SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Xildhibaanada soomaaliyeedow shacabku wuxuu guran doonaa waxaad u abuurtaan .

Waxaa wax lagu farxo ah in raggi talada dalka isku haystay badankooda maanta meel la iskugu keenay hadana waxaa wax laga naxo ah in ay heshiisiintooda iyo quudintooda ay qaadatay labo sano wax ku dhow, si kastaba ha ahaatee hadii aan nahay soomaali sharaf dhac iyo qoomamayn waan ka xuub siibanaye waxaan manta jecleaan lahaa inaad bal hal mid xasuusiyo raga cusub ee loo doortay xildhibaanada.

Lama yaabani aqristow hadii ay kugu soo dhacdo xildhibaanada uu qoruhu ka hadlaayo sow maahan kuwii burburiyay dalka xasuuqay dadka, marka hadii aad isdhahdo ma iyagii ayuu leeyahay caadooyinkaagii iska daa mise wuxuuse arag liiska xildhibaanada cusub, ma gacan ku dhiiglayaashii ayuu sharci uraadinaa, maya aqristow sidaas ma ahan maadaama gacan ku dhiiglayaashu nolol ka raadiyeen fursada xildhibaanimada waxaan ka dhigaynaa sidii ninkii dhagaxa ku tuuray geedkii timirta ee uu gaari waayay markii uu dhagaxii ku tuurayna usoo daadiyay mirihii timirta ninkaasi wuxuu adeegsaday dhagax inuu ku dhaawaco geed balse geedkii mirihii ayuu usoo daadiyay marka waxaan rajeynayaa inay noqdaan kuwa waxa xun ee ay socdaan shacabka u noqoto wanaag nolol cusub oo wanaagsan u keenta.

Waan ogsoonahay in badan oo ka mid noqon doonto xildhibaanada in ay garanayaan xilka loo dhiibay balse mushkilada soomaaliya ayaa maalmahaan waxaa kusoo badatay in in qofka xilka loo dhiibayo loo fiiriyo ma difaaci karaa qabiilka iyo qabiilka wax ma usoo dhicin karaa balse aan loo fiirin ma ku haboon yahay masuuliyadaan loo dhiibay, marka waxaan jeclaystay bal inaan wax yar usheego xildhibaanada dooran doono madaxda dalka.

Erayga xildhibaan waa eray ka kooban xil iyo dhib oo ka turjumayso in qofka noqonayo xildhibaanka u uyahay qof xilka loo dhibayo gubayo oo masuuliyada wayn ee la saaray ay dhibayso, waxaa iswaydiin leh xildhibaanada soomaaliyeed ma waxaa laga heli doonaa koox dhahdo yaa ku haboon Jagada ugu sareyso ee dalka mise waxay wada noqon doonaa koox wada dhahdo yaa qabiil iyo lacag iskugu kay dara.

Mud xildhibaan ma ogtahay inaad tahay milkiilihii beerta ay sugaysay soomaali oo waxa aad manta u abuurto adiga iyo iyagaba ay wada guran doonaan ma ogtahay inaad tahay nin dalkiisii burburay ilaa heer ninka ku heshiisiinaa uu diiday baasaboorkaagi ma ogtahay inaad waysay wax walba oo lagu qiimeyo qaran kasta oo jiro ma ogtahay xildhibaan waxyaaba soo socdo inay dalkaaga ka jiraan:

Ma ogtahay in shacabka soomaaliyeed eek u noolaa xoolaha iyo beeraha labadiiba ay burbureen, xoolihii waxaan dhoofinaa dhediga si aan iskaga xirno suuqii aan u iibgayn jirnay si na loo ka kaaftoomo beerihii waxaan u xilsaaranay WFP si marka ay soo go’ayaan dallaga beeraha ay u qiimo jabiso uguna dhaco niyad jeb beeralayda soomaaliyeed ganacsigii wuxuu gacanta ugalay dhiig miirato jeebabkooda ay buuxin karto oo kaliya carada iyo lafaha laga soo guri doono qabuuraha dadka ay ganacsigooda ku baabi’iyeen hogaankii waxaan u dhiibanay qabqablayaal hadafkoodu yahay adiga jidkoodu yahay lafahda dadweynaha maskaxdoodu ku fekerto mucaarad qabiil noqo balse aysan ku fekerin noqo mucaarid wadaniyad, dalkii waxaa ka dilaacay kacdoon maxaad umalaynaysaa kacdoonkaas waa in qof walbaa uu ku fekeraa wax hel wax dil wax dhac taasna waa mirihii aan abuurnay, sabab bal iswaydii meeqa hogaamiya ama mujrim ayay qabiilkiisi garab istaageen markii uu xasuuq sameeyay markii hanti dadweynaha dhacay markii uu intas garab ku helay sharfid iyo adeecid loogu sii daray maxay dhalisay in qof walbaa ku fekero arintaas oo kale si waxa hebel halay uu isna u helo waayo hadii waxa ay wax xun yihiin sow hebel lagama hor istaageen sow qabiilku kama dhiidhiyeen ficilkiisa marka waxay u muuqataa in dalka ay ka soo bixi doonaa kumanaan qabqablayaal oo aan la hor istaagi karin oo dhiiga iyo dheecaanka umada ku qabaysato.

Mud xildhibaan waxaa maskaxdaada hor keentaa dhalinta soomaaliyeed ee kusoo kortay dagaalada ee aan helin daryeel caafimaad waxbarasho iyada iska daa nolol caadi aan wali arkin markii ay waayaan wax umaciino hadii ay qoriga maciin bidaan mayaysan sax noqonayn ninka caqligiisa noqday qoriga in dadkiisa loo adeegsado oo maskaxdiisa iyo xoogiisa uu ku burburiyo dalkiisa miyaysan imaanayn, mud xildhibaan qoyska noloshii uu raadsan jiray laga hor istaagay oo ganacsato damiirka ka dhimatay cadaadisay sharci ka celinaayo uusan jirin miyuusan ku fekerayn inuu xaq daro wax ku raadiyo.

Mud xildhibaan ma ogtahay in dalkaaga lagu abuuro daroogada oo dhul beeraadkii nolosha laga keni jiray oo badalay beero daroogo mise taqaan waxa ku xiga hadii la abuuray daroogadii, intaa waxaa dheer ma la socotaa in dhulkeena lagu beeray sunta ka soo harta warshadaha mise ogtahay waxyeeladeeda mise waxaad is tiri waa la sheegaa waxay dhibtayna ma arko dhibkeeda hada wuu bilowday balse raadkiisa dhabtaa wuu soo socdaa.

Mud xildhibaan wax badan waad ogtahay intaas waa iga xasuusin kaliya, manta waxaad dhisaysaa waa jiritaankii dalkaaga waxaad soo celinaysaa waa sharaftii ummada waxa ku horyaalo waa labo

1) Inaad dalkaaga uga hiiliso cadowga magaca kula sita ee ku soo barbaaray canshuurta masaakinta uguna abaal guday xasuuuqa burburinta iyo iibinta kheyraadkooda iyo in uusan usii banaysan intaan in ka badan iyo inaad ka badbaadiso halaaga uu la damacsan yahay camiilka(dabadhilifka) shisheeyuhu usoo meerinaayo burburinta dalkiisa.

2) Inaad kusii biirto oo aad baal madow ka gasho liiska mujrimiintii u istaagtay quusinta iyo ciribtirka rajoyinkii umada daashay kuguna habsato habaarka iyo inkaarta masaakiinta baaba’day ee dulman dabcan qofka muslimkaana waa inuu ogaadaa in allaah uu aqbalayo ducada qofka dulman.

Ugu dambeyntii ogow waxaad qaaday masuuliyad lagu waydiin doono maalinta allaah uu kulmin doono dadka oo dhan laguma waydiin doono maxaad qabiilkaaga u tartay balse waxaa lagu waydiin maxaad ubadbaadin waysay ummadaada.

Qore: Maxamed Axmed Siyaad

siyaad90@hotmail.com

Sanca Yemen

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 27, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD