somalitalk.com

.Home | SomLink | Forum | Search | Feedback | News
.
Ganacsiga Soomaalida Kudhaqan Kenya
Somalitalk.com
March 8, 2000

Nairobi, Kenya: Maxamud Maxamed oo jooga Nairobi ayaa maanta (March 8, 2000) noosootebiyey warbixin kusaabsan ganacsiga Soomaalida kudhaqan wadanka Kenya.

Maxamud oo warbixin kabixinaya ganacsiga Soomaalida kudhaqan Kenya waxa uu hadalkiisii kubilaabay "Waxa hore looyaqiin in ganacsatada Soomaalidu kakeensadaan safarta ugubadan Xamar laakiin waxaa dhacday markii laxiray xadka Somaliya iyo Kenya udhaxeeya lana mamnuucay dayaaradihii ugooshi jirey dalka Somaliya taasoo dawlada Kenya ugu sheegtay inhub sharci darro ahi kasoo galo dhinaca Soomaaliya cir iyo dhullabadaba."

Taasi waxay sababtay ayuu yiri Maxamud in lawaayey ganacsigii faraha badnaa ee kasoogeli jirey xamar, kaasoo mudo badan jaahwareer kuriday ganacsatadii hantida keensanjirtay hase yeeshee mudo kadib waxay bilaabeen ganacsatadii inay kasoo degsadaan hantidoodii dibada uga imaanaysay meel udhow xadka Uganda ee loo yaqaan eeldooreed, waxayna kukeen sadaan dayaaradaha xamuulka qaada.

Maxamuud qoraalkiisa waxa uu kusheegay in tayadii ganacsiga ee Soomaalidu isbedley, waxana uu yiri "ganacsigii kenya ayaa isu bedeley qaabka noocaasa asagoon lahay tayadii faraha badnayd ee markii xamar lasoo marin jirey, waayo waxaa kahari jirtay cashuurta faraha badan ee hadan laga qaado taasi waa mayal socodka macayshadda kenya.

Xaga safarada dadkii ukala gooshi jiray labada dal saamayn weyn bay ku yeelatay dadka soomaaliyeed sababtoo ah ayuu yiri Maxamud "waxaa ukala socon jirey bishiiba dad aad u tira badan kuwaa soo isugu jira kuwa loogu yeeray dhoofitaan iyo kuwa dano ganacsi usocda".

Arimaha ganacsiga kasokow ayuu yiri Maxamud waxaa kale oo kala xirmay eheladii eheladii kukala noolayd labada dal ee Somalia iyo Kenya. Taas oo sababtay ayuu yiri in ganacsi badan oo Soomaalidu lahay uu hadda u wareegey dalka Uganda. halkaas oo uu sheegay in Uganda lagasoo dejiyo ganacsiga lagakeeno Somaliya. Kaddibna dibloogusoo dhoofiyo Kenya taas oo uusheegay in ay kubaxdo kharash farabadan.

Qoraalkiisa waxa uu Maxamud kusoogabagabeeyey cabasho oo uu sheegay in Soomaalida kudhaqan xaafada islii (Nairobi) ay dhibaato weyn kuhayaan ciidamo kaqaraabta suuqyada ay soomaalidu u badantahay, waa sida uu hadalka u yiriye. Waxaana hadalkiisa siweyn ugamuuqday in Soomaalida kudhaqan Kenya ay aad u jecelyihiin in ay kasameeyaam ganacsi wadanka Kenya taas oo Soomaalida iyo dadka reer Kenya uu kadhexeeyo isufaham wanaagsan.

....................
© Somalitalk.com
March 8, 2000


Ra'yigaaga sitoos ah ugadhiibo qoraalkan: Guji halkan
Ama noogusootebi bogga: jawaab-celinta.
Allah Is Great
.


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback