SOMALITALK.COM  
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Janaayo 17, 2004

Muqdisho oo Naftu ku Soo Laabaneyso

Dagaaladii sokeeye ee soo foodsaaray Soomaaliya waxay burbur ba'an u geysteen dhammaan dhismihii dowladnimo iyo guud ahaanba qaab-dhismeedkii bulshada. Waxaa bilowday qabyaalad aan lagaraneyn qaabka ey u shaqeyneyso, oo iska horkeysneysa labo walaalo ah.

Waxaa bilowday dagaalo aan dhamaad laheyn, oo mid markuu mid damo mid kale shidmayo. Dagaaladii sokeeye waxaa ku nafwaayay dad aan cadadooda la'ogeyn oo aad u badan. Sidoo kale waxaa bur-bur ba'an soo gaaray magaalooyinkii waaweyn ee Soomaaliya, sida Muqdisho, Hargeysa, Burco, Gaalkacyo, Kismaayo, Baydhabo, ...

Bur-burka ugu daran  wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho oo dagaalada sokeeye ey ku dheeraadeen , oo ilaa hadda wali qas ka jiro. Waxaase yaable, inkastoo Soomaaliya eysan ka jirin maamul shaqeynaya, hadana shacabkii waxay go'aan sadeen ineysan hogaamiye-xookeedyada ka sugin dowalad, ee qof walba uu wuxuu sameysan karo sameysto, hadii la soo weerarana is difaaco.

Magaalda muqdisho, insastoo eysan ka jirin wax maamul ah oo dadka kala haga, hadana dadku waa iska shaqeysanayaan. Qof walba wuxuu wataaa howshiisa.  Burburkii soo gaaray muqdisho, oo ka dhigay sidii magaalo dhimatay kasakow, hadana waxaad moodaa in muqdhisho naftu ku soo laabaneyso. Waxaad arkeysaa maalin walba sar cusub oo laga taagayo midii horey u bur'burtay dhinaceeda.

Yuusuf Ali, oo ka mid ah dhalinyarada somalitalk.com magaalada Xamar uga  soo dugbiya qoraalada ayaa wuxuu noo soo diray sawiro ka turjumaya wajiyada xamar. (Halkan ka eeg sawirada oo weyn)

Muqdisho iyo burburkii dagaalkii sokeeye | sawirada  guji si ay kuugu weynaadaan
Wajiyada Cusub, ee Muqdisho

C/risaaq "Gaalkacyo",  Helsinki         

 

 Waxaa qoraalka isku soo dubaridey:
C/risaaq "Gaalkacyo",  Helsinki
rcabdi@hotmail.com 

Waxaa sawirada qaaday:
Yusuf Ali Hassan | Muqdisho
yusufmog@hotmail.com

Sawirada waxaa Link loogu samayn karaa:
http://somalitalk.com/2004/sawiro/xamar2.html

Faafin: SomaliTalk Jan 17, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.