SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Warbixin Sawir Guud Ka Bixineysa Shirka Soomaalida
  • Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya.
  • Cawad Cashara: Waxaba kama soo bixin kulankii IGAD & C/Laahi Yuusuf
  • C/llaahi Yuusuf uu ka tagay wasiiradii oo jooga goobta ay ku wada hadlayeen.
  • Danjire Affey: Beelaha maqan waa la dhaarin doono...
  • Cali Cabdi Faarax (W/A/D Jabuuti): "waxay ahayd xaq in dhaarta maanta la qabto..."
  • Danjiraha Kenya ee Shirka: inta yar ee dhimana waxaan ku raja waynahay in ay soo afjarmaan
  • Wasiirka A/D ee itoobiya: Kumaba soo tala gein in uu halkan ka hadlo
  • Wakiiladii ugandha, suudaan, ereteria: Nabada Soomaaliya waa mid u dhalatay gobolka oo dhan
     
  • Siyaasiyiinta aan ka dhex muuqan dhaartii:: Barre hiiraale, C/qaasim salaad, Jaamac cali jaamac, maxamad cabdi yuusuf, xasan abshir faarax, xuseen caydiid, cali khaliif galayr, C/llaahi yuusuf, C/llaahi caddow, Gen morgan, Caasha Axmad Cabdalla iyo kuwo kale...
  • Hogaamiyaasha ka mid noqday baarlamanka: Muuse suudi, cusmaan caato, Maxamad dheere, cumar finish, mowliid macaane, cabdala deerow, xuseen caydiid, cumar jees...

Warbixin: Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Xubnaha baarlamaanka ee la dhaariyay
Canab Max'ud Cabdulle.
SomaliTalk.com | Nairobi | 23/8/2004
 
Waxay ahayd marki iigu horeysay oo aan ka qayb galo baarlamaan soomaaliyeed oo la dhaarinayo iyagoo ku dhaaranayo kitaabka ALLE in ay xilka ummadda ee loo dhiibay si cadaalad ah u gudan doonaan.waxaa iiga muuqday xaflada dhaarta dad badan oo aysan wajiyadooda igu cusbayn farxadna ka muuqatay sida ay uga mid noqdeen baarlamaanka soomaaliya kana mid ahaa ergadii boqolaalaka ahayd ee ku sugnayd xarunta shirka ee Mbagathi.
 
Madasha ay dhaartu ka dhacaysay oo ahayd Xarunta Qaramada Midoobey [QM] ay ku leedahay magaalada Nairobi waxaa ka muuqday abaabul iyo xil iska saarid soo dhawaynta baarlamaanka iyo wufuuda kale ee ka soo qaybgalayba waxaana safka midig ee kuraasta soo buuxiyay deeq bixiyayaasha caalamiga ee midawga yurub,jaamacada carabta,QM.wakiilada dowlada Mareykanka ugu qaabilsan shirka safiirada dadadalka yurub jaamacada iyo dunida islaamkaba iyo marti sharaf kale oo dhamaantood si wayn u sugayay in ay ka qayb galaan dhaarinta baarlamaanka soomaaliyeed.
 
Kuraasta hore waxaa fadhiyay wasiirada arrimaha dibada ee urur gobleedka IGAD waxaana ka dambeeyay wakiiladooda shirka waxaa kale oo ku sugnaa dhaarta wakiilo ka socday midowga yurub.uruurka midnimada afrika ee diyaarinaya ciidamo la geeyo somaliya waxaa sidoo kale goobta aan ka marnayn wafdigii xaqiiqa raadinta ahaa ee soomaaliya meelo ka mid ah socdaalka ku tagay.
 
Ugu horeyn waxaa lagu furay aayado Quraan ah waxaa hadalo duco iyo guubaabo ahba kasoo jeediyay suldaan axmad jaamac kadibna heesta calanka ayaa laga qaaday goobta iyagoo safsaf ah ayay ku luuqaynayeen xubnahaasi baarlamaanka ka dibna waxaana si habsi leh u daadahaynayay Danjiraha dowlada kenya u qaabisan somaliya.Mr.Maxamad Abdi Affey.
 
Xildhibaanada baarlamaanka loo dhaariyay oo aan dhamayn tiradii loogu talagalay waxa aysan ishaydu qabanin siyaasiyiin badan oo caan ka ah dalka uuna ka mid yahay Barre hiiraale, C/qaasim salaad, Jaamac cali jaamac, maxamad cabdi yuusuf, xasan abshir faarax, xuseen caydiid, cali khaliif galayr, C/llaahi yuusuf, C/llaahi caddow, Gen morgan, Caasha Axmad Cabdalla oo musharaxad ah iyo qaar kale oo badan.
Qaarkood oo aan qadka telefonka kula xiriiray iyagoo ku sugan hotelada waxay isiiyeen hadalo kala duwan, waxaana ka mid ahaa "shirka looma dhama".. "waa lagu dagdagayaa dhaarinta".. "waxaan wali lagu heshiinin tiradii beelaha qaarkood".. "hadii lagu dagdago waa uun sidii Carta waayo siyaasiyiintii Carta diidanaa qaar ayaa maantana maqan".. "Horta IGAD heshiis maku tahay dhaartan maxaase ka dhalan kara"..
 

Qaar kamid ah xubnihii baarlamaanka oo kitaabka lagu dhaarinayo: Aug 22, 2004:
Sawirka: Standard
Cawad Cashara ayaa ka mid ahaa dadkii aan wax ka waydiiyay sababta maamulka Puntland ay uga maqan yihiin shirka waxa uu ii sheegay Cawad in kulankii ay wasiirada IGAD la yeesheen C/laahi Yuusuf aysan waxba ka soo bixin wax ay ku heshiiyeena aysan jirin, waxaa kale oo intasi raaciyay in ay mar kale iskugu soo laabanayaan kulan qaas ah. Balse ilo kale oo ku sugnaa kulankii dambe ayaa ii xaqiiyey in C/llaahi Yuusuf uu ka tagay wasiiradii oo jooga goobta ay ku wada hadlayeen.
 
Danjire Affey ayaa sheegay in beelaha maqan la dhaarin doono iyadoo lagu howlan yahay qaabkii loo soo afjar lahaa khilaafka beelaha wali ka dhex jira iyadoo qaadatay muddo soo afjaridaas walina kama daalayno oo waxaan u diraynaa guddi dhex gala si ay u soo gudbiyaan xubnaha looga baahan yahay ee baarlamaanka soomaaliya ayuu intaasi ku daray Danjire Affey.
 
Waxaa jira hogaamiyaasha siyaasadda qaarkood oo ka mid noqday baarlamanka sida Muuse suudi, cusmaan caato, Maxamad dheere, cumar finish, mowliid macaane, cabdala deerow, xuseen caydiid, cumar jees iyo qaar kale oo badan. siyasiyiintan oo aan la kulmay dhaarta kadib ayaa ku waramay in ay ku faraxsan yihiin xilkana ay u gudan doonaan sida uu yahay.
 
Mas'uuliyiintii qudbadoodu xamaasada lahayd waxaa ka mid ahaa wasiirka Arimaha dibada ee jabuuti Cali cabdi faarax. waxa uu yiri mar uu ka hadlayay dhaarta "waxay ahayd xaq in dhaarta maanta la qabto waayo balanta ayaan ahayd sidan in aan la dhaafinin waqtigii loogu tala galay oo ahayd maanta waxaa ka dhiman tiro ka yar boqol iyagana waa la sugayaa" mar uu la hadlayay baarlamanka la dhaariyay "Karaamadiini ma dhiman somaliya waa jirtaa waana jiri doontaa, waxaa la idiinkaga baahan yahay dadaal iyo inaad xilka aad qaadeen u gudataan sidii aad ugu dhaarateen kuna dadaashaan nabad iyo midnimo soomaliyeed oo wada saamaysa dhamaan gayiga soomaaliyeed, carta waxii burburiyay waxay ahayd midnimo la'aan iyo taageero xumo taasna waa in caalamka ayaa looga baahan yahay in aysan soomaliya ka luminin waqti kale" taageerada baarlamaanka cusub ee ku aadan IGAD ayuu xusay" waxa looga baahan yahay IGAD in aysan dayicin fursadan  itoobiyana ay xaadir ahayd dhaartii baarlamaanka ee carta kana ay xaadir tahay shirkana uusan ka duwanayn kii carta.Wasiirka Dibedda Jabuuti, Cali Cabdi Faarax
Halkaasi waxaaa ka hadlay danjiraha dowlada kenya ee shirka soomaalida isagoo xusay in dhib badan ka dib uu maanta ALLE suurta galiyay in la dhaariyo baarlamaanka taasna ay tahay dadaal ka yimid IGAD Beesha caalamka iyo dadka soomaaliyeed laf ahaantooda oo bixixiyay dadaal badan.inta yar ee dhimana waxaan ku raja waynahay in ay soo afjarmaan ayuu yiri kiplagad.
 
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha dibada ee itoobiya oo sheegay in uusanba ku soo tala galin uu halkan hadalo ka jeediyo una diyaar garoobin. Dad badan ayaa u fasiranayay in wasiirku uu ka xun yahay dhaartan taasna ay ka muuqatay qudbadiisa sida uusan diyaarka ugu ahayn in uu hadalo ka jeediyo, balse waxa uu mar sheegay in dhaartan ay ahayd mid marar badan baaqatay walina ay maqan yihiin xubnaha baarlamaanka qaar sida beelaha dagan puntland iyo somaliland ayna muujin karto in aan loo dhamayn laakiin guddiga uu xalin doono khilaafkaas.
 
Sidoo kale waxaa hadalo soo jeediyay wakiilo ka socday wadamada ugandha, suudaan, ereteria, iyagoo sheegay dhamaantood in nabada soomaaliya ka dhalata ay tahay mid u dhalatay dhamaan wadamada gobolka intaasna waxay ku dareen in ay soo dhawaynayaan dhaartan isla markaana aysan uga hari doonin sidan ee ay la socon doonan dhimaha baarlamaanka illaa waxqbadkiisa.
 
Munaasabada dhaarta oo ay ku sugnaayeen Qiyaastii 220 iyadoo la rabay tirada liisgareysneed ee ahayd 235 in la wada dhaariyo ayaa qaarkood markii magacyadooda la dhaariyay ay ka maqnaayeen goobta, dadkaas waxaa ka mid haa beelaha harti oo laba maalin ka hor dhaarta soo gudbiyay magacyadooda oo aan soo xaadirin, waxaa kale oo halkaasi ma maqnaa markii la yeerinayay magaciisa Xuseen Caydiid iyo dad kale oo la waayay iyagana.
 

Sheikh Khalif Gure Ali (bidix) oo kitaabka qur'aanka kor u haya munaasabadii dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee ka dhacday xarunta qaramaad midoobey e Nairobi, Axad Aug 22,2004: Wararkii dhaarinta
Waxaa jira dad badan oo ka mid ahaa ergadii shirka joogtay mudadii uu bilowday kuwaas oo aan qaarkood kula kulmay hotelada ayaa  ku tilmaamay dhaartan in ay tahay mid aan loo dhamayn ayna keeni karto dhibaato kale uu shirku lugaha la galo waxayna is waydiinayeen sida uu ku ansaxmayo baarlamaan ay maqan yihiin dad tiradaaas le'eg.
 
Guud ahaan jawiga ayaa ahaa mid dagan waxayna xildhibaanadii nasiibka u helay in ay ka mid noqdaan xubnaha baarlamaanka ay ku dhaarteen in ay xilkooda u gudan doonaan sida ay ugu dhaarteen Alle hortiisa oo ah cadaalad midnimo iyo nabad ku wada noolaansho in ay shacabka soomaaliyeed ka dhex dhaliyaan.
 
Mar aan fiiriyay safka xildhibaanada ayay ishaydu qabatay qaar ka mid ah xildhibaanadii la dhaariyay oo ilmaynaya markii la qaadayay heesta calanka ee "soomaaliyeey toos", soomaalidu in ay nabad rabaan la'iskuma hayo laakiin waxaaa maqan nidaam isku keena dhibaatadana hal meel ka tusa haday ahaan lahayd mid ka dhex jira siyaasiyiinta ama mid kale oo ka taagan wadamada u qabanaya shirka ee IGAD.
 
Ugu dambayn waxaa halkaasi laga aqriyay dhambaal ka yimid Qaramada midoobay oo loogu hambalyaynayay guusha ay soomaalidu ka gaareen dhaarinta baarlamaanka waxaana dhambaalkaas ka hor aqriyay baarlamaanka Badejo Babafem oo ka socday xafiiska Qaramada midoobay ee siyaasada. wuxuuna sheegay in xoghayaha QM.uu  u soo hambalayeyay baarlamaanka ayna taageeri doonaan wixii ka soo baxa shirkan.

Waxaa isku soo dubaridey
Canab Abdule 
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 23, 2004

ISHA SAWIRADA: Google Search

Dhaarintii Qaar kamid ah Xubnaha Baarlamaanka..
»203 xubnood oo Nairobi lagu dhaariyey..
»Puntland oo Laga Yaabo in ay Ka Baxdo Shirka...
»C/Qasim: "Yaan Lagu Deg-degin Dhaarinta Xildhibaanada"
»Isbahaysiga Kismaayo oo ku Jira Abaabul Dagaal..
»Labo ruux oo lagu dilay aagga Buulo Mareer iyo Baraawe. 
Dhammaan ka akhri halkan.....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD