WARKII MOI MEESHA KAMA MARA!!!!
W/Q:Mursal
Max,ed Max,ud(Garaad)
Email:
stethy1@yahoo.com
Laba iyo
tiro kabadan oo wadamo jaal ihi, nolosha ayeey kaga qayb-noqotaa,
baratanka siyaasadeed midka dhaqan-dhaqaale iyo Kan diinaydba.
Midwalba oo ka mid ah Dowladahaasina waxa’uu isku dayaa in uu
gacanta sare lahaado oo uu wiiqo awooda Kan kale, si uu ugu soo baxo
lagama dabahadlaan. Xafiltanka nuucaas ihi waxa’uugaaraa mararka
qaarkood heer aad u qadhaadh, oo gamcaha laysula tago, halkaasna ay
ku halaagsamaan dad iyo duunyo aad u fara badan.
Somalia waxay
ka mid tahay wadamadda ay dhibaatadu kahaysato Dowladaha lajaarka
ah, dhibaatadaan oo soo jirayn ahayd waxay aad u sii xoogaysatay
markii gumaystuhu uu Ardiga soomaaliyeed kala goo-gooyey sanadkii
1884kii,waxay galabba meel soo hoyataba waxay soo gaadhay heerka ay
manta taagantahay oo ah in loo tixgelsho Dalka ugu liita Mandiqadda
ay nu ku noolnahay ee geeska Africa. Arintaan ayaa waxaa si wayn u
saaciday dagaaladii sokeeye iyo bur-burka qaangaadhka ah ee ku
habsaday Umadda soomaaliyeed, taas oo dhaxalsiisay in cadawgu si
fudud u kala barto, islamarkaasna sifudud ay wixii ay doonaan uga
fushadaan Dowlado ay hoos u eegi jireen.
Sikastaba
ha ahaatee, inkasta oo khilaafaad dhexdooda ihi jiro hadana Umadda
soomaaliyed Kama aanay quusanin in ay raadsadaan xuquuqda ka maqan
iyo weliba kaalintooda marka laga hadlayo Gobolka ay ku noolyihiin,
haseyeeshee waxa’ay la eeganayn waqti munaasib ah oo ku haboon, xoog
iyo xeel kii ladoonana ay ku raadsan karaan waxa ka maqan.
Arintaan
ayaa waxay shaki wayn ku beedhay dhagarqabayaasha la jaalka ah
Somalia, waxayna hoos isugu sheegayn in sida iminka Somalia ay ku
sugantahay maslaxadoodu ku jirto, oo hadii ay madaxa la soo kacaan
ay halis gelin karaan xasiloonidooda, inkastooAduunyadda ay u
sheegayeen inay ka shaqaynayaan nabad ka islaaxda geyiga somaaliyed
oo shirar farabadan u qabanayeen soomaalida, bareena magaalooyin
aanay horay qaarkood u garanayn sida Sodare, Hawasse, Eldoret,
Nakuro, Dofarey (imbagthi) iyo kuwo kale.Hadana kama qarsoonayn
dadka soomaaliyeed intooda waxgaranaya ee Ahlu-caqliga ah
jalaafooyinka ay hoosta ka malegayeen,iyagoo adeegsanaya
Damiirlaawayaal soomaalinimadoodu hajoogtee,islaamnimadooda ay
su’aali kataagantahay,balse xiran shaatiga soomaaliyeed una
dheganugul fariimaha cadawga.
Sikastaba ha
ahaatee arinka layaabka lihi waxa weeye markasta oo Soomaalidu ku
dhawaato guul sida fudud ee ay wax u kala firdhadaan,oo ay ugu
baahato waqti iyo juhdi kale si dib laysugu yab-yabo…Halayaabin qolo
ayaa sidaas waajibaadkooda qaran ku gudanayee,ilayn waa sidii aad
samayn lahayd hadii aad jaanis ku hesho cadawgaaga oo kala daadsan.
