Faalo: Sababaha ay u dhaqan geli La`dahay dowlad soomaaliyeed
C/risaq Maxamed Xuseen
University of
Gävle-Sweden
habdirisak@hotmail.com
Sida ay la socdaan inta badan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka
gudahiisa iyo dibadiisaba, waxaa gebagabo ku dhow shirkii soomaalida uga
socdey dalka Kenya. Iyadoo hadda la gaarey dhaarintii
xildhibaano-beeleedyadii la soo bandhigay. Guud ahaan dadka soomaalida ah
ayaa waxaa ay u hanqal taagayaan natiijada ka soo baxda shirkaas. Rajada
dadku waa mid ku wajahan helitaanka dawlad soomaaliyeed, ka dib kolkii
umadda dagaal iyo fowdo qoto dheer lihi aafeeyeen. Rajadaan iyo laab la kaca
noocan ahi waxaa ay soo baxaan kolkasta oo la qabto shir lagu baadi goobayo
dowlad soomaaliyeed. Kolkii lagu dhawaaqay in qayb ka mid ah baarlaamaanka
cusub la dhaariyey ayaa waxaa ka dhacay meelo badan oo dadka soomaaliyeed ay
ku nool yihiin dabaaldegyo iyo hadalhayn ku saabsan in soomaliya dowladi u
dhalan doonto. Balse suàasha aan weli la isweydiin waxaa weeyaan: Maxay u
dhaqan geli la`dahay dowlad kasta oo soomaliya loo dhisaa? Haddii
baarlamaankii lagu guuleystey maxay wax walbaa u socon waayeen?
Haddii a suàalahaas aan kor ku xusay ka faaloodo. Waxaa jira arin muhiim ah
kolkii la xalinayo mushkilad, taasoo aduunka intiisa badan ay isticmaalaan.
Arintaasi waxaa weeyaan kolkii dhib la xalinayo, waxaa haboon in marka hore
la aqoonsado halka ay dhibtu ka soo butaaceyso. Maxaa yeelay hadii la helo
ilsha dhibaatada, waxaa sahlan in la diyaariyo qaabkii iyo qalabkii lagu
xalin lahaa dhibtaas. Taas waxaa aan ula jeedaa dhibaatada hor taagan dowlad
soomliyeed waxaad moodaa in aan weli si rasmi ah loo aqoonsan. Mushkilada
hor taagan dowlad soomaaliya loo sameeyaa waa mid ka timaada xagga dhaqan
gelinta.Dowlad waa la dhisi karaa balse dhibku waxaa uu inaga haystaa sidii
ay u shaqeyn lahayd dowladaasi. Taasna waxaa u sabab ah arimo dhowr ah.
· Qaabdhismeedka dowladeed oo qaldan: Waxaa ugu horeynba qaldan qaabka
dowlada lagu soo dhisay, kolkii lagu saleeyey qaab qabiil ee aan lagu saleyn
qaab fikir ama gobol. Qaab-qabiileedku waxaa uu keenay in qof kasta oo
baarlamaanka ama dowlada soo galaa uu wakiil ka yahay afkaartii ay qabeen
qabiilkiisu. Afkaartaasuna ay ahaayeen kuwii kolkii horeba ka qayb qaatay
burburkii qarankii soomaaliyeed.
· Dano shaksiyeed: Waxaa iyaguna jira dad ay dani ugu jirto fowdada
soomliya ka jirta. Danahaasuna waxaa ay u badan yihiin kuwo dhaqaale.
Dadkani waxaa ay ka cabsi qabaan in lala xisaabtamo haddii la soo celiyo
nidaamkii iyo kala dameyntii.Waxaa iyana jira kuwo kale oo ka cabsi qaba in
wax laga weydiiyo dambiyadii iyo xadgudubkii ay galeen. Halkaan waxaa soo
gelaaya qabqablayaasha dagaalka iyo gacan-hayayaashooda. Hogaamiyayaasha
dagaalku waxaa ay caan ku yihiin iney ka hor yimaadaan dhaqan-galka dowlad
kasta oo aan dantooda wadin.Qaar ka mid ah nimankaas ayaa waxaa ay mar hore
ku dhawaaqeen in aan hubkooda la tirin doonin, iyagoo aan marka hore ogaan
qaabka ay dowlada la soo dhisaa yeelan doonto. Taas macnaheedu waxaa
weeyaan, in haddii ay ka waayaan danahooda gaarka ah ay ka hor iman doonaan
dowlada la soo dhiso. Xoogagaan aan xusnay waxaa ay aad ugu dadaalayaan in
aan marna dowlad soomaliyeed la helin si ay ugu noolaadaan dhiiga dadka aan
waxba galabsan.
· Dowlado shisheeye: Dowlado dhowr ah oo shisheeye ayaa iyaguna ka mid ah
caqabadaha ay dowlad soomaaliyeed la dhaqan geli la`dahay. Dowladahaasi waa
kuwo dano gaar ah leh, una arka soomaliya iney tahay wadan kula tartami kara
ilaha dhaqaaalaha yar ee gobolka ka jira. Waxaa kaloo ay cuskanayaan muran
soo jireen ah oo u dhexeeyey soomaaliya iyo dowladahaas. Qodobkan ma aha mid
aad u dhib badan, oo waa laga guuleysan karaa haddii la saxo qodobada kale
ee aan kor ku soo sheegnay.
· Wadaniyad xumo: Qodobkan waa mid waayadaan dame aad ugu soo baxay shicib
weynaha soomaaliyeed. Waxaadna taas si toos ah u dareemi kartaa kolkii aad
la sheekeysato ama dhex gasho soomaalida intooda badan. Waxaad arkeysaa in
qof walbaa xiiseeynaayo gobolkii uu ka yimid, balse aanu dan sidaas ah
kalahayn waxyaalaha ka dhacaaya gobolada kale ee soomaaliya. Shicibku waa
dad aad u awood badan hadii uu caafimaad qabo. Taas waxaa kuu cadeyn kara in
dowladu badan oo aduunka ah ay rideen shicib. Iyadoo aan loo adeegsan wax
hub ah haba yaraatee. Haddaba haddii shicibka soomaaliyeed u istaagaan iney
dhaqan geliyaan dowlad soomaaliyeed, waa ku guuleysan karaan. Aad beyna
awoodoodu uga xoog badan tahay, kuwa kale ee aan soo sheegnay.
Gabagebo
Wax dood ahi kama taagna in dadka iyo dalka soomaaliyeedba uu u baahan yahay
dowlad. Balse waxaa iyana haboon ineynaan laablakac ku shaqeyn, ee aynu
waxwalba u fiirino si aasaasi ah. Taas waxaa aan ula jeedaa iyadoo aan
qodobada kor ku xusan la falanqayn waxna laga bedelin, ineyan suurto gal
ahayn dhaqangalka dowlad soomaaliyeed. Xitaa haddii aan wax laga wada qaban
karin, waxaa haboon in haddii aynu nahay shicibka bal waxuun isku dayno si
loo helo dowlad soomaaliyeed oo waarta. Haddii arimahaas aan soo sheegay
sida hadda ay yihiin loo daayo, waxaa ay dowlada kenya lagu soo dhisaa
qaadeysaa wadadii ay qaadeen dowladihii ka horeeyey. Tusaale dowladii carta
lagu soo dhisay ayaa kuugu filan.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen
University of
Gävle-Sweden
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 23, 2004
FAALLO:::
Farxad Shaki ku Jiro
[Ilyas] Aug 23
FAALLO:
Yuu Qaadi Doonaa Daadka Dayrtu?
[Kashawiito]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Waxyaabaha
Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|