Dagaal-oogayaashii oo markay Muqdisho Magaalo-madax u
diideen usoo Jeestay Masaajiddii iyo Muslimiintii
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato...
Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan eheladii iyo
qaraabadii dadkii ku naf waayey dagaalka weli ka
soconaya Muqdisho; dadka dhinteyna waxaan Ilaah uga
baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo; annagana
samir iyo iimaan naga siiyo. Waxaan sidoo kale Ilaah ka
baryeynaa inuu dadka dhaawacaa durbadiiba bogsiiyo.
Waxaan halkaan ka canbaareynayaa ururka la magacbaxay
soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada. Sida
ey iyagu u yihiin dagaal-oogayaashii ugu qaab darnaa ee
Soomaali soo mara ayaa ururkooduna yahay ururkii ugu
xumaa ee la maqlo. Dhimashada iyo dhaawaca ay u geysteen
shacabka Soomaaliyeed waxaa ka daran diin-nacaybka iyo
aflagaadada ay ula qasdeen shacabka muslimiinta ah ee
Muqdisho ku dhaqan. Meeye argagixisada ay nimankaasi
dileen? Ma lahayaa hal qof oo shisheeye ah oo ku dhintay
ama ku dhaawacmay dagaalka socda? Bal inta qabuuraha iyo
isbitaalada la tago arrintaas haloo dhabbogalo.
Waxaa intaas ka sii daran ineyba ka hadleen arrimo
diimeed! Ma dadkii horseedka u ahaa dagaalladii sokeeye
laga soo bilaabo Disember 1990 ilaa hadda baa diin noo
sheegaya? Soow iyaga ma aheyn wixii qabiilooyinkii kale
ee Soomaaliyeed Xamar qaarna ku dilay qaarna ka qaxiyey?
Kuwii kufsaday dumar habro ilaa carruur u dhaxeeya?
Kuwii hormuud ka ahaa dagaalkii 4 bilood ee Xamar ka
dhacay? Kuwii horkacayey dagaalkii ka dhacay Hodan
dhinaceeda Deyniile? Dagaaladii Baydhabo, Marka,
Kismaayo, Baladweyne, Gaalkacyo, Gedo iyo meelo kale?
Waxay iigu darneyd markii qaarkood dhaheen waxaan la
dagaaleynaa Wahaabiyo! Mas’alooyinka ay muslimiinta kula
dagaalayaan waxaa ka mid ah: masaafada! Maxay tahay
masaafo? Akhriste, sida Soomaalidu u dhahdo qof kasta
qowlkiisu hadlaa; qorina qiiqiisa ayaa qolyahan
dagaal-oogayaasha ahi aysan aqoon waxaan bililiqo ahayn.
Haddii neef ari ah ama lo’ ama tulud geel ah amaba
xoogaa shilimaad ah lagaa xado waad ka samri kartaa
laakiin ka warran qofkii gabar gurigeeda joogta
bililiqeysta? Waa tee mad-habta qabta masaafada? Ma
dariiq la rabo in bililiqida lagu bannaystaa?
Waxaa intaas ka sii daran waqtiga ay isbahaysiga ku
dhawaaqeen. Waa waqti ummaddii muslimiinta ahayd oo dhan
weerar lagu soo qaaday xitaa si cad loogu gafay
nabigoodii (SCW). Waa waqti shirkii Baydhabo loo
ballansanyahay. Sidoo kalana waxaa waddankii saameeyey
abaaro baahsan. Marka sida horay loo sheegay waxay
carqaladgeliyeen taageeradii la siinlahaa dadka
tabaaleysan.
