Farxad Shaki ku Jiro
Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com
Dhab ahaantii waa wax lagu farxo in
la arko gole baarlamaan oo ay u dhanyihiin intii badneed
hogaamiyayaasha kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, hase`yeshee
farxadani waa mid si shaki ku jiro ummada Soomaaliyeed u soo
dhaweysey meel ay joogaanba, sababtuna waxay tahay balan darada
looga bartey hogaamiye kooxeedyada. Shirkii dib u heshiisiinta
Soomaalida ee ugu horeeyey ee lagu qabtey Jabuti 11 juun 1991 ilaa
iyo heshiiskii xabad joojinta Edoret 27 October 2002 ragga ku
hardama siyaasada Soomaalida marnaba ma dhowrin arimiha ay ku
heshiiyeen, sidaa darteed farxadani waa mid shiki la socdo.
Dhaartii shaley (22-08 -2004) ka
dhacdey xurunta qaramada midoowey ee Nairobi waa guul hadana
dabada ka duleesha, waxaa goobta dhaarinta ka maqnaa xildhibaanadii
matali lahaa beelaha Harti, Leelkase, Sade, Sure iyo Xawaadle sida
aan ka soo xigtey Gedonet, waxaa kaloo goobta dhaarinta soo xaadirin
siyaasiyiin mug weyn ku leh arimaha Soomaalida oo uu ka mid yahay
Cabdiqaasim Salaad, Cabdullahi Yuusuf , Cali khaliif, Jaamac Cali
Jaamac, Bare Hiiraale, Xuseen Caydiid, Cabdule Qalaad iyo kuwo kaloo
fara badan. Maqnaashaha ragani waxaa lagu sheegey mid salka ku haya
khilaafka ka jira beelaha dhaxdooda cida matali lahayd iyo qofka soo
xuli lahaa xildhibaanada beesha.
Cabdiqaasim Salaad iyo Cabdulaahi
Yuusuf waa ragga sida aad ka ah ugu guul dareystey shirkan madaama
labadaba sidii ay wax u rabeeyn u noqon weysey. Cabdiqaasim wuxuu
jeclaa in ugu yaraan 70% (boqlkiiba todobaatan) ay soo noqdaan
xildhibaanadii Carta lagu soo doortey si uu rajo fiican ugu yeesho
doorashada madaxweynaha ee soo socota, hase`yeeshe sida aan ka
maqley ilo xog ogal ah ragii Carta lagu soo doortey waxaa soo noqdey
oo barlamaankan cusub ku jira in ka yar 25% ( boqolkiiba shan iyo
labaatan) taas oo ku beertey walaac Cabdiqaasim.
Sidoo kale ma fulin hamigii uu
lahaa Cabdulahi Yuusuf oo rajeeynayey in soo xulo ugu badnaan
xubnaha Darood ee baarlamaanka galaya gaar ahaan kuwa dega Puntland.
Cali Khaliif Galeer, Jaamac Cali Jaamac, Sakariye Maxamuud iyo
siyaasiin kale ayaa arinta Cabdulahi watey ka biyo diidey IGAD- na
howshii ay watey ku noqdey caqabad adag. Wararka Nairobi ka
imaanayna waxay sheegayaan in Cabdiqaasim Salaad iyo Cabdulahi
Yuusuf ku hanjabeeyn in shirka ka bixi donaan hadaan la yeelin sida
iyaga ay rabaan waa arin fool xun laga naxo lakiin Soomaalidu waxay
tiraah Hangaraarac lug ka jabtey u dhukin maayo, Soomaaliweyn iyo
Caalamka ayey u taal waxay ka yelaan.
Siyaasada Soomaalida waa wax aan la
saadaalin karin wax walbana waxay ku soo biya shuban donaan sug oo
eeg walow ay rajo fiican ay jirto taas oo ugu wacan sida ay maanta
meel ugu soo wada jeeysteen dowladaha deriska iyo dowladaha arimaha
Soomaalida daneeya sidii Soomaaliya dowlad loogu dhisi lahaa. Waxaad
moodaa khilaafkii weynaa ee u dhaxeeyey dowladaha Ithiopia iyo
Jabuuti in uu soo xalismey ayna ka go`an in Soomaaliya dowlad loo
dhiso cidii doontaba ha diide.
Xukuumad iyo gole baarlamaan oo la
dhiso keliya ma aha xalka Soomaaliya, wadan mudo 14 sano dowlad
la`aan ahaa oo dhinac walbana ka burbursan shacbkiisana 70% (boqolkiiba
todobaatan) ay hubeysanyihiin howshiisa ma yara. waxaan rajeeynayaa
dowlada dhalan doonta in ay noqoto mid asaas u noqota xalinta
mushaakilaadka jira oo iyada ummada ku noqon mushaakil hor leh sidii
kuwii hore inoo soo marey.
Xalku ma dhawa howshana fara kama
qodna mana aha in aan ka quusano naxriista ilaah, marxalada maanta
Soomaalida mareysana waa marxalad dabiici ah oo ummad walba soo
martey inkastoo lagu kala duwanaa sida khilaafaadka loo xaliyey .
Yurub mudo aad u dheer ayaa ka jirtey colaad iyo dagaalo dhaxdooda
ah. Dagaalkii labaad ee dunida waxaa ku dhintey dad ka badan 50
malyan oo ruux oo in ka badan kala bar ay shicib ahaayeen, hadana
waa dadkaa heshiiska ah oo leh gole baarlaman oo iyo lacag isku mid
ah waxaa lagu gaarey waa iyada oo taariikhda laga faa`iideystey iyo
in la fahmey in nabadu qaali tahay oo nabad la`aan nolol aynaan jiri
karin. Waxaan rajeeynayaa in Soomaalidu waa cusub u dhasho in danta
guud laga hormariyo mida gaarka ah iyo in si wada jir ah nabada loo
baadi goobo, lana yareeyo maro ku dhegida iyo damaca xad dhaafka ah.
”Hadaan teeda la yeelin ha laysku baaba`o” waa in laga gudbaa.
Ummada Soomaaliyeed waxay maanta ka
farxad iyo rajo fiicnaayeen markii la soo dhisey dowladii
kumeelgaarka ahayd ee shirkii Carta . Raja xumadii dowladaa laga
dhaxley waxay ummada ku reebtey shaki waxaa rajeenayaa in dowlada la
soo dhisi doono noqoto mid ka duwan tii Carta lagu soo dhisey iyo in
Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed laga helo isla shaqeeyn iyo
taageero fiican, si dowladaa u noqoto mid wax tar leh ummadana u
horseeda baraare iyo wanaag.
Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com