SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 QOYSKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Asalamu Aleykum. Kanni waa casharkii 14aad ee Dhismaha Qoyska Muslimkaa.

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

 TARBIYADA CARUURTA

Islaamku wuxuu dadaal xoog leh ka geystay inteysan caruurta adduunka imaaninba, wuuna u sii gogol xaaray. Waxaana ka mid ah tusaale ahaan qaabka caruurta loogu dadaaley inuu Ilaahey SW jideeyay jidkii ilmuhu ay ku imaan lahaayeen. Guurka oo dhex maraaya bini'aadamka, guriga la dhisaayo, ee labada ruux aabaha iyo hooyada dhex maraaya, ku ligood u jeedada laga leeyahay waxa weeyaan ee ugu muhiimsan sidii ilmo meeshaa uga imaan lahaayeen, waa u jeedada ugu weyn ee guurka laga leeyahay. U jeedooyin kale guurku waa leeyahay waxaana ka mid ah: (1) In labada ruux oo is guursaneysa ay guri wada dhistaan oo ay ku xasilaan, oo midba midka kale wahelsado, oo nolosha ay qeybsadaan. (2) In shahwadii iyo baahidii labada ruux isku qabeen ay isku gutaan. Waxaas oo dhan waa u jeedooyinka guurka laga leeyahay, laakiin waxaa kuli isku fuuq fuuqsaday oo ugu muhiimsan in meesha ilmo laga raadiyo. Beerta la tabcaayo, oo miraha laga goosanaayo waa ilmaha.

Sidaa daraadeed ayaa Ilaahey SW ka dhigay ilmaha bini'aadamka la siinaayo in ay nimco weyn tahay, ee Ilaahey SW uu dadka siiyey. Rabbi wuxuu quraankiisa ku leeyahay: "Ilaahey wuxuu idinka yeelay naftiinna haween wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag"

Sidaa daraadeed buu Ilaahey SW wuxuu inoogu sheegay adoomadiisa wan wanaagsan markuu tilmaamaayey baryadey Ilaahey ku baryaan, Ilaahey wuxuu yiri: "Ilaahayow nagasii (naga tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax ishu ku qabowsato, noogana yeel kuwa dhawrsada imaam"

Caruurta marka guurka dhan iyo guriga la dhisaayo u jeedada ugu weyn oo laga leeyahay waaye. Saas daraadeed ayuu Nebigeena SCW wuxuu yiri: "Waxaa guursataan Haweenka kuwooda dhalmada badan, oo haddana ragooda isjecleysiinta badan aadn u dhala." Ku waas guursada ayuu yiri Nebiga SCW. Sababta loo guursanaayo waa iney caruur badan idiin dhalaan, caruurta badan u jeedada ka danbeysana waa in barito ummada Nebi Muxamed SCW aad badisaan. Waayo markey Nebiyadu Aakhiro isku yimaadaan, oo Nabi walba ummada raacsan iyo dadkiisa uu tirsanaayo oo ku xisaabtamaayo inaa ummada Nebiga SCW badisaan. Sidaa darteen haweenka aad u dhala ee dhalmada badan guursada Nabiga SCW yiri.

Mar haddii sidaas layiraahdey, oo ilmaha u jeedada ugu weyn ee guurka iyo guriga la dhisaayo ay yihiin, waxaa lagama maarmaan ah ilmaas in marka lagu dadaalo. Sidee loogu dadaalaayaa? Waxaa loogu dadaalaayaa marka horaba badintiisa halagu dadaalo ayaa layiri. Barnaamijkaas oo Islaamku qabo oo ilmaha hala badiyo ah wuxuu ka hor imaanaayaa waxey ay yiraahdaan reer galbeedku "qorsheyta qoyska." Yacni famile-ka oo ilmihiisa la yareeyo. Ama cirbad hala isticmaalo ama qorsheyn kale hala isticmaalo.

Mucjisooyinka ayaamahaan danbe la arko waxaa ka mid ah: reer dhan oo 25 sano is qabay oo labo ilmood kaliya haysta. Qorshahaasna waa qorshe gaalo ka danbeyso, falkaasna sharciga Islaamka ma waafaqsana ee hala iska ilaaliyo. Marka waxaa la rabaa in caruurta la badiyo waayo risqigooda Allaah ayaa ka faalo qaaday adiga kuma saarna.

Waxaa kaloo ayaduna uu sharciga Islaamka la dagaalamey jid walba oo keeni karaya qaabka caruurta ku imaanayaan iney xumaadaan. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah jidadkaas in Zino la iskugu tago. Sababta Zinada uu sharciga Islaamka ku diidayna waxa weeyan waxey keeneysaa iney dadka dhalmadoodii iyo caruurtii iney baaba’do. Sidee ku baaba’eysaa? Waxey ku baaba’eysaa labada ruux markey guri yeeshaan, oo ay isguursadaan, ilmihii dhex dhasha waa ilmo hooyadiisna naxariis u hayso, aabihiina xanaanadiis iyo ka war heyntiisii iyo cuntadiisii u diyaar yahay. Laakiin labo intey meeshaa iskugu tagtay ilmo ka dhexyimid, ilmihii banaankaa ayaa lagu tuuray, markaasna ilmihii way dayacmayaan. Kabacdiina ilmo badan oo aabo la’aan ayaa dhalan, dabadeedna waxaa soo baxaaya caruur ama mujtamac dhan oo xanaano la’aan ah, oo wax daryeelaya iyo wax ka war haaya aysan jirin. Marka dadka noocaas oo kale sideyna u imaanin ayuu sharciga Islaamka wuu ku dadaaley ineysan imaanin ilmo aan sharci ku dhalan.

Waxaa kaloo ka mid ah dadaalka uu Islaamku uu ku bixiyay ilmaha intuusan imaanin oo uusan dhalanin ayaa waxaa la yiri: Ha loo sii diyaariyo meeshii wanaagsaneyd oo uu imaan lahaa. Yacni hooyo wanaagsan hala guursado, yaana hooyo walba lagu dhicine. Hooyo diin leh oo akhlaaq leh waa inuu ruuxu guursado. Nebigu SCW wuxuu oranaayaa: “Haweeneyda waxaa loo guursadaa afar ka mid ah: (1) Inay haweeney quruxsan tahay, (2) Inay haweeney qoys fiican ka dhalatay tahay, (3) Inay haweeney dhaqaalo haysata tahay, iyo (4) Inay diin & akhlaaq leedahay.” Laakiin intaa oo dhan waxaa isku fuuqsanaay waa diinta, ee mida diinta leh gacanta ku dhig. Waayo ilmahaada imaan doona dhabtii uu ku barbaari lahaa iyo cidii gacanta ka qaban lahayd waa hooyadii.

Marka haddii hooyadii hala hagaajiyo la yiri oo diin halagu doorto, meeshaas waxay ku tuseysaa Islaamku ilmaha intuusan dhalinin inuu gogosha u sii xaaqay, oo u sii diyaariyey. Aabe iyo hooyo wanaagsan markii ilmihii loo xulo, intuusan ilmaha uurka galinba aabaha waxaa laga doonaayaa intuusan hooyada u galmoon inuu shaydaanka ilmaha ka naaro. Nebiga SCW wuxuu yiri: “Ilamaha shaydaanka ha looga xirsi xiro” oo ha dhaho: Ilaahow shaydaan naga fagee, waxa aad nasiineysano oo ilma ahee dhexdeena ka abuureysana shaydaan ka fagee.

Inta uu ilmaha uurka hooyo ku jiro, aabaha waxaa mas’uuliyad saaran inuu hooyada nafaqeeyo, oo uu bil-keeda bixiyo, marashadeeda bixiyo, iyo wax alaale wixii hooyadaas uurka ilmaha ku wada u baahantahay aabaha ayaa laga doonaayaa. Ayadiina waxaa laga doonaayaa culeyskii ayey wadaa, waayo mar waa walac, mar waa xanuusaneysaa, mar waa umuleysaa, mar way nuujineysaa, mar ilmaha dheebarka ayey ka badaleysaa, iwm. Aabihiina wuxuu ku maqan yahay iyada nolosheeda iyo isaga noloshiisa. Waxaas oo dhan waxa la doonaayo, oo laga shaqeynaayo waa ilmaha tarbiyadiisa.

Sidaa daraadeed markuu ilmaha uurka galo, oo uu uurka ku abuurmo, sharciga Islaamka waxaa banaaney in ilmahaas la dilo. Ilmahaas in uurka laga soo tuuro marnaba ma banaana. Sababta aan loo dili karina waxa weeyaan mar hadduu ilaahey meeshaa ku abuuray xaq sidii ruux bani’aadam oo kaluu leeyahay. Ruuxii xataa markaas dila sharciga tilaabuu ka qaaday. Waayo Nebiga SCW waxaa la weydiiyey: Danbi la galo keebaa ugu weyn? Markaas Nebiga SCW wuxuu yiri: “Inaa Ilaahey SW cid garab dhigto isagoo ku abuuray.” Maxaa ku xigaa la yiri Nebigii Ilaahow? Nebigu SCW wuxuu yiri: “Inaa ilmahaada disho adigoo ka cabsanaaya inuu garabkaaga wax ka quuto.” Yacni, inuu intuu dhasho, uu gurigii wax ka cuno, oo Ilaahey risqigii halkaa ku siiyo adigoo ka cararaaya inaa ilmahaada disho waa danbiga labaad ee danbi la galo ugu weyn ilaahey. Sidii carabtii hore ay sameen jireen oo kale.

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.