Sidaan ognahay nimanka isbaheysiga ku jiraa waa nimankii
lahaa waxaan Xamar u sameyneynaa gole degaan oo ay in
muddo ah ka soo shaqeynayeen. Markey meeshii u dambeysay
marayso ooy xubnihii soo xuleen ayaa ninba geed ka
baxay! Waxay ku sifoobeen meerisyo uu gabyaa caaqil ahi
tiriyey:
-
iimaanku qeyb buu gala waa mid laga qaaday
-
qalalaasahey jeceshahoo nabadu waa u qaaxo
-
qaanuunku meeshu ku jiro qoobka dhigimeyso
Waxaa Soomaali oo dhan markhaati ka tahay iney
nimankaasi ku sifoobeen arrintaas. Marka, gole deegaan u
sameyntu ma iney dadkooda xasuuqaan baa?
Waxaa kaaga daran nimanku waaba niman iska hurda.
Miyeysan la socon waxa Maraykan iyo reer galbeed ka
qabsaday sheekada ah “la dagaalanka argagixisada?”
Miyeysan ogeyn in sheekadu tahay in muslimiinta laga
horistaago diintooda? Haddaba ha ogaadeen in Ilaahay
sheegay iney diintaan baaqi ahaandoonto weligeed oon
cidina wax ka qaadi karin. Wey dhicikartaa in dhib la
gaarsiiyo muslimiinta laakiin marka lagama hor
istaagikaro diintooda.
Iyagu waaba dagaal-oogayaal faro-ku-tirisee miyeysan
arag in quwadihii adduunka ugu waaweynaa ay wax ka
qaadiwaayeen Ciraaq? Waxay wax ka qaban la’yihiin qeyb
ka mid ah shacabkii Ciraaq oo gadoodday marka
dagaaloogayaasha ma la tahay iney dhammeynkaraan shacab
ka sharaf badan kana tiro badan?
Waxaa la dhahaa: libaax nin ganay iyo nin galaday waa
kala yaqaan. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed wuu kala
yaqaan dad u taagan masaajid-dhis, dugsi-Qur’aan sameyn,
isbitaal-furid, iskuullo-dhigid, sameyn xarummo
masaakiinta lagu quudiyo iyo tabaruc-ka-geysasho
abaaraha iyo niman u soo tagaan tuubbo-la-bixid,
fiilo-koronto goyn, jeey-ka-qodosho waddo laami ah, dhul
dowladeed-ku-habsasho, isbaaro, dhac iyo boob, dil,
daroogo-beerid, afduub, Amxaaro-la-shirid, hay’ado
sirdoon keenid, qabiil-isku-dir iyo diin-naceyb.
Maahmaahdaas waxaa yaqaan shacabka reer Falastiin oo
iyadoo Maraykan, Midowga Yurub iyo Yuhuudduba leeyihiin
haddaad Xamaas doorataan idin ma soo dhoweyneyno ayaa
dadka reer Falastiin Xamaas doorteen. Maxay ku doorteen?
Sidii aqoonyahanno Soomaaliyeed oo arrimahaas ku
xeeldheerba sheegeen waxaa Xamaas laga arkay kheyrkaas
aan kor kusoo sheegnay halka Xisbiga Fatax ay waxyar
dhaameen dagaal-oogayaasha Soomaaliyeed oo kale. Marka
haddii Falastiin oo dhulkeedii Yuhuud ku wareegsantahay,
dhaqaalo ahaanna ku xiran Maraykan iyo reer Galbeed ay
diideen iney dantooda loo sheego sidee shacabka
Soomaaliyeed uga yeelayaa iney dhowr dagaal-ooge damcaan
iney masaajiddooda iyo dugsiyadooda Qur’aan dumiyaan;
wiilashoodana Xabashi iyo gaalo kale u gacangashaan?
Soow shacabku
kama dharagsana oohinta iyo baroorta hadda heysata dadkii
wiilashooda laayey oo dhulkooda Xabashi ku soo fasaxay
sida Puntland iyo Gedo? Haddeertaan, dadka Puntland:
kheyrka, ganacsiga iyo adeega dadweynaha ka wada waxay u
badanyihiin wiilashii ay horay u laayeen. Maxay u
qabteen dadkii ay dartood wiilashooda u laayeen? Sidoo
kale shacabka iyo dagaal-oogayaashu ha fiirsheen
nimankii Gedo Xabashida ku soo gashay. Gedo oo cirka
maraysa xagga kheyrka, ganacsiga iyo wada-degidda
qabiilooyinka Soomaaliyeed; ayaa rag waxay is tuseen
haddii wiilashoodaas kheyrka wada ay meesha ka
ceyrsadaan ay saldanno iyo barwaaqo helidoonaan! Laakiin
waxay arrintii ku dambeysay in Xabashidii ay Kitaabkii
Qur’aanka, masaajiddii iyo dugsi-Qur’aankiiba
wasakheyeen ilaa laga dhaho waxay saxaro iskaga tireen
Kitaabkii Muqadaska ahaa! Xaggee Gedo iyo dadkii
Xabashida soo dhoweeyeyba ku dambeeyeen? Ma barwaaqey
gaareen? Maya, ee waxay ka bixiwaayeen dagaal-sokeeye (
kama wado Soomaali ee iyagii isku qabiilka ahaa ayaa
isku bilaabay).
Waxaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo dadka
Muqdisho ogeysiinayaa inaan dadkaas sufahada ah aan
arrinta faraha looga qaadin ee ay ku fiicantahay in si
kastoo wax loogu sheegikaro loogu sheego. Hadday
diidaanna aan laga yeerin kheyr-darada iyo belaayada ay
la wareegayaan. Waxaan xasuusinayaa dagaal-oogayaasha
dadka ku sheegaya gaalada iyo argagixo iyo shacabka
Soomaaliyeedba meerisyo uu Khaliif Shiikh Maxamuud oo
tiisa marsanayey tiriyey laakiin hadda heysata
dagaal-oogayasha iyo shacabka Muqdisho. Waa kuwan:
-
maba ogid jaxiimiyo jannada meel la ii qoraye
-
Allaha Maalikaa garan waxaan mudan gadaalaaye
-
Badownimada kugu maaxataa muusanoowga lehe
-
ma marsane Qur’aankeennu waa lagama maarmaane
-
waxaa lagu manaafacaadsadaa labada meeloode
-
mugdi baa Ibleys kaaga rogey diinta moolka ahe
-
mursaliintu waxay sheegayeen malaha leexleexe
-
muslimiinta waxaa loogu diray xaqa ha muujeene
-
nin malaasan baan garan wixii Eebbe maanacaye
-
ummadiba markaas kii jiray muunad ku lahayde
-
rasuulkeenna waa Malak-Jibriil mucallinkiisiiye
-
xaddiis Muxamed laga soo wershaan kuu madqaxayaaye
-
Mulkigiyo naftaadaba hadduu rag u muraadyeesho
-
Anaa kaa mud roon iyo haddii muruq laguu sheegto
-
Maxastaada inaad daafacdaa ma aha xaaraane
-
Marka hore ha moogaan abhigu waa mid waajib ahe
-
Marse haddii murwada aad qabtiyo micistu yuunaasto
-
Haddii aadan mintidin jahannamaa lagugu muufeyne
Waxaa qof kastoo muslim ah xaq u leeyahay inuu diintiisa,
cirdigiisa, naftiisa, maalkiisa iyo cagligiisaba
difaacdo.
Ugu dambeyn waxaan ku boorinayaa qabiilooyinka ay
nimankaasi ka dhasheen iney nimankaas gacanta qabtaan
sidii nabigeennii suubbanaa (SCW) sheegay. Waa ognahay
in waxay ku faanayaan ay tahay qabiilkooda ee aysan
heysan awood kale. Waa kee qabiilka u diyaarka ah in
maanta xaggooda diinta Islaamka laga soo galo? Marka
waxay ku fiicantahay in qolo kastaa iska beriyeesho
nimankaas. Waxaa kaloo dhicikarta in arrintu xitaa
dagaal qabiil isu sii bedesho.
C/Waaxid C/hi
Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Khudbadaha laga Filikaro Shirka
Baydhabo: Hal khudbo ayaa keeni karta iney ....
Guji
AFeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan