SIDA GABARTA GURIGA LOO GEEYO
& MEHERKA Qaybtii
7aad ee Qoyska iyo Guriga Islaamka
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Gabarta markii lamehriyo ka gadaal waxaa la doonayaa in dariiiqa
sharciga ah lamaro marka la guri geynaayo. Masaa’ilka maanta ugu daran
waxaa ka mid ah guri geynta gabadha, sida gabadha loo guri geeyo waa si
aan diiniyan ahayn badanaaba. Rasuulka SCW wux uu warbixin ka dhiibay
Meherka. Meherka waa shey ay gabarta la guursanaayo iska leedahay, waxaa
la doonayaa in la ilaaliyo. Allena quraanka wuxuu ku yiri: “Dumarka
meherkooda siiya siin.” Haku adoonsanina hana ku dhibinina, gabarta wax
walba ee xoolo noq onkara oo ayadu tiraahdo meher hala’iiga dhigo ninka
guursanaaya hadduu raali ku noqdo meher way noqon karayaan. Waxyaalaha
meherka noqonkara waxaa ka mid ah: Inay gabartu tiraahdo “Ninka intaasoo
kitub ha ibaro, ama quraanka ha ibaro, ama sheyga noocaas ha ii sameeyo
hadduuna sheygu mastaxiilba ahayn.” Meherka in laqaaliyeeyo waa
karaahiyo, waa arin laga fiican yahay, waayo Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Waxaa
nikaaxa ugu barako weyn midka ugu fudud xaga takaaliifta.” Waa inaa
meherka qaaliga laga badin. Haddaba waxaan usoo jeedinayaa gabdhaha
muslimaadkaa, ee doonaya hadda ka gadaal inay guursadaan, kuwii guursaday
xaaladoodu dhamaataye. Kuwa hadda doonaya inay guursadaan meherka yeysan
qaali ka dhigin, meherka haka dhigeen shey macquul ah, oo intifaac ayaga u
leh. Markaa oran lahaydeen yacni hanala ku mehriyo “intaas oo kun oo
doolar ama lacagta kale ah” , waxaa idin kaga fiican inaad isticmaashaa
sheeyaal sahlan, oo intifaacooduna uu aad u badan yahay. Laakiin waxa
maalmahan danbe danbeeyey, oo dumar kii laga helay inay gabartu tiraahdo
“xoolo badan hala’igu mehriyo, si ninka haddaan ukala tagno aan xoolo
badan ugala haro”. Haddaba, xaaladaas ayadaa haku fakarinina kuuma
fiicnee.
Waxaa laga doonayaa ninka muslimkaa
markuu gabarta mehersado, inta uusan ayadda la kulmin, uusan jirkeeda wax
ka mid ah taabanin inuu meherka qayb ka mida sii siiyo. Sida ku sugan
adilo ay qorayaan Abuu Daawuud iyo Nasaa’i. Rasuulka SCW Cali ayuu amar
ku siiyey inuu Faadumo bintu Mohamed sii siiyo xoogaa xoolo ah intuusan
jameec ugu tagin. Wax meherka kamida waa in gabarta loo sii hormariyo,
waana sida sunnada ah ee waajib ma’ahan, wayna wanaagsantahay in
arinkaas lagu socdo.
Meherka waxaa ladoonayaa inaa gabarta
lagu dhibin, ee waa inaa horay laga siiyo haddii loo heli karo, hadba
ninka saw u helo karo waa inuu u siibixiyo. Markaa ka gadaal xoolo ayada
hakadhigato, ama hasadaqeysato, ama ayadu ninkeeda hasiiso haddana mar ka
le. Laakiin dabeecada ay qabaan dumarku soomaalidu waxa weeye dabeecad
dhib badan. Meherka in lasiiyo ma ay ogola inta laqabo, oo larabo. Meherka
haddii lasiiyana in lafuraayo ayey u haystaan. War isku xishooda dumaroow,
xoolaha idinkaa iskaleh ka qaata nimanku intay idiin ogolyihiin yeysan
idinkala goyne, way idin ku fiicantahay inaa sidaa yeeshaan.
Ninkii guursada oo doonaya inuusan
meherka bixin Rabigii wuxuu hortagi doonaa asagoo zaani ah. Waa arin aad
iyo aad u liidata, marka bal halagu dadaalo xaalada meherka, yaanna la’adkeynin.
MEHERKA SIRTA AH: Meherka sirta ah, waa
gabarta loo guursaday qudba sirada, ee hadday labo qofood ku heshiiyaan
inay gabar isi siiyaan, oo markaa guurka dhaco, oo markaa la’isu
dardaarmo gabarta inaan lasheegin in laguursaday, gabartana aabeheedbaa
bix iyey, waxay culumdu leeyihiin siday u badanyihiin nikaaxaasu waa
fasaqmayaa, mana ansaxayo , marka qudba sirada waxa layiraahdo way u
dhamaatay, guurna ma’ahan ee iskadaaya.
gabartii doonaysa inay guursato iyo
ninkii doonaya inuu gabarta guursado nikaaxa daaha haka qaadaan, hana la’ogaado
gabarta in ninku guursaday. Marka ladoonayo hadday doonaan doonida way
qarin karaan, laakiin marka ay arintu nikaax gaarto waa inay muujiy aan,
oo dadku ogaadaan, oo lagu sheekaysto gabar heblo nin hebal ayaa guursaday
si aan loosoo haweysan. Marka walaalayaal Islaamka ilaaliya, xaqu wuxuu
idiin dirayana haka taginina.
WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|