SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY


Dunida Islaamka oo si  caro ku dheehan uga Jawaabtay Hadalkii ka soo yeeray Baadariga Diinta Chirstanka....

Waxaa si adag ay dadka muslimiinta ah ee dunida ay uga jawaabeen hadal ka soo yeeray baadariga diinta Masiixiyiinta ama Chirtanka mahadbeeda Calotholic -Benedict'ga 16aad oo u dhashay dalka Germany, waxaana uu markaasi hadalo aan laaqi ahayn ku qadfay Rasuulka Maxamed Salalaahu Calayhi Wasalam isagoo sheegay in Nabiga uu dunida keenay Dhib iyo dib u socod '' Nabi Maxamed ayaa ka fog waxa ay ku tilamaayaan dadka aan diinta iyo Caqliga u saaxiibka ahayn ee kufriga shaydaanku u macaaneeyay.

Dunida muslimka ayaa Jimcihii salaada waxaa lagu soo qaatay naqdinta hadalka Baadariga Benedict'ga 16aad  ee ka dhanka ah Diinta toosan ee islaamka iyo waliba rasuulka uu Allah soo diray ee Muxammad (NNKH). Magaalada Nairobi ayaa masjidka Abu Bakar waxaa imaankii Khudbada akhrinayay qaybtii ugu dantaysay ku soo qaatay hadalkaasi isagoo si adag u difaacay sharafta diinta toosan ee islaamka iyadoo dadka uu dhan ay hadal hayeen khaladka ka soo yeeray baadariga .

Magaalaada Islaam-abad ee caasimada Bakistan ayaa baarlamaanka dalkaasi waxaa uu shir uu ku yeeshay jimcihii ku canbaareeyay hadalkaasi ka soo baxay Baadariga diinta Chirsanka iyadoo ay ku tilamaameeyn in uu yahay mid jaahil ah oo aan aqoon sharaft uu lahaa Nabi Maxamed iyo waliba akhlaaqdiisa suubanayd .

Jihaadka ayaa waxaa uu si kulul ku weeray baadariga isagoo ku tilmaamay in diinta islaamka ay seef ku soo gaartay dunida, balse waxaaa aritaaasi sidoo kale ka jawaabtay muslimiinta caalamka .

Ma'ahan markii ugu oo diinta islaamka ay ku aflagadeeyaan dadka Chirtanka ah iyadoo sanadkii aan soo dhaafnay Waryags ka soo baxa dalka Denmark uu soo bandhigay sawiro Carton ah oo Nabi Maxamed lagu aflagaadeeyay taas oo ay kaga jawaabeen caalamka islaamka caro iyo banaanbaxyo badan.

bootan cabdi
botaan1@hotmail.com


Pope-ka ugu sareeye diinta masiixiga oo aflagaadeeyey Islaamka

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

 
Inkastoo uu isku dayey inuu fasiro sida hadalkiisa loo qaatay hadana waxaa cad inuu hadalkasi ahaa mida dhaawacay dareenka Muslimiinta ah ee awalba hadaladaasi iyo kuwo kale oo kasii xun la yiraahdo. Balse tan waa mid aan laga fileyn Pope-ka ugu sareeya diinta masiixiga inuu akhriyo qoraalo lugu ihaaneynayo Nabi Muxamed NNKH.
 
Baadariga ugu sareeya diinta masiixiga ninka la yiraahdo Benediktus XVI ayaa jaamacad ku taala Regensburg gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa hadal uu ka akhrinaayey jaamacadaas sheegay in qarnigii 13aad uu nin boqor ah oo masiixi ahi sheegay in Nabi Maxamed loo soo diray dunidan dagaaalo la huriyo iyo isagoo ka fog bani'aadnimada. Hadalkan ayaa guud ahaan dunida Islaamka ay si weyn uga hadleen waxaana ay ku tilmaameen meel ka dhac tan ugu sareysa ee dad diintood loo geysto.
 
Maanta oo jimco aheydna waxaa meelo badan oo ku yaala dalalka Islaamka ka dhacay dibad baxyo loogu cambaareynayo hadalka baadarigaas. Walaalaha Muslimiinta (Ikhwaanul Muslimiin) ee  dalka Masar ayaa sheegay in hadalka baadarigu uu ka darnaa sawiradii kartoonada ahaa ee horey loogu ihaaneeyey Nabi Muxamed NNKH.

"Sawiradii ihaanada ahaa kartoonada ahaa ee ka dhanka ah Islaamka kama aanu iman ruux weriye lugu sheegay balse waa mid ka timid hogaamiye diimeed oo malaayiin dad ah horkace u ah" ayuu yiri cabdul Muncim fatuux oo ka tirsan walaalaha Ikhaawanul Muslimiinta Masar.

 
Hogaamiyaha shiicada uga sareeya dalka Lubnaan Maxamed Xuseen Fadallaah ayaa sheegay in wadaadkaasi masiixiga ah raali gareeyey Muslimiinta hadalka qaldan ee yiri.

Dalalka ay kamid yihiin Iiraan, Falastiin, Jordan iyo Ciraaq ayaa hogaamiyeyaasha diimeed si weyn u cambaareeyeen hadalka baadariga ugu sareeya diinta masiixiga ee isagu isku dayey in hadalkiisa sida u usheegay uusan aheyn ee si kale loo fahmay. Ilaa iyo iminka waxaa la isweydiinayaa ereyada ee baadariga xushay kolkuu akhrinayey ineey ahaayeen kuwo isagu jecleystay iyo kuwo lugu soo dhiibay oo uun iska akhriyey.

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji


Mudaharaadkii London, UK

Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriya oo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost

Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD