GABADHA MARKA LA MEHRINAAYO/ LA BIXINAAYO
Qaybta 4aad ee Qoyska & Guriga
Islaamka.
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Waxaa waajib ah gabadha marka la bixinaayo oo la mehrinaayo waa in laga idan
dalbaa, hadaysan idmin oo ayna ogolaana meherkeeda ma ansaxaayo. Labo mas'alaba
waxay noqdeen kuwa lagu qaldanyahay oo aan diinta meel uga jirin.
1) Waa in gabadha lala cararo, ama la iska guursadoo lama saafaysto.
2) Iyo in gabadha aabeheed xoogaa lacag ah jeebka ku shubto oo ninkuu rabo
siiyo. Ninka lasiinayana oo uuna salaada tukan gabadhana ay salaada tukato, oo
ayna raali aysan ka aheyn ninka la siinayo.
Dhibaatada taagan waa labadaa. Labada noocna nikaaxooda ma ansaxaayo. Waajib
waaye gabadha in laga idan dalbo, waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa ku
yiri: "Gabadha garoobkaa lama guurin karo ilaa ay ogolaato, gabadha bikradaana
lama guurin karo ilaa ay idanto, markaasaa waxaa Rasuulka SCW la weydiiyey sidee
ayey u idmeysaa? Wuxuu yiri Rasuulka SCW: haddey aamusto."
Macnaha waxaa loola jeedaa haweenta hadii la soo furay carabkeeda inay ku
cadeyso in laguuriyo ma'ahane lama guurin karo, oo nin laguma mehrin karo. Dad
baa u fahmey islaanta garoobka ah waa la iska mehersan karaa. Yacni Garoobka waa
ka badalantahay kuwa kale.
Walaalayaal xadiiska fahma oo diinta yeyna idin ku saxan. Waxaa xadiiska loola
jeedaa haweenta haddii la soo furay carabka inay ku cadeyso "ninkaa hala I siiyo
maahane" lama siin karo, laakiin gabadha yar oo wali aan la soo guursan,
gabadhaas idankeedu waa inay aamusto. "Ninka ma ku siiyaa maandhey" ayuu
aabeheed yiri? Way qososhay, ama way hadli waysay, inay ninka raali ka tahay
ayaa qosolkaa laga garanayaa, hadayba qosol keento meesha. Laakiin haday oyso
lama siin karo ninka ma doonayso, saasa laga garanayaa. Mida kale xadiis saxiix
ah ayaa ku soo arooray: "Dumarka markaa bixinaysaan, haweenta ayadaa jirkeeda
leh jirkeeda ka idan dalba oo waydiista."
Mida kale haweenka haloo diro hooyooyinka iyo dadka ay ku kalsoon yihiin, oo ay
isu sheegi karaan hadalka runta ay qabaan, waayo gabadha haday yartahay waxaa
laga yaabaa "ninka hala'igu mehriyo" inay afka kala xishooto, waa suurto gal
inay dhacdo, saas ha loola socdo. Laakiin haday ooydo, oo dhulka isla dhacdo, oo
meesha ay ka dhaqaaqdo, gabadha ninka lama siin karo, ee halaga fiirsado
walaalayaal.
Inanta bikaaradaa lama mehrin karo idan la'aan, idankuna waxaa ka mid ah inay
aamustaa. Laakiin mida la soo furay waa waajib inay carabka katiraahdo: "Waa
rabaa ninkaas ee hala I siiyo", hadaysan dhihina lama mehrin karo, aabeheed
hajoogo ama ninkale ha joogo.
