2) Waxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga,
Diinta, maalka, ama Mooraalka.
3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu guriga
soogalo.
4) Waakan dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa,
isla markaasna saxa caadooyinkooda.
5) Ma aha mid dila xaaskiisa, ma-caayo, mana
xaqiro.
6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka
ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn.
7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa.
8) Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa, ma aha
BAKHIIL iyo XAASID.
9) Ma aha qof neceb qaraabada xaaskiisa(sabab
sharci ah la’aanteed).
10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo
aadduunyo ah(awoodiisa)
11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay markuu
maamulayo reerkiisa.
12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa,
maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda.
13) Waakan ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu
wanaagsan.
14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku
bixin meelo kale oo aan fiicnayn.
15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu kuxiran tahay,
gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay.
16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka
iyo ehelkiisa.
17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay &
Waan ku-necbahay”.
18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa.
19) Markay jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu
u-khidmeeyaa xaaskiisa.
20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa
xaaskiisa dadaalkeeda.
21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in
ay ushaqeeyaan.
22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada
kutaagan yahay.
23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo
iyada keedu isku mid u yihiin.
24) Makeeno gurigiisa MARTI xun.
25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa.
26) Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo
reerkiisa.
27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka
sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA.
28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka
iyo diinta gurracan.
29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah, gurigiisana
lagama cuno..cunto xaaraan ah.
30) Mageeyo reerkiisa goobaha lagu-so- jeedo
iyadoo Ilaah lacaasinayo.
31) Gurigiisa lagama xirto dharka qarriban.
32) Reerkiisu madhibo dariska mana sheegaan beenta.
33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslinka iyo
Soomaalida.
34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku mid.
35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA.
36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale.
37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad xun.
38) Waa nin badanaaba gurigiisa laga helo.
39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa
iyo hurdadiisa oo kaliya.
40) Dadka maxanto, majaajuuso sidoo kale iskuma
diro.
41) Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa
baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.