SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 QOYSKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QOFKA BIXIN WAAYO MEHERKA WAA MAXAY XAALADIISU?

Qaybtii 12aad   ee Dhismaha Qoyska Muslimka ah...

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Asalamu aleykum,   

Qofka bixin waayo meherka fiiriya cuquubada ku soo aroortay iyo wuxuu Nebiga SCW yiri. Wuxu Rasuulka SCW yiri: “Alle agtiisa maqluuqa kuwa ugu danbiga wayn waxa waaye waa nin gabar guursaday, xaajadiisa markuu ka gutey oo uu ku raaxaystey, wuu furay maherkeediina wuu kala tagay.”

War ma nimanka aan gareneynee Soomaalida miyaa meher bixisa? Caamo iyo Culumo waalagu xeertamaa meherka odayaashaa meherka gudoomiya. Oday shaqo kuma lehan meherka waa xaq ay gabartu leedahay. Qabiilbaa shaqo ku laheyn, oo oday baa shaqo ku laheyn, oo shiikhbaa shaqo ku laheyn. Gabadha aad guursaneysid waa ku dhihi kartaa: “Walaaley meherka naga yaree” waala oran karaa waayo ayadaa iska leh, laakiin madhici karto in lagu xeertamo, meherna xeer magalo.

Nikaaxii oo dhan shiqaar ayuu iskugu yimid. Nikaaxa Shiqaarka waxaa layiraahdaa waa oday gabadhiisa gabar kale ku badashay. Waxay leeyihiin odayaasha Soomaaliyeed: “Gabadhaas guurso, taada adna iiguuri.” Rasuulku wuxuu sheegay nikaaxaas inuu baadil yahay oo aan waxba ka jirin. Maxaa yeealay waa labo oday, waa dhaceen, marka odaygu dhaco wuxuu rabaa inuu gabar yar helo siduu xoogaa jirkiisu u soo laabto, markaasuu gabar uu dhalay oo shan iyo toban jir ah oday kaloo dhacay siinayaa, oo midba mida kale ayaa farjigeeda meher looga dhigayaa.

Waan ugadigayaa dadka muslimiinta ah, waliba dadka gabdhaha dhalay….odayaasha dhacay, oo ulaha kutukubaaya hasiinina gabdhaha, oo da’da yar, waayo ma lanoolaan karaan, taasna waa qayaanimo. Hadday ayadu doorato, oo inta lakhiyaar galiyo ay tiraahdo: “Waan lanoolaan karaa,” Laakiin odayaasha gabdhaha lagu qasbaayo, ama laleeyahay: “Waan ku inkaarayaa haddaadan odayga guursan,” War guurka waa mawado iyo naxariis loogu talagalay, gabadhaan nin ay laciyaartey rabtaa, waana gabar yar, markaasaa mid ay aan laciyaari aqoon baa lagu dari. Markaasaa lagu ulayn oo lagu garaacin hadday diidana waa loogayn. Dadkayagana waxaa qaabdarada u keenay naagta haddaysan ninka rabin guurka maqaban karo, sidaa darteed ilmaha ka dhashaa meeshaas waxay noqonayaan lama oga.

Hadday isku kaa diido gabadhaan inta meherka siin waydo, waxay culumada oranayaan qaar kamid ah sida fuqahada oo kale waxay oranayaan: “Ninku hadduu meherka gabadha bixin kari waayo, oo ay ku tiraahdo iskuma kaa ogoli, ma ku danbaabeyso,”. Sidaa culumada badankooda ayaa qaba. Waa inuu meherka bixin karaa, hadduu awood u yeelan kari waayo, oo gabadhu tiraahdo: “Kaayeeli maayo, ee adoo gacanta iigalin aniga imataaban kartid,” waa arin Qatar ah ee bal iska maslaxeeya.

Waxaa kaloo waajib ku ah ninka inuu gabadha nafaqeeyo. Xadiis Muslim ku sugan wuxuu ku yir Rasuulka SCW: “Dumarku waxay dushiina ku leeyihiin risqigooda, aratirkooda si wanaaga.”

Risqi marka lagu leeyahay, wax alle waxa lagu noolaado ayaa layiraahdaa. Aratirka waxaa loola jeedaa ceebteeda qari, dharka laxiran lahaana waa loola jeedaa. Gabarta ceebteeda banaanka haku sheeg sheegin, waayo Rasuulka SCW adilo saxiixa ayaa ku sugan: “Ninka zowjadiisa jameec ugu tagey, ee meelaha uga sheekeeya, dameer dameer suuqa ku booday ayuu lamidyahay.”

Rag waaweynbaa arkaysaa oo kugu oranaya: “Saasbaa yeelnay,” oo ka sheekaynaya marka dumarka iyo raga isutagaan waxa lasameeyo. War isku xishooda, oo Alle kabaqa. Waxaa Rasuulka SCW wuu kadigay. Ogaadana waana dadka kuwa ugu aqlaaqda xun dadka noocaas ah. Aratirkeeday kamid tahay inaa asturtid haweentaada, wax badanna waa inaa ugu dulqaadataa maxaa yeelay waxay kaa haysaa dab badan, waxaana ka mid ah: (1) shahwadaadu dab waaye ayadaana kaa haysa, (2) ilmahaada dab weeya ayadaana kaa haysa, iyo (3) aqalka kashaqayntiisu iyo wax qabashadiisu waa dab ayadaana kaa heysa haysa. Marka, intaa ayadoo kaahaysa ayaa hadalkeeda u dulqaadan la’dahay inyar.

Mida kale ogaada dumarka shido wayn baa ku furan, oo Ilaahey ugu talagalay, sidaa darteedbaa wasiirnimada, maamulka dawlada, jihaadka, iyo shaqooyin badan Ilaahey ka reebay. Waayo qof caloosheeda ilmo lagu sameynayo, 24 saac ilmo ku oynayaan, dhiiga xaydka isbadalka ku dhacaaya dhibka uu leeyahay waa dhib khatar ah ilaa ay culumadu Islaamku yiraahdaan: “Maskaxdeed caadi ma’ahan marka dhiiga xaydka qabto gabadhu.” Waxaa jirta haddal ay ogtahay inuu qaldanyahay oo ayna iska reebi karin oo kugu dhahayso, ama si xanaaqsan bay kuula hadlaysaa, waxaa isleedahay “War maanta qoftii maxaa ka samaysay!” Laakiin waxba kamaada bi’ine ayadaa mashiin kale ku shidanyahay. Markaasaa adna midkale ugu siidaraysaa.

Marka, lawada caytamo oo la isku qayliyo maxaa ka yimid: “Nin iyo naag isqabaa col iyo nabad midna ma’ahan,” ayaad maqlaysaa. Marka, waa layaabee haddaan col iyo nabad midna ahayn maxay iskula jiiftaan?

Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Haweentu ninka xaqa ay ku leedahay waxa weeye, waa inuu quudiyaa markuu wax cunaayo, aratir waa inuu u labisaa markuu labisanayo.” Waxaa laga wadaa waa inuusan toban shaati isku badalan, ayaduna baati lagaday 1978 ay haysataa, isagana maalin walba suud iyo qamiis cusub buu xirtaa.

Niman badanbaa jira oo naagahooda dhar u gadi karin, xooluhuna ka bateen ama ay dhihi karin: “hoo lacagtaan oo wax ku soo gado.” Allow aanan magacaabid ragaas qaarbaan garanbee! War isku xishooda oo Rabbi ka baqa. Haweenkiina aratir u gada, oo ku filnaada dumarkiina. Waxaa heli karin maba heli kartid, laakiin wanaajiya dumarkiina.

Wuxuu Rasuulku SCW yiri : “Wajiga yuusan ku dhufanin ninku gabadha, haddalada xun xuna yuusan ku dhihin, aqalkana yuusan uga haajirin,” Hadday wax dhacaan yuusan wajiga ku dhufanin, yuusanna kula hadlin haddalada gaalada ay iskula hadlaan, hadday isku xanaaqaanna yuusan aqalka uga bixin, macnahu waa aqalka dhinaca haka seexo, laakiin hoteel yuusan kiraysan.

Rasuulka SCW markuu macaamilka ka sheekaynaayey wuxuu xadiis ku yiri Tirmiid iyo Ibnu Naajix ku sugan oo saxiixa: “Nimankiina waxaa ugu kheyr badan ninka dumarka ugu wanaajin og, aniguna ninka dumarka idinkugu wanaaji ogbaan ahay.”

Haddaa nin haweentiisa latirsanaaya aragtid, oo laqaylinaaya, oo raga hortii ku canaananaya, oo raga xortiisa wax uga sheegaya, oo raga xortiisa isku xanaajinaya, kaasu nin ma ahan, waa doqon duli ah weeyaan, wax gabar lasiiyana ma istaahilo. Waxaa maqli jiray: “Kaasi wax gabar lasiiyo ma istaahilo baqtiguu cunaa,” Baqti cunuhu kaas weeyaan. Marka nimankii soomaalida oo dhan baqti cunayaan ayey iskugu soo noqdeen waayo naagahay latirsadaan. Haddii kale markay haddal ku soo celiso feer ayey ku bilaabaan. Waxayna yiraahdaan: “Ma’adigoo bilcaan ah maanta haddal igu soo celinee?” Rasuulka Alle ayey warka ku celin jireen. Tusaale ahaan: Caa’sho oo kheyru qalqilaah lanool, oo furaashkeeda Nebiga waxyi igu soo dagto, Rasuulka wuxuu yiri: “Caa’isho markaa ii caraysantahay waan aqaanaa?” Markasey tiri: “Maxaa ku taqaanaa?” Wuxuu yiri: “markaa dhaaranaysid “Wa Rabbi Ibraahiimaa tiraahdaa?” Marka kale Wa Rabbi Muxammed bay ku dhaarataa” Marka waxaa doonaysaa inaa lagula hadlinba, sidee arintaa ku dhici kartaa? Marka ragow xishooda!

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA" 

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.