SomaliTalk.com
Tell A Friend
freemail




Somalida Ohio
Somali Women in Diaspora Support Djibouti's Peace Plan
Click here
June 1, 2000





Faalada Todobaadka
Habeen iyo Maalin Somalia
June 1, 2000

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
Somalia
Caleemo Saarkii Suldaanka Maxamed Cumar
Qore:Xassan Dhooye
Email: dhooye@operamail.com
June 1, 2000

waxaa shalay lagu caleemo saaray degmada Xarfo ee goblka mudug suldanka maxamed cumar Mudane Axmed Maxamuud Maxamed, xafaladaa caleemo saarka waxaa ka soo qayb galay dadwayne fara badan oo iyagu ka kala yimid dhamaan qaybaha kala duwan ee Puntland dadkan oo dhamaa ilaa 5000 oo qof,.

Marti sharaftii halkaa kasoo qayb gashay waxaa ka mid ahaa Isimo badan iyo mari kale oo iyagu ka socday dowlad Goboleedka Puntland, labada duq magaalo ee gaalkacyo iyo garoowe, Xildhibano, Wasiir ku xigeeno, in badan oo ka mid ah duqoowda puntland, ganacsato iyo dadawayne kale oo fara badnaa,.

Martidaa waxaa lagu sooray sidii dhaqanka Soomalidu ahaa oo waxaa halkaa lagu goowracay 528 ari ah iyo 28 geel ah, amaanka oo meeshaa si aad ah loo sugay ayaa waxay suurta gelisay in ay xafladaasi u dhacdo si aad iyo aad u qurux badan,.

Marti soorkaa waxaa qaabilsanaa marka laga reebo raga iyo dumarka guud ka sokoow 120 dhaliinyaro ah oo iyagu xidhnaa labis gaar ah oo loogu tala galay si looga gaarto dadka intiisa kale tanoo loo arkayay in ay fududaynayso adeega guud ee xaflada,.

Goobta lagu qabtay xafladaa waxa ay Magaalada Xarfa u jirtay ilaa 7.5km, tanoo ahayd meel horay loogu calemo saaray duqay hore oo iyagu qayb ka ahaa duqay dhaqamedyada Gobolka Puntland,.

Reerka Maxamed Cumar ee wax caleemo saaranayay ka sokoow waxaa kasoo qayb galay isla markaana khudbooyin ka jeediyay marti sharaf fara badan kuwan oo ugu horeeyay Islaanka Cumar Maxamuud Islaam Bashiir Isalaan Cabdule,.

Waxaa kaloo xafladaa lagu soo bandhigay baratan xaga fardaha ah oo waxaa goobtaa isugu yimid rag iyagu ku caan baxay baratanka fardaha islamarkaana waxaa goobtaa lakeenay fardo reer Nugaaleed ah,.

Martidii halkaa isugu timi waxaa kalo ka mid ahaa marti sharaf iyagu ka kala yimid dalka dibadiisa iyo xaga koonfurta,.

Waxaa hadaba in badan oo ka mid ah dadkii xafladaa isugu yimi ay qireen in aysan dhawaanahan kaqayb gelin xafladan oo kale oo ay tahay tani xafladii ugu yaabka badnayd intii dhawaanahan ah ee ay ka qayb galaan,.

Waxaanu ilaahay oga baryeeynaa Suldaan Axmed in ilaahay u fududeeyo xilkaa la saray islamarkaana uu kadhigo kii uguta howshiisaa sidii loogu tala galay,aaammmmiiin,.

Qore: Xassan Dhooye
Posted by SomaliTalk.com team
June 1, 2000

Kor / Up

Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great
.
Tariq Restaurant
Minneapolis

Cunto aad u macaan iyo soo dhoweyn wanaagsan kala xiriir makhaayada Tariq ee kutaal "137 East Franklin Ave" ee magaalada Minneapolis.


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback