SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BORLANGE, SWEDEN
BORLANGE, SWEDEN
Daabaco Boggan | Print
WARARKII::: 2002
»18kg oo Xashiish ah oo Booliska Xamar qabteen: May 12

»C/Laahi Yuusuf oo Bosaso nabad Kugalay: May 6
»Warbixintii saciid Fuuraa ee K/Afrika: Sidii loosoodhoweeyey waftigii SL
»Maraykanka oo Jawaab kadalbay 3da SomSweden
»Ufidin gargaar Jubbada Hoose
» Dagaal Bariga Garoowe kadhacay may 6
» Xasan Abshir oo lakulmay Boqorka iyo ra'iisul wasaaraha Baxrain
» Cigaal oo Geeriyoodey May 3, 2002
» Yaaser carafat oo kasoo baxay dhismihii lagu hareeraysnaa
» Professor lagu afduubay xamar
» Ra'iisul wasaaraha DKG oo Booqday Kuwait
» Wakiilkii Al-Barakat ee Boston oo Laxakumay
» 7 Qof oo kudhintay Dabkii Bakaaraha, iyo 34 kale oo ku dhaawacmay
» Bayaan: Joojin xiriirka ganacsiga W/Galbeed Soomaaliya
» IQRA: Waraysi Guddoomiyaha Gudiga farsamada IGAD
» Dagaalka Gujurat, India ee Muslimiinta iyo Hinduga
  » Yurub oo dhinaca garabka midig u sii guranaysa
» Warbixin Jamciyadda Almanhal iyo waxqabadkeeda
» Wiil yar oo kaaga baahan taakulany
» Shirkada Amal oo Mashruuc Ballaana ka hirgelineysa Nairobi
» Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Qoraal kulul u qoray Meles Zenawi
» Shacbiga Ogaadeenya oo ka Fiirsanaya Talaabaddii ay Ina Cigaal Oogu Jawaabi lahaayeen
» 54jir Soomaaliyeed oo ku guulaysatey billada Degaanka ee 2002
» Da'yarta Soomaaliyeed iyo Isboortiga
» Nin Soomaali ah oo Xabsiga loogu Kordhiyey Dalka Sweden
» Jariidad xustay magacyo soomaalida dhuxusha u dhoofiya Kaliiijka
» Jabuuti oo Sharaxday Khilaafka IGAD
» Xafladii Galaydh ku qabtay Minneapolis
» Radio 3CR oo Waraystay Jaamac Cali Jaamac
» Wiil Soomaali ah oo Kasoo dhacay 18aad
» Sweden oo shaaca ka qaaday warbixin sir ah
» Warar Naxdin leh oo kasoo baxay Janiin
» Sweden- bannaan bax taageeraya Falastiin
» Warbixin tafatiran ee dagaalka falastiin
» Jawaabtii shirklada Dahabshiil ay kabixisa ee warkii...
» Xaalada saddexda Soomaalida sweden ee magacyadooda...
» Taariikh Kooban ee Masjidka Qurduba, Spain ee Muslimka lagu dhibay
» 5 Soomaali ah oo Itoobiya ku xakuntay in la daldalo
» Addis Ababa oo loogu yeeray inay joojiso hub ay ku dal-dalayso DGPL
» Aabe Qirtay in uu Gabadhiisii Diley - xabsi daa'im
» Sweden oo Laabtay Baaritaankii aykuwadey Al-Barakaat
» IQRA oo Waraysatay Mawliid Macaane
» Xogyaha Arrimaha Siyaasada Ururka USC-PM oo ugu baaqay Cabdiqasim inuu is casilo
» Warbixin faahfaahsan ee dagaalka Gujirat, India ee Muslimiinta iyo Hinduga

FAAFIN: SOMALITALK.COM | MAY 24, 2002

Matxafka mustaqbalka, Borlange
BORLANGE IYO SOMALITALK.COM

Ahmed-shil Mohamed
ahmedshil@yahoo.com
 
Borlange, Sweden
 

Waxaa taariikhdu markay ahayd 18 kii Maajo lugu dabaacay somalitalk.com akhbaar kahadlaysay wadahadal dhaxmaray Xafiiska Ajnabiga ee magaalada Borlange iyo Ururka Geeska Afrika oo ah urur kajira magaaladaa kana taakuleeya Soomalida xagga laqabsiga iyo kunoolaashaha Iswiidhan. Kulankaas oo looga wadahadlayey dhibaatooyinka haysta ajnabiga gaar ahan soomalida kudhaqan magaalada ayaa waxaa goobjoog ka-aahaa arrintaa oo kawarbixiyey wariye katirsan Somalitalk.com oo markaa sida muuqato maqaal kaqoray arrintaa.

Subixii isniinta ooy bisha maajo ahayd 21 ayaa bogga gudaha ee loogu talogalay shaqaalaha magaalada Borlange oo ayugu gaadhaya 3000 oo qof lagu soo daabacay maqaal cinwaankiisu sidan ahaa:

Homepage soomali ledahay oo kahadlay magaalada Borlange.

Magaalada Borlange waxaa looga hadlay mid kamida homepageyada ugu waawayn ee ay soomalidu leedahay.

Marka Borlangooy maxaad ahayd?

Waa magaalo yar oo kutaallo badhtamaha iswiidhan, ahna maglaada labaad ee ugu wayn gobolka layidhaa Dalarna. Tirada dadka daggan waxay dhanyihiin 50,000 oo qof ooy illa 7000 ajanabi yihiin. Borlange waxay kamidtahay magaalooyinka ugu bilicda san dalkan Iswiidhan iyadooy ugu wacantahay magaalada oo aad u da'ayar iyo dhulka ay kutaallo oo ah dhul aad ubilicsan xilliyada Xagaaga iyo kuwa Jilaalkaba.

Dadka kunnool

Waa dad inta badan aaminsan mabda'a Hantiwadaagga ooy usii dheertahay inay aaminsanyihiin halkudhagga layidhaa (Wadajir) ooy macnaheedu tahay in dhib iyo dheef lawadagaybsado oo aan la'isku xadgubin, la'isuna naxariisto. Waxay aad utaageeraan dadkeedu dadyawga dulman ee kukala nool adduunyada dacalladeeda siiba FALASTIIN, POLISARIO, CUBA, iyo kuwo badan oo hadda xuquuqdooda helay sida ANC, SWAPO, NLN, iyo NICRAGUA.

Tusaale waxaa kuugu filan dabbaaldaggii loo dabbaaldagayey 1da maajo, waxaa magaalada gudaheeda socod kumaray boqollaal qof oo wato calanka falastiinida kuna dhawaaqayey israel hakabaxdo dhulka falastiinida. Sidii ay yuhuuddu ugashay dhulkii ay daakhiliyada siisayna waxaa kadhacayey mudaharaadyo isdaba jooga oo looga cabanayo arrintaa iyada ah. uma-ayna kalahadhin siyaasi iyo shacab, xitaa jaraa'idka gobolka iyo magaaladaba aadbay uga dayriyeen dhibaatada laguhayo dadkaa dulman, waxaa intaa dheer ururro gaara oo ayagu tago dhulkaas kaalmeeyana dadkaa dhibban oo ugu muhiimsanyahay urur ay leeyihiin dhakhaatiirta magaalada oo kacaawiya Falastiinimda xagga caafimaadka.

Ayagoo ay iswiidhishku kaga duwanyihiin fahamka Aragtida Dimoqraadiyada dadka loo yaqaanno 'Anglosexon' (Ingriis, Maraykan, kanada, Australia iyo Newzeland) ayey hadana usii dheertahay kalgacal iyo naxariis dheeraada  oo ay uhayaan dadyawga dulman caalamka dacalladiisa. Waxaana ugusii wacan, sida aan kor kuxusayba, dadkooda oo ubdan in aaminsan mabda'a Hantiwadaagga Dimoqraadiga ah. Waagii hore mowqifyada ay kataagamyihiin qadiyadaha adduunyada aadbay ucadcaddaayeen haddase sidii hore ma'aha oo hoosbaa loo gunuunacaa iyadoo loo aanaynayo arrintaa labo shay:

Isumiisaankii kadhaxeeyey Ruusha iyo Maraykanka oo meesha kabaxay.

Hoggaamiyihii geesiga ahaa Olof Palme oo xijaabtay booskiisiina aan labuuxin.

Xidhiidhka caalamka kale!

Aad ayuu uqoto dheeryahay xidhiidhka ay magaaladu laleedahay caalamka waana wax ay hidda uleeyihiin kuna faanaan. Markaad qorrax udhac kasoo gasho guriga dawlad goboleedka magaalada (Stadshus) waxay ishaadu qabani qoraal bira oo darbi kudhaggan ooy kuqoran yihiin erayadan:

RUA BORLANGE, SAO CARLOS BRASIL

Oo macnaheedu yahay waddada Borlange ee magaalada Sao Carlo ee dalka Brazil, kaasoo loogu abaalguday magaalada heshiis saaxiibtinimo ooy lagashay magaaladaa 1989 bishii Oktoobar tobankeedii. Waxaa intaa usii dheer inay laleedahay xidhiidh aad uqotodheer magaalada Kimberley ee Koonfur Afrika iyo magaalada Huechuraba ee dalka Chili, labadaa magaalo ayey Borlange aad utaageertaa saxiibtinimo kadhaxayso awgeed ayadoo ufidiso kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo. Waxaa sanadkii yimmaado wufuud isdabajooga ah oo uyimmaado magaaladan Borlange arrimo kala duwan kana kala yimmaado magaalooyinkaa aan soo xusay.

Soomalida daggan!

Bilicda Xilliga Xagaaga, Borlange 
Waxaa daggan soomaali kudhow 300 oo nafar oo ubadan haween iyo carruur oo kuwooda ugu horreeyo ay soo dageen 1995tii, intooda badan waxshaqo ah mahaystaan oo waxay kunoolyihiin Kaalmada Ijtimaaciga. Xagga ganacsiga iyo waxbarshadaba luguma firfircoona iyadoo inta badan la eedasado afka dalka looga hadlo oo aad u�adag iyo dadkoo kuba cusub dalka iyo gobolkaba. Mar uu kahadlayey madaxa xafiiska ajnabiga ee magaalada arrintan lugu xusay magaalada iyo waxqabadkeeda khuseeya ajnabiga Somalitalk.com ayuu sheegay Jakob inuu aad ugu faraxsantahay qoraalkaa isaga ah uuna u'arko arrin muhiima inay helaan dadka soomalida oo kucusub meeshan dad ay wax iswaydaarsadaan kalana socdaan sida xaalka laqabsiga soomalidu yahay mujtamacayada ay ladageen, asagoo sheegay inay aad ufiicantahay inay akhbaar bulsheedka ay kahelaan soomalida Borlange Somalitalk.com maxaa yeelaybuu yidhi waxay waxtaraysaa soomalida Borlange inay kaga daydaan soomalida kale ee hore uyimid dalalka kale horumarka ay gaadheen. Wuxuu hadalka kusoo gabogabeeyey Jakob inay tahay arrin muhiima arrinta wada xidhiidhinta soomalida caalamka kukalanool ee ay waddo Somalitalk.com homepageyada lamidka ah sida la'iisheegay buu yidhi.
 
Waa aqalkii uu kudhuuntay boqorkii ugu caansanaa Iswiidhan Gustav Vasa (1496-1560) markay Daanishku ugaadhsanayeen. Naanaysta boqorka waa (Lafdhabrtii Iswiidhan)

Waxaa soo diyaariyey
Ahmed-shil Mohamed
 
ahmedshil@yahoo.com   
Borlange, Sweden

FAAFIN: SOMALITALK.COM | MAY 24, 2002

Dr. Cabdullaahi Warsame Afrax iyo Dadaalkiisii waxbarsho - AKHRI 

Sweden: Kulan Dhexmaray Maamulka Qaxootiga iyo Soomaalida
Kulankaan oo kadhacay Borl'nge, Sweden waxaa soo qabanqaabiyey GUJI.HALKAN  18/5

Sweden: Shir lagaga hadlay arimaha murugsan ee  Geeska Afrika
Prof. Cabdi I. Samatar oo ka hadlay shir laguqabtay Sweden ayaa sheeyan in aan Soomaaliya lagu dhisi karin qabiil ee... AKHRI.HALKAN May 16

WARARKA KALE EE MAY » GUJI
» APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com