Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com
YAA MAAMULA MAXAYSE U TAAGAN YIHIIN
SHABAKADAHA INTERNETKA EE KU SOO BAXA AFKA SOOMAALIGA!!!!!!
Waxaa dhamaaday wadaniyadii, waxaa bedalay
qabaliyad, waxaa dhamaaday dal jacayl waxaa bedalay gobalaysi, waxaa
dhamaaday ka fakarkii jiilka danbe waxaa bedalay dilka iyo fasahaadinta
jiilka maanta, waxaa dhamaatay cadaaladii waxaa bedalay xaqdaro, xin, xasid,
xumaan, xaaraan, iyo xasuuq, waxaa dhamaatay sinaantii waxaa bedeshay
dabaqado qabiil iyo dhaqaale ku salaysan.
Hadaba akhristow waxaa iswaydiin mudan side
intaas oo arimood ku dhaceen sideese lagu bedeli karaa, kaalin intee le’eg
ayayse saxaafudu ka qaadan kartaa arintaasi, mase jirtaa in saxaafadu tahay
aalada burburiyay dalkeenii iyo qarankeenii.
Waxaa jirta arin aysan muskhtamaca
Soomaaliyeed badankiis ku baraarugsanayn ama fahamsanayn taas oo ah kaalinta
saxaafada.
Saxaafadu waa shay loo adeegsan karo wanaag
laakiin wakhtiyada qaarkood waa shay dhibaatada uu gaysan karaa ayka badan
tahay faa’iidadiisa, maxaa yeelay in wax la dhiso waxay qaadataa mudo dheer
laakiin burburku ama in wax la burburiyaa waa wax sahlan.
Hadaad dib u eegto saxaafada Soomaliyeed
waxay soo martay marxalado kala duwan. Saxaafada ugu wayn oo aan
xusuusanahay waa mida uu hodanka ku yahay Afka Soomaaligu oo ah Gabayada,
taaso ah sida keliya oo ay kuwada xiriiri jireen ama warka ku kala qaadan
jireen dadkii hore. Hadaad dib u eegto dagaaladii qabiilada soomaaleed
badankood waxaa hurin jiray Gabay uu qof mariyay (tiriyay) kadibna uu qaaday
warside ama fariin qaade gaadhsiiyayna ciday khusayso, cidaasi ama ha noqoto
qolada lagu aflagaadaynayo, looguna hanjabayo ama loogu digayee, ama ha
noqoto noqalada lagu dhiiri gelinayo, lagu kicinayo ama loogu calaacal iyo
cataabayee. Waxaa ka mid ah gabayadaas kuwii caan baxay sida: Silsiladii
Guba oo uu Cali Dhuux bilaabay, Gabayadaasina ay saameeyeen Isaaq, Harti iyo
Ogaadeen (absame). Rag caan aad ugu ah xaga gabayaduna ay silsiladaas dab
iyo fidmo belbeliska ahayd ka qayb qaateen.
Waxaa kaloo jiray Gabaygii uu Aw Muuse
Tirshay oo ahaa mid aad u dheer uuna ku kicinayay Majeerteen si loogu duulo
Warsangeli oo markaasi dilay niman ergo ahaa, taasi oo ahayd shay laga
gilgisho, maxaa yeelay ergada la isku diraa waa la nabadgelin jiray.
Waxaa ka mid ahaa taliskii Sayidka ee
guumaysi diidka ahaa waa Daraawiishe iyo sida ay u isticmaali jireen aalada
Saxaafada iyadoo uu Sayidku fariimihiisa ku gudbin jiray gabayo una dhiibi
jiray warside ama ergay fariintiisa gaarsiiya hadba ciday khusayso, ragii
caanka ahaa ee wakhtigaasna waxaa ka mid ahaa, Ismaaciil Mire iyo Cali Dhuux
, sidoo kale Xuseen Dhiqle iyo rag kale oo badan.
Waxaa ugu danbeeyay u isticmaalka Aaladaan
saxaafadeed ninkii la oran jiray Khaliif Sheikh Maxamuud oo tiriyay gabayo
badan oo uu ku kicinayay Majeerteen oo wakhtigaasi mucaarad ku ahaa lana
dagaalamayay Taliskii Keligii taliska ahaa ee ina Siyaad bare.
