SOOMAALIDA AUSTRALIA IYO
DAAFAHA DUNIDA
Soomali badan ayaa dibada u soo qaxday in badan oo kamid ah
waxa ay hoy kadhigteen wadamada waqooyiga Ameerika (north
America), iyo Europe( Yurub) ayada oo ladhi karo Soomaalida
dibada u soo habqantay waxay ubadan yihiin labadaas
qaaradood. laakiin markaad fiirisid daafaha kale ee dunida ayana waxaa
jiro Soomali kunool gaar ahaan Wadanka Australia, iyo
wadanka NewZealand. Laakiin xaalada iyo arimaha soomaalida
kunool labadaas wadan waxaad moodaa inay dhinacyo badan uga
duwantahay gaar ahaan Soomaalida kunool dibada gaar ahaan
Yurub iyo Ameerika.
Inbadan oo Soomaali ah ayaa
maalinba maalinta kadanbeeysa kasoo tagayo wadankoodii hooyo ayaga
oo leh raadsada noolal kawanaagsan mida aad kujirtaan taasoo ay
baahidu ukeenayso inay sameeyaan waxwalba oo u suurta
galinayo inuu gaadho meesha uu hiigsanayay. "Tusaale u soo
qaado wadada u dhexaysa Liibiya iyo Itaaliya" [tilmaan
waxaa kuugu filan Soomaalida katagayso liibiya ee u socoto
talyaaniga], laakiin siday talyaaniga kugaadhaan.? marka ay
noqoto wadankan Australia ama imaanshihiisa waa arin aad u
adag oo runtii lagala kulmo dhibaato
1- LABA WADDO. "Two
way"
A- Waxaa lagu yimaadaa wadanka
Ausralia labawado mida koobaad inay qaraabo kuu joogta
wadanka oo ayaga ay masuul kaanoqdaan sidaasna aad ku imaato.
B- Inaad soomartid wadada
dheer oo looyaqaan qaxootimo oo ay hayada qaxootida ay
masuul kaanoqoto oo aad saas kutimaatid. labadaas wado ayaa
badanaa wadanka lagu yimaadaa Soomalida joogtana ay
kuyimaadeen badankood. Majiraa wada sedexaad? taa soo
aan ugala jeedo si kale oo lagu soo gali karo majiraa,
jawaabtu waa maya inbadan oo magangalyo raadis ah ayaa
kuyimd wadanaka Australia ayaga oo ka soo galay kuna soo
galay si sharci daro ah xaga bada soona maray wadamada
dariska la ah.
Australia waxa ay go aan adag
ka qaadatay in aynan u aqoon sanayn inuu yahay qof qaxooti
ah qofka si sharci dara ku soo gala wadankeeda taas oo
dharbaaxo kunoqotay dad badan oo u badnaa wadamada Iran,
Iraq, Afghanistan, Turks, iyo wadamo kale in ay waayeen
xuquuqdii qaxootinimo markii ay wadanka kuyimaadeen si
sharci dara ah. Doowlada Australia waxa ay cadeeysay oo ay
tidhi" Qofkii doonayo magan galyo ha soo maro albaabka saxda
ah laakiin qaxootimo ayaan doonayaa albaabka danbana waan
kasoo galayaa mid aan aqbalanayo ma aha". waa sida ay
udhigneeyd warbixin ay bixisay hayada socdaalka wadanka
Australia.
2-SOOMAALIDA KUNOOL
AUSTRALIA.
Marka laga hadlayo soomalida
kunool wadanka Australia waxaad moodaa in ay taariikhdoodu
ku biya shubanayso dad wadanka yimid kabacdi markii
dagaalkii sokeeya dhacay Soomaaliya. Laakiin waxaa jira
Soomali wadankan Australia kunooleed intii ay jirtay
daladii Soomaaliyeed ama doowladii soomaaliyeed dadkaas oo
wadanka kuyid ardaynimo iyo siyaabo kale taariikhdu markay
ahaayeen dabayaaqadii 1980-maadkii. Laakiin Tirada
soomaalida iyo jiritaankooda waxa ay muuqatay ama soo baxday
kabacdi dagaalkii sokeeya. Soomali badan ayaa wadanka
Australia kunool in kasta oo tira koob rasmi ah uuna jirin
laakiin waa tiro dadku ay is dhaafsadaan ama aad kamaqlayso
marka ay sheekaysanayaan "Ilaa Toban kun" Soomaida wadanka
Australia kunool waxa ay dagaan ahaan ubadan yihiin gobalka
layidhaahdo (VICTORIA) Magaalada (MELBOURNE), sidoo kale
waxay ubadan yihiin oo ay kunool yihiin gobalka la yidhaahdo
(NEW SOUTH WALES) magaalada (SYDNEY). Iyo xaga galbeedka
Gobalka layidhaaddo (WESTERN AUSTRALIA) Magaalada (PERTH).
3- MAXAY QABTAAN BADANKOODU?
WAASE SIDEE INTA KALE?
