Wadamada Igad inuu Col/laahi yuusuf ku
dhaho wax qaybta harti anigaa sad qaybinaya waxay la mid tahay waraabihii
habar dugaag ku yiri ‘’aamin’’ha la iigu wanqalo….
Marka laga waramo taariikhda dhabta ah ee
soomaalida waxaa hubaal in wax laga qori karo ama laga sheekayn karo ilaa
mudada lagaranayo oo mid wax soo jireen ah ay dhici jireen soomaaliya ay soo
martay marxalado kala duwan oo leh wajiyo adag iyo kuwa sahlanba,aan dib
ulaabto oo qalinka dib ugu xariiqo wadaadkii halgamagaa ahaa ee sayid
Mohamed c/lle xassan markuu aasaasaay darwiish wuxuu galay halgan dhab ah oo
uu kala soo horjeestay gumaysigii markaas dalka kusoo duulay,sayidkuna
daacad ayuu ka ahaa howlgalkiisii ladagaalanka gumaysigii cadaanka ahaa ee
qaarada ku soo duulay waxoogaa hadii halyeeygii iyo ciidamadiisii darwiish
ay jilabka ay udhigeen xarbiga dagaalka oo gacansaraysa la yimaadeen ayaa
waxaa gumaysigu adeegsaday xeelado awood badan iyo khayaano looga horkeenayo
dadkii soomaaliyeed iyadoo gumaystihii uruurshay waxa uu ugu yeeray rug
cadaa soomaaliyeed kuwaas oo biday halgankii sayidku u ololeeyay inuu
fashilmo sanadkii 1921..
waxaana ka mid ahaa ololayaashii sayidka
lagu soo qaaday inqilaabkii canjeel talawaa iyo mucaaradkii laga abuuray
goboladii waqooyi oo labadaba salka ku hayay tageero gumaysi iyo burburin
xoog baaxad iyo misaan leh oo ka hor yimid awoodii gumaystayaashii reer
yurub iyo ethoobiya,waana la ogaa khasaarihii iyo meesha xaalku ku danbeeyay
kazoo tag midaas,waxaa kale oo soomaaliya hadana ka hirgalay nidaamkii
xoriyada doonka ee unkamay dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunku oo ay
aasaaseen dhalinyaro soomaaliyeed oo samaystay shabakad xornimo udirir ama
ururkii dhalinyarada xornimo udirirkaa ee marka la soo gaabiyo afka loogu
yeeri jiray(SYL),
halaganku wuxuu u hirgalay qaab wanaagsan
wuuna taaba galay isagoo kaashaday hadafkiisii ladagaalanka gumaystaha iyo
inuu furo wadadii soomaaliya ay markii danbe ay ku heshay neecaawda
xoriyada,ma ogtihiin in soomaaliya lagu soo dagaalamay geesiyaal naftoodu
uhureen,mase la soo cotaa waqtigaas in gumaystuhu abuuray kooxo u garab ah
oo soomaaliya oo lid ama cadow uu uga dhigay geesiyaashii xornimada dhaliyay
taas waa markhaati doonto dad ururkii SYL ah ayayna suuqa ku toogan jireen
soomaalidii gumaysiga garab siinaysay(xiligaas waxay dileen dad badan oo ay
ka mid ahayd gabar la yiraahdo xaawo Mohamed cismaan’’xaawo taako’’iyo cunug
ay dhashay oo ay xanbaarsanayd)isku soo xooriyoo soomaaliya olole kasta oo
shacabkeeda dan ugu jira waxuu mid ay wiiqayeen gumaystuhu ha noqdo midka
cad ama midka madow ah,soomaaliya waxay qaadatay xoriyada,mar qur ayaa
albaab u balaqmay laakiin dadku ma garan in wali cadow jiro oo dadkii u
adeegayay gumaystaha ay wali khitmaynayaan.’’
