo xagii Sagal u soo jeestay, wuxuu arkay dhiiga ka da’aya! Sagal oo Afka qalaad wax ka taqaana ayaa ku tidhi ninkii Booliska ahaa: “ Boolisow bal eeg kaamarada ku dhegan xawilaadan aan ku jiray markii lay rifay si aad u ogaatid in ay dhamaan dadkani beenaalayaal yihiin! Booliskii baa yaabay oo yidhi oo maxay dadkan oo dhimi been kaaga sheegayaan oo aan ka galabsatay? Kaamaradii baa la soo saaray oo la daawaday mise maxaa ceeb ah! Maxaa fadeexad ah! Maxaa xaqdara ah! Maxaa markhaati beenaala ah! Haddii uu booliskii oo wejigu casaaday xanaaq awgii dhinacyada fiiriyayba mise rag iyo dumarkii mudaciga ahaa meesha cidiba kama joogto!  

Markale ayuu Booliskii amakaagay oo uu garan waayey dhibtu meesha ay ka socoto iyo waxa gabadhu galabsatay. Waxaa isagoo maqiiqan jahwareerkii ku soo dhexdhacay Wiilwaal. Af labadii buu yeedhay waan ogaa in waxan iyo wax ka xumi nagu dhacayaan Boolisow! Waanu harsanweynay oo hoyan weynay! Gabadhan iyo aniga xiriir baa naga dhexeeya, meeshaan marnaba waa qayladhaan, afxumo iyo shimbira waaqlayn: Waa ninkii urayey, waa naagtii Midgaanta hayd, Alla ku doori ma naaguu waayey, Naagta layma tusi karo! Dhiig baa iiga soo uraya oo dadkayagii baa Gedo lagu laayey! Aabaheed wastada haddanan dilin ama aanan xabsi ku hubsan iyada iyo nacaska sixran ee daba hashle! Yaa yidhi ninku waa nasab! Waawareey ma hadaa la yidhi Midgaan cafis weydiiso oo magan gal!

Magac been uma baxee Wiilwaal waa uun Wiilwaal! Waa wiil da’ yar oo aftahan ah, geesi ah oo aan gabanayan! Weligey ma arag nin sidaasoo kale ugu babacdhigay qawmiyad dhan oo isasoo biirsatay! Waa la dhibay, la garaacay, la sigay, la masabiday, loo diyaariyey xabsi iyo in uu doonayey in uu wax kufsado! Haddana tii Eebe Weyne kartidiisa iyo go’aankiisa adag iyo Xaakimkii iyo Booliskii oo yaaban garana waayey waxa Midgaan la yiraahdo iyo waxa labadan ruux ee israba loo daba joogo ayuun buu ku baxsaday! 

Maxkamado badan iyo isdabayaac ay soo galeen qaybo ka mid ah Jaaliyadaha fara badan ee sheegta inay u adeegaan Ummada Soomaaliyeed ayaa waxay maxkamadii u danbeysay ee lagu kala baxayey dhacasaa Jimcaha fooda inagu soo haya. Waa inoo jimcaha Eebe Idinkii iyo warkii oo daaha laga rogo!  

JIMCO JINKAA LA DHEEL LEE MAAHOO!

C/raxman EELAAY  eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 6, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD