GARSOORAHA MAXKAMADDA BOSAASO OO BEENIYAY WARBIXIN BBC-DA
IYO WARGEYSKA QARAN KALA XIGTEEN OO KU SAABSAN NAAGO ISKU
GUURSADAY BOSAASO OO TOOGASHO LAGU XUKUMAY
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Sahan Bosaaso.
Email
Maxdeeq50@hotmail.com
21 Feb. 2001
Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada
Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare ayaa beeniyay warbixin ku
saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo
maxkamaddu ku xukuntay in la dilo.
Garsoore Awaare oo aan fiidnimadii 21ka bishan kula
xiriiray gurigiisa ayaa ii xaqiijiyay in aan haba yaraatee
waxaba ka jirin warkaas, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd
maxaa ka jira wararka sheegay in haweenka is guursaday
maxkamadda la hor keenay oo aad xukunteen "Adeer arintaasi
waxba kama jiraan, annagu ma arag, meel lagu hayana ma maqal,
meel lagu xukumayna warkeedaba daah".
Garsooruhu waa uu sii waday hadalkiisii oo waxa uu yiri
"wax daran ayaa warkaas sheegay, anagana waxaa markii noogu
horaysay Taleefan nalagu soo waydiiyay anagoo maxkammadda
joogna su’aalo ay ka mid ahaayeen Naagihii is guursaday ma
maantaad maxkamadda saaraysaan? Maxaad ku xukumaysaan iyo
kuwa la mid ah, ugu danbayntiina anaga laf ahaantayadii ayaa
inta shaki na galay waxaan teleefano u dirnay dhamaan
saldhigyadda magaalada, si ay noogu sheegaan haddii ay
hayaan wax kiis ah oo arrintaas la xiriira, iyaguna anaga
ayay nala yaabeen, marka adeer arinkaasi waa been, aan waxba
ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, Ilaahaw ha inagu
keenin hadana waxaas iyo wax la mid ah toona" ayuuna
garsoore Awaare hadalkiisii ku soo afjaray.
Sidaas oo kale waxa aan booqday inta badan saldhigyada
Magaalada isla habeenkii waxaana la kulmay qaar ka mid ah
madaxda danbibaarayaasha saldhigyada Bosaaso kuwaasoo
dhamaantood ii sheegay in aysan haba yaraatee hayn wax war
ah oo ku saabsan naagaha la sheegay in ay isku guursadeen
Bosaaso, maxkamad ay u gudbiyeena aysanba jirin.
Mursal oo ahaa danbi baaraha saldhigga Biyo kulule ayaa
yiri "warkaasi waxa uu ka mid yahay warar aan sal lahayn oo
ay faafiyaan dad aad xumaanta u jecel".
"habeen
markaan dib u dhigay, habeen labaadna uu ku soo
celiyay C/shukuur Yuusuf Cali (Tifaftiraha Wargeys
cusub oo dhawaan laga soo saaray Bosaaso oo la
yiraahdo War ogaal), oo nooga soo warama Buntilaan
ayaan sii daynay warkaas.
Tifaftire Nerro
|
Ugu danbayntiina waxaa ii suuro gashay in aan khadka
isgaarsiinta Taleefanka ee Magaalada Muqdisho kula xiriiro
Tifaftiraha Wargeyska Qaran ee ay BBC-du warkaas ka xigatay
Qaasim Nerro, waxa aana waydiiyay sida uu warkaas beenta ahi
ku helay, kuna faafiyay isaga oo taas ka jawaabayana waxa uu
Tifaftire Nerro ku jawaabay "habeen markaan dib u dhigay,
habeen labaadna uu ku soo celiyay C/shukuur Yuusuf Cali (Tifaftiraha
Wargeys cusub oo dhawaan laga soo saaray Bosaaso oo la
yiraahdo War ogaal), oo nooga soo warama Buntilaan ayaan sii
daynay warkaas, anoo rumaystay in uu yahay xaqiiqa baahday,
mana rumaysnayn in nin wariyenimo rajo qabaa uu sheegi karo
been taas oo kale ah, waliba si aan u dhawro amaankiisa,
maadaama warkaasi ahaa mid xasaasi ah waxaan qarinay
magiciisa, laakiin hadda qarin mayno, warkana cidda aan ka
helnay waa cadahay" ayuu yiri Tifaftire Nerro.

Police in Puntland have denied a
story widely reported in Somalia that two women were
sentenced to death for being lesbians.
According to Mogadishu newspapers, the women were
reported to have been found
guilty of "exercising unnatural behaviour" by having
a lesbian relationship.
But police in Boosaaso, where the sentence was
reported to have been passed, say the case never
came before the courts.
The Qaran newspaper in Mogadishu has now printed an
apology to their readers.
It had been reported that hundreds had packed the
court in the northern coastal town.
But no official confirmation was ever received from
the Puntland authorities.
Source:
BBC Africa |
Mar uu ka jawaabayay su'aal kale oo aan ku celiyay oo ku
aadanayd waxa ay haatan yeelayaan waxa uu yiri "waxaa
waajib nagu ah in aan akhristayaasha qaran ka raali galino
warkaas aan salka lahayn isla Beritaba, go’aanka kaas
xigaana waxa ka tashan doona masuuliyiinta wargeyska si wada
jir ah"
BBC-da qaybteeda ururisa wararka afafka qalaad ku baxa ee
la yiraahdo BBC Monitoring Service - United Kingdom; ayaa
bishan Feb 20keedii 2001 shabakadda internet-ka dariishadda ay ku
leedahay ku daabacday warkaas oo lagu turjumay afka
Ingiriiska ciwaankiisuna ahaa
Lesbians sentenced to death in Somalia (naago isku
guursaday Soomaaliya oo dhimasho lagu xukumay) kaasoo ay ka
soo xigatay sida ay ku muujisay qoraalkeeda dariishadda
Internetka ee wargeyska Qaran caddadkiisii soo baxay isla
20kii bishaan feb 2001.
Markii dambe BBCdu waxay qortay war cinwaankiisu ahaa
Somali 'lesbian sentences' denied, [eeg dhanka midig ee
boggan].
Ma aha
markii ugu horeysay ee ay wakaaladaha wararka ee
caalamka oo dhan laga akhristaa ama laga dhageytaa ay
faafiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo naxdin,
ceeb iyo niyad jab ku ah, wadaniyadda, Amniga, sharafka,
diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, iyadoo markasta
wararkaasi yihiin kuwo ay bixiyaan dad Soomaaliyeed oo
mararka qaarkood u bareera sheegidda been ay la tahay in ay
cid ku xumaynayaan ama ay ku riixayaan degaan amaba ay
qaarkood ku raadinayaan in ay ku helaan dhaqaale iyo sharaf;
tasoo dhanka kalana dhaawacyo waaweyn u geysata ilaha ay
wararka siiyaan oo macaamiishoodu kala laabtaan kalsoonidii
wareed ee ay ka qaadan jireen.
Sahan Information Center "Bosaaso, Buntilaan Soomaaliya
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Sahan Bosaaso.
Email
Maxdeeq50@hotmail.com
Feb 21, 2001
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii
Kaga Yimid Reer Boosaaso
December 4, 2003
....Dhallinyaradii
ayaa iyana halkaasi Erayo kasoo jeediyey waxaana Goobtaasi
ka hadlay Ururka Ardada Puntland (PSA ) oo ay Baxsan xasan
Maxamed ku tiiqtiiqsatay sidii Nabadu Puntland uga
hirgashayna xustay iyadoo dhalliil u soo jeedisay inay BBCDu
ka gaabiso War ka sheegitaanka Horumarka PL iyo guuleheeda......
Weriyaasha halkaasi soo
Booqday ayaa waxaa ka mid ahaa Ninka u qaabilsan BBCDa
Tababarada iyo Madaxa Laanta Afka Soomaliga Yoonis Cali Nuur
iyo weriyayaasha Yuusuf Xasan iyo Axmed Kismaayo oo
dhamaantood u jooga hadda Puntland Arimo la xiriira Tababaro
ay bixinayso BBCdu , balse waxay weriyayaashu door bideen
inay Booqdaan Dhismaha Hay'adda SOFIHA ee Nabadda ka
shaqaysay kuna bixisay Billadaha .

Shacabkii ka soo qaybgalay kulankii SOFIHA |

SOFIHA oo soo dhoweyseysuxufiyiinta BBCda |
Shacabkii halkaasi yimid
ayaa soo jeediyey Naqdin faro badan iyo eedaymo ay u soo
jeediyeen BBCda oo ay sheegeen inaysan si hufan uga hadlin
Wararka iyo waxqabadka Puntland , waxayna ku eedeeyeen inay
u xagliso dhinacyada kale ee SOMALIYA , su'aal uu soo
jeediyey C/rashiid Cali Axmed oo ahayd Maxaad dhibta
Puntland ka dhacda uun u buunbuunisaan ? oo aad uga hadli
weydaan Guulaha Ummadda Gobollada Puntland ku nool?
