SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 Xiddigihii Cilmiga Adduunka

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi 

XADAARADDII ISLAAMKA

Waxaa laga soo guuriyey Buugaagta Ingiriiska kuqoran ee "Muslim History 570-1950 C.E" iyo xadaaradda Islaamka oo ay kala qoreen Dr. A. Zahoor iyo Dr. Z. Haq.

Waxaa Tarjumay,
  Maxamed Axmed,
alhudaa1@yahoo.ca
  


Horudhac:

Qorayaashii hore ee reer Galbeedka ahaa marka ay kahadlayaan xadaaradii carabta iyo Muslimiinta waxaad arkaysaa inay isticmaalayaan kalmadaha: " Arabs and Muhammadans". Sidoo kale meelo kale oo qoraalkooda kamid ah marka ay kahadlayaan ilbaxnimadii Carabta iyo Muslimiinta, waxaad arkaysaa inay u isticmaalayaan kalmadaha: "Saracen(ic) iyo Moor(ish) Muslimiintaas oo kunoolaa Africa, Yurub, Carabta iyo Eeshiya. Sida Nabi Muxammed(NNKH) laga wariyey qof kasta oo luqaddiisa koowaad tahay Carabi waa CARAB, iyadoo aan lafiirinayn qabiilkiisa, meesha uu dagganyahay ama meesha uu kudhashayba.

Carabtu waxay ahaayeen xoogga isgaarsiinta ee caalamka muslinka ah, ilaa laga gaaro dhawr qarni kahor, xagga dhaqdhaqaaqa diinta, Bulshada iyo sayniskaba. Sannaddihii 800-1500 C.E. xaqiiqdii cilmiga guud ee sayniska adduunku wuxuu kuqornaa afka Carabiga. Hayeeshee kaddib gumaysigii waddanka Muslinka ayaa qoridda xadaarada afka carabigu noqotay mid aan saas uxoogbadnayn, mararka qaarkoodna labaabi'iyey.

Maxay ka yiraahdeen qorayaashii hore ee reer galbeedku arrinkaas:

Markhaatigii uu ku Bixiyey Qoraagii George Sarton buugiisii "Introduction to the History of Science, Vol. I-IV," Carnegie Institute of Washington, Baltimore, 1927-31; Williams and Wilkins, Baltimore, 1950-53. Wuxuu yiri:

"Waxaa nagu filan in aan xusno magacyo sharaf leh kuwaasoo aan xiriir la lahayn galbeedka(aan ahayn reer galbeed) sida: Jabir ibn Haiyan, al-Kindi, al-Khwarizmi, al-Fargani, al-Razi, Thabit ibn Qurra, al-Battani, Hunain ibn Is-haq, al-Farabi, Ibrahim ibn Sinan, al-Masudi, al-Tabari, Abul Wafa, 'Ali ibn Abbas, Abul Qasim, Ibn al-Jazzar, al-Biruni, Ibn Sina, Ibn Yunus, al-Kashi, Ibn al-Haitham, 'Ali Ibn 'Isa al-Ghazali, al-zarqab, Omar Khayyam. Kuwaani waa bandhig magacyo cajaa'ib badan ayadoo ay dhiciba karto in ay intaas kabadan yihiin".

Wuxuu kaloo yiri: "If anyone tells you that the Middle Ages were scientifically sterile, just quote these men to him, all of whom flourished within a short period 750 to 1100 A.D."(Haddii qof kuugu sheekeeyo in casrigii dhexe uu ahaa mid baaba' ka ah xagga cilmiga sayniska, waxaad usheegtaa magacyada raggaas, kuwaasoo kulligood soobaxay muddo yar gudahood, Taariikhda 750 ilaa 1100 Taariikhda miilaadiga ah".

John William Draper, wuxuu ku yiri Kitaabkiisii "Intellectual Development Europe": "Anoo kaxun sida taariikhda qoraalka yurub ay u tirtirtay waajibaadka Muslimiintu lahaayeen. Xaqiiqduse ma ahan arrin intaas kaddib laqarin karo, lama aasi karo xaalka diimeed iyo midka waddan intaas kabadan" intaas wuxuu raaciyey: " "The arabs has left their intellectual impress on Europe. They have indelibly written it on the heavens as any one may see who reads the names of the Stars on a common celestial globe" (Carabtu waxay uga tageen Yurub xadaarad maskaxda gaartay. Waxay qoraalkaas aan la riixi karin kuqoreen cirka, taasoo uu arki karo qof kasta oo akhriya magacyada Xiddigahaas , kuwaas oo si guud uga muuqda dhulka guudkiisa).

Robert Briffault wuxuu ku yiri Kitaabkiisii "Making Humanity": "It was under the influence of the Arabs and Moorish revival of culture and not in the 15 th century, that a real renaissance took place. Spain, not Italy, was the cradle of the rebirth of Europe"(Waxay ahayd bilaabidii Carabta iyo Hirgelintii dhaqankii Morocco, ee ma aha in kacdoonku uu qarnigii 15aad biloowday, Spain(muslinkii) ayay ahaayeen ee ma ahayn kuwii Talyaaniga ahaa dadkii ka masuulka ahaa dhalashadii xadaaradda Yurub".

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyey: "Kaddib markii ay Yurub si isdabajoog ah ay hoos ugu quustay isla markaasna ay badatay reer baadiyanimadii, gaartayna meeshii ugu madoobayd ee jaahilnimada, Magaalooyinkii Muslimiinta oo ahaa: Baghdad, Cairo, Cordova, and Toledo, waxay ahaayeen kuwo ah wadnaha xadaaradda iyo ilbaxnimada adduunka, halkaas ayay ahayd meeshii ay kabilaabatay kor ukaca wajiga nolosha bini'aadamku".

Mar kale wuxuu Robert Briffoult kuyiri kitaabkiisaas: "Waxay ahayd dhaxlayaashii xadaaradda ee Oxford School(kuwii dhaxlay Muslimiintii Spain) sida ninka layiraahdo Roger Bacon kaasoo bartay Carabiga iyo Sayniska Carabiga kuqoran, haddaba buu yiri: "ma aha Roger Bacon iyo ragga lamidka ahi kuwo lasiin karo magaca inay abuureen ama bilaabeen xadaaradda, asagoo intaas raaciyey: "Roger Bacon was no more than one apostles of Muslim science and Method to christian Europe"(Roger bacon ma ahayn wax kale ee wuxuu ahaa gaarsiiye Muslinka ka qaaday Sayniska iyo habkiisa, gaarsiiyeyna masiixiyiintii Reer Yurub" .

Sidoo kale wuxuu Robert ku yiri isla buuggaas:"Science is the most momentous contribution of Arab civilization to the modern world" (Saynisku waa wax soosaarka ugu muhiimsan ee xaddaaradda carbeedi u gudbisay adduunka cusub".

Wuxuu kaloo kuqoray isla buuggaas: "For Although there is not a single aspect of European growth in which the decisive influence of Islamic culture is not traceable" (Isla markaas ma jirto hal shay oo ah hor ukaca Yurub, oo aan sabab looga dhigayn ama lala xiriirinayn saamayntii dhaqankii Islaamka ku lahaa"

Waa....socotaa..ee...lasoco qaybaha kale..Inshaa Allaah.


Waxaa Tarjumay,
 Maxamed Axmed,
alhudaa1@yahoo.ca
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.