SIFAADKA SOOWJADA SAALIXADDA AH:
Qore. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
1) Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had
iyo jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.
2) Waxaa laguyaqaan inay tahay tii
xafidda maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.
3) Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu
fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.
4) Waa tii laasinta gurigeeda oo aan
kabixin, amarka ninkeeda la’aantiis.
5) Waa midda had iyo jeer ku-salaanta
ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.
6) Waatan had iyo jeer Alle uga
mahad-celisa ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey, isla
markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay.
7) Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda,
waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.
8) Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.
9) Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo
dharkeedu qarriban yahay.
10 ) Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka
ay wada hadlayaan.
11 ) Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu
xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.
12 ) Waa midda khayrka falid badan, kuna
dadaasha faafintiisa.
13 ) Waa tan runta dhar kadhigata, kana
fogaata beenta iyo ehelkeeda.
14 ) Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda
jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa, kuna saacidin carruurta wax uusan
ninkeedu raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka
aabahood.
15 ) Waa mid aan caro badnayn, haddana
aan aqoon laab- lakaca.
16 ) Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta
iyo isla weeynanka.
17 ) Waa tii had iyo jeer ka laabta
indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.
18 ) Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda
iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.
19 ) Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka
adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.
20 ) Waa midda had iyo jeer rabbigeed
talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.
21 ) Waa mid si dhammaystiran ugudata
cibaadada Alle kufaral yeelay.
22 ) Waatan si buuxda u og in ninkeedu
yahay Sayidka gurigiisa, isaguna uu yahay kan maamula.
23 ) Waa midda ka xusta
rabbigeed(carrabka iyo qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin.
24 ) Waa midda aan had iyo jeer
sheegsheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.
25 ) Waa tii qirata dambigeeda, haddii uu
khalad kadhacana weydiisata cafis ninkeeda.
26 ) Waa tan aan soomin soon Sunne ah,
ninkeeda oo raalli ka ah mooyee.
27 ) Waa midda aan isu ekaysiin ragga,
xagga hadalka, socodka iyo dharxirashadaba.
28 ) Waa midda had iyo goor ogsoon
weeynanka xaqa ninkeeda, kuna raalli galisana ninkeeda wixii aan macsi
ahayn oodhan.
29 ) Waa midda aan dhaleecayn ninkeeda,
isla markaasna aan kudhibin wuxuusan awoodi Karin.
30 ) Waa midda qarisa quruxdeeda iyo
jirkeeda, ninkeeda mooye.
31 ) Waatan lagu yaqaan xishood badan iyo
asturnaan.
32 ) Waa midda aan soo gelin gurigeeda
qof uusan ninkeedu raalli ka ahayn.
33 ) Ma-diiddo ninkeeda, haddii uu ugu
yeero sariirtiisa.
34) Waatan ninkeedu uu layaabo quruxdeeda
MUUQATA xagga(nadaafadda &labiska) iyo tan QARSOON xagga(diinta & Taqwada).
35 ) Waxay kaloo caan kutahay, ma aha tii fidisa sirta ninkeeda iyo
gurigeeda.
36 ) Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo
adduun ah.
37 ) Ma aha
mid hub ka dhigata, quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda.
38 ) Waa tii had iyo jeer ka shukri naqda wax walba oo ay hesho, haba
ahaadeen wax yar e.
39) Waa midda aan kadalbin furriin joogta
ah ninkeeda, sabab la’aan.
40 ) Waxay ninkeeda u muujisaa kal-gacal iyo jacayl dhan walba ah,
waxayna si xiiso leh u dhagaysataa marka uu hadlayo.
41) Waa midda ku-taageerta ninkeeda wixii khayr ah
oo uu falayo, lana garabtagaan waanooyinka wanaagsan iyo dhiiri gelinta
suuban.
Lasoco qaybta dambe oo aan kufiirin doono
Sifooyinka Sawjka Saalixa ah inshaa Allaah.
WQ.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 9, 2004
Isxisaabi
inta aan lagu xisaabin..... GUJI
.
XAMAR DAAWO
DACALLADA... SAWIRRO....
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|