Akhri Qoraalka oo dhamaystiran... Guji..
BEENTU WAA FAANKA KOOXDA
CARTE IYO TAAGEERAYAASHOODA.
( waraysi aan Dr. Gaagaab
kala yeelanay war been ah ee sheegayay in la
afduubay isaga iyo marwada madaxweynaha
Buntilaan)
Tifaftiraha sare ee xarunta
wararka Sahan
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Bosaaso - Buntilaan 7, feb, 2001
sahan@brtel.net
Update: Feb 6, 2001 Cabaar ka dib markii aan idaacadda BBC-da
qaybteeda Focus in Africa aan ka dhageysanay
fiidnimadii 7da bishan warar xaqiiqda ka fog
oo kana beensheegaya xaaladda dhabta ah ee
Buntilaan oo ay waaydan danbaba BBC-du caado
ka dhigatay oo uu ka mid ahaa war ku saabsan
in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo
Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed
Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ah guddiga
Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan ayaa
waxa xarunta Wararka ee Sahan soo Galay Dr.
Gaagaab, waxaana na dhex martay sheekadan
waraysiga ah.
Oo Maxamed miyaan lagu afduubin, goormaa
lagu soo daayay? Ayaan waydiinay abaara 8dii
fiidnimo Mar uu Dr. Maxamed Cali Yuusuf
Gaagaab noogu soo galay xarunta wararka ee
sahan isaga oo kaligiis ah, wuxuuna ku
jawaabay;
"suuqaaan ka maqlay, in idaacada BBC-da
iyo kuwa muqdisho iyo qaar ka mid
tasageerayaasdha carte oo awood barabagaan
ka raadinaya arintaas ay maleegeen, waxaanan
xog ku helay in warkaani ka mid yahay
qandaraasyo dhawr ah oo ay lacag ku bixiyeen
xubno ka mid ah madaxda kooxda Carte, taasoo
ujeedkeedu tahay in khalkhal nabadgelyo iyo
xasilooni daro looga abuuro Buntilaan, si
caalamkana loogu tuso meel fawdo ah sida
Muqdisho, qandaraas qaatayaasha oo isugu
jira qaar u dhashay Buntilaan iyo kuwo reer
Muqdisho ah oo hirgalinta falalkaasi fure u
yihiin kala qaadashada lacagtaas ayaana
faafinaya beentaas iyo beena kale oo badanba.
Waxaase aad ceeb iila ah oo wax laga
xishoodo ah in BBC-du noqoto fuliyaha ugu
weyn ee qandaraaskaas."
Marwadii madaxweynaha Buntilaan Xaawo Cabdi
Samantar iyada ka waran? Ayaan iyadana
Gaagaab waydiinay, wuxuuna taas kaga
afceliyay "Goor dhawayd ayaan kaga imid
qolka ay degan tahay, ee Hoteel huruuse, aad
ayayna u qososhay markii aan u soo galay,
waxayna si kaftan ah ii waydiisay in BBC-da
iyo internetyada Muqdisho ay ina afduubeen"
markaas ayaan ugu jawaabay "Beentu waa
faanka kooxda Carte iyo taageerayaashooda"
Gaagaab mar aan waydiinay su'aal ahayd;
Hadda ma jiraan wax amnidaro ah oo aad
dareemaysaa? Ayaa waxa uu ku jawaabay,
"Haddaan amaandaro dareemayo ama ay ka
jirto Buntilaan saacadan anoo kaligay iyo
gaarigayga ah ma imaadeen xafiiskiina, iyada
ayaana cadayn kuugu filan, aniguna waxa aan
halkan u joogaa in aan dadka u akhrino
afkaarta ay ka qabaana ka dhageysano
Dastuurka cusub ee loo diyaarinayo Buntilaan,
anigoo ka mid ahay guddi heer dawladeed ah
oo loo xilsaaray"
Oo Gaagaab waxaa la idinku dhaliilayaa in
Dastuurka aad soo qaaday macnihiisu yahay,
ciyigii waa ka baryay iyo mid u dhadhamaya
anaa qoraya, anaa qalaya, anaa qaybinaya,
anaana doorasho raba, taas maxaad ka
oranaysaa? Ayaan mar kale su'aalay
Dr. Gaabaab isaga oo taas ka jawaabayana
waxa uu yiri "dastuurkani waa kii
Mustaqbalka ee ma aha mid maanta kaliya
lagaga tashanayo, waxaana xil ka saaran
yahay sixidiisa iyo turxaan bixintiisa qof
kasta oo daacad u ah jiritaanka Buntilaan,
ma aha jiritaanka xukuumadda iyo dhawrkayaga
nin ee gudigga ah, ma jiro qof hubba in uu
noqon doono kan dastuurka wax ku hogaamin
doona ee waa mid loo siman yahay. Dadaalka
aan haatan wadnaana waa mid horudhac ah oo
adduunka dimoqraadiga ah xataa uusan wali ku
dhaqaaqin, taasoo ah in diyaarinta dastuurka
oo sida caadiga ah xilkiisa la saaro koox
khuburo ah oo haddii la rabo la soo ijaarto
in aanaan isku koobin diyaarintiisa ee aan
talada guud ee dadweynaha ku biirino taasoo
ah qodob aan ku dhignayn axdiga Buntilaan ee
ah go'aan guddigu gaaray si hadhow dastuurka
dadka loo soo bandhigayaa u noqdo mid
aragtida dadweynaha la jaanqaadi kara,
dadkuna waxa ay hadda xaq u leeyihiin in ay
ku daraan aragtidooda si looga saaro wixii
dhan loo arki karo, hadhaw marka la
dhameeyana waxay xaq u leeyihiin in ay
diidaan ama ay qaataan xilliga aftida"
Warkan beenta ah iyo warar kale oo aan
tiro lahayn oo been ah ayaa waxa caadaystay
in ay baahiyaan qaar ka mid ah shabakadaha
intrenetka ee Muqdisho laga hago, idaacadaha
taageera dawladda Cusub ee ku meelgaarka ah
ee Carte iyo shaqsiyaad reer Buntilaan ah oo
kala saari la' dhaliilaha maamulka Buntilaan
oo tiro dhaaf ah iyo jiritaanka Buntilaan
iyo nabadgalyadeeda oo ah aayaha Mustaqbalka
reer Buntilaan, iyo waliba gabbaadka inta ay
dalka dib ugu soo laabanayso cadaaladdii oo
soddomeeyo sano in ka badan ka hor ka
dhooftay dalka iyo qaranimadii oo loo
masaafuriyay meel aan la garanayn.
Arimaha Yaabka leh ee ay faafiyaan
hay'ado ay maamulaan dad aan xilkas ahayn oo
shaqada saxaafadda u qaatay hanaanka cusub
ee Maleeshiyada, isbeen abuur iyo dacaayado
xaqiiqda ka fog ayaa tan iyo intii la isugu
tagey shirkii Carte ee lagu dhisay dawladda
ku meelgaarka ah soo badanayay saacadba
saacadda ka danbaysa, kuwaasoo u muuqda in
loo abaabulay dano khaas ah oo aan rajo laga
qabin in guul laga gaaro.
Aroornimaddii 6-da bishan ayaan markii
ugu horaysay ka maqlay qof igala soo
xiriirar dalka dibadiisa oo ii sheegay in uu
idaacadda Horn Africa ee Muqdisho ka soo
hadlayo ina waydiiyay in aan uga waramo
afduubka marwada Madaxweynaha iyo xiisado
kale oo ka oogan Buntilaan, waxaana u
sheegay in aanan waxba ka ogeyn, aana u
dhaqaaqayo in aan soo hubiyo, inyar kadibna
waxa aan ka soo laabtay Hoteelka ay degan
tahay Marwada Madaxweynaha BL oo la yiraahdo
Huruuse Hotel kadib markii nin masuul ah oo
halkaas ka shaqaynayay ii sheegay in ay
qolkeeda ku jirto.
Telefoonka Dr. Gaagaab |
Dr. Maxamed Cali Yuusuf waxaa lagala
xiriiri karaa telefoonada:
00-25252-34744
ama
00-25252-345558
Boosaaso |
Dr. Gaagaab waxa uu hadda degan yahay Hoteel
Guul oo lagala xiriiri karo Taleefanka ah
(002525234744) halka hoteelka kalana uu
Taleefankiisu ka yahay (0025252345558)
Dhanka kalana guud ahaan amniga iyo
xasiloonida magaalada Bosaaso ayaa ah mid ka
mid ah kuwa ugu degan caalamka maanta, waxa
kaliya ee ugu weyn ee la tilmaami karaana
waxa weeye Maamulkii la doortay oo gudan
waayay xilkii ay ummaddu ka sugaysay isuna
diyaarinaysa sidii ay wax uga badali
lahaayeen hanaanka siyaasadeed ee Buntilaan
marka laga reebo 12 nin oo loo xiray in ay
ahaayeen abaabulayaashii mudaharaad ar dhalinyaro ah oo aan
wax loo dilo galabsan ay ku dhimatay xayn
ciidanka Booliska ahina ay ku dhaawacmeen.
Maxaabiistaas oo aan wali maxkamad la hor
keenin.
Waxa kale oo intaas weheliya laba kooxood
oo Dabley beeleed ah oo mid labaatan nin
gaaraysaa Isbaaro dhigateen Tuulada
Qayaadsame Sabtidii mudaharaadka ka
danbeysay, kuwaasoo ay haatan in meesha ay
ka tagaan ay ku hawlan yihiin Isimo iyo
Odayaal degmada Qardho ka yimid oo uu
hormuud u yahay Boqorka Daarood Boqor
Maxamuud oo ay walaalo yihiin Wasiirka
Gaashaandhiga ee Dawladda Carte, waxayna
Isimadu ka hortageen ciidamada Buntilaan oo
doonayay in ay halkaas ka sifeeyaan dableyda
isbaarada Dhigatay, halka dhanka kalana
odayaasha Beesha Dashiishe ay kaga qaadeen
koox kale oo isbaaro dhigatay Qayaadsame oo
qiyaasta 30 km u jirta Bosaaso, taasoo ay
dableydu dhigteen maalin ka hor marka la
qaaday.
Si kastabase ha ahaatee ma jiraan wax
dhib ah oo ka danbeeyay maalinkii mudaraadka
oo dhacay Buntilaan, labada kooxood ayaan
midina wax dhib ah oo ay u geysteen dadka
jidka marayay la soo sheegin, dadka sida is
daba joogga ah u soo maraya wadada dheer ee
isku xirta Bosaaso iyo Gaalkacyo ayaa sahan
u sheegay in ay dableydaasi dadweynaha ka
raali galinayeen joojinta ay gawaaridooda
joojinayeen.
Su'aasha ugu weyn ee hadda Buntilaan
Dhexdeeda la is waydiinayaana waxa weeye
sababta ay u dhimatay Safiya Cabdi Axmed, oo
tiro ka yar 15 ku ah dadka xabadda ugu
dhintay dhulka Buntilaan sida buuxda uga
taliso mudadda sadexda sano ku dhaw ee ay
dhisnayd, kuwaasoo inta aan ognahay
dhamaantood wixii aan ku dhiman hawgal
ciidan la qabtay danbiilayaashii gaystay,
marka laga reebo nin ku dhintay Garoowe
sanadkii hore iyo dad Bam lagu qarxiyay
iyaga oo ku tukanayay masaajid ku yaal
Magaalada Burtinle.
Waxayna wali dadweynuhu ka samri la'
yihiin dhimashada nafeed ama dhaawac oo loo
arko in ay tahay wax qaali ah, waxaana
haatan dadaaladda isbaaradda lagu qaadayo
lagu soo waramayaa in ay ka qayb qaadanayaan
xubno ka mid ah abaanduulayaashii
mudaharaadka iyo dhalinyaro iskood isu
xilqaamay, iyadoo haatan goobaha magaalada
badankeed lagu hadal hayo is eedaymo la
xiriira in aan cidna gacan lagu siin in ay
fidmo ka holciso degaamada Buntilaan, oo
intooda badani Awoodda Alle iyo
Naxariistiisa kaga badbaaday dagaal sokeeye
iyo Burbur gudaha ah, taasoo u muuqata mid
fuli doonta, Soomaalida kalana aan la jecel
nahay in ay hanaankan oo kale gaaraan.
Sahan Information Center
Qore: Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Kala xiriir: email
Maxdeeq50@hotmail.com
|
|
Feb 2001
LIFAAQ:
HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA
- 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka
Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas
hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay
15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos
noolayd Gumaysi.
[1948 ayaa
qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo
ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii
Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey
xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano
Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa
talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu
xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii
ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
- Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay
hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad
waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya.
[Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee
Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo
tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
- 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano
kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in
ay hadasho 30-daqiiqo.
[1 July
1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo
israacii Woqooyi iyo Koonfur]
- 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii
Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy
45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo
Jimce ah.
[August
26, 2000
waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
-
Sannadka 2002 waxaa
lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado
dheeraad ah eeg:
BBC.11:00 |
BBC.14:00 |
BBC.16:00 |
BBC.18:00.[Waxaa
markaas soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta
Soomaalida]
|