Xusuustaada
dib uceli: Madareentay yididiilo nabadeed, oo naftu makuu sawirtay
adoo kaligaa gaarigaaga wata oo dhexmushaaxaya wadooyinka ugu
khatarsan Somalia, goor xilidanbe habeenkiiya, aanayna jirin cid kuu
dakanaynaysa aano qabiil iyo wiil wadada ka qowlaysanaya..Markii ay
dhegahaga ku soo dhacaday sida fudud ee qab-qablayaasha dagaalku ay
qalinka ugu duugayn heshiiskii collaad joojinta ee Octobartii kal
hore..Mise layabtay khadii heshiiska oo sii qoyan sida collaado ay
uga qarxeen meelo bdan oo dalka ka mid ah sida Muqdisho, Puntland,
Baydhabo Godo iyo meelo kale. Kasoo gudub markale ma dareentay
udgoonka saxan-saxo Dowladeed markii ay ku soogaadhay heshiiskii 29
janaayo, ee ka dhacay Aqalka madaxtooyadda Kenya kaaso oo loogu
gudbayey wejiga sedexaad ee dib u heshiisiinta soomaalida,iyadoo uu
goobjoog ka ahaa madaxweyne Mui Kibaki..Mise kula noqotay filan waa
iyo amakaag aad garanwayso halka ay sartu ka qurunsatahay kolkii aad
maqashay saacado yar ka dib in Ragii heshiiska sixiixay ay qaarkood
si cad uga horyimaadayn wixii ay gamcahooda ku sixiixayn,iyagoo ku
cawday in lagu qiyaamay heshiiska,oo wax laysdaba mariyey
islamarkaasna aan diidmo uun ku ekaysanine isaga baxay hanaankii
geedi socodka nabadda,iyagoo dhisay Ururo cusub oo horleh sheegayna
in ay wejiga sedexaad ee shirka ay ku dhamaystirayaan gudaha
Dalka!!.Adigoo dhafoorada lahaysta marxaladihii hore oo xalkoodiina
ku jahawareersan maku soo baraarugtay in dhamaan intii waxdiidanayd
ay si hal-haleel ah ugu laabmayn madasha shirka,iayadoo habayaraatee
aan waxba laga qaban wixii ay ku an dacoonayeen,balse ay maqlayn in
wadamadda gobalku ay mowqif mid ah ka qaateen arinta Somalia!?..Dhacdooyinkaas
waxaa kasii danbeeyey kuwo kale oo afka uun dhaafi waayey sida 31
july Somalia dowlada ayeey yeelanaysaa.I.W.M.
Dhamaan
isbed-bedelkaas, horay u socola’aanta iyojalfiska laysu dhigayo
marka aad ku eegto maskax degan waxaa kuu soo baxaya in Raga marna
diidaya marna ogolaanaya aanay ku shaqynayn go’aan iyaga ka soo
fulay, balse loo joogo daaha gadaashiisa,oo loo yeeriyo
howlmaalmeeka maalmaha soo socda ay qaban lahaayeen.kuwa waxa
yeerinayana waa kuwa aan doonayn in Somalia ay weligayd wax noqoto.
Madaxwaynihii
hore ee Kenya, ee xisbigiisa KANU uu fidiyey gogosha nabadda
soomaalida,haatana uu kala wareegay xisbiga taladda haya ee NARC. Mr
Moi ayaa hadal u ekaa falaar aad filaysay naxdin maleh,afka labadii
la yeeriyey, xili uu khudbad ka jeedinayey Jaamicada American
Defense University ee magaaladda Washitong in wadamadda lajaarka ah
Somalia aanay raali ka ahayn Somalia oo markale cagaheeda isku
taagta,isagoo ku sii daray in ay soo noolayn karaan riyadoodii ahayd
Somali-wayn,islamarkaasna ay sheegan karaan N.F.D iyo Zoon-ka
5-aad.xaqbaa feero ka dilaacay, intii rajo yari ku jirtay ayaa sii
quusatay.
Ogoow
hadalka Moi waxuu ku soo aaday xili wadamadda uu tilmaamay ee loo
baxashay safka hore (front-line states) ay majaraha u hayaan geedi
socodka nabadda Somalida. .Taasi sow kuma soo xusuusinayso murtidii
caanbaxday ee ahayd. ‘BAADIDA NIMAA KULA DAYDAYI DAALNA KAABADANE,
OON DOONAYN INAAD HESHO DAA’IN IBIDKAAYE”.
Isku soo duuboo madoonayo in aan saadaal xun ka bixiyo, shirka
soomalida uga socda Kenya oo ah isha kaliya ee ay wada eeganayaan,
hase yeeshee runta in la sheego marbay wax saxdaaye aan xisaabta ku
darsano in hadiiba ay wax kasoo baxan shirkaasi aanay noqondoonin
kuwa soobaxaahi, kuwo looga fadhiyo in ay ka soo dhalalaan
mas’uuliyadda laga sugayo oo ay ugu horayso samatabixinta dadkan
dhibaataysan mudada dheer, laakiin taas bedelkeeda waxay u
dhowdayhay in ay nqodaan caamiliin u adeega,hirgelshana rabitaanka
iyo afkarta Caddawga iyo gumaystaha.sidaas darted waa lama huraan in
aan sitaxadar leh u soo dhawayno wax walba oo halkaas ka soo baxa.
Wabilaahi
towfiiq
W/Q: Mursal
Mohamed Mohamud (Garaad)
Email:
stethy1@yahoo.com