w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- WARAR
|
WARARKII AGOOSTO 22, 2004
-
Baarlamaan aan
Dhamaystirnayn oo Lagu Dhaariyey Nairobi
- Puntland oo Laga Yaabo in ay Ka Baxdo
Shirka
- Cabdiqasim :-Yaan lagu deg-degin
dhaarinta Xildhibaanada
- Isbahaysiga Kismaayo oo ku Jira Abaabul
Dagaal.
- Labo ruux oo lagu dilay inta u dhaxaysa
Buulo Mareer iyo Baraawe.
Baarlamaan aan
Dhamaystirnayn oo Lagu Dhaariyey Nairobi
Waxaa maanta oo
Axad ah (Agoosto 22, 2004) Nairobi lagu
dhaariyey in lagu qiyaasay 200 ilaa 230 xubnood
oo kamid ah baarlamaanka loo dhisayo Soomaaliya.
Waxayna dhaartaasi dhacday ayadoo aysan weli
qaar kamid ah qabaa'ilada Soomaaliyeed weli soo
gudbin xubnihii baarlamaanka uga mid noqon lahaa.
Tirada uu dhigayo dastuurka cusub ee Soomaalida
loogu sameeyey kenya waa 275 xubnood.
Waxaa wararka
xarunta dhaartu ka dhacday kasoo baxaya ay
tibaaxeen in goobtaasi ay mararka qaarkood ahayd
meel aad u sawaxan badan oo ay xubnihii la
dhaarinayey ay aad u qaylinayeen una
sacbinayaaeen, dhaartaas oo lagu dhaarinayey
Kitaabka quraanka. [Inkasta oo hore ay culima
Soomaaliyeed uga cawdeen in aan dastuurkaasi
waafaqsanayn Kitaabka].
Waxaa kale oo lagu
soo waramay in qaar kamid ah xubinihii dhaarta
ka qayb qaatay in ay qaadeen heesta calanka
soomaalida.
Xubnihii la
dhaariyey waxaa u hambalyeeyey Bethuel Kiplagat,
waxana hadaladii laga soo xigtey kamid ahaa: "Haddii
aan ilaa halkaan soo wada gaarney, samadaan
idinku dhaariyeye, aan dhamaystirno ruclaha..."
Madasha dhaarta
waxaa laga akhriyey dhambaal
uu soo diray xog-haya guud ee Qaramada midoobey
Kofi Annan, waxaana dhambaalkaasi soomaalida
xusuusiyey in ay 'tani tahaya bilowgii dib-u-heshiisiin
muddada dheer la sugayey', waxana uu dhambaalkaasi
muujiyey kalsoonida uu Kofi Annan ku qabo in
xubnahaasi wajihi doonaan tubta ug horeysa ee ah
in ay doortaan madaxweynaha Soomaaliya...
Waxaa dhex-dhexaadiyayaasha Soomaalida, gaar ahaan
John Koech, laga soo xigtey in uu yiri: waxyaabaha khilaafaadka ah ee dhiman
waxaa la xalin
doono muddo laba toddobaad gudohood ah.
Qaar kamid ah
warbaahinta caalamka oo soo xiganeyey xubno u dhowdhow shirka
ayaa sheegay sababta loo dhaariyey xubnaha
xildhibaanada oo aan dhamaystirnayn in ay ahayd in
cadaadis la saaro kooxaha aan weli xubnohooda
soo gudbin si ay hadda u soo gudbiyaan.
Waxaa cad in aan la
dhegeysan digniintii C/Qaasim ee xalay, waxaa
cad in aan la dhegeysan cabashadii qaar kamid ah
siyaasiyiinta soomaaliyeed, waxaa cad in aan la
tix gelin codsigii beelaha soomaaliyeed qaarkood, waxaa cad in ay
muuqato in dhaarinta loogu degdegey sidii
shirkii Carta loogu degdegey dhamaystirkiisii ayadoo
aan
la qancin intii macquul ah shacabka Soomaaliyeed,
sidaas waxaa yiri muwaadin weydiistey inaan la
magcaabin oo ka welwelsan habka ay IGAD wax ku
wadaan maalmahan dambe.
SomaliTalk |
Nairobi , Kenya
Xubnaha la rabo in qabaa'ilada
Soomaaliyed qaybsadaan waa 275
xubnood kuwaas oo afar beelood
middiiba loo qoondeeyey 61, halka
beesha loo bixiyey 'NUS' loo
qorsheeyey 31 xubnood.
