AAN KU DOORTEE
DAD MA LAYSAA!
Marka laga hadlo Sida adduunku u yaqaan
doorashada iyo musharaxiinta Waxaa lagu saleeyaa aqoon iyo
qiimayn lagu sameeyo dadka jagooyinka isu Soo taagaya iyo
jadwalkooda mustaqbal ee ay doonayaan inay dadka doorayana U
shegaan,markaad eegto dawladaha horay u maray ama xatta
“caalamu Saaliska”ama dunida saddexaadba intaysan dhicin
cod bixin aya lakala doortaa Dumuuxaadka ama fikradaha ay
xanbaarsanyihiin dadka jagada m-weyne isu Soo taagaya
doonayana inay hogamiyaan dalkooda waxyaalaha ugu hoorraysa
ee Laga eego madaxa isi soo sharaxay waxaa ugu
horreeya,wadaniyadiisu intay La,egtahay,xiriirka uu la
yeelan karo shacabkiisa, iyo xiriirka guud ee uu la Yeelan
karo ugu horrayn dawladaha dariska la ah wadankiisa guud
ahaana Caalamka oo dhan shuruudahaas qofba intuu uga
dhawyahay ayuu uga Dhawyahay kuwa kale in isaga la doorto,
hadaba bal ka waran Africa guud Ahaan
soomaliyana gaar ahaan maxaa wax lagu doortaa shuruudaha
Musharraxuse maxay yihiin?ma adka in laga jawaabo waxayna
tahay jawaabteedu qaanuun ama dastuur la tixraacaba ma
leeyihin,laga yaabee in dadka qaar dhahaan Africa way
leedahaye , lakiin xattaa hadduu ka jiro dastuur lama
ixtiraamo,soomaaliya maxa wax lagu doortaaa? Waxa wax lagu
doorto waxaa ugu horraye cinwaanka oo ah aan ku doortee dad
ma laysaa ama ma laynaysaa? tan ugu horaysa waa horta
dagaalyahan ma yahay reer hebelse mayna ka celin kara mase
ka baqaan,intaas waa inay is daba taal . waakan kowaad tan
xigta Laaluush ma bixinaysa aan ku taageeree ama aan kuugu
shubnee waa luuqada ay hadda isticmalaane,ugu danbayna waxaa
shuruudaha soomaliya wax lagu doorto ka mida haddaan kuugu
shubno oo aad soo baxdo jagooyinka wa wayn manoo ballan
qaadaysaa,
Sida maaliyadda,dakadaha ,airprtiga,dhamaan
ilaha dhaqaalaha,intaas haddaysan isu raacin ama uusan
aqbalin waxba u socon mayaan,maba xuma oo adduunyada way ka
dhacdaa in qofka aad dooranaso aad shuruud la gasho laakin
waxaan marnaba dhicin in madaxa qofka noqonaya uu rashwo
baxsho ama la siiyo,amaba dawladii la dhisa ay ku shaqayso
rashwo ama laaluushba,soomaliya waxay ka dagi wayday waa
dagaal oogayaasha dhiigii umadana iyaga qaba inta hartayna
iyaga malaka mawd ku noqon doona .sababtuna waxay tahay
raga 14sano wax laynayay aya maantay noo sharraxan oo
somalina lakala safantahay somalidu qaran ma qiimeeyaane
qabiil ayay qiimeeyaan,waxa isku dirayna wa qabiil iyo
qabqable,lamana celin karo geel ninkii laha
dhacayo,soomaliya dadkii dhisi laha aya duminaya marka
ilaa aan yeelanno dad xilkas ah oo u quma masuuliyada
wadanka si daacadnimo leh ma hagaagayso ,meesha aynu inagu
ku faanayno khiyaamada iyo laaluuska dawladaha adduunyada
waxa xaraan ka ah in la doorto qof iska daa inuu laaluush
baxsho,e inuu qof masuula ku gafay,daliil waxaa u ah
hadalayga doorasho hadda ka hor ka dhacday wadan ka mida
Qaarada (Asia) waa dalka turkiga,waxa lagu qabsaday ninka
hadda xukuumada turkiga madaxa ka ah inuu mar sii
horraysay tiriyay gabay uu ku gafayay madax wdan kale
wuxuuna intaas ku wayay xilkisii ilaa baaritaan lagu
sameeyay loona wayay wax daliil ama caddayn ah, hadaba
somalidu sidaas xalal quudato ma tahay?inay xalal cunto ama
xalal cun wax u dhiibato iska daaye waxaa soo baxday shax
kale oo la magac baxday,nimaan dhiig qabin xildhibaan waa ka
xaaraan.ma xigmaday somalidu oran jireen baa (gar qab oo
gaado ku darso),waxaan ula jeedaa intaba dadkii aan rabnay
in dawlada Kenya ka dhalata ay maxkamad soo taagto ayaa
waxay no soo safteen parlamntigii ,waxaaase taas ka sii
darrayd markay dhaarta u soo safteen,afar iyo toban sano
ayay maalin walba dhaaranayeen inay cadaalad u
