Barnaamij Cusub oo kusaabsan
Saladaha
Bahda
SomaliTalk waxa ay akhristayaasha la socodsiinayaan in aan bilownay
barnaamij dhawr qaybood ka kooban oo aan kusoo gudbin doono salaadaha sida:
Faralka, sunaha, salaadaha qorrax madoobaadka, dayax madoobaadka, salaada
jinaasada ..... Casharadaas waxaan, insha Allah, soo tebindoonaa labadii
toddobaadba mar.
Qaybtan ugu
horaysa waxaan kusoo gudbineynaa sida salaadda loo tukado, anaga oo weliba
si gaar ah ugu jihaynay carruurta, gaar ahaan kuwa qurbaha ku barbaaray,
sidii loo barilahaa qaabka salaada ugu haboon ee loo tukado. Sida aad ku
arkidoontid, waxaan ku xiriirinay maqal iyo muuqaal sahlaya in si fudud loo
tixraaco qayb walba oo salaadda kamida.
Waxaan
rajaynaynaa in casharadani noqondoonaan kuwo laga faa'iido, insha Allah, ee
hamoogaan.
XUSUUS: Si aad
u daawatid Video-ga ama aad u dhegeysatid codka waxa aad u baahantahay RealPlayer.
Sidee Salaada Loo Tukadaa?
Salaada Ka hor
- Jirka, dharka iyo goobta salaada oo
la nadiifiyo
- In la Weysa qaato
- Dumarka oo
ay
waajib ku tahay in ay jirkooda
daboolaan
- Qiblada oo la qaabilo ama
loo jeesto [
waa jihada Makka]
-
la aqiimo salaadii. Waxaana aqiimka
ka horeeya adanka Halkan
ka dhegeyso ama
halkan
- Allaahu
Akbar (4 jeer)
-
Ashhadu Allah ilaaha
illa-Lah (2 jeer)
- Ash Hadu anna Muxamad
ar-rasuulullah (2 jeer)
- Hayya' cala Salaah
(2 jeer)
- Hayya' cala Falaah
(2 jeer)
- (salada subax oo keliya) A-Salaatu
Khayru Mina-Nawm (2 jeer)
- (marka la aqiimayo oo
keliya) Qad qaamitis Salaah
(2 jeer)
- Allaahu Akbar (2 jeer)
- Laa ilaaha illa-Lah
-
La imaanshaha niyadda: Adiga
oo qaabilsan qiblada
ayaad niyaysaneysaa in aad u qaabishay Allah dartiis oo keliya
Bilow Salaada [Adigoo
raacaya sida hoos ku qoran iyo sawirada]
1.
Niyyad: Isu-taag si xushmadi ku dheehantahay adigoo dareenkaaga oo dhan
soo jeedinaya, dunida oo dhan dhinac isagadhigaya inta aad salaada kujirtid. Gacmaha
lasin dhegaha, calaacalaha gacmaha horay usoojeedi, suulashana qaabilsii gadaasha
dhegta caaradeeda waxaadna tiraahdaa: Allahu Akbar - xusuusnow
salaada oo dhan waxaad ku akhriyi doontaa Af-Carabi. Sawirada hoose waxa ay
muujin doonaan mar wala qaabka lagaarabo in aad samaysid marka aad salaada
tukanaysid, waxaa sawir kasta dhanka bixid kala socda Carabi oo ah sida aad
dhehi doontid iyo AfSoomaali macnihiisa ugu dhow ama sharaxaad kale oo la
xiriirta qaybta carabiga.
Allahu
Akbar |
Allah
ayaa weyn (oo awooda oo dhan iska leh) |
|
2. ISTAAG [Qiyam]: Gacanta
midig oo dusha kasaaran gacanta bidix sii dulsaan xabadka sida sawirka hoose ka
muuqata. Fiiri dhulka (halka ku beegan sujuudaada), adigoo akhrinaaya ducada
furritaanka:
Subhaana
ka ala humma wa bixamdik
wa tabaara ka s muka
wa ta' caalaa jadduka
wa laa ilaaha qayruk
* * *
A'uudhu billaahi
minash shaitaan ar-Rajeem
|
Halkaas
waxaa jira dhawr duco oo la akhriyo
oo ah ducooyinka furfurashada salaada,
dhegeybo qayb kamida kadhegeyso:
* * * Allah
ka magangal sheydaanka
|
|
3. Fatiha: Akhri faataxada
oo ah suurada ugu horaysa QUraanka Video
- daawo sida faataxada loo akhriyo ama Halkan
ka dhegeyso
Bismillaah
ar-Rahman ar-Raheem
Al xamdu lillaahi
rabbil 'calameen
Ar-Rahman ar-Raheem
Maaliki yaumid Deen
Iyyaaka na'cabudu wa iy
yaaka nasta'ceen
Ihdinas siraatal
mustaqeem
Siraatal ladheena an 'camta'
calaihim
Ghairil maghduubi'
alaihim waladaaleen
Aameen
Daalaco
Suurada Faatixa
|
Labada
rakcadood ee ugu horeeya salaada waxaa faataxada kadib la akhriyaa
aayado ama suurado kale oo
Qur'aaka kamida [ama intii Allah kuu sahlo]
|
|
4. Rukuuc: Rukuuc adigoo
dhehaya "Allaahu Akbar", Gacmaha oo ruugaga korkooda lasaaro adigoo
fiirinaya dhulka oo horay sida ka muuqata sawirka hoose, dhabarkana simaaya.
