SomaliTalk.com
.
GUNTA QOYSKA
Guji oo Dhegeyso Qoyska

USEFULL LINKS
ISLAM
ZAKAAT
HAJJ
HALAL
KAABA DIRECTION
SomBeauty SomBeauty
SomLink


.Home | SomLink | Forum | Search | Feedback | News
.
KULAN LAGU SOO DHOWEEYAY MADAXWEYNAHA DJBOUTI

N.B. Waxaan warkaan toos uga helay wargeyska SEJ

Galabnimadii Axadda 9 April 2000 ayaa kulan lagu soo dhowaynayo laguna taageerayo Madaxweynaha Djbouti mudane Ismaaciil Cumar geelle lagu qabtay xarunta madaxtooyada dalka Kuwait (Diiwaan AL-Amiiri). Waxaa ka soo qaybgalay xubnaha safaaradda Soomaaliyeed ee Kuwait, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kuwait oo ay ka mid ahaayeen (Aqoonyahanno, Culuma'uddiin,Haweenka, Ardada iyo xoogsato farabadan. Waxaa kale oo goob joog ka ahaa kulankaas oo aad loo agaasimay wafdiga reer Djbouti iyo madax sare oo ka socotay dalka Kuwait.

Khudbad soo dhaweyn iyo walaaltinimada shacabka Soomaaliya iyo Djbouti ayaa waxaa soo jeediyay Danjire Abdulqaadir Amiin Sheekh Abukar, kadib waxaa halkaas ku hadlay magaca Soomaalida ku nool Kuwait Sheekh Cabdulqani Sheekh Axmed oo erayo qiimo iyo qaayo waddanimo leh u soo jeediyay dadka, ammaan iyo taageerana wuxuu u gudbiyay Madaxweynaha Djbouti, waxaa isla goobtaas ka hadlay Marwo Faadumo Maxamed Aadan oo magaca haweenka ku hadashay iyo C/raxmaan Sheekh Xasan oo ku hadlay magaca ardayada Jaamacada, waxaa khudbadahaa u dhexeeyay gabayo waddani ah.

Intaas kadib, waxaa maroofanka lagu soo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo erayo aad u qiimo badan u soo jeediyay dadkii Soomaaliyeed ee goobtaas isugu yimid kuna guubaabiyay inay soo raacaan Geeddi-socodka Nabadda ee Shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay. Kadib Madaxweynuhu wuxuu furay dood iyo su'aallo uu si fiican uga jawaabay.

Waxaa xusid mudan in mar walba lagu dhawaaqayay (SOOMAALIYEEY TOOSOO...)dadkuna waxay siteen ubax iyo boorar ay ku qoran yihiin erayo soo dhoweyn iyo taageero.

Somali Embassy Kuwait.


Source: Somali Electronic Journal SEJ Wed April 12, 2000
Ahmed Hasan's Sad Story
Warka Soomaalida lasheegay in ay ku jiraan xabsiyada Ethiopia.

. Akhris Warkii Wargeyska Sahan uu kaqoray Ahmed Hasan
. Dhegeyso Waraysigii Daahir C/Qadir ee Soomaalida kuxiran Ethiopia

. Italian Version Read Italian Version of Ahmed Hasan's Story

Allah Is Great
.
Quran
Ethiopia Famine

. UN to distribute Ethiopia aid
BBC April 12, 2000


. Struggling Ethiopia faces more hunger
CNN April 11, 2000
. Leaders exaggerate the famine to feed their appetite for conflict
The Times, April 11, 2000
. Horror of Ethiopia's living dead
Sunday Times, April 9, 2000
. Somalitalk.com NewsPage About Ethiopia Famine
Video
. Video from Ethiopia
BBC
. Video from Ogaden region
BBC
TALO BIXIN

Fadlan noosootebi ra'yigaaga iyo wixii talo aad noo haysid.

Bogga Jawaab-Celinta



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback

SEJ
Chat | Forum | Opinion | Feedback | Community | Resources | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © somalitalk.com. All rights reserved. Privacy Statement.