SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DHISMAHA QOYSKA ISLAAMKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

GUURKA NEBIGA SCW UMMADIISA WAA UGU YEERAY

Kanni waa qebytii koowaad ee Qoyska & Guriga Islaamka. 

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Asalamu aleykum. 

In laguursado Nebiga SCW ummadiisa wuu ku baraarujiyey wuuna ugu yeeray, waliba qofku markuu dhalinyarada yahay ayuu Nebiga SCW ugu yeeray. Nebiga SCW wuxuu yiri: ?Dhalinyarooy, haddaa masruufi kartaan haweeney, kiinii masruufi kara haguursado, maxaa yeelay Indhahana wuu kaa laabayaa farjigana wuu kuu xifdinayaa.?

Wuxuu kaloo xadiis saxiixa ku yiri Nebiga SCW markay saddex nin oo guriga Nebiga yimaadeen, kolkaasey Caa?isha ama xaasaskii Nebiga waxay ka wareysteen cibaadada Nebiga SCW, kolkaasaa waxaa loo sheegay Nebigu inuu habeenkii barkiisa ama dhamaantiis salaatu-leyl tukado, maalintii oo  dhanna sooman yahay, cibaado badan inuu samayn jiray. Markaasey, waxay yiraahdeen: ?Oo inagu xagee kataaganahay Nebi Muxammed SCW hadduu xaalkiisii saas ahaa, oo sow inaa iska deyno ma?ahan waxaa ku jirno.? Saddexdoodii midkood wuxuu yiri: ?Habbeen kasta waan soojeedayaa oo waligay seexan maayo, oo salaadbaan utaagnaan,? Kii labaadna wuxuu yiri: ?Waligey waan soomayaa, oo afuri maayo,? Kii saddexaadna wuxuu yiri: ?Aniga iyo dumar waan kalatagnay, oo waligeey guursan maayo.? Kolkii Nebiga SCW loo sheegay bari buu ka noqday, wuxuuna yiri: ?Anaa Ilaahey ugu cabsi badan xagga ummadayda, waana soomaa, waana afuraa, waan seexdaa, waana soo toosaa, dumarna waan guursadaa, ninkii sunnadayda kaleexdana ummadayda kama mid ma?ahan.?

Nebigu wuxuu kaloo ku booriyey ummada markay guursanayaan inay guursadaan haweenka firkeeda lagu ogyahay inay caruur dhalaan, ama firkeedu nimanka jecelyihiin. Sideebaa lagu ogaanayaa? Waxaa culumadu yiraahdaan waxaa lagu ogaanayaa in firkeeda la?eego sida hooyadeed iyo ayeeydeed.  Wuxuuna Nebiga SCW yiri:  ?Waxaad guursataan haweeneyda, inay zowjka jecelyihiin ama firkeeda lagu ogyahay inay caruur dhalaan, waayo aakhiro ayaan ummadaha kale idin kugu faanayaaye (xaga tirada).?

Sacad Ibnu Abii Waqaas ayaa wuxuu yiri: ?Saddex hadduu qofku helo wuxuu helay adduunyo raaxadeedii.? Saddexdaasna waa:

1) Haweeney wanaagsan, oo diinta kuugu kaalmeysa. 2) Guri wanaagsan, oo diinta Ilaahey kuugu saacida. Iyo 3) Gaadiid wanaagsan, ee gaari markaa ladhaqaaqdidba gaari kale hoosta ka galayaa, kaasi gaadiid wanaagsan ma?ahan.

QOFKAA GUURSANAYSID ISKA EEG

Nebigu SCW wuxuu inagala taliyey, oo fikrad nagasiiyey haweeneyda aad guursanaysid ama haweeneydu ninka ay guursanayso inta aysan isguursan inay iska eegaan.

Xadiis xasan ah Nebigu wuxuu ku yiri: ?Candhuuftiina meel u dayda.? Yacni ka fiirsada qofka aad guursaneysaan intiina guursan ka hor.

  Xadiis saxiix ah oo Bukhaari iyo Muslim ku jira Nebigu wuxuu yiri: ?Dumarka afarbaa loo guursadaa,1) xoolaheeda, (2) reerkeeda, (3) quruxdeeda, (4) iyo diinteeda,? Markaasuu wuxuu yiri markuu intaa sheegay: ?War gacantaada ha carowdee mida diinta leh gacanta ku dhig, oo raadso, oo qabso.?

Markii diintu aruurisay raga maskaxdooda waxa ku jira afarbaa ubadan, qaar wax kale ku guursada waa dhici kartaa, laakiin afartaasbaa ubadan raga maskaxdiisa, ee mida diinta usaaxiibkaa gacanta ku dhig, oo yayna idin ka fakan.

Walaalayaal diinta ma diidana inaa naag qurux badan raadsatid, ama mid lacag leh, ama mid qabiil caan ah ka dhalatay, laakiin waxay ku leedahay diintu aasaas waxaa u ah guurka:  Mida diinta leh, ayadaana ku anfacaysa.

Waxaa kaloo sugnaatay Nebiga SCW inuu raga iyo dumarka ku booriyey inay iska eegaan ruuxay guursanaayaan, wuxuuna Nebiga SCW yiri: ?Iska eega (haweeneyda ama ninka) maxaa yeelay waxay taasu keenaysaa wada joogidiinu inay sii daa?imto dhexdiina.?

Iska eegidu waxay keenaysa inay sii dheeraato wada joogidiinu, oo aan furitaan iyo cilad ayna soo bixin, oo hadhow gabadhiina ayna dhihin: ?Ninkaan anigu saan ma?moodayn.? Ninkuna uusan dhihinin: ?Gabadhaan saan ma?moodaynin.?

Waxaa sugnaatay oo xadiis saxiixa ku soo arooray ninka layiraahdo Jaabir Ibnu C/laahi haweeneyda uu rabo inuu guursado in ayadoo adeegeysa uu meel u galay, oo uu eegay gacanteeda ama lugteeda. Yacni inuu xeeladeystay siduu ku arki lahaa gabadha uu guurka ka rabey.  !

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.