somalitalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
Somali Students Express
Arday Soomaali ah ayaa oo axadii Jan 23, 2000, isugu timid Students Network.  dhamaan ardayda isugu timid waxaa laga wadda hadlaayay arimo aad iyo aad u muhiimsan oo quseeya dhamaan ardadda Soomaaliyeed iyo wadankeenii hooyaba.  Ardadaas oo kalajooga Yurub, Maraykanka iyo Magaalooyin badan oo ay ka mid tahay Turkey iyo Bakistan.  

Chat kaan cusub ee sitimaanlaha ah oo ay maanta ahayd maalintiisii labaad waxaa loo wadda mahadcelinaayay oo la isla afgartay in dhalinyaradda Soomaaliyeed  ee isku soo dubariday http://www.somalitalk.com jecelna isu keenista ardayda Soomaaliyeed iyo Soomaali weynba si ay isu ra'yi dhaafsadaan ay yihiin dhalinyaro aragti dheer leh iyo Soomaalinimo. 

Waxaa aad igaaga yaabiyay in ay jirtay Soomali badan oo haystay shahaadooyin aad iyo aad looga qadariyo aduunweynaha ka sheekeenayeen sida ay ku gaareen heerka ay maanta taagan yihiin iyo waxa ay hananayaan iyo inta dhibaato ay usoo mareen isla mar ahaantaana ku gubaabinaayay ardaddii kale in aynu leenahay wadan inkastoo uu dagaal kasocdo ayna haboon tahay in waxbarashada lagu dadaalo si wadankeena Hooyo iyo ubadkeena ay u yeeshaan mustaqbal la taaban karo, niyaddana ay ku hayaan in loo noqon doono Soomaaliya. 

Ugu danbeyn iyagoo hadalkii sii wata waxay sheegeen inay qaarkood rajeynayaan inay Sanadkaan gudihiisa unoqondoonaad Soomaliya ayna ku camal falaan cilmigooda. 

Fadlan ha moogaan isu imaatinkeena dabe. Waqtigana waxaa, insha Allah, lagusoo daabicidoonaa bogga Network of Somali Students ee halkaas kala soco. Waxaadna isla bogaas si toos ah ugu daabici kartaa aragtidaada iyo waqtiga kuuhabboon ee aad kasoo qayb gelikartid.

 
 
Abdirahim  Dirie
Afhayeenka Somalitalk.com ee Koonfurta Kalifornia.
Jan 24, 2000
Allah Is Great
.


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback