SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 QOYSKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

MARKA CURUUSKU DHACAAYO WAXYAABAHA LOO BAAHANYAHAY

Qaybtii 8aad ee Qoyska iyo Guriga Islaamka 

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Asalamu aleykum,   

Waliinimada laguu sheegayo waxa weeyaan ninka iyo haweenta marka la’isku guri geynaayo ama la’isku mehriyo waxaa layiraahdaa "Waliimatu Curfi". Culumda Islaamku badankoodu waxay leeyihiin waa sunno, waxayna u daliilsadeen Nebiga C/raxman bin cowf wuxuu ku yiri: "Waliimo keen ri’ba Allaha kadhigee" waa xadiis saxiix ah. Laakiin culumdu waxay yiraahdeen qaarkood waajib waaye Nebigu amarbuu ku bixiyey waligiina kama tagin. Waxaa la moodaa haddaa shan ari laqalin oo aan sagaal fanaan loo soo yeerin, oo aan meesha ciyaal suuq oo dhan iskugu imaanin inaan gabadha la’aroosin. Walaalayaal arintu saas ma’ahan, ee curuusyadda qaarkood in timir laga bixiyo, curuusyada qaarkood in muufo iyo maraq laga bixiyo, gabalna waa in ari laga qalo, gabalna waa in laga bixiyo xalwo iyo buskut. Saas ayaa ladoonayaa israafka waa in la’iska ilaaliyo.

Waxaa kaloo ladoonayaa waxa waaye siduu Nebigu sheegay SCW: "Hala saaxiibin ilaa qof aan mu’min ahayn, cuntadiina yuusan cunin qof aan taqi aheyn".

Sharciga Islaamka saas ayuu oranayaa waayo cuntadu waxay u qaybsantaa sida tan: mid waxaa layiraahdaa "Dhacaamul Xaaja", waa qofka dhibaataysan in wax lasiiyo. Ammaa cuntada "Fadhiiladaa" iyo wanaaga loogu talagalay iyo farxada, dadka Rabbi ka cabsaday maahane dad kale in loogu yeeraa looma baahna. Wixii iyagu iskayimaada yaan lacayrinin, laakiin dadka loo yeeraayo dadka Alle ka cabsada ee masaakiinta ah, ee muslimiinta ah waa inay noqdaan, iyo dadka ayagu guriga leh. Waxay culumadu sheegayaan gabarta reerkeeda iyo wiilka reerkiisa wax ka mida meesha way imaan karaan, laakiin waxaa ladoonayaa dadka Alle yaqaan oo munkarka ka dheer inay yihiin.

Maanta arrintaas waa la la’yahay, dadkii adduunbaa ka qaalib noqday, oo diin gacanta kuma hayaan say u badan yihiin. Bal haddaa tiraahdo arrintaa yaana lasameynin, waa mid adag oo lamasameyn karo ayaa dadkii maanta ka soo horeysa. Haddii maanta arrimahaas la’isku dayi lahaa wax walba Alle wuu noo fududeyn lahaa.

Rasuulka SCW ruwaayad Bukhaari iyo Muslim ku sugan haweenkiisa mida ugu badneyd oo walinimada loo sameeyey Zeynaba ayey aheyd, hal ri ayaana laqa qalay. Saas ayeyna aheyd ee Rabbi ka cabsada oo waxyar walinimda ka dhiga hana ku israafinina. Waxaa ka dhigtaan wax dadka meesha jooga kala gaara oo aan ladaadin, oo aan xadgudub ku jirinin ka dhiga.

Gabartu gaari halagu qaado way fiicantahay iyo gabdho kale waana lasamayn karaa, laakiin waxaa fiican gabadha muslimadaa in guriga lagu aroosinaayo loo lugaysiiyo (waa haddii ay tahay meel loo lugeyn karo), si halkaa loogu muujiyo tawaadica iyo wanaaga, aanna u noqonin dadka adduunka caabudaya.

Ayaamahaan danbe ninka waxaa lagu soo qaadi shan gaari, gabadhana labaatan, dad waxaa soo raacaya faasiqiin ah. Walaalayaal waxaan diin ma’ahan ee Alle ka cabsada. Dadka walaalaha ah oo muslimiinta ah hadday gawaari haystaan oo lagu saacido lacag la’aan wax dhib ah malahan, laakiin lacagtaan takaasida ama lamaziinada lagu soo kireynaayo diinta idiima dirin, ee idinkuna ha isku kalifina. Walaalayaal ha umaleynin inaan idinku adkeynaayo ee xaqaa saasa oranaya "Ilaahey dadka musrifiintaa majecla". Muslimiin walaalihiina ayaa jeelal ku jira, Ilmo ogoona ayaa jira, gabal ayaa arradan, ku bixiya ee haku ciyaarina xoolaha waa haddaa kheyr doonaysaan.

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA" 

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.