YAA ISKU QALMA?
Qaybta 2aad ee Qoyska & Guriga
Islaamka.
WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Asalamu aleykum,
Yaa isku dhigma? Waxaa isku dhigma wixii
diin leh. Xadiisbaa jira Saxiixul Bukhari ku jira, xadiiska Bubaacada
Bintu Zubayr Ibnu Cabdi Mudhalib, xadiisku wuxuu leeyahay: “Gabadhaas
Nebiga Ilmo adeer laxmiya ayey ahaayeen, waa gurii qureysh u sareeyey,
Nebiga SCW u timid waxay tiri: “Waxaan ahay haweeney culus (ama haweeney
xanuunsan), xajna waan rabaa, sidee yeelaa marka? Markaasuu wuxuu ku yiri:
“Xaji oo ishtiraad samee.”
Marka xadiiskaas xajbuu ku saabsan yahay,
laakiin Bukhaari wuxu ku wariyey Kitaabu Nikaax, waayo wuxuu cadeeyey waxa
layiraahdo “kafaa’ada.” Qisada xadiisku waxay ku saabsantahay
gabadhaas oo qurayshiyad ah, oo gurigii ugu qaalisanaa ee quraysh daganeyd,
ayaa waxaa qabay nin layiraahdo Al-miqdaad Ibnul Aswad, oo ahaa addoon la
xoreeyey.
Xadiiskaa marka waxaa ka fahmeynaa kafaa’ada
runtaa inay tahay diinta Islaamka, labada qofood markay muslim yihiin,
isku caqiido yihiin, waa isku dhigmaan.
Diintu madiidayso in la’eego waxyaalo
dhowr ah: 1) Qofka dhaqankiisa in la’eego, (2) Ninka inuu xoolo uu
gabadha ku masruufo haysto. Taas waxaa ka garaneynaa Faa’dimatu Bintu
Qays markay Nebiga SCW u timid, waxay tiri: “Laba nin midkoodaan rabaa
inaan guursado, 1) Macaawiyata Ibnu Ibii Sufyaan, iyo (2) Abaa Jahal Ibnu
Sufwaan, ee mid ii magacow? Nebiga SCW labadiiba wuu u diiday, wuxuu yiri:
“Macaawiya waxba mahaysto, oo wuxuu kugu masruufo mahaysto. Abaa Jahalna
ulbaa garabka u saaran oo kolkuu soogalaba wuu kugu bilaabayaa, ee orodoo
Usaamata Ibnu Zayd guurso.”
WALAAYADA
Walaayada waa xaq sharci ah, waana arin
uu leeyahay gabadha wixii markaa ayada mas’uul ka ah. Walaayada midna
waa Caam midna waa Qaas. Walaayada Qaaska ah: Waxaa ka mid ah walaayada uu
qofka isagu nafsadiisu uu isaga mas’uul ka yahay, iyo mida uu maalkiisa
uu mas’uul ka yahay. Walaayada uu qofka mas’uul ka yahay waxaa soo
galaya: 1) Inuu ilmihiisa mas’uul ka noqdo, ee ninka gabadha uu dhalay
mas’uuliyadeeda haaya, ee mar walba dariiqa ayada ku wanaagsan oo kula
taliyo kuna bixiyo. Waxaa loo shardiyaa qofka waliga ah, ee inanta mas’uuliyadeeda
qaadaya sharuudaha soo socota:
1) Inuu yahay qof xor ah, oo hadana caqli
leh, oo qaan gaar ah.
2) Qofka uu isaga waliga u yahay haduu
yahay qof muslim ah, inuu isagana muslim yahay.
Halkaas waxaa ka fahmeenaa adoon walaayo
ma qaadi karo, qof waalan walaayo ma qaadi karo, cunug saqiir ahna walaayo
ma qaadi karo.
3) Gabadha walaayadeeda la qaadayo haday
muslimad tahayna axad gaala walaayadeeda ma qaadi karo. Waayo Ilaahey ayaa
Quraanka inoogu sheegay: “Allaah SW nimanka gaalada uma uusan yeelin
muslimiinta dushooda dariiq, oo waxayna walaayo u qaadi karaan ama mas’uul
ka yihiin malahan.”
Tusaale ahaan: Waxaa meeshaan joogta
gabar muslimad ah, oo guur doonaysa, marka waxaa jira eheladeedii oo
diinta Islaamka la dirirsan oo aan ogolayn. Markaas, waxaa la doonayaa
muslimiinta in ay kala gartaan waxyaabaha maslaxada loo samaynayo, oo la
doonayo in wax lagu maslaxeeyo iyo waxa xaqiiqo ahaan diinta ay doonayso.
Waxyaabaha maslaxo loo samayn karaayo waxaa ka mid ah: Gabadha reerkeeda
in ay diinta Alle ogolayn ama ku dhaqmeyn, oo aysan salaada tukan, ee
marka gabadha laga doonayo layiraahdo “Gabadhiina doonaynaaye na
siiya.” Waxaa la doonayaa madaxa in loogu salaaxo la tusiyo bal in
laqadarinaayo say u soo dhawaadaan. Taasi waa maslaxo, laakiin diinta waxa
ay tahay markaa rabtid walaayo ma qaadi karaan dadkaasi. Markaas walaayada
gabadha waxaa qaadaya dadka Islaamka ah.
Ahmed binu Xambal wuxuu yiri isagoo
fasiraya xadiiska uu Nebiga SCW ku yiri: “Gabadha muslimadaa yaysan
safrin ayadoona la socon “muxram.” Wuxuu yiri muxramka waxaa noqon
kara waa dadka xaaraanta iyo xalaasha kala yaqaan Rabigood aaminsan, kana
danbeeya. Ee nin gabadhiisa marada asturkaa ku caayaya, oo mida gafuurka
cagaaran lala tumanaya soo dhaweynaaya, ee gabadhiisa markey maro xijaab
ah qaadato caaynaaya. Kaasi muxram ma noqon karo waayo nin walba inuu la
ciyaaro ayuu doonaya. Sidaa darteed ragga maanta muxram noqon karta
aduunka inay maanta ku nooshahay lama oga ilaa in yar oo faro ku tiris ah
maahane.
Walaayada qofka qaadaya muslimnimaa loo
shardin, waa inuu salaada tukadaa, oo Ilaahey diintiisa ogolyahay,
macaasiba iyo qalad haba ka dhaceene. Qofka hadii danbi ka dhaco danbiga
qofka laguma gaalaysiin karo, haduusan xalaashan danbigaas, ee waxaa loo
shardinayaa inuu qofka Rabigiis aaminsanyahay, sunnadana uu ku socdo, oo
shareecada islaamka ilaalinayo, qaladaadba ha ka dheceene.
GABADHA HADDEY EHELKEEDII OO DHAN WADA
FAASIQIIN NOQDAAN MAXAA LA SAMEYNAYAA?
JAWAABTU WAA: Walaayada muslimiinbaa
qaadeysa.
Qaali Islaami ayaa qaadaya hadii la helo.
Hadii qaali Islaami la waayo sida maanta jirtaba, waxaa qaadi doona qofka
muslimka ah oo dad ugu xiga gabadha, ha noqdo walaal, ama ha noqdo adeer,
ama ha noqdo awoowe. Hadii lawaayo waxaa qaadaya dariska Muslimiinta ah,
oo ayada dariskeeda ah, sidaas ayaa lagu soconayaa.
Waxaad ogaaneysaan inaan loo shardin
walinimada cadaalo. Qofka haduu fisqi iyo layimaado macaasi waa wayn, oo
qamri cabid ka dhacday ama zino ka dhacday walaayada lagama qaadayo, oo
looma shardiyo walinima caadilnimo rasmi ah, ee waxaa loo shardiyaa
muslimnimo, qofka inuu muslim yahay. Qofka walaayadiisa laqaadayo haduu
muslim yahay waaye. Arinkaas in la ilaaliyo ayaa lagama maarmaan ah, oo
dadka mas’uuliyada gabadha qaadaya ay muslimiin yihiin.
Culumada in badan waxay ku tageen inaa
gabar nafsadeedu bixin karin, kheyrkeedna aysan bixin karin, walaayadana
waxaa shardi ah inuu dhiibo ninka gabadha mas’uulka ka ah. Waayo Ilaahey
Quraanka wuxuu ku yiri:
“U guuriya xaaslaawaha idinka mid ah
iyo kuwa suuban oo addoomadiinna ah (Rag iyo Haweenba).”
Wuxuu aayadan Alle kula hadladyaa oo wax
uguuriya leeyahay waa nimanka. Wuxuu kaloo yiri Alle kor ahaaye: Ha
uguurinina dadka gaalada ah ilaa intey ka rumeynayaan.
Yacni nimanka mushrikiinta ah gabdhaha ha
uguurinina ilaa ay Islaam ka noqdaan. Siduu Alle oranaayo bal u fiirso.
Gabar muslimad ah, oo jirkeeda xifdida, oo diinta Alle ku socota in nin
mujrim iyo faasiq ah loo guuriyo, ee saacada saqda dhexa qayilaad ku soo
gaaraya, ama 24 saac sigaarka xabadba xabad ku daaraya, amase diinta
Alleba ka soo horjeeda looma baahna. Laakiin ninka haduu yahay nin Ilaahey
diintiisa ogol, oo salaada tukanaya, laakiin xaaraan uu sameynaayo
waxyaabo qaladaada ku dhacaayo, gabadhu haday rabto waa la siin karaa,
laakiin laguma qasbi karo. Waxaa lagayaabaa inuu ninkaa xijaabka caayayo,
oo uu leeyahay “Balaayadaan marada weynleh waa maxay.”
Hadalkaaskuu ku gaaloobayaa, oo gabadha muslimadaa kaa ku xirmi mayso.
Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Wax nikaax
layiraahdo majiraan ilaa inuu wali gabadha bixiyo maahane.”
Waxaa halkaa ku ogaaney nikaaxa inuusan
sugnaaneyn hadii aan wali lahelin mas'uuliyada gabadha qaada.
Talo iyo tusaale kusoo hagaaji:
Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|