WALAAYADA QOFKA ISKALEH WAAYO? Qaybtii
5aad ee Qoyska iyo Guriga Islaamka
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Waxay ku tageen culumada Islaamka badankooda walaayada waxaa iska leh gabadha
qaraabadeeda xaga aabaha. Waxaa iska leh:
1. Aabeheed. 2. Awoowgeed aabeheed dhalay. 3. Walaalka ayada la dhashay. 4.
Adeerkeed. 5. Intaa hadii lawaayo, wiilka ay eedada u tahay oo walaalkeed
dhalay. 6. Midka adeerkeed dhalay, iyo IWM.
Waxay culumadu markaa leeyihiin kagadaal hadii intaa lawaayo iyo kuwa ku sii
dhaw dhaw oo dhanba, gabadha walaayadeedu abtiga waa qaadi karaa, walaalka ku
hooyada ahna wuu qaadi karaa oo ku aabaha ahayn, laakiin markasta walaayada
waxaa iskaleh dadka xaga aabaha ka socda ee nasabka ah. Sidaas in la garto ayaa
la doonayaa. Dadkaa hadii lawaayo qaali Islaami ah ayaa mehrinaaya, haddii ku
waas oo dhan lawaayo dariska Islaamka ah ayaa gabadha bixinaaya.
Marka gabadha waligeedii haddii la waayo, shuruudii walinimada qofkii laga
helay, oo ugu dhaw ehel ahaan oo halkaa jooga ayaa qaadaya. Waa shardi inaa
qofka walaayada leh lana xiriiri karin. Walaalaha Islaamka ah,oo iyaga inay
guursadaan doonayow, waxaa ogaataan walaalayaal inaan loo baahneyn guurku inuu
iska dhaco wali la?aan. Gabadha waa in lala xiriiraa aabeheed, haddii lala
xiriiro oo uu dhintay, waa in lala xiriiraa walaalkeed, haddii lala xiriiri
waayo ee adkaato, awoowgeed ayaa ka horeeye walaalkeed haddii la heli karo
halala xiriiro. Saas ayey ku soconaysaa ilaa marka danbe laga helo qofka ugu
xiga ehelnimo. Sidaas ayaa ladoonayaa in lagu socdo.
Waa shardi dadka walaayada qaadaya inay muslimiin yihiin. Inanta aabeheed
hadduu taariku salaad yahay lala xiriiri mayo, hadduu walaalkeed tukan lala
xiriiri mayo, salaada Alle haddaysan tukanba, oo diinta Alle ka soo horjeedaan,
ee dadka ehelkeeda ah, oo salaada tukada, oo diinta Alle ogol ayaa lala
xiriirayaa, sidaas waxaa laga garanayaa nusuusta ee halagu socdo.
Haddii dadkii ay walaayadeeda lahaa ay fagaadaan oo lala hadlo, oo walaayada
qof kale u wakiishaan way banaantahay. Waxay isku waafaqeen culumada Islaamka
kuligood walaayada ama wax kale oo qofka isaga uu sameyn karo inuu qof kale u
wakiisho way banaantahay, oo gabar walaayadeed qofkii lahaa hadduu qof kale ku
wareejiyo, ee uu yiraahdo ?Gabadhaas ninkay kuu keensato oo ay raali katahay
sii?, ee uu yiraahdo isagana ?waan kaa aqbalay?, walaayada qofkaasaa mas?uul ka
ah oo qaaday nikaaxuna wuu ansaxayaa haddii sidaa lagu mehriyo.
Wakiilashada qofka loo wakiilanaayo waxaa loo shardiyaa inuu nin yahay, inuu
caaqil yahay, inuu qaan gaar yahay, inuu xor yahay. Waxaa loo shardiyaa qofka
walaayadeeda la qaadayo hadday Muslim tahay inuu ninka Muslim yahay walaayada
qaadaya. Intaa wax kamid ah haddii lawaayana, guurkii wuxuu noqonayaa mid
darbiga ka dhacay oo waxba ka jirin.
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|