SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DHISMAHA QOYSKA ISLAAMKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

HADDII WALI LAWAAYO MAXEY GABADHU SAMEYNEYSAA?

Qaybta 3aad ee Qoyska & Guriga Islaamka. 

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Asalamu aleykum, 

Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Haween alle haweentii guursata waligeeda oo idmin nikaaxeedu waa baadil, nixaakeedu waa baadil, nikaaxeedu waa baadil.”

Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Ninku haduu dhuunto oo uu haweenta jameec ugu tago, meherbey ku leedahay maxaa yeelay farjigeeduu xalishay, laakiin meher ma jiro.” Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu yiri: “Hadday reerkii gabadhu ka dhalatay ay ka reebtoonaadaan inay gabadha bixiyaan, oo ninka soo doonaya, oo diinta leh ku mehrin waayaan, waxaa gabadha mehrinaaya ninka qaaligaa ama xaakimka ee makaanka jooga.” Laakiin hala masaafeysta iyo halala cararo ma’ahan waayo Rasuulka SCW amarbuu ku bixiyey. Nin diin leh, aqlaaq iyo dabci fiican leh, haduu gabadha soo doono, oo ayada raali ku noqoto waan in la siiyo, waa waajib mana ladiidi karo. Haddii la diidana gabadha hortiisaa lagu meherinayaa.

Waxaa diinta islaamka noo cadeysey inaan la ogoley guurka hadii aan wali jirin. Gabadha haddaan wali bixinin inaa nikaaxeedu aan ansaxeynin waxaa ku tagey dadka ahlu cilmigaa badankooda, asaxaabta Nebiga. Waxaa ka midah raga arintaas aad uga waramay: Cumar Ibnu Khadhaab, Ali Ibnu Abii Dhaalib, Cabdulaahi Ibnu Cabaas, Abuu Hureyra Ibnu Cumar Ibnu Mascuud, iyo Caa’isha. Waxayna asaxaabta kuligood qabeen sidaa. Waxaa ku tagey arintaas oo taabiciyiin ka mid ah ayaguna aad u cadeeyey: Saciid ibnu Mutayar, Hassanul bidri, Shureec, Ibraahiimu naqaci, Cumar Ibnu C/casiis iyo rag kale. Raga fuqradaa waxaa sidaa ku dhawaaqay, oo ku taagtaagsadey iyaguna raga layiraahdo Sufyaanu Zowri ow saaci, C/laahi Ibnu Mubaarak, Shaafici, Ibnu Shukruma, Ahmed buni Xambal, Isxaaq, Ibnu Xamzi Ibnu Abii Leyla, Dhabari, Dowci, iyo rag kalaba. Waxay dadkaa muslimiintaa isku daba galeen in gabadha wali inuu bixiyo loo baahanyahay.

Sidoo kale waxaa u baahan in ayadana la ogaado in ayna gabadha baaliqada oo qaan gaartay nafsadeeda bixin karin, naf kalena ma bixin karto, ee walaayada waxaa qaadaya nin.

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.