Rasuulka SCW waxaa utimid gabar layiraahdo Khansaa bintu Khidaar, inantaas
waxay sheegtay aabeheed inuu nin ku daray iyaduna ay kahaneysay. Nebigu SCW
wuxuu yiri "ikhtiyaarbaa leedahay ee sidaa doonto yeel". Ikhtiyaarbaa gabadha
lasiiyey odayguna ma qasbi karo. Culamada qaarkood waxay yiraahdaan "waa qasbi
karaa haday tahay gabar aan wali la guursan." Laakiin waxay shardi ka dhigeen
labo shardi:
1) Gabadha iyo ninka waa inay xaga diinta iskala mid yihiin, ninkana waa inuu
gabadha u qalmo dhinac walba: Aqlaaqda, Diinta, Da'da, waa lagama maarmaanbay
yiraahdeen culumada. Maxaa yeelay marka la eegaayo dadka inay isku heer yihiin
xaga diinta iyo dabeecada laga eegaa. Mida kale labada qofood waa inay xaga
da?da iskeeni karaan, maahan gabar 15tan jirta ah in la siiyo oday 50-ton jir
ah. Looma baahna inaa sidaa lagu dhaqaaqo, waayo dhibbaa ka'imaanaya faa'ido
imaan mayso, haydayna gabadhu raali ka aheyn. Sioo kale ma ahan wiil 15tan jir
ah inuu yiraahdo waxaan guursanayaa 60-dan jir ah, haduu isagu raali ku yahay ha
guursado, oo gabar kaaweyn waa la guursan karaa, oo Rasuulka SCW Khadiija
guursaday, oo gabadha waa lasiin karaa ninka weyn laakiin waa markey iyagu
isdoonayaan, oo raali isku yihiin. Laakiin in la isku qasbo, oo madaxa la?isku
galiyo ma?ahan.
2) Odayga gabadha bixinaaya iyo gabadha waa inay cadaawo ka dhexeyn, gabadhuna
ninka la siinayo waa inaysan cadaawo gaara uqabin, markaa gabadha ninku waa
qasbi karaa ayey culumadu yiraahdeen. Shaafici baa hadal noocaas ka jawaabay,
wax daliil ah oo warkaas leeyahayna malahan. Runta markaad rabtaan gabar
ninkaysay rabin lama siin karo, bal iska dhaafe haday ninka ayadu diido, diin
iyo iimaan kastoo uu leeyahay khasab ku raac waalidku ma oran karo. Laakiin
hadey ayadu nin diin leh, oo aqlaaq leh la timaato, oo ay reerkeeda diidaan
hortooda ayaa lagu meherinayaa laguna siinayaa?..firqiga u dhexeeya u fiirsada.
Maxaa yeelay guurka ayadaa u baahan, ninka ay lanoolaan kartana way garan
kartaa, ninkaanbaa diin iyo aqlaaq ahaan ugu anfaca ee hala isiiyo ayey tiri? Ku
siin mayno waa reer hebelbaa lagu yiri, ama waxaa lagu yiri ku siin mayno oo waa
faqiiro xoola malahan, ama waxaa lagu yiri ku siin mayno oo reerkooda dagaal
naga dhexayaa. Diin laguma diidin, Aqlaaq laguma durin, ee qofka sida kale waa u
fiican yahay, laakiin qabiil ahaanbaa lagu diidayaa.
Tusaale ahaan: markuu gabadha la soo doono ayaa reerkeedii waxey ku dhaheen
gabadhii: ?naa waamaxay ninkaan maxuu kuu heli karaa" Ma isagaaba guri kuu dhigi
kara, ma kuraas hebel buu awoodaa inuu kuu dhigo." Waxaa kaloo ladoona habeenka
caruuska sodon (30) gaari in suuqa lala maro, oo intaas oo kun la qarash
gareeyo. Waxaas ayaa ladoonaya, xoola la?aan ayaa ninkii lagu nacay. Gabadhu
haday ayadu iimaan iyo diin leedahay isla markaa ninka way guursan kartaa?.waa
haday diin leedahay. Waa shardi barito inaysan cideeda lasafan doonin.
Walaashey muslimadaa ahey! waxaan idinkaga digaa gabdhaha oranaya muslimad baan
nahay, oo diinta waan fahanay?waxaan idinkaga digaa..Nin adinka aad rabtaan inta
la?idiin diido, ninkaa ha?isku raacinina, hodhoow markaa la joogtaan todobo
barina haka soo cararina?.waa idiin roontahaye. Ninkaa inaa ka fiirsataan waa
wax idin ku haboon. Waayo wax badan ayaa arimaha noocaas xad dhaafa u dhaceen
ayaamahaan danbe.
Walaashey muslimada ahey! hadaadan ishubin, oo aadan nafsadiina ku kal soonayn
inaa diinta Ilaalin kartaan reerkiinu ninkay diidaan idinkuna iska diida, waa
hadaadan ishubin oo aadan go?aan gaari karin kama danbaysa, waayo qofka
muslimkaa waxaa looga baahan yahay imtixaanka uu isleeyahay waa ka bixi kartaa
waa inuu galaa, laakiin waxaa isleedahay ma fulin kartid, qasabna aan kugu ahayn
ha dhex galin marka hore.
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|