MAHURAAN
(INEVITABLE)
Qore: Cabdulqadir Faarax Bootaan
Afna50@hotmail.com Tel.+1-416-2351661
Canada
Maarso, 2003, waxaa soo baxay buugga la magac-baxay MAHURAAN.
Marka dhinac walba laga eego, wuxuu buuggu ku saabsan yahay Oollimaadka
Soomaalida (Somali Heritage).
- Afka (The Language) oo si dhilan, naxwe
ahaan, loogu tusaale bixinayo.
- Suugaanta (The Literature) oo qyabeheeda iyo
xeerarkeeda lugu kala dhigdhigayo, hannaankay u kala dhisan tahayna la qeexayo.
- Murtida ( The Wisdom) oo suugaanta ka
dhambalan, asii dhinacya badan laga soo qaadayo.
- Sheekooyinka Dhaqanka (The Cultural Stories)
oo hab-nololeedka Soomaalida iyo hiddeeheeda sooyaal leh, oo qaab akhris,
daalacasho, iyo waxbarasho u darban.
DANTA
Ujeeddada ugu weyn iyo dulucda buuggaan loo qoray marka
la soo koobo waa:
- 1. In aqoonsiga qofka Soomaaliga ah la bedbaadsho, oo
afkiisa ah.
- 2. In afka, suugaanta, sheekooyinka, iyo dhaqanka la
caynsho, la daraaseeyo, qoraal iyo kaydna la gesho; isla
markaasna waji aqooneed iyo mid waxbarashaba loo faa'iideysto.
- 3. In la abuuro dugsiyo Af-soomaaliga lugu barto oo
ay duddooyinka (Jaalliyadada) Soomaaliyeed ee dibeddu yeeshaan, ciddii kaloo
danaynaysaana ay wax ka barato.
- 4. Iyadoo burburka Soomaaliya ku dhacay uu ugu culus
yahay kan dhinaca aqoonta iyo dhaqanku in dadka loo qoro kutub cilmiyeysan
oo Af- soomaaliga ku degsan.
- 5. Bulshooyinka waddammada dibedaha oy Soomaalidu
kala degtey badidood oo dhaqamma-badan ah, qolo kastana oollimaadkeeda
tixgelin la siiyo oo iyana keeda u darbisa mid u qalma waxbarshada
waddankaas in laga qaybgeliyo, ayna tahay markaas kaalinta ay Soomaalidu
kaga aaddan tahay inay ka qaadato.
QODOBBADA DARAASAADKA LA RAACSHEY:
- 1. Barbaarinta aqoonta uu qofku afka iyo suugaanta u
leeyahay, iyo tarminta baaxadda erayad uu ku hali karo ama yaqaan.
- 2. Fasiraadda erayada garashadoodu qofka ku adkaan
karto ama ku cusub.
- 3. Layaliyo dhug u yeelashada meeriska iyo barashada
afka qofka luugu carbinayo.
- 4. Daraasaad qofka ku baraarujinaya anshaxa iyo
asluubta dhaqanka Soomaalida.
- 5. Tilmaamo hab-dhaqanka iyo oollimaadka bulshada
Soomaalida laga daawan karo.
- 6. Murti halxiraale iyo xigmad sidda oo qofka
suugaantiisa, dhinac ay tahayba, lugu kobcinayo.
- 7. Qiyaas-kabixin ama tusaalayn hufnaanta dhaqanka
Soomaalida, iyo tixgelinta adag oo uu bulshada ku leeyahay.
- 8. Masawirro sheeka walba waxay ku saabsan thay soo
bandhigaya.
XIGASHO
MAHURAAN wuxuu tixraac u ahaan karaa dadka qoridda
Af-soomaaliga (buug iyo jaraa'idba) ku hawlan, shisheeye iyo sokeeyaba, marka
ciddii ku xeeldheer laga reebo.
Qore: Abdulqadir Farah Botan
Afna50@hotmail.com
Tel.+1-416-2351661 Canada
<><><>
Xaggee ka helysaa buuggan la magac baxay
"Mahuraan"?
-Waxaad ka heli kartaa meelkasta oo duddooyinka
soomaalida iyo rugahooda ganacsigu ku sugan yihiin, gaar ahaan goobaha
sharikadaha Xawaaldaha iyo xarumaha jaaliyadaha Bulshada Soomaaliyeed. Insha
Allaah dhaqso ayaannuu u gaarsiin doonnaa goobahaas aannu kor ku soo xusnay.
Qiimaha buuggu waa: USD20 ama CAD25 SEK200
Wixii macluumaad dheeri ah kala xiriir:
Abdulqadir Farah Botan:
Toronto Canada +1.416.2351661
mailadress:afna50@hotmail.com
Abdinur Aden Farah
(Borås, Sweden) Tel.+46.33.411904
Mailadress:abdinoor63@yahoo.se
C/laahi Cali-xush "Sandheere"
(Gothenburg, Sweden) Tel:+46.739697290
Mailadress:sanka66@hotmail.com
Said Abdi Botan
(London, UK) Tel.+447946252624
Mailadress:beergeel@hotmail.com
IIDHEH: SomaliTalk.com | May 18, 2003
HAMOOGAAN BUUGGA MAHURAAN
|