SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaabka Co.Abdulahi yusuf u qaybiyay xubnaha baarlamaanka  beelaha majeerteen ( Aragti)  

Ilaah baa mahad iska leh Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato suubane Nebi maxamed (s.c.w) 

Sida aynu wada ogsoonahay waxaa ka socda wadanka Kenya mbagathi shir wadatashi kaas oo xal loogu raadinayo sidii xal loogu heli lahaa  dhibaatada ka taagan wadanka soomaliya ee 14 jisratey , shirkaas ayaa soo maray marxalada kala duwan , hadaba waxaa la is orankaraa bilihii ugu danbeeyay  rajada shirka ayaa aad usoo wanaagsanaanaysay  ka dib markii loo gudbay qaybsiga xubanaha  baarlamaanka dowlada ku meelgaarkaa soomaliya yeelan doonto. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira beelaha soomaliyeed qaarkood in ay ku guulaysteen qaybsiga xubnaha baarlamaanka , laakiin nasiib daro waxaa suurto gal noqon waysay in ay beesha daarood ku guulaysato qaybsiga xubnaha baarlamaanka , waxaa jirtey  gudiga khilaafaadka shirka in uu la wareegay barnaamijkii qaybsiga xubanaha baarlamaanka beesha beesha daarood . una qaybsheen si aan cadaadalad ku dheehnayn , qaabka ay wax u qaybiyeen gudiga khilaafaadka shirka waxa aan ku qancin beela ka mid ah beesha daarood tusaale ahaan beelaha harti , oo loo qoondayay 27 xubnood oo qura , iyada la wada ogsoonyahan degaan ahaan iyo dad ahaan ba inta ay dhanyihiin , waxaa jirtey in beesha harti ay sameesay tanaasulaad si uu uguulaysto shirka go’aansadeena in ay qaybsadeen 27 xubnood ,  

Hadaba Beesha Harti ayaa waxaa maalmihii tagay lahayd kulamo sidii ay u qaybsan lahaayeen 27ka xubnood ee kaga soo aaday 61ka xubnood ee ay Guddiga xallinta khilaafaadku u qaybiyeen beelaha Daarood , beelaha ayaa waxa u qaysadeen kurastii sedan hoos ku cad,  

 1-Beelaha Majeerteen...........12 Xubnood

2-Beesha Dhulbahante..........8 Xubnood

3-Beesha Warsangeli...........5 Xubnood

4-Beesha Dashiishe............2 Xubnood
Total ............ ............27 xubnood  

beelaha majeerteen ayaa waxaa ku soo toosay 12 xubnood iyaga oo ka kooban in ka badan 20 beelood , hadaba waxaa moodaa in col.cabdulahi yusuf axmed uu ka abuuray beelaha majeerteen dhexdooda khilaaf  ka dib markii uu sidii caadada u ahayd co.cabdulahi yusuf axmed uu ka soo saaray qoraal Nairobi  kaas oo uu xubanaha ugu qaybinayo beelaha majeerteen , qaabka co.cabdulahi yusuf wax u qaybiyay ayaa iyadu ah mid ka fog cadaalada isaga beela ka mid ah beelaha majeerteen aan waxba ka xusin , co.cabdulahi yusuf  qaabka uu wax u qaybiyay marka aad u fiirsato waxaa moodaa in uu ka rajo go’ay jagada madaxtinimada soomaliya , iyada oo aad moodo in uu waayay wax u dhaama kuraasta , Somalida waxaa la yiri been waa sheegtaa beense ma maahmaado , soomaalidu waxa ay tiraahdaa “ Nin daad qaaday Xunbo cuskay “  co.ka waxaa moodaa in uu qaaday daadkii uu sheegayay   ee dayrta , 

sida sharcigaa waxa ay ahayd In beelaha majeerteen ay isugu yimaadaan shir ay kaga wada hadlayaan qaabka ay u qaybsan nayan xubnaha baarlamaanka , kolkaana ay soo doortaan xubnaha uga mid noqonaya baarlamaanka , beelaha majeerteen aya iyagu ah beelo walaalo ah weligoodna wax wada qaybsan jirey , hase ahaatee Co.cabdulaahi yuusuf ayaa moodaa in uu ka dhexwado arimo siyaasadeeda iyo tafaaruq beesha dhexdeeda , isaga oo taas uga gol leh in uu kala furfro una qaybiyo qaybo (Groups) 

ugu danbeen waxaan beelaha majeerteen usoo jeedinayaa in ay ka tashadaan aayahooda iyo mustaqbalkoda , sameeyaana tanaasulaad dhexdooda  

Wabilaahi towfiiq

W/Q: Mohamed Ali farah

m_alishiino@hotmail.com

 

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD