SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 QOYSKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Asalamu Aleykum. Kanni waa casharkii 16aad ee Dhismaha Qoyska Muslimkaa.

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

 CASHARKII 16AAD, QEYBTII 3AAD EE DHISMAHA QOYSKA MUSLIMKAA

[Qaybtii 2aad ee tarbiya caruurta]

 Asalamu Aleykum, kanni waa casharkii 16aad, qaybtii 3aad ee Tarbiyada Caruurta, ee casharkii inoo socon jirey ee Dhismaha Qoyska muslimkaa.

MUXUU WAALIDKA FAA'IDEYSANAYAA MAADAAMA UU CARUURTA DIINTOODA KU DADAALAY?

Waalidka wax barbaarinaya ee ilmihiisa tarbiyeynaaya, oo diinta kula dadaalaaya wuxuu faa?ideysanaayaa:

I. Aduunyada ilmo diinta ku koray wax ka wanaagsan oo ka macaan oo Ilaahey SW uu adoonka siiyay ma jiraanba. Saas daraadeed buu Nebi Sakariye CSW markuu Ilaahey baryaayey wuxuu k duceystay: ?Ilaahayow waxaa I sii saa caruur wan wanaagsan.? Halkaa waxaa ka fahmeenaa caruur oo dhan ineyna wanaag aheyn. Caruurbaa dhalmadoodu qasaaro tahay, oo qasaaro aduun iyo mid aakhiro kuugu filan. Laakiin caruurta kuwuu Ilaahey uu kuu hagaajiyo oo uu kuu toosiyo, kuwaas baa caruurnimadooda iyo faa?idada aad ka heleysid ay fiican tahay.

II. Aakhiro markuu tago Ilaahey SW oo uu darajo Janada ka siiyo, waalidkiina meeshaan ayaa laga galin. Hadduu waalidkii hooseeyo, oo uu meel isaga ka hooseysa uu la yimid, waalidka isagaa u shafeeco qaadaaya, kabacdiina meel wanaagsan ayuu aabihiis iyo hooyadiis geynaayaa.

III. Hadduu adduunka kaaga haro, oo aad adigu ka hor dhimatana, ilmahaadii fiicnaa way kuu soo duceynayaan, ducadiisa Ilaahey SW wuu kuu aqbali. Sadaquu kuu soo bixin, qabrigaada kuugu imaaninin ayadoo maalintey ugu baahi badan tahay, oo aad wax walba u baahantahay. Nebiga SCW wuxuu yiri: ?Ibnu aadamka hadduu dhinto camal u soconaaya ma jiraan, camalkiisa oo dhan wuu go?aayaa ilaa 3 wax mooyaane. Waxa weeyaan: (1) Sadaqatu jaariya, (2) Cilmi intuu dadka baray, qofkii cilmiga uu baray ay dadka sii barayaan oo lagu dhaqmaayo, (3) iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya.?

IV. Ilmaha diinta yaqaana aabihiis iyo hooyadiis ayuu wax walba ka hor marinayaa, baari ayuu u noqonayaa, ayagiibuu xanaaneynayaa, xoolihiisa oo dhan ayuu u huraayaa. Haddii ay waaweynaad oo gaboobaan gacanta kuma seyraayo ee gacanta ayuu ku haynaa ilaa ay qabriga ka galaan.

Beertii aad beerato baad miraheeda guraneysaa. Ruuxii beer wanaagsan beerta, oo tufaax beerta, tufaax unbuu goosan. Laakiin ruuxii qare dameeraad beerta, qare dameeraad qaraar unbuu guran.

Ninkii ilmihiisa tarbiyeysan waaya duurka unbuu galin. Waa waxa maanta dadkeena haysta. Waalidiintii dhamaantood waxay noqdeen dad aan mas?uul qaadi karin.

Caruurta markey dhashaan waxa uu diyaar u yahay in wax lagu shubto, waayo waa weel faaruq ah, weelkaas waxaa lagu shubi karaa wax wanaagsan iyo wax xun, adigu kolba tii aad ku shubato unbaa heleysaa.

Ilaahey SW wuxuu leeyahay: ?Kuwa Ilaahey rumeeyay oo mu?miniinta ah caruurtoodana ay iimaanka ku raacday, caruurdooda ayaa meeshay joogaan la geyneynaa.? Yacni, Aakhiro markii la tago ilmaha darajada ugu sareysa oo uu helay ayaa waalidkiisna lala geynayaa. Tusaale ahaan hadduu waalidkii uu dhinto, oo uu naar u waajibtay, Ilaahey SW ilmihiisa baa u tagaaya Ilaahey buu u erga geynaayaa. Ilaahow waalidkey cadaabka ka badbaadi ayuu oranayaa, Ilaahey SW ducadii wuu ka aqbalayaa. Marka waxaa laga yaabaa inuu sabab u noqdo waalidkiis oo la cadaabi lahaa Rabbi SW inuu sababkiisa cadaab kaga badbaadiyo.

Haddii maanta la dhihi lahaa: Waalidkaa danbi ayey galeen oo waa la xiray, ilmahaas intuu dawlada u tago oo uu kala hadlo, oo sidaa lagu sii daayo, waalidkaas nicmo intee le?eg ayuu tirsanayaa. Nicmo aad u weyna ayuu tirsan lahaa waalidkaas. Maxaa u maleyneysaa cadaab Alle haddii laga badbaadiyo? Waa nimco aan caadi aheyn.

Waxa laga rabaa waalidiinta iney ilmahooda ku dadaalaan tarbiyada caruurta. Waxa lagu tarbiyeynaayana waa iney noqotaa Tawxiidaka {LAA ILAAHA ILA LAAHU, MAXAMED ARASUULU ALLAAH} waa intuu yaryahay cuniga, waana inuu qabto, ka dibna waa in macnaheeda iyo waxa ka danbeeya la baro.  Waa in labaro in aysan jirin cid wax tari karta ama wax dhibi karta ama wax la weydiisan kara oo Alle aheyn ineysan jirin.

Nebiga SCW saxaabiga la yiraahdo Ibnu Cabaas isagoo wiil yar ah yaa Nabiga SCW wuxuu ku yiri: ?Wiilyahow! Ma ku baraa weerooyin? Ilaahey xifdi oo diintiisa ilaali Ilaahey wuu ku xifdinaayaa. Alle xifdi wax walba oo aad u baahato Ilaahey wuu ku siinayaa. Haddaa cid wax weydiisaneysid Ilaahey kaligiis wax weydiiso, haddii cid wax ka magan galeysid Ilaahey kaligiis  magan gal. Waxaa ogaataa ummada oo dhan haddey isku tagto in ay dhib ku soo gaarsiiyaan ay isku dayaan, kuma dhibi karaan ilaa wuxuu Ilaahey kuu qoray mooyaane, hadday isku dayaan iney ku anfacaan oo ay wax ku siiyaan kuma siin karaan ilaa wuxuu ilaahey kuu qoray mooyaane. Qalinkii iyo waraaqihii wax lagu qoraayeyna wey ingageen.?

Saas ayuu Nebiga ku yiri cunugaa yar, ma saas ayey caruurteena garanayaan? Waa maya! Laakiin waxay yaqaanaan maadooyin aduunyo. Haddaa wax adduun ka weydiiso wey kaaga jawaabayaan, laakiin 19 jirka muslimka ah oo maanta jooga arimaha noocaas haddaa weydiiso inuu garto aad bey u yartahay. Maxaa yeelay horeybaana loogu soo tarbiyeynin.

Caruurta waa in la jecleysiiyaa Alle SW iyo Nebi Maxamed SCW. Qalbigooda waa in iimaanka Ilaahey iyo Nebiga SCW rumeyntiisa loo galiyo. Waa in jannada la jecleysiiyo oo looga sheekeeyaa, markuu jeclaadana waxaa loogu darayaa wadadaas ayaa loo maraa. Naarta looga sheekeeyo, xumaanteeda iyo cadaabkeeda kulul, dabadeedna loo sheego wadada lagu gali. Ilmihii markaas wuxuu ku barbaarayaa isagoo tawxiidkii iyo caqiidii ka dharagsan. Hadhowna ilmo wanaagsan ayuu noqonayaa insha?allah!

Waxaa ayadana lagama maarmaan ah ilmihii in lagu tababaro oo la baro intuu yar yahay arkaanta Islaamka. Salaadii waa in la baro, weesadii waa in la baro, qaabkii loo dahaaro qaadanayey waa in la baro, istiijadii waa in la baro, iwm.

Caruurtu inta badan waxey ka dhaqan qaataan aabaha iyo hooyada. Marka aabaha iyo hooyada waxa ay yihiin ayey caruurtu noqonayaan. Sidaa daraadeed Nebigeena SCW wuxuu yiri: ?Ilmo walba oo dhasha waxaa lagu dhalaa caqiido wanaagsan iyo fidro wanaagsan, markaa ka dib ayuu wuxuu qaadanayaa falka waalidkiis. Haddey waalidkiis yuhuud yihiin marku dhasho ka dib ayuu yahuudi noqonayaa, hadduu majuusi yahayna {majuusi waa kuwa dabka caabuda} kuwa dabka caabuda ayuu noqonayaa, haddey muslimiin yihiina muslim ayuu la noqon.?

Wax alle waxey aabaha iyo hooyada laga arkaa unbey caruurtu sameynayaan. Sidaa daraadeed baad arkeysaa ku barbaara hooyo iyo aabe aan diinta Islaamka ku dhaqmeynin (yacni, magac kaliya Islaamka ka haysta) sidaa hadda dadku u badan yihiin, laakiin qaabkii iyo nadaamkii Islaamka uusan ka muuqanin, ilmahaasi noloshiisa waxaa laga garanayaa guriga ay ku soo barbaareen. Haddii ay hooyo af xumo badan oo ninkeeda la dagaalanta, oo qaxar ah..ogaada ilmo qaxar ah unbey dhali. Aabe isagana af xun, oo sigaarka caba, qaadka cuna, guriga xumaanta la yimaada, ilmihii wuxuu aabihiis ku arkay unbuu sameyn.

Sheekh culumada Somaliya ka mid ah ayaa wuxuu yiri: ?Waxaa aad ula yaabay gabar yar oo 2 sanno jir ah ayaa caruurteyda ka mid ah, gabadha yartaa ee 2 jirkaa ee guriga joogta xijaabka sida ay u qaadaneyso iyo salaada ay u keeneyso, raga ajaanibtaa ay uga carareyso waa la yaabeysaa. Wax u aqriyeyna ma jirto oo aan ka aheyn iney hooyadeed ka aragtay. Hooyadeed oo waxay aragtay markii guriga la soo gargaraaco dhahaysa ?yaa waaye?? rag ajaanib ah haddey yihiin dib u sii carareysa unbey aragtay oo soo xijaabaneysa.?

Sidaa daraadeed anigaa xun ilmaheygana wanaag baan ka doonayaa aad ayey u kala fagyihiin.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in ilmaha qur?anka la baro. Ayaamahaan danbe caruurta iskuulada ayaa lagula dadaalaa, laakiin dugsigii waa la hilmaamay iyo quraankii kariimka ahaa.  Sidoo kale markaa adigu soomeysid inaa iyaguna soomisid. Ma ahan in soonka lagu leeyahay, laakiin saxaabada saas ayey sameyn jireen oo caruurta yar yar ayaa la soomin jiray.

Waxaa kaloo la doonayaa in caruurta lagala dagaalamo akhlaaqiyaadka xun xun, sida cayda, dabeecada xunta, af xumada, naclada, shaxda iyo turubka, iwm. Waa in sidoo kale lagala dagaalamo filimada iyo shaleemada, heesaha, sigaarka iyo qaadka, iwm. Waa in uu waalidka ilmihiisa ka war hayaa had iyo jeer, habeen iyo maalin. Waa in sidoo kale ilmaha lagu tarbiyeeyo xishoodka, oo uu waalidku baro xishoodka. Waayo Nebigeenu SCW wuxuu leeyahay: ?Xishoodka waa qeyb weyn oo iimaanka ka mid ah.?  Waa in beenta laga ilaaliyaa, waa in cadaalada la baraa, waalidkana ilmihiisa cadaalad u sameeyaa si ay hadhow ugu deydaan. Waa in lagu tarbiyeeyaa geesinimada, dadka waa weyn ixtiraamkooda, ixtiraamka martida, ixtiraamka dariska, akhlaaqiyaadka wan wanaagsan oo dhan waa in ilmaha lagu tarbiyeeyaa. Yacni, bulsho ahaan waa inuu ilmaha ku barbaaro, xumaan oo dhanna waa in uu ilmaha ka barbaaro.

Waxaa iyadana lagama maarmaan ah inaa ilmaheena xaaraanta ka ilaalino. Ilmaha haddaa xaaraan quudiso, oo xaaraan ku barbaaro waxey u badan tahay inuu qaatumo xumo ku danbeyn doono. Maxaa yeelay Nebigeena SCW wuxuu tilmaamayaa ruux safray, oo aad u dhibaateysan, ayna ka muuqato jirkiisa rafaad iyo dhib, markaasuu gacmaha kor u taagayaa oo oranayaa: Yaa Rabbi?Yaa Rabbi. Nebigu SCW wuxuu yiri: ?Maryihuu xiran yahay waa xaaraan, cuntadiisa waa xaaraan, guriguu dagan yahay waa xaaraan, wuxuu ku barbaaran waa xaaraan, sideebaa kaas oo kale duco looga aqbalayaa??

Marka caruurteena waa inaa xoolaha xaaraantaa ka ilaalino, waa inaa ka ilaalinaa ribada, xoolaha tuugnimadaa, iyo xoolaha baqshiishka lagu soo helay. Caruurteena waa inaa xalaal siino, waayo qeyb weyn waxay ka qaadaneysaa hadduu xalaal quuto mustaqbalkiisa Aakhiro iyo diintiisa.

Waxaa ka loo la doonayaa ilmaha inaan la habaarin, waayo haddaa nahay soomaali waxaa aad noogu badan inaa ilmaha habaarno ama aan nacladno. Ilaahey SW waxaa jira saacado uu ducada aqbalo, ilmahaada marka aad habaareysid, oo aad ku dhaheysid: Inkaar kugu dhacday iyo ilaahey ku cadaab iyo, haddalada noocaas oo kale ah waa hadalo laga dido, baritana ilmahaada adigan unbuu kaa raaci sidii aad laheydeen unbuuna dhihi.

Waa in gabdhaha gaar ahaan asturka la baro, iney xijaabtaan, raga ajaanibtaa iney iska ilaaliyaan, iyo iney inantu yartahay xijaabka ku barbaarto, si markey waynaato ay culeys ugu noqonin, oo shey caadi ah oo nolosheeda ka mid ah ay u noqoto.

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.