Habada akhristow hadaan u soo noqdo
Saxaafada Casrigaan oo ah mida Raadiyaha, Joornaalada, Telefishinka iyo mida
ugu danbaysa ee internetka, waxaan oran karaa waa mid ka dhib iyo dheefba
badan saxaafadii qarniyadii tegay.
Waxaa kaaga tusaale ah:
Hitler iyo wasiirkiisa warbahiinta oo
saxaafada u adeegsadeen kicintii iyo borobogaandadii ay ku hayeen shacabka
jarmalka, sidoo kale waxay amarada tooska ah ka siin jireen ciidamadooda iyo
taageerayaasha xisbigii Naasiga ahaa, idaacadaha la iskala hadlo, waxay
kaloo ku dhiiri geliyeen shacabkii taliskooda hoos imaan jiray inay
xasuuqaan yuhuudii ku dhexnoolayd.
Waxaad kaloo arki in Shuuciyadii Ruushku ay
dadka ka xukumaysay idaacadaha iyadoo wixii la rabo in shacabka kagu shubo
ama laga dhaadhacsho loo adeegsan jiray saxaafada.
Sidoo kale Maraykanku wuxuu burburintii
shuuciyada u adeegsaday idaacad loo yaqaan (RADIO FREEDOM) ama cadka
xoriyada kaas oo lagula hadli jiray laguna kicin jiray shacabkii Yurubta
Bari sida: Romaaniya, Yugoslaafiya, Jeguslaafiya, Bulgaariya iwm.
Ugu danbays xasuuqii ka dhacay Dalka Rwanda
waxaa laga hagayay ama laga maamulayay idaacadaha raadiyaha dalkaasi oo
waxaaba la oran karaa ragii idaacadahaasi ka hadlayay ayaa ka darnaa kuwii
qoriga, seefta iyo faaska (baangada) la dhacayay shacabkii maxaysatada ahaa
ee Tutsiga. Xasuuqaasi oo ay ku nafwaayeen 500,000 oo Tutsu ah iyo qaar ka
mid ah Hutuda waxgaradka ahaa oo isla noolaanshaha ogolaa wadaniyaduna ku
jirtay..
Waa isagii uu Dhoodaan gabaygiisa ku lahaai:
(Nin ku dilay ninkii kugu diraa kaaga sii darane).
Hadaba akhristow hadaan u soo noqdo
saxaafada maanta iyo aalada internetka, waxaan oran karaa waa alaad aafo ah,
waa shaydaan ka dheereeya kan insiga iyo jinigaba, waa aalad adoo gurigaaga
jooga aad daafaha iyo cidhifyada aduunka kula xiriiri kartid, waa aalad isku
darsatay ama kulansatay sadexdii aaladood ee warbaahineed (maqal “raadiye”,
muuqaal “telefishin”, Qoraal “joornaal”).
Waa aalad samo iyo xumoba loo adeegsan
karo.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan sida ay
Soomaalidu u adeegsato aaladaan. Anoo taa tixraacaya ayaan booqday Boggaga
kala duwan ee ay soomaalidu maamusho kuna soo baxa Afka-Soomaaliga, waxaan
kala kulmayna waa sidaan:
- Inay yihiin goobo faafiya gobolaysi
iyo qabyaalad.
- Yihiin goobo lagu kala taageero dagaal
abaabulayaasha iyo dhiigyacabka.
- Yihiin goobo ka turjuma aragti hoose
iyo nimba aragtida qabiilkiisa ama jifadiisa.
- Yihiin goobo wax ku arka il keliya
waxna ku maqla dhag keliya.
- Yihiin goobo la isgu faano laguna
aflagaadeeyo qabiilada kale.
- Yihiin goobo lagu soo bandhigo
aragtida,maqaalada ninba ninka la qabiilka ah
- Yihiin goobo aan ogolay soo bandhig
figrad ka duwan tooda.
- Yihiin goobo jecel maqaalada belbelka
iyo buuqa abuura, diidana kuwa waanada iyo wadaniyada xanbaarsan.
Intaas iyo in kaloo badani waa waxa ay u
taagan yihiin goobahaasi, waxaana kaaga markhaatiga:
Magacyada ay la baxeen sida: Puntland,
Somaliland, Gedo, Hobyo, Qandala, Galkacayo, Banadir, Hiiraan, Mudug,
Galgaduud, Marka, Dayniile, iyo kumanaankaloo badan, waxaaba ka siidaran
kuwa sida qaawan qabiilka u sheegtay sida Mudulood, Midgaan iyo Bantu iwm.
Goboladaas iyo Tuulooyinkaas iyo magacyada
qabaa’iladaasi waa kuwo u taagan aragtiyo hoose oo kooban oo khaas ah, waa
kuwo aan matali Karin shacab Soomaaliyeed, waa kuwo sii kala fogaynaya
Wadaniyadadii, Qaranimadii iyo Midnimadii Soomaliyeed, maxaa yeelay
shaashadahaan internetka ee Soomaalidu waxay keeneen in qofkastaa uu ka biyo
cabo ama warka ka qaato shabakada internetka ee ku hadasha afka qabiilkiisa,
wadata magaca gobolkiisa, matasha qabiilkiisa , taasoo cabirta fikirka
jifadiisa. Hadaba waxaa iswaydiin mudan miyaysan qabyaalada, gobolaysiga,
iyo jifa jifaysigu ahayn wixii burburiyay dalkeenii hooyo , waxa sababay
inaynu qaxooni ku ahaano dalal aynaan lahay, hadaba akhristow goormaynu door
iyo dawo moodnay jiradii iyo cudurkii ina laayay oo meesha ina dhigay.
Waxaan iswaydiiyaa sidii lagu heli lahaa
internet ku hadli kara Magaca Soomaaliyeed, matali kara mushtamaca iyo
qowmiyada Soomaaliyeed, kaas oo ka hufan aragtida hoose ee qabyaalada ku
salaysan, sidii lagu heli lahaa goob uu qofkastoo damiir soomaalinimo iyo
dal jacayl ku jiri ka heli karo warka, sidii loo heli lahaa il saafi ah oo
laga cabi karo biyo xareed ah oo aan la barxin lana buunbuuni.
Ma lihi way xun yihiin dhamaan qolalka ku
hadla Afka Soomaaligu ama ay Soomaali maamusho, laakiin waxaan leeyahay
badankood ashmaaha, oo timir laf baa ku jirta.
Hadaba waxaa in la fahmo u baahan in
qofkastoo furanaya ama maamula shabakad warside ah ee internetku uu fahmo
mabaadida iyo xeerarka wariye nimom, maxaa yeelay wuxuu soo bandhigayaa
qofkaasi war, aragtiyo, doodo, iyo faalooyin. Qofkastoo guriga kumbuyuutar
u yaalana wuu akhristan, hadaba ogow qofka kastoo akhrisanaya shabakadaadu
inuusan kula jifo iyo qabiil ahayn , sidoo kale waxaaba dhici karta inuusan
kula diin, af iyo dalba ahayn. Marka waa xilwayne ogow.
Soomaalidu waxay tiriihdaa “nin walba
ceesaantiisa ceelka keen” marka arinku yuusan noqon ina hebel ama reer
hebelba gole iyo shaashad bay samaysteene maxaa aniga reer hebela inoo
diiday, ogow caqliyadaada kooban iyo sirtaada hoose intaba in laga ogaan
karo qormooyinka iyo maqaalada aad soo bandhigaysid.
Ugu danbays si bal aynu wax uga fahamno
xeerarka iyo xirfadaha saxaafada, fadlan la soco qormadayda danbe oo aan
kaga hadli doono waajibka saaran Suxufiga iyo waxa laga rabo Saxaafadu inay
noqoto.
Mahadsanidiin.
Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | August 17, 2004
Soomaalida Holland iyo cunista Qaadka
Warbixintii Maxamed Xaaji...
Guji
Aug 17
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|