.fad ama fad waa lagu fadsiin”yaan maqli
jiray waxaaba xaalkii isku badalay in nimankii la’aaminay ee xukunka loo
dhiibay ee madaxda noo noqday ay dharaar cad bilaabaan dhabar ka taabasho
iyo eex aan qarsoodi lahayn, war xitaa dadkii taariikhdaa joogay waxay
yiraahdeen shaqo fiican oo aan wadanka ka qabano iska daaye waxaa naloo
diiday inaan noqono kuwa dhulka xaaqda oo qashinka ka gura,midaas xitaa
waxaa la gayn jiray nimankii taariikhdaas la aaminay,wacade soomaaliyaay
taariikh baad reebtay,,
bal aan horay shukaanta usii qabtee markii
inqilaabku dhacay hogaamiyihii xisbiga talada dalka u qabtay ee
mohamedsiyaad wuu mar kacleeyay wuxuuna ku dhawaaqay in dadku siman yahay
dantu umaduna isku mid tahay ninkii taag daraa iyo tuur muruq ah lahaana wax
uu yiri kacaanka daaqa si siman iyo cadaalad dalkiina waa la dhisan soomaali
waa barwaaqoowday,
hadee ninkii wax uusan lahayn oo uusan
horay u tabcan cuni jiray baa markaasi ay murug gashay oo macluulay
gumaysigii laaluushka bixin jiray waa tagay oo gayiga cagahuu ka
qaaday,ragas iyaga ahaa jeebkoodii baa martay oo gurigoodii suugada laga
dalici jiray iyo ninkii wadaniga ahaa ee shalay qashinka inuu gayiga ka
xaaro loo diiday baa si siman la yiri madaxa kacaanka ku daaq,qabaa murugo
dhalay,oo maxaa markaa dhacay waa la shiray war heedhe waa kanoo khasnadihii
gumaystahu gacanta noo galin jiray wuu qaatay,meeshii uu nooga tagay ee uu
yiri kaligiin miida dhuuqana ina siyaad bare ayaa ku habsaday,dad aan
lagaranaynin buuna nala simay,war hadee xagee garab iyo gaashaan noo ah oo
aan irkanaa oo dib ugu soo noolayn karaa ilayn xukunka anagaa iska
lahayne,talaa faro ka haaday ilaa ay ka dhacday war ka baxooy oo amxaaro dan
la biday,
waagaas anigu caruur baanba ahaa oo waxa
dhacahaya kama war haynin oo dagaaladaas iyo dowlad xukun doonkoodaas
garaadba ma lahayn laakiin markii burburku yimid ayaan garaadsaday wixii
dhacahayayna hadee goobjoog baan ahaa dadku markay sheekeeyaana hada waa
ugaraabaa oo waayo waxaa la galay afar iyo toban sano oo dagaalo balaayo ka
dhacday ah oo xitaa aniga qoyskayaga dad baa nala duugay ,dad badan oo
soomaali ahna waaba macaluuleen inkala waaba ay fakadeen oo qurbaa la
mutay..yaase wali is gaaray oo dhibaatadii shalay dhacday manta wali ka
doogsaday,war hadee dalka dowlad ha loo sameeyo oo nabad ha loo
daayo,dadkana nolol ha loo doono waa sax oo way naga go’an tahay manta
soomaali hadaanu nahay boqolkiiba boqol dadku waa u diyaar,carta oo djabouti
ah ayaa la tagay waxbaa lagu soo dhoodhoobay,oo cabdiqaasim salad iyo
xildhibaano udbahooda iyo dhigahooda wata oo qabiil lagu soo doortay ayaa
kitaabka gacanta loo galiyay oo layiri dadkiina iyo dalkiina daacad
unoqda,waan malaynay oo sacabadaan isku garaacnay soo dhawaada jaalayaaloow,
waxaase ka dhacday dhurwaagii yiri waxaan
rabaa aamin in la ii bixiyo intuu habar dugaag isugu yeeray yiri hala ii
wanqalo,markaas ayaa habar dugaag is eegeen oo yiraahdeen war ma kaa
dhabaa,waraabihii baa yiri wale iyo bile waa iga dhab hadaad igu yeertaan
aamin inaan dib danbe cidna u khiyaanin maal dadoowna aanan cunin,waa
gadaas,habar dugaag baa dib isku eegtay war hadee ninku waa toobad keenay
ilaahbaana hanuunka bixiya ee haloogu yeero ayaa yeey oo dugaaga ka mid
ahayd tiri,dawacaa soo booday oo tiri naa yeey war ma haysid adigu
qaboobahaa noo timaadaa ninkaan aniga har iyo habay howd iyo qaraf wada
joogna waxna kuma heshiino ee xaalka u kaadi,waa la aamusay dawaco waxay
tiri ma ninkaas waraabe ah waxaanu ugu talino qaaday mise maqaadan haduu
qaato oo uu kazoo baxo balantaas aanu udhiibayno waanu ugu yeerayna magacaas
aamin ee uu dalbaday,waa koow ayay habar dugaagna tiri,hadiin kale ayay
dawaco kusoo gabogabaysay hadalka oo uusan ka soo bixi Karin hadeerba
waraabe ha na daalin,waraabe dhaar buu maray,dawacana waxay tiri hal iyo
nirig baan kuu dhiibaynaa dooxadaas jooga oo soo dibooday xalay,
waxaana kaa rabnaa inaad hayso afar iyo
labaatan saac,saaka laga bilaabo ilaa bari subax soofi oo howdkaas la jir oo
yaysan kaa baxsan bahalna kaa cunin,sideedana aan kuugu nimaadno barito,waa
balan ayuu yiri waraabe isagoo wajigiisa farxadi ka muuqato oo yiri waa xaal
sahlan waana kazoo baxayaa,waana laga aqbalay,gacantaana loo galiyay
subaxdaas hashii iyo nirigeedii,horay buuna ka gashay cayrada wuxuu hadba
barin cows leh daajiyo,marna bali xareeda uu ka cabsiiyo,gabalkii baa dhacay
hashiina iyo nirigeediina xero ayuu afka kaga xareeyay,isagana dab buu
shitay wuuna kulaalay,saqdii dhexe baa la gaaray,gayrihii baa soo
daacay,qabow iyo gamadano ayaa qabtay,mar qura ayaa calooshiisii maratay,oo
gaajo ayuu dareemay,hadee waraabe hilib aan lahayn bartayna isma celiyee
wuxuu hoos iska yiri waa bariigiina ma dhawa gaajana waa ku haysaa oo uma
adkaysan kartid maxaa talo ah,mar qura ayuu fikiray waxaan oo dhan dawacaa
keentay waana khiyaanadeedii ee adiguna khiyaanada la ciyaar oo hashii buu
naasaha ka nuugay markuu caanihii ka dhamaystana wuu goostay
dhaystii,dhiigbaa fow yiri,waraabuhu wuxuu is lahaa hasha candhadeeda la
arki mayo,waagii baa baryay,
habar dugaag madashii loo wanqali lahaa
waraabe oo aamin loogu bixin lahaa ayay timid,war baa la kala qaatay
waraabana hashii oo socon la’a oo dhiig baxday ayuu keenay waa la is
fiirshay dawacaa ku dhawaaqday walle waa uu keenay waraabana waa soo
hanuunay,dbagaalaase balo dhigay oo hashii hoosteeda ka dusay oo dhawaaqay
uma ceeb qarine,markaas ayaa si fiican loo wada eegay oo la yiri
waraabe’’hashu maxaa laga nuugaa niriguse muxuu ka nuugaa,halkaas baa
waraabe loogu diiday in aamin loo bixiyo,,talada soomaali manta waa midaas
oo kale carta ha noqoto ama raga maghti Kenya tagay ha noqotee soo hadana
qabiil wax looma qaybsan maba xumee qabiilkuye markii la qaybsaday manta
xubnihii ugu badnaa ayaa la dhaariyay,qoladayada c/laahi yuusuf uu ka
dhashay ayaa hor is taagnay oo niri wallee wax makala soconayaan oo maxay
taasi u dhacday, shalay xukunkayagii siyaad bare ayaa boobay ayuu c/laahi
yuusuf yiri,oo anigaa jamhadii ugu horeeysay aasaasay,mucaaradkii ugu
horeeyay noqday ayuu yiri,muxuuse ka dheefay mingistihii uu doorbiday ayaa
xabsiga dhigaye,u badaa in amxaaro isaga hiil iyo hooba siisay,dalkii waa
burburay kooxo kale ayuu samaystay markale ayuu melasanaawi yiri khaadun
baan kuu noqonayaa,waa sugnay hadee puntland waxii ka dhacay waa la ogaa oo
tii siyaad ka daran baa ka dhacday oo manta waa la baqaa oo ragii magaca ku
lahaa ayaa la yiri waa argagixiso oo wiilashoodiina amxaaro ayay ka baqayaan
in gacanta loo gasho,
siyaasiin can ah oo ay ku jiraan Mohamed
abshir walde ,dr.xassan cali mire ayaan goob joog ahaa sanadii sagaashan iyo
labadii gaalkacyo garoonkeeda ka soo dagay ayagoo wada labo iyo toban
hay’adood oo ukuwa deeqda bixiyaa oo yiri gaalkacyaan xarun ka dhiganaynaa
waqooyi bari ama puntland manta ayaanu halkaas ka quudinaynaa ,ayaa laga hor
is taagay wax qabadkii oo wiilal uu c/laahi adeer u yahay ayaa dhuumo suug
ah iyo shilkayaal la hor istaagay aqoanyahanadii iyo hay’adihiina dib baa
loogu celiyay diyaaradoodii iyagoo loo hanjabay shaarkiinii laga
wasakheeyay,waan dhowray hada shirkii carta waa uu fashiliyay kan manta ka
socda maghati kenyana wax qaybtii isagaa qabiilada in cad hoose hesho ka
masuul ah,walina waxuu la soo taagan yahay aniga baa wax kasta qaybinaya
walee inaadan calfan waa lagu yaqaanaa soomaaliyana manta ma jirto nin
xukunkaaga doonaya waxaana la dooranayaa xitaa hadii siyaad bare godka
aakhiro ka yimaado isagaa dadku jecel yihiin oo ay dooranahayaan reer
puntlandna khasab iyo cadaadis baad ku haysataa ee waxaa tahay waraabihii
yiri ha la ii bixiyo aamin waa midaas midaad maantana igad uleedahay wax
qaybta harti anigaa qaybinaya iyadoo dadkii qabiil wax loo qaybsaday..
Waxaa qoray mahad sugaal.
xeebtacas@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 27, 2004
Qaabkii Dhaarinta ee Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka
Kenya...
Guji
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|