Video
- Daawo sida loo rukuuco
(Marka
lasii foororsanayo:) Allahu Akbar
(marka la foororosado:) Subxanna
rabbiyal cadiim
(3 jeer)
|
Allah
ayaa weyn
Allah ayaa laweyneyaa
iyadoo la qirayo in uu yahay Allah cadiimka ah, xumaan oo dhana laga
nasahayo
|
|
5. Kasoo toosida rukuucda:
Rukuucda kadib istaag adigoo dhehaya "SamicaLaahu Liman Xamida",
si qumaati ah u istaag sida ka muuqata sawirka hoose. Video
- daawo marka rukuucda laga soo istaagayo
(marka
aad rukuucda kasoo istaageysid:) Sami' callaahu liman hamidah
(hadii aad tahay
ama kamid tahay dadka uu tujinayo iimaam:) Rabbanaa wa lakal xamd(xoogaa
ku xasil istaaga kadibna dheh:) Allahu Akbar
|
Marka
aad rukuucda kasoo istaagtid, ku xasil istaaga adigoo si qumaati ah u
istaagaya
|
|
6. Sujuud: Tartiib adigoo
istaagii ugasoo degaya waxaad dhulka dhigeysaa wajiga, sanka iyo calaacalaha
gacmaha (laakiin maya xusulada), iyo ruugaga, faraha cagahana horay usoo
qaloocinaya ama qaabilsiinaya qiblada, sida sawirka hoose ka muuqata.
waxaadna dheheysaa
Subxaana
Rabiyal Aclaa
Subhaana
rabbiyal 'Aclaa (3.jeer)
(kadib dheh:) Allahu Akbar
|
Allah
ayaa la weyneynayaa iyadoo la ga nasahayo xuman oo dhan lana qirayo in
uu yahay Allah sareeya (Aclaa)
|
|
7. Qucuuud: Sujuuda kadib,
si qumaati ah u fariiso, sida sawirka hoose ka muuqata, waxaadna dhehdaa Rabi
Aqfirlii warxamnii
8. Sujuud mar labaad
Subhaana
rabbiyal 'Aclaa (3 jeer)
(xoogaa kadib:) Allahu Akbar
|
Waa
sujuda Labada fadhi dhexdooda ah
|
|
9.
Qucuud: in yar ku hako fadhiga
waa
fadhi yar |
fadhiga
u dhexeeya sujuuda iyo istaaga |
|
10. U istaagida
rakcadda Labaad iyo Afraad:
Video
- daawo sida looga istaago fadhiga ataxiyaadka kadib
Faataxada akhri marka aad itaagtid,
hadii ay tahay ragcada labaad kudar suurad ama aayado ama intii Allah kuu sahlo,
kadibna Rukuuc, sida kor ku sharaxan oo kale.
11. Rakcad kasta oo Labaad iyo
Rakcadda ugu dambaysa:
Rakcadaha labaad ama raakcada u dambeysa,
ku negow fadhigii sida sawirka hoose ka muuqata, adigoo akhrinaaya Ataxiyaadka [At-Tashahhud]
- dhegeyso
halkan
At
Taxiyyaatu lilaahi was Salawaatu wat tayibaatu
As Salaamu 'calaika
ayyuhan nabiyyu wa rahmatul laahi wa barakaatuh
As Salaamu 'calainaa wa 'alaa
'ebaadillaahis saaliheen,
(farta midigta kor u qaad:) Ash hadu allaa ilaah ilallaah
Wa ash hadu anna
Muhammadan 'abduhuu wa rasuuluh |
Ataxiyaadku
waa hadalkii dhexmaray Allah iyo Nebi Muxamad habeenkii Leylatul
Micraajka ee Rasuulka la dheelmiyey.
Halkan
ka dhegeyso Atatxiyaadka
|
|
U istaag Rakcadda Saddexaad:
Allahu akbar ayaad ugu istaageysaa rakcadda saddexaad, marka aad dhamaysid
rakacadaha oo dhan ee aad akhridid ataxiyaadka ugu dambeeya waxaad markaas ku
salidaa Rasuulka: Halkan
dhegeyso
Allaahumma
salli 'calaa Muxammadin wa 'calaa aali Muxammadin
Kamaa sallaita 'calaa
Ibraaheema wa 'calaa aali Ibraaheema
Innaka hameedun Majeed
Alaahumma baarik 'cala
Muxammadin wa 'calaa aali Muxammadin
Kamaa baarakta 'calaa
Ibraaheema wa 'alaa ali Ibraaheema
Innaka hameedun Majeed |
Halkan
ka dhegeyso sida rasuulka (scw) loogu saliyo attaxiyaadka ugu dambeeya
kadib
Halkaan
waxaa jira ducooyin badan oo la akhriyo, sida iyadoo Allah laga
magangelayo Cadaabta jahanama, cadaabta Qabriga iyo Fidnada Masiixa
dajaal.
|
|
Si aad u dhamaysid salaada
[Salaama calyekum]:
Eeg dhanka midig, kadiban dhanka bidix adigoo marwalba dhehaya: Video
- daawo halkan
AHMIYADDA CIBAADADA SALAADDA...
GUJI..
. Carruurtaada
ma u akhriday sheekadaan Internetka Ammaankiisa kusaabsan
Tixraac:
Qoraalkaan meelaha aan ka
tixraacnay iyo linkiyo kale oo salaada kusaabsan ka eeg hoos:
Sawirada waxaan ka tixraacnay: http://www.muslim-canada.org
iyo http://www.islamway.com
Family
| Halal | Islam
| Kaaba | Learning
| SomBeauty | SomLink
| TafsiirQur'aan | Zakat
| Saxaabada | Haj
|