SOMAALIDA IYO XIFDINTA QURAANKA
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
01/01/1424
Maadaama ay Soomaalidu ka mid tahay
bulshooyinka Islaamka ah ee ku nool dunidatan, laguna tiriyo iney muslim
wada yihiin, ayeysan ahayn wax dheeri ah in la is weydiiyo Soomaalida iyo
xifdinta Quraanka Kariimka ah, laakiin dad waliba iyo dowlad waliba waxay
leeyihiin sharaf ay ku dhaataaan oo bulshooyinka kale oo dhan ay uga
haybeystaan, waxaad maqleysaa dal hebel ilaahay waxaas ayuu sharaf u
siiyey hadaba Soomaalida iyo xifdinta Quraanka waa see.
Bulashadeenna Soomaalida sadax qodobba
iyadaa ugu horeysa dunida Islaamka
- Xifidnta Quraanka.
- Xirashada Xijaabka ugu saxsan.
- Camiraadda Masaajidda.
Qodobadaas sadaxda ah waa kuwa ay
Soomaalida u qireen dadyowga kale ee Muslimka ah.
Xifdinta Quraanka, dunida Islaamka oo
dhan waxay isla qirtay in Soomaalidu ay yihiin dadka ugu xifdinta badan
Quraanka, haddii aad fiiriso wadamada Khaliijka gaar ahaan Imaaradka, iyo
Qadar Misaajidda ku yaalla inta badan waxaa Imaamyo ka ah wiilal
dhalinyaro Soomaaliyeed ah, Dubai oo aan 2000kii booqasho gaaban ku tagay,
waxaan ku arkay Masaajiddo aad u tiro badan oo ay tujinayaan dhalinyaro
Soomaaliyeed, waxaa la iisheegay marka la jooga Imaaraadka haddiiba uu
muuqdo qof Soomaali ah in isaga la soo jiido si uu dadka Salaada u tujiyo,
waayo waxaaba ka dhaadhacsan in qofka marba hadduu Soomaali yahay uu
xafidsan yahay Quraanka Kariimka ah, waxaan xusuustaa Jamacada Al-iimaan
lagu magacaabo ee ku taal Yaman oo ay dhiganayeen arday ku dhaw 3000
arday ayaa maamulkii Jaamacadda waxa uu qabtay tartar Quraan oo la yiri
waxaa loo baahan yahay 20 Macalin Quraan oo ardayda kale u dhigta Quraanka
Kariimka, ardaydii sadaxda kun ku dhawaa ee la damcay in laga qaato
labaatan Xaafid waxay Soomaalidu ka heleen 14 Macalin, tirada ardayda
Soomaalida ee markaa dhiganeysay Jaamacadaa waxay dhamaayeen 80 arday,
dhacdadaas waxay ka yaabisay ardaydii Yamaniyiinta ahaa iyo Maamulkii
Jaamacadda oo in badan ardaydaas weydiinayey sidee bey ku dhacday inay
Soomaalidu saas u wada taqaan quraanka.
Sanadkii 1988kii waxay Soomaalidu
ka qayb galeen tartan
Quraan oo lagu qabtay magaalada barakeysan ee Makka al mukkaram, oo ay
dunida Islaamka oo dhami ka soo qayb gashay, wiil Soomaali ah oo da’diisu ay ahayd
10 jir ayaa ku guuleystay inuu galo lanbarka koobaad tartankii loogu
jiray 10 Juz. wiilkaas oo aan magacisiii ka xusuusto C/Wahaab, waxay
farxad galisay guushaas shacabka Soomaaliyeed oo dhan, warbaahinta
caalamka oo dhanna wey soo qaadeen arintaa, wiilkaas waxa uu Xaramka ka
muujiyey in qofka Soomaaliga ah uu ilaahay hibo u siiyey xifdinta Quraanka
Kariimka ah, sidoo kale dhawr sano ka hor tartan Quraan oo lagu qabtay
Dubai oo dunida Islaamka oo dhan ay ka soo qayb gashay waxaa lanbar kow
galay tartankii xifdinta Quraanka oo dhan wiil Soomaaliyeed oo lagu
magacaabo Maxamed Wali.
Soomaalidu in Quraanka looga danbeeyo
labadaas dhacdo kaliya marag uma ahan, kadis waa dhawayd lagu qabtay isla
magaalada Dubai ayaa dadkii ka qayb galay kadiskaa su’aalihii la
weydiiyey waxaa ka mid ahaa, dalkee dunida Islaamka ugu horeeya xifdinta
Quraanka Kariimka ah? Dadweynihii su’aasha la soo dhexdhigay waxay ka
bilaabeen Sucuudiga, waa khalad baa lagu yiri, sey hadana Masar bey
dhaheen, waa khalad baa lagu yiri, marba wadan sey u sheegayeen ayaa su’aashii
loo gudbiyey dadweynihii daawanayey kadiska iyagiina wadamo kale ayey afka
ku dhufteen, intiiba waa laga diiday, qaybiyihii doodda ayaa su’aashii
ka jawaabay oo yiri waa DALKA SOOMAALIYA, ka qayb galayaashii dhamaantood
waxay ku noqotay wax aysan filaneyn, sida hada lafteeda aysan Soomaali
badan ula noqonayn inay saas tahay.
Hadaba aan is weydiinno maxay tahay
sababta ay Soomaalidu sharaftaas ugu soo hoyatay, waxaa jira sababbo dhawr
ah oo Soomaalida u gooni ah oo keentay in Soomaalida ay ku caan baxdo
xifdinta Quraanka, waxaa la oran karaa sababo ay ka mid yihiin kuwan baa
heerkaa Soomaalida gaarsiisay.
Canagu Soomaaliga ah goorta uu
garaadsado ee uu ku dhaw yahay da’da 6-jir waxaa la geeyaa dugsi
Quraan halkaas oo ah goobta uu ku bilaabo xifdinta Quraanka Kariimka
ah, Macalinka Quraanka u dhigaya qudhiisu marka baadiyaha la joogana
waxa uu ku dhexnool yahay dhawr qoys oo isku ood ah, waxaad maqalaysaa
marka aadka loo amaanayo Macalinka Quraanka in la leeyahay Macalinkaan
wuxuu ku kiciyey ilaa 4 dugsi oo laga wado aqoonta xeesha dheer ee uu
u leeyahay barida Quraanka Kariimka ah Caruurta.
Qof kasta oo Soomaali ah ama
Quraanka oo dhan wuu dhameeyey amaba meelo fiican ayuu ka gaaray,
waxaan sinaba u jirin qof Soomaali ah oo ku barbaaray Soomaaliya oo
aan soo marin dugsi Quraan, waxay dadka Soomaalidu saaqid dayr ah u
yaqaaneen wiilka lagu kari waayo barashada Quraanka Kariimka.
Soomaalida iyo xifdinta Quraanka waa
arin ay dadkoo dhan ogyihiin, waana sharaf weyn oo lagu naaloon karo,
waxaan filayaa inaad ogtahay in xitaa beelaha Soomaalida qaarkood ay
ku caanbaxeen xifdinta Quraanka oo aadba is dhihi karto ma jiro qof
beeshaa ka mid ah oo aan xifdin Quraanka, waxaa beelahaas ka mid ah
beesha Abgaal, iyo Raxanweyn.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
QORAALKII
HORE EE FAHAD YAASIIN.....
March 4, 20003
<><><>
114
Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran
Siiradii
Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro
Ahmiyadda
Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat Hab
nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada Sakada
Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat Cuntada
xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi CIBAADADA
XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
|