SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 BALLANTII AJIGA IYO IBLAYSKA!!

Wuu booday oo cirkaasuu soo taabtay, waa wax aanan garanayne mar keliyuu mashriq iyo maqriba isu maray. Aad isagoo u xanaaqsan buu yidhi: “ Waayo hore ayaa noogu danbeysay maqalka Alfabeetada Soomaaliga oo aanu ka seexan weynaye yaa wada Ololaha Far Barashada ee soo cusboonaaday?” Si wanaagsan buu u dhegeystay mise dhawaaqu farbarasho maaha ee waa taah, caloolyow iyo Alla Bari uu saqda dhexe gacmaha kor u taagayo Xaaji Mohamed. qofkii baa isagoo socda u yimid Xaajiga si uu u ogaado dhibka haya. 

Qofkii: Salaam Yaa Xaaji? 

Xaaji: Wacaleikum Salaam! 

Qofkii: Xaaji maxaa ku haya ee aad la soo jeedaa? 

Xaaji: Horta adigu kumaad ahayd? Adigaabaa Xilli xun socdee? 

Qofkii: Xaajiyow waxaan ka mid ahay ummad idinka qarsoon oo aydan arkin! Waxaan ahay walaalkaa oo Muslim ah, magacayguna waa C/Llaahi. Waxaan xasuustay waagii dawladii hore ay waddanka ku waday farbarashada ee meel walba lagaga dhawaaqayey: AA, EE, II, OO, UU. Waxaanu nahay xoolo dhaqato sidiinoo kale, markaa argagax iyo anfariir baanu ka qaadnay oo waxaanu u malaynay in cudur xumi wadankii soo galay oo ay ummaddu wada taahayso! Naxdintii waagii baa qalbigayga aan weli ka go’in, laakiin waagii ka dib ma maqal caawa ka horow ee maxaad la taahaysaa! 

Xaaji: Waxaan kuu gartay inaadan 5 faroodle ahayn laakiin aad Muslim tahay! Soo dhowoow, magacayguna waa Xaaji Mohamed. Jiniyow adigaaba shan faroodlaha dhaama haddii aadba i weydiisay dhibta i haysa. Jiniyow waxaan ka dhashay qowmiyad la dhibo oo la yaso oo magacyow badan loogu yeedho. Waxaan galabsanayna garan mayno!  

C/llahi: Walaale waa runtaa oo Jini waan ahay, laakiin magacayga iigu yeedh! Midda kale adigu sow Xaaji ma tihid oo Xajkii maadan tegin? Sow Ummadan aad ka dhalatay Islaam maaha? 

Xaaji: Haah Boqolkiiba boqol! 

C/llaahi: Wixii aan farbarashada moodayey ma cabasho Eebay ahayd? 

Xaaji: Haa Walaale! 

C/llaahi: Wallee dulmanaha Eebe ducadiisa sooma celiyo! Wallee Eebe ducada saqda dhexe waa aqbalaa, marka inta kale ay khuurinayso! Haye, bal Xaajiyow warka isii! maxaa laydinku sameeyaa? maxaa dhib ah oo laydiin geystaa? 

Xaaji: Walaale ma doonayo anigoo da’dan ah in aan ilmeeyo! Waxaanse kuu sheegayaa in aanu karantiil nahay oo aanu dadka kale ka takooran nahay: aflagaado, cay, quudhsi, dhac iyo boob, diyo la’aan, dhul la’aan, guur la’aan iyo wax kaloo..hiih!..hiih....! 

C/llaahi: Bismilaahi! Walle ciroole caabid ah waxa ka oohisiiyey ayaaba dhib ugu filan dadkan aad ka hadlaysid! laakiin Xaajow maxay sidaa idiinku gelayaan? 

Xaaji: Gob baanu nahay oo waanu idinka sareynaa idinkuna Gun baad tihiin Midgo’ ah oo waad naga hooseysaan, kabaha noo tola, anaga nagu abtirsada, qaadhaanka nala bixiya, dhul iyo diyana ma lihidin, Geela noo raaca, Gabdhahayagana ma geysaan! 

C/llaahi: inta uu cirkaa u booday oo dhogori ka kacday buu ku qayliyey: “Subxaanalaahiye waa sheekadii Iblays samada looga soo eryey markii uu diiday in uu Adam u sujuudo! Iblay hadalkiisii bay ahayd Anigaa Adam ka laandheereysan oo dhoobaad ka abuuratay anigana Dab holcaya ayaa layga sameeyey!. Xaajiyow Iblays ayaa bilaabay asal ku faanka, waxaana la yidhi wuxuu sameeyey isbarbardhig asalka Adam iyo Kiisa. Dhamaan dadka sanamyada iyo quraafaadka maanta caabudaana isbarbardhigaas ayay kala wadaagaan Iblayskii bilaabay. Miyeysan dadkani akhriyin Quraankooda iyo wada hadaladii dhexmaray Eebe iyo Iblays. Iblays baa amarkii Eebe diiday ka dibna waa lasoo nacladay oo la soo eryey loona sheegay in uusan Malaa’ikta ka mid ahayn. Iblays wuxuu dhaar ku maray in uu dadka Eebe rumeeya dhinacwalba uga iman doono oo uu Isbaaro u dhigan doono. Markaa waxaan filayaa in kuwani ay raaceen jidkii Iblays ayuu ku hakaday C/llahi. Waana kuwan aayadihii ka sheekeenayey dhacdadaas.

The Noble Qur'an Al-A'raf 7:11-27

11. And surely, We created you (your father Adam) and then gave you shape (the noble shape of a human being), then We told the angels, "Prostrate to Adam", and they prostrated, except Iblîs (Satan), he refused to be of those who prostrate.

12. (Allâh) said: "What prevented you (O Iblîs) that you did not prostrate, when I commanded you?" Iblîs said: "I am better than him (Adam), You created me from fire, and him You created from clay."

13. (Allâh) said: "(O Iblîs) get down from this (Paradise), it is not for you to be arrogant here. Get out, for you are of those humiliated and disgraced."

14. (Iblîs) said: "Allow me respite till the Day they are raised up (i.e. the Day of Resurrection)."

15. (Allâh) said: "You are of those allowed respite."

16. (Iblîs) said: "Because You have sent me astray, surely I will sit in wait against them (human beings) on Your Straight Path.

17. Then I will come to them from before them and behind them, from their right and from their left, and You will not find most of them as thankful ones (i.e. they will not be dutiful to You)."

18. (Allâh) said (to Iblîs) "Get out from this (Paradise) disgraced and expelled. Whoever of them (mankind) will follow you, then surely I will fill Hell with you all."

Wuxuu C/llaahi sii raaciyey in ay arrintani tahay xaajo aad u fool xun oo Ummadaada caqiidadeeda fasahaadisay! Waxaan isaga qaatay kaftan marka ay deriskaygu ka sheekeysanayaan dhibaatooyinka ay u qurxiyeen Soomaalida! Cajiib!.

Xaaji: Deriskee baad ka hadlaysaa? 

C/llaahi: Xaajiyow meel cabaar noo jirta ayaa har iyo habeen bulaan ka dhacaa! marna waa la ooyaa, marna mashxarad, alalaas iyo durbaan tun baa ka dhaca. Marka farxadu meeshaas ka dhacayso aniga iyo tolkey waanu oynaa! marka ay oohintu ka socotana waanu Alla Barinaa oo faraxnaa! Meeshaas waxaa degan Sheydaamo gaalo ah, mid walibana Lambar buu leeyahay. Subixii marka indhaha la kala qaado ayey sidii arigii u foofaan. Waxaa uu Kaaba Qabiilkoodu ka sii daba tuuraa guubaabo iyo in aysan soo noqon iyagoo wada war farxad leh: Dil, Kufsi, Dhac, Gaaleyn, Zino, Tuugo, Furiin, Taarik salaad, Been, iwm.  Shaydaan walba wuxuu u kallahaa qofkii lagu qoray maalintaa, haddii uu soo noqdo isagoo qiiqaya oo quraan, acuudu bileysi iyo dikri lagala soo daalayna habeenkaas waa wada yuusid iyo oohin, haddii uu kasoo adkaado qofkii loo dirayna waa Alalaas iyo farxad!

Xaaji: Waa runtaa walaale sheydaankii Eebe nacladay bay daba hashleeyeen! 

C/llaahi: Laakiin Xaajiyow waan yaabanahay! Waayo waxaa xoogaa noo jirta tuulada yar ee Shanfaroodley. Waxaa loogu magacdaray haweeney ahayd Insi oo guursatay Nin cidahayaga ah. Naagtii wey dhimatay (Allaha u naxariistee), waxay inta badan oran jirtay markay aragto waxay dhibsato ama xanaagdo; “ Midgaanyahow, awalba Midgaan baad ahayd”. Ilaa iyo hadda Carro Jinni waa meesha keliya ee laga isticmaalo ereyadaas! 

Xaaji; Waa yaab! Waaba sheeko ii dhimanayd in Jinniguna uu isticmaalo Midgaan marka uu arko ama maqlo wuxuu dhibsado. Waa yaab Ajigu qaraabaysi badanaa: Cadaan, Jameykaan, Madow, Carb, Indhayar, Calibeysteen iwm. Midgaanka uun buu ajigu hangool(saalimow) isaga hayaa! Yaab, xataa Ajigu jinni qaraabeysay! Tolow Jiniga ma yarad buu ka qaatay! Tolow anaga keliya maxaa nagu diray oo aanu ka galabsanay! 

C/llaahi: Walaale iska seexo inta aan Fajarka la gaarin oo iska sabir sabraa sad lehe! 

Xaaji: C/llaahiyow ma xasuusataa xadiiskii nebiga ee ahaa ruuxii gabdho dhala ee ku samra ee wax bara, edbiya una guuriya qof ay ka raali yihiin akhlaaqdiisa iyo diintiisa janaduu gelayaa”. Markaan soo xasuusto xadiiskaas walaalow waan ooyaa waayo waxaa ii jooga ilaa 3 gabdhood oo qurux badan oo aan ku soo tabcay oo gaan gaaray. Laakiin nasiib daro cid guursanaysa ma leh! Cidna eegi mayso quruxdooda, diintooda iyo akhlaaqdooda ee waxaa lagu nacay in ay Midgaan, Tumaal, Boon iwm yihiin. Markaa walaale Illaahay baa dadka wax u kala xukmin doona!. 

C/llaahi: isagoo ilintu ka da’yaso ayuu af qalaad ku yidhi Yoosow Maasaa! Yoosow!. Mise markiiba nin haybad leh oo duub weyn oo wada fiyoore leh madax ku wata ayaa soo ag fariistay!. C/llaahi baa u sheegay Xaajiga in uu ninkani yahay Kaaba Qabiilka beeshooda lana yiraahdo Maskax Maalik. Waa lays nabdaamiyey, kadibna hadalkii buu u baxay. 

Maskax Maalik: Xaaji waa nasiib darro, waa diin la’aan, waa camal shaydaan waxa ay idinku sameynayaan Ajigu. Haddii Eebahay waaga noo beryo waxaan aadaya dhamaan dhulka soomaali degto si aan ugala soo xaajoodo Garaadada, Malaaqyada, Ugaasyada, Weberka, Salaadiinta iyo Boqorada in ay Eebohood ka baqaan oo ay ka soo noqdaan wadadan xun. Laakiin Xaaji, wiilkeygow, ogow in Kaaba Qabiilka Ibleyskuna uu tartan igula jiro oo uu isna dhiniciisa ka shirin doono oo u qudbeyn doono! Laakiin waxaan filayaa in Garaadku shaqayn doono oo la kala saari doono xaqa iyo xaq darada. Waagii baa walalac yidhi, Maskax Maalik wuxuu maalintaasoo dhan ku mashquulsanaa shirar kala duwan oo uu la yeeshay Madaxya Weynta beelaha kala duwan ee Ajiga ah ee ku dhaqan dhamaan geyiga soomaaliyeed. Wuxuu isagoo luudaya salaada makhrib ka dib ku soo habsaday aqalkii Xaajiga oo C/llahi iyo Xaajiguba tusbaxa rogayaan! Markii lays nabdaadiyey ka dib ayuu Maskax iska ilmeeyey isagoo madaxa gees walba u ruxaya! 

Xaaji: Maskaxow maxaa kaa si ah? Maxaadse war ii wadaa?

Maskax: Xaaji waxaad ku maahmaahdaan “ Ruqa ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo”. Xaaji Eebahay ha idiin naxariisto adiga iyo dadkaagaba waayo waxaad Insi iyo Jinba ka haysaan dad is dhaafsan oo adduun iyo aakhiro aan midna xeerinayn! Xaajiyow Eebe ayaa na kala qariyey mooyee waxaan aad u jelaystay in aad nala beel noqotid oo aad ka raysatid dhibaatada laydinku hayo ee ay Maatada iyo Madaxyaweyntoodu isku raacsan yihiin. Markiiba Insi baa lay mooday oo lay weydiiyey cida aan Odayga u ahay, ka dibna markii afkayga laga maqlay Midgaan, Madhibaan, Tumaal, Yibir wixii iga raacay Eebe uun baa xisaabin kara.

C/llahi: Walaale Eebahaaga talo saaro oo Illaahaaga u sabir

Xaaji: Kheyr Allaha idin siiyo. Waxaad sameyseen wax Shanfaroodluhu wax ku qaadan doonaan hadday caqli leeyihiin

Maskax: Caqliaa!, Caqliyoow ba’! Xagee cagli jiraa, hadday caqli leeyihiin ma Masiibadan oo kaley fiirsan lahaayeen! Magacooda ayaaba Masuba ah waana garan la’ yihiin!. Bal ila eega: Waa Malaaq(ma), suldan(su), Boqor(ba) Ugaas(u), Garaad, wabar(wa). Maxay noqotay 

MASUBO U GARAAD WA!

C/Rahman eelay eediran@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 26, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD