Ciise Dhollowaa oo
Boosaaso u Dhoofaya si uu Xogwaran uga keeno Mashruuc Samafal ah oo ay ku baxayso $50,000
Waa Mashruuc
La Qorshaynayo in Laga Hirgelinaya Cisbitaalka Boosaaso
Waxaa maalinta Sabtida ah (Agoosto 3) ka ambabaxaya Airport magaalada Melbourne, ee dalka
Australia, Ciise Maxamud Dhollowaa oo Soomaaliya ku celinya labo caruur ah oo
Australia loo keenay daaweyn, labadaas caruurta ahna qaliinkoodii waa lagu
guulaystey.
Waxaa Ciise islamar ahaantaas soo qorayaa qoraal ay ka codsadeen
dhakhaatiir Australiyaan ah oo tegidoona cisbitaalka weyn ee Bosaaso si ay ugu
qalaan dad lagu qiyaasay ilaa 50 oo u baahan qaliino kala duwan.
Arimaha laga codsaday in Ciise Maxamud Dhoolowaa, oo ah madaxa (Chairman)-ka Somalia
Health, Education and Economic Development Organisation (SomHeedo), soo xaqoojiyo
kana soo qoro qoraal sugan, isla markaasna ka soo duubo cajlad maqal iyo
muqaalba ah waxaa ka mid aharimahan hoos ku qoran oo aan ka soo guurin qoraalkii
dhakhaatiirtu Ciise Dhollowaa u soo direen, kaas oo oo afka Ingriiska ku qoraa,
waana tan inta muhiimka ah;
|