Walinimada waxaa la bixinayaa waqtiga meherka dhaco
agteeda ama marka gabarta guriga lageynaayo. Dadka waxaa u banaan marka
gabarta lamehrinaayo, marka laguri geynaayo, ama caawo kale in laguri
geeyo oo barito lacuno. Intaas oo idilba way banaantahay, ee waqti gaar oo
loo cadiday malahan.
WALIIMATUL CURFIGA MA WAAJIBAA?
Waliimatul Curfiga qofkii looga yeero inuu ajiibo
waajibey ku tahay. Waayo Rasuulka xadiis saxiixa ayuu saas ku leeyahay.
Marka waliiyada in la’ajiiba ay waajib tahay Caasim
Ibnu Cajab kitaabka dhabxiga la yiraahdo sharuud ayuu ku qoray,
shuruudahaas markii lahelo ayey waajib tahay, waa kuwaan soo socda:
1) Qofka wax u yeerayaa waa inuu qof musalam ah,oo
qaan gaar ah, oo caqli leh yahay. Waa inuu xor yahay uusan adoon aheyn.
Waa inuu taqi yahay oo maslaxada aduun iyo tan aakhiro yaqaan. Faasiq
hadduu kuu yeero inaad ka yeesho waajib ku guma ahan.
2) Waa inaad u yeerin lacagleyda ama odayaasha
kaliya, ee masaakiintana waa in loo yeeraa iyo fuqarada. Waa shardiga
labaad ee ladoonayo haddaan lasameyna waxba hagaageyn.
3) Waxaa ladoonayaa in loogu talagalo
muslimiinta in lagu soodhaweeyo, oo marka meesha la jooga wax munkar
lagu sameyneyn iyo wax diinta qilaafsan.
4) Waa iska dhaafi kartaa haddaa jirantahay.
Marka walaalayaal wadadaas u mara guurka oo masawiro
yaana la keenin, guryahay katiifado yaana lagu dhajinin, aratir lagu
ciyaaro yaana lasameynin, dumarka caariyaadkaa yaana loo yeerin Alle ka
baqa oo xaqa ilaaliya macaasida kataga, sidaasey liibaanta adduun iyo
tan aakhiro ku jirtaaye.
GOORMAY GABARTU NINKA QABA NAFAQO KU YEELANAYSAA?
Gabartu ninka qaba nafaqo waxay ku yeelanaysaa markii
dhowr shardi lahelo:
1) Waa in oo nikaax saxiix ah ku qabo gabarta.
2) Waa inay nafsadeeda u fasaxdo, oo ay tiraahdo "jirkayga
waan kuu ogolahay".
3) Gabarta in lagu intifaaci karo waa in ay suuro
gal tahay, oo hadduu ninkeeda meel iiraac yiraahod aysan ka diidin.
Dadka lagu intifaaci karana waa inay ka mid tahay, laakiin hadduu
maxalkii go’an yahay, ama aysan udul qaadan karin in lagu intifaaco,
ama mashaakil kale uu jiro, taasi mawduuc gaara waaye marka nafaqo
mayeelanayso.
Nafaqadu waxay gabartu ku yeelanaysaa marka
shuruudahaas lahelo.
WAXYAALAHA LASAMEYNAAYO WAQTIGA JAMEECA
Waxaa ladoonayaa arimahaan soo socda:
1) Waxaa ladoonayaa marka jameec la’iskugu tagaayo
in magaca Ilaahey laxuso, oo la aqriyo ducadii soo aroortey saa
shaydaanku uga faa’idaysan.
Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Haddii uu midkiin doono
inuu utago xaaskiisa uu dhaho: {Magaca Alle ayaa qabsanayaa, Alloow naga
fagee shaydaan (inaga iyo islaantayda) shaydaana kafagee wixii aad
nasiiso oo ilma ah (hadduu sidaa yiraahdo) haddii Alle uu qadaro
dhexdooda caruur arinkaa isagaa ay habeenkaas sameynaayaan shaydaan wax
mayeelaayo (ilmahaas