hogaansamayaan kamana hayno ugamana fadhino,waxaa nahay dad
la dulmiyay oo oofo loo yeelay oo ay dagaal oogayaal
dulmiyeen,hadaba su,aashu waxay tahay maxaa sababay in ka
badan 10milyan oo soomali ah oo leh aqoon
yahanno,siyaasiyiin,culumo awdin,waxgarad,iyo dhamaan bulsho
waxay ka koobantahay in layska indha tirto beesha caalamku
oo ay hormood nooga dhigto kuwii aanu doonaynay inaan
maxkamad soo taagaan ayaan darro soo food saartay mujtamaca
soomaliyeed oo 14ka sano ooftu ku taagnayd nin loogu daro
oof kale,marka hadaba nama matalaan ayaan caalamka u
sheegaynaa waayo maxkamad suge madax ma noqon karaa?bal
su,ashaas jawaabteeda akhristayaasha ayaan u daynayaaa inay
bal aqoontooda iyo fikirkoodaba ka soo dhiibtaan,
Waxaan uga baxayaa qoraalkayga gabay
abwaan tiriyay ee uu kaga hadlayay raga aan sheegnay waa
xildhibanada,e uuna ugu magic daray,dalgablamay bartamaha
ayan ka soo qabtay
wuxuu
yiri:Dalkii iyo dadkii waxaa
ku dhacay, daqarro waaweyne
Dockastaba waxyeellaa ka jira, degelkii Soomaale
Dirqi iyo kax buu taaganyahay, laga diqoodaaye
Doqonniimo iyo waatii Suldaan, uu ka
digay waaye
Deelleyda waatuu ku yiri, waa dix dhagaxeede
Aniguna dadkaan la hadlayaan, doc u fayoobeyne.
Dumar iyo caruur iyo waxgarad, waa ay
dubayaane
Digtoor iyo abwaan iyo wadani, waa la diriraane
Iyagiyo duggaaguba innaba, wax isma doorshaane
Duqey iyo indheergarad malaha, lagu
dugaalaaye
Dibjir iyo majnuun baa hor kaca, daa`in abidkoode..(qabqable.ama
xil ma dhiban)
Dabka lagu shidaa bay ku oran, waa durduur dharage
Dalkii oo burburay bay ku oran, dawlad
baan nahaye,(raga leh dawlnimo ayan wax ku qadanayna
sida coll,c/lahi
Duunyo uma dhaqaaqdoo malaha, dalag ay beeraane
Dadka inay baryaan waxaan ahayn, maba daneeyaane,raga
itobiya biilka ka qaata
Damiirkoodu wixii fiican buu, kala
dagaalaaye,hadaan lay dooran shirka waan ka baxayna
Daabaca ninkii ugu shubay, daba nashleeyaane
Iyagiyo duggaaguba innaba, wax isma doorshaane.
Dal gablamay ninkii doona baa, siin la soo dagiye
Deris iyo shisheeyaba dhammaan, way damaaciyine
U dulqaata waa kaas nabsigu, indin dul joogaaye.
Intaas waa xildhibaankeena cusub ee ay
hogaaminayaan maxkamad sugayal qaybtaan soo socotanata
abwaanka laftiisu wuxuu kaga hadlayaa ,ama la hadlayaa
umadda soomaliyeed,wuxuuna ku tusayaa waxa haysta inay
soomalidu masuul tahay ayna iyadu isu keentay,
Adaa diiday inaad daafacdaan,
dagalladiiniiye
Adaa diiday inaad doorataan, daacad muuminahe
Adaa diiday diintii Alliyo, daw walaalnimo e
Ducfigana adaa doortay iyo, dali
dhacyeyn taase
Dakhli adinku aad kaydsatseen, weeye diiftanuye,
U dulqaata waa kaas nabsigu, idin dul joogaay
Kolla kuma dabcaysaan waanadaan, soo
dallaalimine
Dadaal weeye iyo waajib tani, doqonse waa mooge
Deg deg ugu gudbiya waa midaan, ugu digaayaaye
Dadku waa walaaliyo xigtiyo, deris an
dheereyne
Dabkaan uu munaafiqu shidoo, laysla daba joogo
Iska damiya Soomaalaay midkani, waa dan li´idiine..
Nin kale oo caraba oo gabyay ayaa isaguna
wuxuu yiri.ilaahay waxaan ku rumeeyay in xaqu guulaysanayo
dulmiguna uu dumayo,waxaan kaloo ilaahay ku rumeeyay in
waqtigu uu sii xisaabin doono kuwa aduunyada dusheeda ku
kibra,ayna qaban doonto malain aysan baxsan Karin.
GabaGabo:waxaynu hiinfno ama aan haranaba
mar bay naga tagayan maxkamad sugayaashuye jiilasha ka
danbeeya waa in laga ilaaliyaa inaysan viruskaas qaadin waa
viruska qabiilke dadkuna ay noqodaan walaalo ayna yeeshaan
qof qalbigiis,haddaynana taas helina waxaan aaminsanahay
inay musiibadu daba dheereen doonto ilaahayse kama baryin
taas ee waxaan ka barinay gurmad deg deg ah iyo dawlad noo
dhalata.
Waxaan sugnaaba
waa xildhibaanka iyo maxkamada cidii raysa
Wabillahai altawfiiq
Axmed xayrdac