SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dawladda warlordyada aan jaanis siino

Ilaah baa mahad leh nabigeenii muxamed (csw)nabadgalyo iyo naxriisi korkiisu ha ahaato.

 
 
Xigmad soomaaliyeed baa tiraahda'' ku qabatay iyo khadar alaba waa la qaataa' oo aan filayo in macnahaa laga soo minguuriyey qof wax aan qaban waqtigu si ugu dirqiyey ama lagu qasbayaba waa hordhaca hadalkayga aan soo wado iyo qoor iyo xero laawayaalka la inoo dhaariyey oo lagu wado in ay ina matalaan oo aan hubo in ay tahay bahdilkii ugu weynaa ee abad soo mara magaca soomalida ,waxaana loola jeeda in la quusiyo inta  garashada ,aqoonta ,hanka (kuwa aan is dhiibin)iyo xog-ogaalka xafiday waxna ka qorayey  intaa sababahii ina bur-buriyey iyo kuwii diiday in la heshiiyo. 
 
Waxaa muuqata in naloo samaystay niman layirahdo''tabcanayaal'' oo la doonayo in lagu niyad jabiyo inta sharfan oo damiirkoodu iyo caqiidadoodu ay u'idil yahiin ,waxaa la doonayaa inaan diidno oo aan noqono mashruuc aan dhamaan oo dawladahu ku kaltamaan oo marba wadan yiraahdo anaga iska leh kolkaan ee ina siiya waxaana uga bixi karnaa inaan u tanaasulno kuwaan la'inaku imtixaamay waa hogaamiye kooxeedyadaa la inoo dhaariyey.
 
Runtii ma garanayo sida dhaxdooda looga samaynayo is afgarad iyo  in ay is aaminaan ama hubka gacantooda ku jira loo midayn karo, dawladdu ama ha gubto ama dib ciidankeeda ha 'ugu hawlgalisee, waxaanse wal -wel ka qabaa in ay u qaatan maadaama ayagii lagu abaalmariyey dawladii maqaamkeedii in ay u qaataan in qof kasta hubka gacantiisa ku jira in aan laga qaadi karin oo ay doonayaan in ay yiraahdan aniga waxaan dhiibayaa marka hebel hubka laga qaado kan kalna yiraahdo hubkayga maxaa laga rabaa aniga isku ilaalinayee ama ay sheegtaan lacag aan macquul ahayn oo deetana madaxa ay isla gasho ilayn ragu waa warlodyadiiye .
 
Wali fasiraad badan baan ka dhiman sida la doonayo in ay dawladaasi ku shaqayso ,hadii la leeyahay hogaamiye kooxeedyadu qayba cayiman baa loo dhiibayaa, haya'daha aqoonta u baahana rageeda ayaa loo xulayaa ilaa xad waa macquul waqtigu nagu qasbayo, laakiin waxaan ka cabsanayaa in ay yiraahdaan wasaraaraadkana 4.5 ha lagu wado oo markaana maxamed dheere yiraahdo aniga arimaha dibadda ama maaliyadda ayaan ku qancayaa  waloow aanan  garan waxa looga hiiliyey ninkii ugu weynaa hogaamiye-yaalka ee abdulaahi yuusuf oo loogu diiday in uu meesha keensado dadkuu doonayey maadaama ay meesha marayaan inta badan saaxiibadii.
 
Waxaan halkaan ku qiranayaa in layga helay'' sharadkii '' waxaana iga helay ragii taageersanaa hogaamiye kooxeedyada oo aan ka diidanaa in ay noqon doonaan kuwa soo xulaya dawladda inteeda badan ,waxaanse doonayaa inaan uga fiicnaado sidii ay u diideen dawladii carta inaan diidin anigu midaan oo aan ugu yaraan iska daa inaan diidee aan caawiyo intii karaankaygaa aana ka codsado kuwa diidi doono in ay ogolaadaan kana dhaadhiciyo qatarta inagu soo socoto hadii xaalkayagu sidaa sii ahaado.
 
Faalo badan lagama bixin karo arinta hadda socota waana deg deg waxii laga yiraah iminka waxaanse ku talinayaa madaama aan anigu askari ahaa ,askariga aan dishipiliinka lahayn oo ku liita amar qaadashada inta badana gooya waardiyaha ama hawlaha muhiimka waxaa laga dhiga taliye unug oo waxaa lagu mushquuliyaa asaga in uu askarta kale oo ay isla yahiin unuga in uu madax u yahay ,halkaa waxaa ugu bilaabanta ninkaa in uu masuul noqdo oo uu noqdo ninka soo tabiya kii gooyey ee maqan iyo kii amar qaadan waaya intaba waxaan uga jeedaa warlodyada waxaan leenahay maanta adinkaa masuuliyadda qaadanaya ilayn waxaa la yirahdaa gacantaa goyn weyso waa la dhunkada e sidaa darteed ayaan ku talinayaa inaan warlodyada jaaniskaan siino.
 
WABILAAHI TAWFIIKH.
BASHIR ISSA DIRIYE,TORONTO
bdirie@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD