SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 QOYSKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Dhismaha Qoyska Muslimka ah...

Qaybtii 6aad ee qoyska iyo guriga islaamka....

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Asalamu aleykum,   

GUURKA MAANTA ADUUNKA KA JIRA

Aad iyo aad bay u dhibaato badantahay arimaha ka jira xaga guurka, waayo guurkii wuxuu noqday mid isaga dhan qaab daran oo diinta waafaqsanayn.

Siyaabaha uu ku noqday waxaa ugu horeeya gabadha iyo wiilka isdoonaya marka horaba xaga diinta iskuma doonaan, ee waxaa la isku doonaa xoogaa xoolaa iyo gabadhoo cagaaran iyo wax kale, ee diin in la isku qadariyo way dhimatay. Taasi waxaa ka abuurmay guurka noocaas oo kale ah inuu sharcigaba waafaqin. Mida kale, dhibaatada kale oo timid waxay ka timid xaga waalidka, waalidkii waxay noqdeen kuwo dhib badan, oo kheyrkoodu yar yahay. gabar markaa ka doonato reer, hadday diintaada, Islaamnimadaada, iyo wanaagaada ay yaqaaniin, markaa utagto waxay ku leeyahay "hayee, odayaalbaa la siiyaa gabadha ee odayaal keen." War gabadha ma odaybaa guursanaaya mase anaa guursanaaya, waa yaabe? Ma wiilka gabadha kaa soo doonay siisid. War odayaasha lahadla, oo xaqa siduu yahay tusiya! Waa dad kheyrkii oo dhan ka fagaaday, oo xumaan ku sifoobay. War xagee laga helay gabar ay odayaal dhaqaan ninbaa dhaqa inantee. Gabadhese aabeheed ayaa mas’uul ka ahe xagee laga keenay waxaan, war arintaan diinta xagee ku qortay? Lama hayo waa caado jaahili, oo meelay ka timid aan la garaneyn.

Haddii markii aad odayaal geyso oo gabadhii lagu siiyo, maxaa lagugu oranayaa: Waxaa laleeyahay "aaway lacagtii sooriyada? Awaaway tii abtiga? Aaway tii islaanta dhashay?" Yaa yiri dadka iibsada. Rasuulka SCW xadiis saxiixa wuxuu kuyiri: "Sadex qofood Ilaahey lama hadlo, danbigana uma dhaafo, cadaab ayeyna leeyihiin." Sadexdaa qofood waxaa ka mid ah: Qof xor ah, axadkii iibsada lacag inta kalabaxa lacagtaa cuna Alle naxariistiisa ma arkuu leeyahay. Haddaba dadka ama raga gabdhaha laga soo doonayo oo ku xiraaya intaasoo dhaqaale in laga bixiyo gabadha ay dhaleen inay iibsadeen ha ogaadeen, oo lacagtay ku iimsadeen cuneen ayna xaaraan tahay. Laakiin ninka gabadha guursanaaya waxaa waajib ku ah reerka uu gabadha ka guursanaayo inuu udhaqaaleeyo sida waalidkii oo kale. Wiilka hooyadiis iyo aabihiis waxii uu heli karo isagaa siinaya oo waajib ku tahay, laakiin xoolaha aad hablaha ku xiraysaan la’idin ka soo doonay odayaashow ka hara haddaa diin leedihiin Allana aad ka cabsanaysaan. Haddii kale waxaad ku haysaan "Sooriyaa labixin jirey iyo gogol gabar laguma bixiyo aan lacag lagu bixineyn." Waayo waxaa maalin walba la maqlayaa ayadoo la leeyahay "Haa, gogol qalalan inan laguma bixiyo." Yaa ku yiri gogosha soo qoo, biyo ku daadiya haddaa qoyaan doonaysaan.

Haddaba sharciga Islaamku sidaa ma ogola ee arrintaa hala iska joojiyo. Ninkii isaga gabar guursada waxaa ku wanaagsan inuu reerkeeda ixtiraamo, waxii uu heli karana u qabto siduu hooyadiis iyo aabihiis u dhaqaaleynaayo oo kalena u dhaqaaleeyo. Taasi waa xuquuqda la isku leeyahay, laakiin mida ku saabsan dhaqaalaha aan ka soo waranay, oo odayaasha gabdhaha ku xirayaan lacag, ogow sharciga islaamka ma ogola arinkaas. Sida diintu tahay aan ugu dhaqano Allena aan ka cabsano SW.

Gabarta marka labixinaayo waxaa ladoonayaa ninka la siiyo inuu ku qanacsanyahay. Kafaa’ada Islaamka ogolyahay waxa weeyaan xaga Islaamnimada, maxaa yeelay Islaamka dadkiisu kuligood waa walaalo, axad walba oo muslimiinta ka mid ahna axadka kale waa u banaantahay inuu guursado oo lana noolaado. Rabina quraanka wuxuu ku yiri isagoo noo cadeynaya muslimiinta inay simanyihiin oo isku kuf yihiin: "Mu’miniintu waa uun walaalo"

Sida ay xaqiiqadu tahay Rabbi ma kala qaadin, ee wuxuu inoo sheegay muslimiinta inay walaalo yihiin. Haddaba ninyahow muslimka ahow haddii gabartaadu soo doono wiil Islaam ah, oo aqlaaqdii iyo diintii Islaamka leh, ha ku xujeynin qabiilnimo iyo xoolo haddaa iimaan leedahay, maxaa yeelay mu’miniintu waa walaalo.

Ninyahow muslimkaa adiguna gabadha aad guursanaysid waxa aad ku raacdo ha noqdo iimaanka iyo wanaaga siday diinta ugu socoto. Gabaryahay muslimadaa adiguna ninka aad raacayso ha noqdo waxaa ku raaceysid inuu diinta ku fiican yahay oo aqlaaqda Islaamnimada leeyahay. Saas ayaa la doonayaa haddaa fulin waydaan ka bixi maysaan cariiri iyo dhibaato.

Rabbi wuxuu inoo sheegay inaan dumarka ka guursano tii ku cajibasi, oo idil, dumarkii lama kala qaadin, qabiil looma qaybin, midabna looma qaybin, ee kuligood waxaa adiga aad doonaysid inaad ka guursatid oo sharciga kuu ogolaaday ayaa laguu sheegay. Haddaba muslimiintooy baraaruga, oo Rabigiin ka cabsada, oo waxa aad darbiyada iyo suuqyada la wareegeysaan joojiya.

Gabadha muslimada ah, oo aad u wanaagsan, ee cafiifada ah, ninka faasiqaa laguma dari karo, haddaysan ayada raali ka ahayn. Faasiqa iyo faasiqada way isguursan karaan hadday isdoonayaan, laakiin qof isagu wanaagsan, oo iimaankiisu uu muuqdo, iyo qof fisqi iyo macaasi waaweyn lagu arkayo in la isku qasbo cadaalada ma ahan.

Rabbi quraanka wuxuu ku yiri: "Ragga iimaanka leh iyo dumarka iimaanka gabalkood gabalka kalo ilaaliyayaal bay u yahiin." Waa dad is ilaalinaya oo isdhowraya markastaba. Muminiinta iyaga unbaa walaalo ah wanaaga ku wada socda. Kafaa’ada lafiirinayaa waa xaga istiqaamada iyo xaga aqlaaqda. Waxyaalaha ay fuqahadu gabalkood yiraahdeen nasabka waa la eegayaa (Carab iyo Cajam), sancada waala eegayaa, daliil loma hayo, waayo Rabbi quraanka wuxuu ku yiri: "Qofka idin kugu karaamada badan Alle agtiisa waa qofka idin kugu cabsida badanle. " Axad axad ka karaamo badan majiro ilaa cabsida Alle ma’ahane. Cabsida Allena waxaa layiraahdaa qofka inuu gudo xaqa uu Alle ku leeyahay, iyo xaqa dadka iyo maqluuqa kaleba ku leeyihiin. Qofka waa inuu xaqa Rabbi guto, oo xaqa bani’aadamkana guto, markaas ayuu taqi yahay oo Allena kacabsaday.

Rasuulka SCW wuxuu yiri: "U guuriya hadduu idiin yimaado axad diintiisa iyo aqlaaqdiisa raali laga yahay." Haddaa samayn waydaan dhulka waxaa ahaanaysa fidno, bilaayo, iyo fasaad wayn.

Dadka Islaamka ahoow Rabigiina ka cabsada oo ku dadaala nin diin iyo aqlaaq leh hadduu yimaado gabadha hala siiyo. Rasuulka SCW waqtiguu joogay waxaa dhacday ninka lagu magacaabu Abuu Qurayfa in uu guursaday gabarta layiraahdo Hinda binti Waliid. Ninkaasu wuxuu ahaa nin ay xoreeyeen reer Ansaareed, gabarta uu guursaday waxay kamidtahay qabaa’ilka ugu sharafta badan Qureysh. Ninka Bilaal Ibnu Rabaax wuxuu guursaday ninka layiraahdo C/raxman Ibnu Cawf walaashiis. Halkaas waxaa ka ogaatay inaan loo qaybin karin dadka Carab iyo Cajam xaga nasab ahaanta oo aan lagu kala duri karin. Laakiin qofka hadduu diin leeyahay waa laga guursan. Cali Ibn Abii Dhaalib ayaa lawaydiiyey oo layiri dadka bal kawaran makala sharaf badan yihiin? Wuxuu yiri: "Dadka gabalkoodka gabalka kale kuf ayuu u yahay, carabtooda iyo cajamtooda waana isla mid hadday Islaamaan oo ay Alle rumeeyaan." Marba hadday muslimiin yihiin oo iimaan leeyihiin wax lagu kala qaadi karo malahan ayuu yiri Cali.

Culumada ayagoo nasabka ka hadlaya, oo yiri dadka gabal iskuma mid ma’ahan. Waala doonayaa labada qofood in la’eego, oo bal inay wada noolaan karaan xaga aqlaaqda, laakiin waxa qabiilka layiraahdo iyo waxyaalaha kale oo guurka lagu xiray, halaga saaro oo Rabbi halaga baqo. Rasuulka SCW wuxuu cadeeyey ninkasta ee diin iyo dabeecad wanaagsan leh, gabar diin iyo dabeecad leh hadduu soo doono in loo diido inaan loo baahneyn. Xaqiiqada markii la fiiriyana xaalada sidaas weeyaane bal ku dadaala oo Rabbi ka cabsada. 

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA" 

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: July 14, 2003

Ha ilaawin in aad akhridid casharada Siirada Rasuulka: GUJI.HALKAN


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.