SOMALI PEACE RALLY
Galkaio City, Somalia, August 24 2004
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M8/1098/2004
Col. Abdullahi Aduunka Ma Nala Arkay
Galkaio City, Somalia, August 24 2004 - Somali Peace Rally - Waxaa ummadda
Puntland oo ahayd beelo nabad ku wada nool wixii ka horreyey 1998, waxaase
qabsatay dhibaato aan la wada ogayn. Waxaa la yaab leh in in badani reer
Puntland u qabaan inay ku waareen nabad, horumar iyo wanaag adduun. Waxaase
runtu tahay inaan midna intaas ka jirin carrada loo yaqaan Puntland, ayna u
sii dheertahay fashal bulsho dhan kasta, gaar ahaan dhanka hoggaanka
dhaqanka iyo anshaxa bulshada.
Masiibada qabsatay reer Puntland waxaa magaceeda la yiraahdaa ANIGA. Waa
Kornayl raba inuu ummadda neefta u qaybiyo. Waxaa lagu eedayn jiray
diktatoorkii Somaliya rogay inuu isku dayi jiray in ummaddu waydo waxay
cuntu markaasna asaga waydiisato cunto kana siisato daacadnimo. Kornaylku
wuxuu ku dhow yahay inuu yiraahdo reer Puntland waxaan idiin qaybin neefta
aad neefsataan, wax walbana waa aniga, anigaa iri, anigaa leh, anigaa amray,
anigaa jecel, aniguu I xigaa, aniguu I jecelyahay.
Waxaa cad inaan Somali badani iyo ajnabiba aan la wada aqoon Cabdullahi. In
door ah oo leh wuxuu dalka ku soo rogi karaa deganaansho baad arkin, waxaad
arkin in leh waa nin fir-fircoon deganaasho keeni kara. Waa dhab in maanta
Somalia u baahan tahay degaanaansho, waxaanse la isweydiin in Somali u
baahan tahay nin naftiisa wax walba u bar-bardhigaya, haddii uu iska arki
waayo, sidii muraayadiinna, dummbe la dhacaya. Somali badan oon hore u aqoon
baa dhawaan ku baratay. Waxaa dhacday in kharajkii ummadda Puntland (oo
hadda Booliskeedii suuqa kala galay oo tuugtii laga garan waayey) loogu talo
galay in loogu adeego in uu bur-bursaday, hantidii ummaddana ka dhigtay wax
uu guryo waaweyn dibedda uga gatay iyo wax uu is yiri Somalida rafaadsan
madaxweyne-nimo uga gado.
Habeynkii bishn Agoosto ahayd 21ka (20040 waxaa 6 wasiir ee Igad ka tirsani
u yeertay Cabdullahi iyo saddex siyaasi ee reer Puntland ah, waa labada
dhinac ee isku hayey liiska baarlamaanka beesha Harti. Waa diiday
Cabdullaahi inuu hor fariisto siyaasiyiintii ay iska soo horjeedeen ee ahaa
Galaydh, Jamac Cali Jama iyo Casha Cabdalla. Ugu dambayn waxaa wasiirradii u
suurtogashay inay la kulmaan Cabdullahi gaarkiisa. Wax walba ee loo soo
jeedshay waa diiday, waxaana ka soo hartay, ANIGA, waxaan ahay madaxweyne
DGPL, aniga waa la idoortay, anigu dadkaan lama mid ahi. Waxaa meel dheer
gaari waayey dooddii wasiirrada oo ahayd, waxaan go'aaminnay in hab beeleed
wax lagu qaybsado. Ugu dambayn waxaa madashii isaga kacay afar wasiir (ilaha
qaar waxay leeyihiin shan baa iskaga kacday miiskii), waxaana loo reebay
wasiirkii Itoobiya inuu afgarto Kornaylka ayaga ku dhawaan jiray. Isma aysan
afgaran xitaa Mr. Siyuum oo hore u ja-jabnaan jiray Kornaylka.
Waxaa in badan SPR ku cel-celisay gobollada Puntland waxaa haysata dhibaato
aan la wada ogayn, waa ilaah mahaddiis hadduu maanta ay soo shaac baxay
xaalka Cabdullaahi uuna yahay, Habar Jeceleey, Muuse waa kaa. Waa ilaah
mahaddii in badan oo hore Cabdullahi u taageertay inay maanta haaramayaan ka
dib markay soo taabteen dunta kornaylka oo ah sun iyo boog, waalli caad ee
aan miyir qabin.
SPR
Somali Peace Rally <sprally@hotmail.com>
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh SPR.
Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 24, 2004
Qaabkii Dhaarinta ee Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka
Kenya...
Guji
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com