Soomalida kunool wadanka
Australia marka ay noqoto xaga shaqada waxaa ay kamuuqdaan
goobaha laga ijaarto tagaasida taasoo aan ula jeedo ragga
waxa ay ubadan yihiin dad wado ama raacdeeyo shaqadiisuna ay
yahay TAXI-WADE (TAXI DRIVER), wadida taksiga oo ah shaqo
rasmi u ah soomalida ayaga oo mudo dheerba kushaqeeynayay
ilaa ay hada ugudbeen in ay isu badalaan dad yeesha tagaasi
oo ay xaaladu marayso hadii aad shaqo rabto ama in aad wado
(TAXI) meeshii aad ka aadi lahayd qof ajnabi ah oo aad
gaadhigiisa ka ijraaran lahayd aad heli kartid qof soomaali
ah oo gaadhi leh oo aad ka ijaaran kartid luqadaadana kugula
hadloyo oo aad si wanaagsan ula tacaamuli kartiin.
Dhinaca kale tiro aan badnayn
ayaa uleexatay xaga waxbarashada oo namberkiisu aad u
heeseeyo taas oo marka la iswaydiiyay ay noqotay jawaabtu
qofka waqti uu wax kubarto mahelayo haduu taxsi fuulo iyo
dhinaca kale qof kuleh " Aniga ayaa reerkaanagii u soobaxay
marka xaga waxbarasho niyad u mahayo ilaa mar kale" si walba
ha ahaatee soomaalida kunool wadankan Australia waxaay
lawadaagaan wadama dibada cabsi soo waajahday waalidiinta
iyo inta wax dhashay ayaga oo aad marwalba kadareemaysid in
ay u cabsanayaan ubadkooda iyo meesha ay joogaan oo kuleh "Ilmihii
in ay iga halaabaan ayaan ka cabsanayaa" taa soo ay
dhacday in lahelo ubad badan oo duurka galay kabacdi markii
lawaayay xidhiidh adag oo kadhaxeeya qoyska [familka] ama
tarbiyadii ilmaha.
4-WAA TEE CAASIMADA WADANKA
AUSTRALIA?
Su'aashaan oo jawaabteeda ula jeedo in badan oo soomaali ah
ayaa marka ay maqlaan Australia waxaa maskaxdooda ku
soodhacayso in caasimada wadankaas ay tahay (SYDNEY) laakiin
jawaabtu ayna saas ahayn ee sidni waa magaalada magaalo ama
xaga dadbadnaan ugu dadbadan ee caasimada wadanka waa
magaalo layidhaahdo KANBERA (Canberra)
oo ah magaalo yar. Soomalida wadanka dagan waa jiraa
inbadan oo dhaqankoodii iyo diinkoodii kudhagan laakiin tiro
aan aad ubadnayn ayaa ay hawadu qaaday.
5- JAALIYADDA SOOMAALIDA [SOMALIAN
COMMUNITY].
Waxa ay soomaalia kunool
wadankan Australia ay leeyihiin, sida soomalida kale ee
dibada, ururo kuwaas oo isku magacaabay in ay u adeegaan
dadkooda baahida jirtana daboolaan laakiin waxay noqdeen
geed qaba yaro ah ee lagu dhuftay ul caanihiisuna qofkii ay
gaadheena indha beel uu noqday. Mid walba asaga ayaa
goonidiisa u taagan inuu yahay dalada ama meesha kaliye ee
lagala soo xadhiidhayo arimaha soomaalida, in kastoo rajo
wanaagsan ay muuqato hada lana rajaynayo in ay midoobaan, oo
bahween noqdaan camuunitiyada kajira wadanka.
6- RAJADA IYO MUSTAQBALKA.
Inbadan oo Soomaali ah oo
kunool wadanka ayaa raja kunool ah ayaga oo maalin walba
rajeeynayo in ay arkaan doowlada Soomaliyeed oo kadhalata
wadankoodii taas oo u xaqiijisa waxa ay waligood
kuriyaaqayeen, meesha ay hada kunool yihiina ay tahay meel
kumeel gaadh ah dadka fikradaas aamisan waa dada waa wayn.
Laakiin in badan ayaa waxbana kala socon waxa kadhacayo
wadankoodii hooyo ayaga oo aad moodid in ay noolashooda
kusalaynayaan sidii ay ugu noolaan lahaayeen halkan
noloshooda oo dhan, taasoo qaarkood ay dantu usuurta galisay
inay gataan guryo qaarkoodna bilaabeen inay ganacsadaan.
Dhinac walba ka eeg waxaa
meesha ku jira in wadankaaga hooyo lagama maar maan yahay,
noolasha aad ku haysatid wadankaaga hooyo in ayna lamid
ahayn mida aad kuheshay wadan kale. waxaa ama aan isugu
jirno mid yimid hada ama mid marhore yimid ama mid imaan
doona inwadankeenii soomaliya, caradeenii soomaaliya, ay
laga maarmaan ahayn.
Qore:
Mohamed Wali(xiish)
Melbourne. Australia