SOMALITALK.COM | RAMADAN | SIIRO | SAXAABADA | SALAT | ZAKAT | |||
P |
ADEEGSIGA PALTALK::: Muxaadarooyinka Ka Socda PALTALK::::
Paltalk si aad uga dhegeysatid Mu'tamarka ama Kulan Diineedkii 4aad ee W/Ameerika oo ka socda Minneapolis, raac habkan:
Adeegsiga PalTalk
Marka la
soo rogto
baraanmijka PalTalk, waxa uu ka muuqan doonaan shaashada guud ee
kambuyuutarka (ama Desktop) - eeg sawirka hoose.. Haddaba si aad u adeegsatid PalTalk, raac habkan: 1. Marka hore soo diyaari barnaamijka PalTalk:
2. Waxaa markaas furmi doona
shaashada hoose, taas oo ah meesha lagu qori doono magacii
naanaysta ahaa ee aad hore u samaysatay, kaddib guji badhanka 'Login'. - Dabcan naanays cusub ayaad samaysan kartaa haddii
aadan hore barnaamijka uga samaysan. [Si aad naanays cusub u
samaysatid guji badhanka ay ku qoran tahay 'Get
a Paltalk Nickname'.] 3. Marka la gujiyo 'Login'
waxaa soo bixi doona shaashada
hoose, guji barta ay shaashadaas kaga qoran tahay 'Groups'
- Bartaas oo ah meesha laga biiri karo kooxaha markaas kujira
barnaamijka. 4. KOOXAHA:: marka la gujiyo 'Groups'
waxaa
soo bixi doona shaashada hoose oo ah qaybta laga heli karo kooxaha
markaas ku jira khadka. Qayb kasta waxa ay ka kooban tahay kooxo. Haddaba laba-jeer oo xiriir ah
guji kooxda aad rabtid in aad
dhegeysatid ama hadalkooda ka qayb qaadatid. Tusaale ahaan guji
meesha ay ku qoran tahay: 5. KUBIIRIDDA QOLKA::
Shaashada markaas soo bixi doonta waa tan laga xulan karo qolka la
rabo in lagu biiro ama la dhegeysto. Qolkasta waxaa ku hor qoran
inta qof ee markaas ku jira. Haddaba laba-jeer oo xiriir ah guji
qolka aad rabtid. Magaca qolkasta waxaa ku hor qoran inta qof ee
qolkaas ku jira.Tusaale ahaan guji qolka: 6. GUDAHA QOLKA: Marka la
dhex galo qolka, waxaad arki doontaa in dhanka midig ee shaashada
barnaamijka ay ku taxan yihiin 'naanaysaha' dadka markaas kujira
qolka. Qofka ugu sareeya liiskaas ayaa ah kan markaas hadlaya -
waxaana lagu gartaa cod-laliyaha ku hor qoran magaca
. Waxaa
kale oo suurtagal ah in qoraalada si toos ah loogu qori karo
barnaamijka dhankiisa hoose. Si aad u hadashid guji badhanka (ama batoonka) ay ku qoran tahay 'Push to Talk' oo ah dhanaka hoose ee barnaamijka Paltalk - waxaad hadli kartaa marka naanaystaada uu ka hor muuqdo sawirka cod-tebiyaha. Haddii aad rabtid in aadan maqal codka, guji batoonka aamusinta ee ay ku qoran tahay 'Mute'. 7. QOLALKA KHAASKA AH: 8. QOL CUSUB: 8. Waxaa xusida mudan in codka ay maqlayaan, qoraalkana ay arkayaan dhammaan dadka ku jira qolka. Waxaadna ogaataa in aad mas'uul ka tahay ficil kaaga, ama waxa uu sababo ficilkaagu, sidaas daraadeed waxaa haboon in aad si mas'uuliyadi ku jirto u adeegsatid barnaamijkan. PalTalk waa barnaamij yeelan kara faa'iidooyin farabadan haddii si cilmiyayasan loo adeegsado. Waxaad samayn kartaa qol la isku dhaafsan karo cilmiga, waxaad dadka uga faa'iideyn kartaa aqoonta aad u leedahay wax dadka anfacaya, adigoo gurigaaga jooga ayaadna cilmiga gaarsiin kartaa meel fog. Waxaa kale oo xusid mudan in barnaamijkani uu halistiisa yeelan karo, sidaas darteed, waxaan muhiim ah in aad ogtahay qolka aad geleysid waxa uu ku saabsan yahay. Adeegsiga Noocii Hore ee PalTalk
Marka la
soo rogto
baraanmijka PalTalk, waxa uu ka muuqan doonaan shaashada guud ee
kambuyuutarka (ama Desktop) - eeg sawirka hoose.. Haddaba si aad u adeegsatid Paltalk, raac habkan: 1. Marka hore soo diyaari barnaamijka PalTalk:
2. Waxaa markaas furmi doona
shaashada hoose, taas oo ah meesha lagu qori doono magacii
naanaysta ahaa ee aad hore u samaysatay, kaddib guji 'Sign
On'. - Dabcan naanays cusub ayaad samaysan kartaa haddii
aadan hore barnaamijka uga samaysan. 3. Waxaa soo bixi doona shaashada
hoose, guji barta ay shaashadaas kaga qoran atahay 'Groups'
- waa haddii aad rabtid in aad ku biirtid kooxaha markaas kujira
barnaamijka. 4. KOOXAHA:: Waxaa markaas
soo bixi doona shaashada hoose oo ah qaybta laga heli karo kooxaha
markaas kujira khadka. Qayb kasta waxa ay ka kooban tahay kooxo,
inta kooxood ee qaybtaasi tahayna waa tan ku hor qoran magacyada
kooxda. Haddaba laba-jeer-oo-xiriir ah Guji kooxda aad rabtid in aad
dhegeysatid ama hadalkooda ka qayb qaadatid. Tusaale ahaan guji
meesha ay ku qoran tahay: 5. KUBIIRIDDA QOLKA::
Shaashada markaas soo bixi doonta waa tan laga xulan karo qolka la
rabo in lagu biiro ama la dhegeysto. Qolkasta waxaa ku hor qoran
inta qof ee markaas ku jira. Haddaba laba-jeer-oo-xiriir ah guji
qolka aad rabtid. Tusaale ahaan guji: 6. GUDAHA QOLKA: Marka la
dhex galo qolka, waxaad arki doontaa in dhanka midig ee shaashada
barnaamijka ay ku taxan yihiin 'naanaysaha' dadka markaas kujira
qolka. Qofka ugu sareeya liiskaas ayaa ah kan markaas hadlaya -
waxaana lagu gartaa cod-laliyaha kuhor qoran magaca
. Waxaa
kale oo suurtagal ah in qoraalada si toos ah loogu qori karo
barnaamijka dhankiisa hoose. 7. Waxaa xusida mudan in codka ay maqlayaan, qoraalkana ay arkayaan dhammaan dadka ku jira qolka. Waxaadna ogaataa in aad mas'uul ka tahay ficil kaaga, ama waxa uu sababo ficilkaagu, sidaas daraadeed waxaa haboon in aad si mas'uuliyadi ku jirto u adeegsatid barnaamijkan. PalTalk waa barnaamij yeelan kara faa'iidooyin farabadan haddii si cilmiyayasan loo adeegsado. Waxaad samayn kartaa qol la isku dhaafsan karo cilmiga, waxaad dadka uga faa'iideyn kartaa aqoonta aad u leedahay wax dadka anfacaya, adigoo gurigaaga jooga ayaadna cilmiga gaarsiin kartaa meel fog. Waxaa kale oo xusid mudan in barnaamijkani uu halistiisa yeelan karo, sidaas darteed, waxaan muhiim ah in aad ogtahay qolka aad geleysid waxa uu ku saabsan yahay. Waxaa iskusoo dubaridey:
|
Fadeexada Paltalkga: iyo
Dulmiga Walaasha Muslimada ah AKHRI QISADII PALTALK Carruurtaada u Akhri Qisadii ku dhacday gabadhii yarayd.... Guji COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN
Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
|
|
.
Taariikhdii Imaamul Bukhaari |
|||
(C) SomaliTalk.com | Daabacaad:: September 4, 2004 |