SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

(Faallo Siyaasadeed) 

Yuu Qaadi Doonaa Daadka Dayrtu ….?

Maxamed Siciid Kashawiito
radiomidnimo@hotmail.com

In ku dhow 60 qof ayaa isu soo sharaxay jagada Madaxweynanimada Soomaaliya, waxaana aad u soo dhowaaday xiligii uu dhici lahaa loolanka Jagada Madaxweynanimada Soomaaliya oo mudo 14 sano ah aheyd boogta keliya ee daawada loo la’aa. 


Qaar kamid ah xubnihii baarlamaanka oo kitaabka lagu dhaarinayo: Aug 22, 2004:
Sawirka: Standard

Mudadii uu socday shirka Soomaalida ayaa waxaa caqabado adag noqday dhowr derbi oo midiba kan kale ka adkaa, haseyeeshee, beri ayaa la filayaa in la dumiyo derbigii ugu danbeeyey, waxaana la filayaa in ay isku arki doonaan goob banan rag badan oo han Madaxweynanimo qabay. 

In ka badan 40 sano ayaa raga qaarkiis ku haminayeen in ay salka dhigaan kursiga Madaxweynanimada Soomaaliya, waxaana aakhiro u hayaamay qaar ka tirsan raga sheegtay in ay Madaxweyne Soomaaliyeed yihiin. 

Mudadii burburkana waxaa warbaahinta Soomaaliya ay tabinayeen in ay soo baxeen Madaxweynayaal Soomaaliyeed rag sheegtay, aynu is xasuusinee Cali Mahdi Maxamed, Gen. Caydiid, C/qaasim, Cigaal, C/laahi Yuusuf, Daahir Riyaale, Col. Shaarguduud iyo C/nuur Darmaan. Intuba waxaa lagu magacaabay iyaguna ogolaadeen in loogu yeero  Madaxweynayaal. 

Waxaa iyana jiray rag badan oo niyada ka jeclaa in ay mar uun noqdaan Madaxweyne Soomaaliyeed, laakiin tabari ka reebtay ama sugayey wakhti ku haboon oo maanta oo kale ah. 

Arrintu siday doonto ha ahaatee, dadka faraha badan ee iminka isu sharaxay jagada Madaxweynanimada Jamhuuryada Federaalka Soomaaliyeed ayaa marka la magacaabayo waxaa la soo hormariyaa magacyadan C/laahi Axmed Caddow, Cali Khaliif, C/qaasim, C/laahi Yuusuf, iyo dhowr nin oo kale. 

C/laahi Yuusuf ayaa horay Idaacada BBC-da uga sheegay in Daadka Dayrtu uu qaadi doono ciddii shirka ka maqnaata, xiligaas ayaa dad badani rumeysnaayeen in Col. C/laahi Yuusuf uu ku xisaabtamayey in ay miiska u saran yihiin 90% in ka badan codadka dadka noqonaya Xildhibaanada Soomaaliya, laakiin dadka siyaasada odorasa ayaa rumeysan in maanta uu jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid riyadii uu qabay C/laahi Yuusuf maantana uu heli karo 7% codadka Baarlamaanka Soomaaliya. 

C/laahi Caddow oo mar u tartamay xilka Madaxweynanimada Soomaaliya ayaa ku guul darraystay kadib markii C/qaasim uu kaga adkaaday doorashadii Dowladdii KMG aheyd ee Carta lagu dhisay mudo Afar sannadood ku dhow. 

C/laahi Caddow ayaa la sheegaa in wixii mudadaas ka danbeysay uu warmaha u tumanayey sidii uusan mar kale khasaare siyaasadeed uusan u soo wajihin, waxaa kaloo lagu tiriyaa raga qunyarsocka ah ee aan la fahmi karin taageerada uu haysto, maadaama uu marayo luuqyo siyaasaded oo ciriiri ah. 

Cali Khaliif Galeydh oo isaguna soo maray jagada Raysal Wasaaranimada DKMG, balse aan weli caddeyn in uu musharax yahay ayaa si weyn loo hadal hayaa in uu quud darreynayo in uu mar kale noqdo Raysal Wasaare Soomaaliyeed, waxaana jira xiriir dhow oo la rumeysan yahay in uu la leeyahay Col. Jaamac Cali Jaamac iyo C/laahi Cadddow oo Labaduba u sharaxan Madaxweyne Soomaaliyeed. 

Jagada Raysalwasaaranimada Soomaaliya ayaa dadka u hanqal taagayaa ay badan yihiin, waxaana la tilmaa Ismaaciil Buubaa oo ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya in uu u muuqan karo nin niyad u haya Raysal Wasaare Soomaaliyeed. 

Arrintu siday doonto ha ahaatee, herdenka siyaasadeed ee ka socda Nayroobi caasimada wadanka Kenya ayaan qofna saadaalin Karin waxa ka soo bixi kara, waa siyaasad is riix riix iyo is gujeyn hoose leh, waa siyaasad aan la isku aamini Karin, waana siyaasad aan daacad la isugu noqon Karin. 

Nayroobi waa madal aan Hogaamiye Kooxeedyadu ku haysan Tikniko, madeaafiic af-weyn leh, Istaaf xoog badan iyo xabsiyo ay dadka ku xirxirtaan,

 Xiligaan oo la filaayo in ay curaneyso xili roobaadkii Dayrta ayaa waxaa bilowday ufadii Dayrta Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana la is weydiinayaa cidda uu qaadi doono daadadka xoogga weyn leh ee ka dhalan doona roobabkaas, ma kanaa, ma keeraa, ma kaasaa, waa kuma Madaxweynuha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, yuuse Daadka Dayrtu qaadi doonaa.? 

Maxamed Siciid Kashawiito
Agaasimaha Radio Midnimo

Faafin: SomaliTalk.com | August 21 | Update: Aug 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD