Anigu waxaan u arkaa qaatku inuu yahay wax aad u xun oo rageena
soomaliyeed hoos u dhigay. (INTA CUNTA) waxaan arkaa rag aan shaqaysan karin, oo
dayacay reerahoodii,oo ay ugu daran tahay marka hooyo caruurteeda u soo iibin
kari weydo raashin. mar mar waxaan ka fakaraa ma ashtegessaa. hadana waxaan
iraahdaa it is better than alcohol. I WISH RAGA SOOMALIYEED INAY BARRAARUGI
LAHAAYEEN.
Qore: baxsan
QAADKU ( iyo QABYAALADU) WAXAY SABAB U YIHIIN DHIBAATOOYINKA BULSHA SOOMAALIYEED
Walaalayaal marka hore aad iyo aad ayaad u mahadsantihin!!
Marka xiga doodan qaadka si xad dhaaf ah ayaan ugu farxay taas oon ogsoonahay in
QAADKU ( iyo QABYAALADU) ay sabab yihiin dhibaatoyinka bulshada soomaaliyeed
haysata meel kastaba ha joogtee.
Diin ahaan hadii la eegana QAADKU xaraan kama duwana waayo sidaad hore aad u
sheegteenba DHAQAALE, DHAQAN, CAAFIMAAD IYO HORIMARKABA waa la dagaaltamay.
Walaalayaal runta waaa mid qudha waligeedna lagama dhuumankaro oo mar uun bay
dariiqeeda mari.
Hadaba intuna ilmaahagu ku xakumin una ku arag sidaa xoolaha dhirta cuna in
indhaha la furo ayaa qasab ah.
Dhibaatoyinka qaadka ninwalba waa iska ogyahay ee keenena cuna iyo ka aan
cuninba AQOON iyo CILMI ma la kashana sidaan uga hortegilahayn geedka
dhibaatadiisa?
Waa mahadsantihin!
Qore: Laan
Bismillah, salaanta islaamka ka dib, waxaan ka mahad celinaa fursadda
qaliga ah, ka dibna waa kan figrigayga.
Qaadka ninka uu shaki kaga jiro xumaantiisa waa nin raba in uu sii xalaalaysto,
qaadku waa maandoriye waxaa kuu cadayn kara, baritaan la lagu sameeyay dadka ku
dhaqan muqdisho ee qaadka cuna ayaa noqday sida tan Tusaale nin qaadka cuna
lehna xaas iyo caruur haddii uu helo 20,000 sh so 20% caruurta ayay u geeyaan
50% qaad ayay ku iibsadaan 30% Ayaa kala qaybiya lacagta ( nus qaad ku gata
nusna xaaska iyo caruurta ayuu siyaa )marka waxaan dhihi karaa waa cudur dadka
kaga dhaca madaxa iyo qalbiga oo ay ku reebto qofka daroogada ku jirta qaadka,
Qore: Abdullahi Ahmed Mo'allim
Hadii aan fikradeyda ka dhiibto artinta ku saabsan qaadka. Waxaan filayaa hadii
aan nahay umada soomali wax gadaal nooga dhigay umadaha kale ee aduun waynaha
aan ku noolnahy waa .....> Maraqaan. Dhilin yaro aan saaxiibo nahay oo
qayilaayo aan habeen habeenada ka mid ah u tagay iyagoo qol 16 M^2 ku jira
waxyna dhamaayeen about 8 qufood waxaan waydiiyey macnaha erayga .....> Marqaan.
Wax si fiican igu jawaaba waan waayey hadaba soomaaliyeey wax laysweediiyo
maxumee horta marqaan yaa dhalay. Maadaama ay cadeeyeen dadka jaadka cuna inay
marqaamaa waxaa meesha ka cad in maskaxdooda ama maankooda badelmo haba u
badnaato inay ayaga iska dhaadhiciyaan marqaanka sidaa daraadeed wixii
maskaxdaada ama maankaaga bedela waa ........> Mamnuucday diineeta Islaamka.
Qore: Daabuu
Aad baad umahad santihiin dhamaantii.
Walaalayaal uguhoray waxaad iswaydiisaan
Ethoipia iyo Kenya macadgeenbaa mise
Waa walaalaheen ilowsho dhowidaa.
Dhiig miyaanad lahay ilaahada ayay cay
Iyo dil inagu hayaan iyo baad laynagaqaada
Waxaynu ugudarnay dalkeenii iyo diinteenii lacag.
Hadaan inyar ini xusuusiyo ninkii kiiniya soomaray ama Ethopia malaa ooqaadcunaa
waawaalanyahay ama soomaali
Baanu ahay.
Macnaha aan ujeedaa waa.
Aduunku waa 20 centry horumar baalagu
Tartamayaa,
Adiguna hurdow hoygaagii dumisey.
Dadkula cal ahbaa deris kula ah.
oo dalkaa haysta baad weliba ugu dartay
Lag.
Ma ogtahay in lacagdhan $500.000 dallar
Lagasooqaado soomaaliya maalinkasta,
oolakeeno kenya iyo Ethopia
Intaa waxaa kuu dheer alkoodaad kunooshay dayac iyo hanjabaad.
Ugu danbayntii walaayaasha soomaliyeed
Habad waxaan kuleenahay dalkeena.
Aan Alle utoobadkeeno
Isnadeeno Kunoqono dalkeenii,ladagaalano
Cadowga dumiyey diinteenii iyo dalkeenii
Aan dabargoyno qaadka dumiyey dhaqaalaheen duunyadeena iyo weliba dalkeena.
Dal iyo dibad waan isdabawadnaa qaadka
meelkastaa aduunka togto somali joogo
Qaadbaayaala.
walaalayaal quruweeye qaadku
Waa mahad santihii dhamaan
Qore: Omar
Dhinaca wanaaga Qaadku ugu wanaagsanyahy Bulshada garahaan kuwa jooga
wadamada shisheeye waa madama uuyahay qaadku balwad ay bulshada soomaaliyeed
badan keedu cunto oon marna laga maarmi karin wuu ufiican yahay inta uu baran
lahaa balwado kale oo aanu qofku dhaqan iyo caado u lahayn.
Qore: mohamuud hassan
qaadka sida darooga kale uma xumo, laakiin lacaagtan ALLE ku siiyey aad ku
gadanaysid qadkamaxaa ugu ciyaara maad sadaqaysatid?
qaad wax kuu tarayn dhibaato moyee, iyo saacad dhamaystir, bal intaad habeen iyo
maalin soo jeedaysid jiifaysid maad Cibaadaysid, intaas tukatid, waa taas
sababta laguu abuuray?
yaa kuu fasaxay inaad balwad cuntid, lacagta ku dheeshid intaas oo qof oo maanta
gaajaysan dhiban?
faker
Qore: qaad-macune
When you chew khat you are on top of the planet after you spit it out
the planet is on top of you.
Qore: Mahdi
I want to say that the khat is not good for our somalia brother.
Qore: Concerned
Waan wada ogsoonahay in uu qaadku yahay
wax la cuno waxa ugu xun,uguna liita,
sidaas awgeed qaatku ma banaana in la cuno iska daaye xitta in la sheegsheego.
Qaadku waa cows ruuxa cunana waa maangaab.
Qofka gadana waa dantii mooge, dad kuwa
ugu xun waa kuwa qaadka cuna, aan idin
su'aalee muxuu ku fiican yahay?
byeeeee!!!
Qore abdi khalaq
Waa shay inagu haya dhib aan marna la soo koobi karin anigana ra`yi ahan
waxaan jeclaan lahaa haddii aynaan iska dayn karin in aan cunno maalin qur ah
isbuucii. Maxaa yeelay waxaan la soconaa in uu maalin le yahay wadenkeena uuna
naga qaato wakhti iyo lacag aan la soo koobi karin.
Tusaale ahaan haddii lagu soo rago canshuur badan la ogolaado in uu wadanka soo
galo maalinta khamiista oo kaliya waxaa halkaas noogu baaqan lahaa lacag badan
iyo waxaynu heli lahayn waqti aynu wadakeena ugu shaqeeno, caafimaad wanaagsana
waa inoo dheeraan lahaa.
Mahadsanidiin
Qore: Xarraare
QAADKU QIILMALEEYAHA/
MARKAHORE ANOO KU HADLAAYAMAGAC
QAADKU QIILMALEEYAHAY
MARKAHORE SALAAMOCALAYKUM DHAMAANTIIN SALAANKABACDI
ANOO KUHADLAAYA MAGACSOOMAALIYEED & DADKA NECEB,
JAADKA WAA MUKHAADARAAD IYO DHAQAALE LUMIYE TAASOOY DHEEERTAHAY QOYSDUMIYE QALALAASE XAAS
QUDHUNAAN DHIMANAYN; IKUSOOWADADUUB ILAAHOW NAGASOOHADEE
Qore: mohd ayanle sh ismael
Anigga markii aan fikradayda ka dhiibto xagga khatka waxaan
aamin-sanahay in uu yahay muqaadiraatka kuwa ugu waweeyn, anigoon qofna weediin,
maxaa yeelay anigga ayaa ku murqaamay SIDDA,AYNU DHAHNO,wuxuu leeyahay
dhibaatooyin aan la soo koobikarin.xanaaq aad ubadan hurddo yaraan hadal badnaan
fikrado badan oo aan horumar lahayn balan aan hore u socon i.w.m, oo aan la soo
koobi karin. salaamu caleeykum.
Qore: galibaax
Waa socotaa ee guji halkan (Forward)
Posted SomaliTalk.com Team
May 19, 2000
QAYBAHA KALE EE QAADKA