Waxay
ahayd horraantii bishan Agoosto
markii dhaarinta xubnaha
barlaamaanka dib loogudhigay
Agoosto 19keeda, waxaa taas ka
horeysey in bishii hore ee July 19keedii
ay IGAD sheegeen in xubnaha
baarlamaanka la dhamaystiri doono
doono 30kii July , oo markaas la
dhaarin doono, waxaase taas dib
loogu dhigay Agoosto 4. Waxaana Axad
Agoosto 22, 2004 la dhaariyey
xubno tiradooda lagu qiyaasay
inta u dhexaysa 200 ilaa 230
xubnood. Waxaana dhaartaasi
dhacday ayadoo aan weli qaar
kamid ah beelaha Soomaaliyeed
soo gudbin xubnihii
baarlamaanaka uga qayb qaadan
lahaa.
Marka la dhaariyo xubnaha
baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo
dooran doonaan madaxweynaha
kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in
uu dalka maamulo muddo shan sano ah
oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho
lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah.
Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii
Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii
la isu reebreebay.
Shirkan hadda socda waxaa isku soo
agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka
Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya,
Sudan & Uganda, waxaana uu markii
hore (October
2002) ka bilowday magaalada
Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee
2003 ayaa loo soo raray Mbagathi,
Nairobi. (Soomaaliya waxay xubin ka
tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu
ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay
markale dawlad noqoto).
|
Puntland oo Laga
Yaabo in ay Ka Baxdo Shirka
Warar Somalitalk
kasoo gaarey ilo xog-ogaal ah oo weydiistey in
aan la magcaabin ayaa sheegay in laga yaabo in
DGPL ay ka baxdo shirka Soomaalida uga socda
Kenya. Waxaa warakaasi tibaaxeen in ay jiraan
arimo ay kamid yihiin in markii uu C/laahi
Yuusuf gudbiyey liiska in laga dalbaday in uu
liiskaas kusoo daro Cali Khaliif Galayr iyo
Jaamac Cali Jaamac taas oo ay wararku tibaaxeen
in C/laahi yuusuf yahay hoggaamiyaha keliya oo
la weydiistey in uu liiskiisa bedelo markii uu
gudbiyey ka dib. Waxana IGAD la sheegay in ay
maanta shir gooni ah la yeelanayeen C/lahi
Yuusuf.
Oday
Soomaaliyeed oo jooga madasha shirka oo
weydiistey in aan la magcaabin ayaa muujiyey in
shirka ay maanta iskaga hor yimaadeen dawlada
safka hore ee IGAD, gaar ahaan kenya, Jabuuti
iyo Itoobiya. Waxaana la sheegay in Jabuuti ay
ku adkaysatay in dhaarintii maanta ay hir gasho,
halka Itoobiya ay ka tiri haloo sugo inta
barlamaanka la dhamaystirayo. Waxaa la sheegay
in la soo xigtay in jabuuti ay tiri beelo yar
ayaa shirka ka maqan oo looma baajin karo
dhaarinta. Dhanka kale waxaa la tibaaxay in
beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan ay kamid yihiin
beelaha aan weli soo dhamaystirin
xildhibaanadooda, in kasta oo warka shirka ka
soo baxayaa uu isu khilaafsan yahay sida ay isu
hayaan dawladaha IGAD ee maamulaya shirka.
Waxana odaygaas Soomaaliyed uu shirka ku
tilmamay mid fashil ah sida uu hadda ku socdo
haddii aan wax laga bedelin.
SomaliTalk |
Nairobi , Kenya
.Kulan
lagu qabtay London, UK: Suldaan Hurre iyo Dhammaan Soomaalidii Kale oo Laynooga Diley Amarka Hororka Dagaal
Oogayaasha la Midka ah.. Guji
Cabdiqasim :-Yaan
lagu deg-degin dhaarinta Xildhibaanada inta wali
ay jiraan khilaafaad ee waxaa haboon in la
tixgaliyo cabashada siyaasiyiinta qaar...........
Agosto 22, 04, Nairobi, Kenya.
Warsaxaafadeed uu xaley soo saarey
madaxweynaha dawlada KMG (ee Carta lagu soo
dhisay), Muddane Cabdiqasim Salaad Xasan ayaa
warsaxaafadeedka ku sheegay in mar walba ay ka
go`an tahay dawlada ku meel gaarka ah in ay ka
qayb qaadato wadahalada nabada ee haatan
gabo-gabo maraya.
Warsaxaafadeed
cabdiqasim ayaa uu ku sheegay in aan la dadajin
dhaarta oo loo baahan yahay mar kale in la
xaliyo khilaafaadka cabashada siyaasiyiinta
soomaalida ee ka qayb galaya shirka ,loona diro
guddiga xalinta khilaafaadka.
Warsaxaafadeedka waxaa kaloo uu ku sheegay in
qoddobada 29 iyo qodobka 30-aad ee qoraalka
buuga axdiga iyo dastuur KMG aan loogu
dhaqmin sidii uu u qornaa, ayna haboon tahay in
la raaco qoraalka qodobadaasi oo ka hadlaya
xulida xubnaha baarlamaanka in ay wax ka soo
xulaan siyaasiyiinta hoose ee jufooyinka.
Waxaa kaloo uu
C/Qaasim sheegay in aan loo baahneyn khilaaf
cusub ,kaasoo laga yaabo in uu ka dhasho
asaasida Baarlamaan uu muran taagan yahay
xubnihiisa. Waxaa kaloo uu intaa ku darey in
hogaamiyayasha kale ay soo xusheen raggii iyaga
ay doonayeen oo beesha iyadu soo xulin.
Ugu danbeyn
warsaxaafadeedka cabdiqasim waxa uu ku soo
gabagabeeyey in aan lagu degdegin dhaarta maanta
la filayo in ay ka dhacdo Giri-Giri xarunta
qaramada Midoobey ee magaalda Nairobi.
dhamaad.
abdikarim Aden
Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
Isbahaysiga Kismaayo oo ku Jira
Abaabul Dagaal.
Wararka
naga soo gaaraya magaalada dekedda
ah ee Kismaayo ayaa sheegaya, in
haatan ay socdaan hub iyo ciidan
ururis, ay wadaan saraakiisha
dagaalka ee isbahaysiga Dooxada
Jubba.
Waxaa
la arkaya baabuurta ay ku rakiban
yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, ee
loo yaqaan Tiknikada oo loo kala
dirayo meelo ka baxsan magaalada
Kismaayo.
Diyaar
garowgan ay isbahaysigu wadaan ayaa
lagu macneeyey in uu la xiriiro, ka
dib markii ay soo baxeen warar
sheegaya in jeneraal Maxamed siciid
Xirsi Morgan uu duulaan ku soo yahay
gobollo ay ka mid yihiin
Jubbooyinka.
Dhinaca Kale, Jeneraal Morgan ayaa
lagu soo waramayaa inuu naf
ahaantiisu ku hawlan yahay dagaal uu
ku qaado Jubbada Hoose iyo weliba
Jubbada Dhexe, oo ay haatan gacanta
ku hayaan isbahaysiga Dooxada Jubba
Labo
ruux oo lagu dilay inta u dhaxaysa
Buulo Mareer iyo Baraawe.
2 ruux
oo saarnaa gaari xammuul ah kuna
sii jeeday magaalada Baraawe, ayaa
lagu soo waramayaa inay dhinteen,
halka laba kalena uu soo gaaray
dhaawac, ka dib markii ay rag burcad
ahi rasaas oodda uga qaadeen.
Dablayda dilka gaysatay, ayaa ugu
dambayntiina ka qaatay dadkii
rakaabka ahaa wixii hantiya oo ay
siteen.
Guud
ahaan gobolka Shabeelaha Hoose waxa
uu in mudda ahba ahaa meel nabdoon
iyadoo maamulka haatan halkaas ka
jiraahi uu wax badan ka qabtay
baabi'inta isbaarooyinkii halkaas
yaallay.
Burcadda, ayaa mar mar si kedis ah u
gala hareeraha waddooyinka iyagoo si
khasab baabuurta ku joojiya ka dibna
dhaca.
A.
Elmi
adelmi@hotmail.com
Somalitalk, Muqdisho, Soomaaliya
Dunida
kale maxey maanta ka qoreen Soomaalida... GUJI
Sidoo kale
akhri:::
SOMALIA
NEWS: TODAY
WARARKII SHALAY::::
Agoosto 21, 2004
GIRI-GIRI oo Berito lagu
Dhaarin Doono Xildhibaanada Baarlamaanka ee Soomaalida.
Kulankii Tobonaad ee
wasiirada IGAD ayaa maanta ka dhacey madasha shirka
nabada soomaalida Mbagathi. kulankaasi ayaa ugu horey
guddoomiyenimada guddiga wasiirada Arrimaha dibada ee
IGAD lagu wareejiyey wasiirka East Afrikcan and
Regional Co-oporation Kenya hon.John Arap Koech halka
uu Hono.Stephan Kolonzo Misayoka u ahaa wasiirkii hore
ee arrimaha dibada Kenya.
Kulanka 10-aad ee
golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo qaadey horumarkii
uu sameeyey shirka nabada Soomaalida ee ka socda 22-biloaad
dalka Kenya. Waxaana kulankaas lagu sheegay in
2-todobaad ka dib la heli doono natiijadii shirka ,taas oo
ah Baarlamaan iyo dawlada Federaal ah oo Soomaalida
Deeqda.
Wasiirada arrimaha
dibadda ayaa sheegay in ilaa iyo maanta magacyada liisaska
la dhameytirayo, berrito (August 2, 2004) lagu dhaarin
doono xarunta qaramada midoobey ee Nairobi ee Giri-Giri
xildhibaanada Barlamaanka ee Beelaha Soomaaliyeed ee
shirka Nabada.
Kulanka wasiirada waxaa
mahadcelin looga soo jeediyey soomaalidii gacanta ka
geysatey shirka Nabada ee Soomaalida.
Waxaa kaloo mahadnaq looga
soo jeediyey Dawladaha safka ee Gobolka ,Ururada
Caalamiga, dhamaan hay`adihii gacanta dhaale iyo mid
taageero ka geystay shirka nabada Soomaalida ee ka socda
Kenya.Xaflad
Lagu Qabtay Nairobi
Munaasabad qado sharaf
ah oo ay soo qabanqaabiyeen waxgarad iyo aqoonyahanno
Soomaaliyeed oo ka kala socday Jaamacadda Muqdisho,
Somali concern Group UK, Ururada bulshada iyo
aqooyahanada Soomaalida ah ee u shaqeeya hay'adaha
caalamiga ah ee dalka Kenya.ayaa lagu qabtey shaley Hotel
Grand Regency ee magaalada Nairobi.
Prof.Xuseen Macalin
Iimaan, oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha ayaa ii
sheegay in ujeeddada xafladda qadada ah ay ahayd in la
isku keeno hogaamiyayaasha Soomaalida, loona muujiyo
taageero buuxda wax walba oo ka soo baxa shirka
Soomaalida uga socda Mpaghathi Kenya.
Munaasabadda qaddo oo
ay ka soo qaybgaleen hogaamiyayaal dhaqan,
hogaamiyayaasha kooxaha, mas'uuliyiin kala duwan, xubno
ka tirsan guddiga fududaynta shirka IGAD, Jaamacadda
Carabta, Midowga Afrika iyo xubnaha bulshada caalamka,
waxaa ka hadlay Ambassador Kiplagat, ergayga gaarka ah
ee Soomaaliya u qaabilsan shirka Soomaalida dawlada
kenya, kaasoo ka hadlay in munaasabadda ay ahayd kulan
wanaagsan oo fikrado la isku dhaafsaday loona baahan
yahay in looga hadlo nabad iyo dib u soo celinta
qarankii lumay ee Somaaliya.
Wuxuu xusay in caqabado
badan laga soo gudbay kadib markii iskaashi iyo go'aan
adayg ay Soomaalidu muujiyeen, isagoo ku dhiirigaliyay
Soomaalida in aysan sinaba uga niyad jabin inta dowlad
rasmi ah ay ka soo baxayso shirka.
Hadaladii Ambasator
Kipligat waxaa ka mid ahaa:-
Aan mustaqbalka ka fakarno, saadaalino, oo riyadeena
haysanno oo mar walba rajo lahaano, oo aan dhahno, waa
suuragal in aan guulaysanno, waan dhisaynaa dowladda,
waxay ahaanaysaa dowladda caalamka oo dhan la tixgalin
doono, calanka Soomaaliyana todobaadka soo socda ayuu ka
baban doonaa oo laga saari dalka Kenya.
Fanaaniin Soomaaliyeed
oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ku soo
bandhigay heeso iyo riwaayad ka tarjumaya xaaladda
wufuudda Soomaalida ee ka qayb galeysa shirka nabada
Soomaalida ee ka socda Mbagathi.
Munaasibadaasi oo
halkudhigeedu ahaa "waan wada leenahay ee yaan loo kala
harin", taasoo Drs. Maryan Cariif Qasim oo
qabanqaabiyayaasha ka mid ah ay sheegtay in looga dan
leeyahay in kooxaha iska arki waaya dowladda la dhiso
aysan is oran hor istaaga maadaama aydan ku jirin,
laakiin ay muhiim tahay in danaha shaqsi la iska iloobo
oo laga hormariyo midda Qaran.oo aan la is hortaagin
dawlada ka dhalan doonta shirka Nabada ee ka socda
kenya muddo 22-bilood.
Si kastaba ahaatee
wararka ugu dambeeyay ee shirka, ayaa sheegaya in berito
ay kulmayaan Guddiga fududaynta shirka ee wasiirada IGAD,
iyadoo maalinta Axaddana ay dhacayso munaasabadda
dhaarta xubnaha baarlamaanka ay Soomaalidu soo gudbiyeen
oo haatan gaaraya 235 magacyada xildhibaanada
Baarlamaanka.
Abdikarim Aden hussein.
Somalitalk.Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com
WARARKII AGOOSTO 20
»Banaan
bax ay sameeyeen maanta qaar ka mid ah ergada shirka
»Madax dhaqameed maanta
halkii ay daganaayeen laga saaray.
»Wasiirka A/Dibadda
jabuuti oo maanta soo gaaray madasha shirka.
»Dhaarinta Xildhibanada oo
markale la filayo in dib loo dhigo...
»Shaxda Kuraasta Xildhibaanada ee Beesha Harti
Daarood...
»Beesha Saruur :-Daawada Hadey Bukooto Maxaa lagu
daweeyaa..
Dhammaan ka akhri halkan...
Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida:
Faallada Toddobaadka:
Afyare & Dr. Barise
Waxyaabaha
Carqaladeeyey Shirka Nairobi
HORUMARKA
SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com |
|
|
Allah Is Great |
|
|
HAMBALYO:: HAMBALYO::
Arooska iyo Aroosada Cali Siciid
Nasir iyo Deeqo Maxamed Siciid
|
Waxaa hahbalyada diraya:
- Faarax Musse Cumar iyo Xaaskiisa Umu Maxamed
Faarax
- Maxamed Cali Cumar iyo xaaskiisa Maryan Cali
carab
Cabdulqadir Muuse Cumar
Shariif Muuse Cumar
- Xaamid maxamed saalax
- Yuusuf X. faarax
- Samatar Omar irbad
- Axmed Bashiir Cali
- Xasan Saalim Nasir
- Iyo Hooyadiis; Shacni Xaaji Faarax iyo
Dhamaan Walaalihiis oo kala ah
- Eng:Nasir Siciid Nasir, Anwar Siciid Nasir,
Maxamed Siciid Nasir, Amiin Siciid Nasir, A/risaq Siciid Nasir,
Haybe Siciid Nasir, Saynab Siciid Nasir, Sahra Siciid Nasir,
Ifrax Siciid Nasir, Burhan Siciid Nasir, Khadra Siciid Nasir
Ayaan Siciid Nasir, Caasha Siciid Nasir, Sucaad Siciid Nasir,
Naciima Siciid Nasir,
Dadkaas oo kala jooga wadamada USA, UAE, KUWAIT,
HOLLAND, PAKISTAN IYO SOMALIA waxey tahaniyad Kal iyo Laab ah u
dirayaan Arooska iyo Aroosada Cali Siciid Nasir iyo Deeqo Maxamed
Siciid oo habeenkii jimcaha ee Taariikhdu aheyd 13 kii Bisha
August 2004 ku Aqal Galay Hotel International Village Ee Magaalada
Bosaso Gobolka Bari, waxeyna Leeyihiin Wiil Iyo Caano Gabar Aamiin
Aamiin Aamiin
Hambalyada qoyska waxaaa loogu hagaajinkaraa:
deebaanione@hotmail.com
|
|
|
|