SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 MAAH MAAH

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Maahmaahda iyo Musiibada Soomaaliya.

Qore: Caliqeyr M. Nuur. | Email: caliqeyr@hotmail.com 

Jiraalku wuxuu ku billowday nabad noolaha dhamaantiisna lama farin xad-gudib balse abbaar iyo ikhtiyaar kaamil ah ayuu Alle siiyey, wuxuuna ku galladay nolol aanan cudur iyo cabsiba lahayn si ay ugu kifaaxaan hase ahaatee fasaadka kasoo daahiray dunida maanta waxaa sabab u ah inta nafta iyo ruuxda loo hibeeyey ee dadku ugu horreeyo, haddaba waxaan doonay inaan arrintaas wax ka iraahdo anigoo aragtideyda ku koobayo soomaaliya ama soomaalida iyo dhibki baaxadda lahaa ee nasoo gaaray, intaas ka sokow qoraalkani wuxuu aqristaha dareensiinayaa meelmarinta maahmaahda iyo hadba sida looga tusaale qaadan karo tagtada iyo timaadada waayo waa erayo kasoo yeeray waayo-arag waxaana ku sugan talo-qaadasho, sidaas awgeed maahmaahyada aan soo qaatay ma aha inaan uga faalleynayo wixi lasoo dhaafay ee weliba waxaan si togan ugu ifinayaa mustaqbalka la higsanayo Ilaahey idankiis.

Maahmaahdu waa hadal murtiyeed gaaban waxayna salka ku heysaa waayo-aragnimo hore oo waxay umadda fareysaa in laga-digtoonaado falal horay loogu soo gubtay tusaale ahaan maalin ayaan ku maahmaahay "Deerana horaadada ha qaban dummarna halla garramin" markaan sidaas oranayo waxaan daba-joogaa dhib aan arrintaas kala kulmay dadkana wax baan uga digayaa, dhanka kale musiibadu waa hoog ama halaag badanaa xaddigiisu weynyahay waxaana lagu sifeyn karaa burburki waddankeenna qabsaday haddaba maaddaama arrintaas in badan wax laga qoray ama wax laga yiri anigu waxaan isku dhererin doonaa hoga-tusaaleynta maahmaahyada iyo musiibada nagu habsatay.

1: Waa tan koowaade, maahmaah hore ayaa waxay ahayd "Seddax lalama dego, Fulay daandaansi badan, Doqon fiiro taqaan iyo bakheyl damac yaqaan" murtidaan waxay kasoo fushay qof la darsay ruux baxaalligiisu ama dabeecaddiisu sidaas tahay, murtiiluhuna wuxuu amrayaa in laga fogaado ashqaasta noocaas ah, nasiib darro haddii aan soomaali nahay waxaa deris noo noqday labo dowladood oo ku sifoobay seddaxdaas dhaqan ee foosha xun, mana u baahna faahfaahin dheeraad ah iyo sida maahmaahdani iyaga u quseyso, ninkii garaad leh uun baa garanaya luggooyada soo jireenka ah oo ay innagu hayaan haba ugu weynaato ummad dhaqan, dhalasho iyo dhiigba nala wadaagto oo ay ilaa hadda gumeystaan, wax garad soomaaliyeed ayaa yiri "seddax lalama saaxiibo, Nin aan rabbi aqoon, nin aan run aqoon iyo nin aanan rag aqoon". Dhulalka soomaaliyeed ee ku jira gacanta labada dal ee deriskeenna ah ayaa sabab u ah dagaallada daba-dheeraaday, haddaba wax-garadka laga sugayo maammulka waddanka waxaan kula talinayaa inay deriskooda u saxiixaan inay xad rasmi ah la wadaagaan, waayo muhiimaddu waxa weeye in xal loo helo tii hore ee burburtay keddibna walaalaha la gumeysto lagu taakulo inay dhulkooda soo dhacsadaan iyagoo awooddeenna ku tiirsan.

2: Hadal aan fiiro loo dhihin iyo caano aan fiiqsi loo dhamin feerahey wax yeelaan. Iyadoo la damacsanyahay in xal loo helo deriska xumaaday ayaa lagu tallaabsaday arrin aayaheeda mugdi ku jiro qasaaraheeduna iska muuqdo ( dagaalki 1977-di ee lagu xoreynayey shacabka soomaali-galbeed,) taliski Maxamed Siyaad Barre ee waddanka majaraha u hayey aad buu ugu degdegay arrintaas xag ficil iyo xag saxaafadeedba, waa hubaal inuu talooyin fiican ka helay wax-garad soomaaliyeed iyo qubaro shisheeye oo iyaguba dano kale iska watay, siday ahaataba jihaad baa loo guntaday iyo in dulmiga yac la'iska yiraahdo, arrintaasu ma xumeyn laakiin waqtigeedi lama joogin wadiiqadeedina lama marin aafadeedina door weyn ayey ka ciyaartay burburka waddanka ku habsaday.

3:Miro faraqa ku jiro kuwo geed saaran looma daadiyo, waddanka oo ku tallaabsaday horumar aanan hore loo arag ayaa waxaa dowladdii Barre laga dheehday qaladaad fara badan oo dulqaad ama dadaal kale lagu xallin karay, taasi ma dhicin ee waxaa meel kasta ka dillaacay jabhado waddani isku sheeg ah laakiin aan anigu u aqaan jabhado shisheeye maaddaama meesha ay salka la galeen si ay u dumiyaan taliska waddanka ay ahayd rugta laga abaabulo dabar go'a umadda soomaaliyeed,

lafa moroodi iyagaa la’isku jebiyaa geesigi soomaaliyeed haddii loo caalwaayana waxaa loo helay geesi walaalkiis ah oo garaadkiisu ku koobanyahay qabiilka uu ka dhashay, Sargaal-sare oo aysan hobbooneyn inaan magaciisa halkaan ku xuso kana mid ahaa Saraakiishi taliski Mingistu ayaa yiri, "Marka ay noo yimaadaan ciidanka jabhadda (SSDF) oo dagaal lasoo galay ciidamadi Barre, waxaan weydiin jirnay qasaaraha ay geysteen iyo qasaaraha loo geystay, kolkey noo xog-warramaan ayaanu ku taageeri jirnay wixi suura-gal ah keddibna inta warqadda hoos laga xarriiqo ayaa la oran jiray, isku dar qasaaraha soomaaliya gaaray"

Waxay xitaa ku tusaale qaadan waayeen walaalahooda soomaaliyeed ee taliska xabashidu madaxa uga taagnaa markuu iyaga gargaarayey, siday ahaataba natiijadi halkaas kasoo baxday waxay noqotay tan horteenna taallo iyo waddanki oo qabiil kasta deegaankiisa raacshey "LAND" taasina waa tabtii cadowgu damacsanaa.

Rag badan oo dhuuniqaatayaal iyo daneystayaal ahaa ayaa fitno ka taliyey taas oo sabab u noqotay in taliski mayalka adkaa uu caro kala kor dhaco qabiilladi ay ka dhasheen iyaguna waaba sidey rabeen oo marki qabiilkooda la xasuuqay ayey heleen sabab ay qabiilka ku beer-jilacsadaan dowladdana uga horkeenaan iyagoo wato dano u gaar ah, siday ahaataba mirihii faraqa ugu jiray ee ahaa midnimada qaranka soomaaliyeed wey iska daadiyeen isla markaasna ma gaarin kuwii geedka saarnaa ee ahaa qaran ay iyagu maamulaan. haddana layaab uma arko in shirka Nayroobi lagu soo doorto qabqable dagaal waayo maammulka uu dhiso kan ka dambeeyo ayaa kula xisaabtami doono dembigiisi hore balse muhiimaddu waa in la helo nidaam dowli ah oo isku keeno soomaali kala qoqoban soona celiyo amnigi iyo kala dambeynti.

4:Haddii raq sokeeye badato runtibaa laga beyray, waxaan marqaati ka nahay in raq sokeeye badatay sababtuna ay tahay runti oo laga beyray, taas garannaye waa maxay beenta meesha taallo ee raqda sokeeye badisay?

Beentu waxa weeye inuu qabiil dowlad noqon karo, runtuna waa in midnimadu ay muqaddas tahay, sidaas awgeed damiirka soomaalinimo ma aqbalayo in qabiil aanan baahidiisa dabooli karin iyo goballo wax soo-saarkoodu yaryahay gooni looga gooyo dalka intiisa kale, Figraddaasu ma qurxana musiibo ayeyna sababtay ama sababi doontaaye maxaa midnimada lagu diiday iyo runta ah inuusan qabiil dawlad noqon karin haddiise raqda sokeeye sii badato xaajadu maka soo reyneysaa mise waxay ku dambeyn doontaa in labadi wada dhalatayba ay kala maataan oo uu dakanaha iyo naceybku kala teedo, waxaan maqli jiray walaalo is neceb wey xoolo yaraadaan weyna xabaalo badiyaan, waa maahmaahyo cajiib ah isla markaana farta ku fiiqeysa marxaladda lagu jiro iyo tan soo socoto haddii uusan Ilaaheen noo gargaarin annaguna garaadsannin.

5:Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.

Inkastoo ay wanaagsantahay in maahmaah waliba sideeda loo daayo haddana maahmaahdaan waxaan u beddeli lahaa "Nin aan ku furi doonin yuusan ku rarin" anigoo ula jeeda qabqablayaasha uu cadowgeennu kusoo rarayo figradaha qaldan isla markaana ummaddooda lasoo tiigsanayo si ay ugu wax yeelleeyaan.

Fitna-wadayaashu hadda wey raranyihiin waxayse runta ogaanayaan maalinta ay daalaan kuna hammiyaan inay culeyka iska dejiyaan, goortaasi waxay noqon kartaa marka qaran soomaaliyeed dhasho ee maxkamad lasoo hortaago ama waxay noqon kartaa maalintey dhintaan oo uu Ilaahey la xisaabtamayo, tolow yaa u gargaari doona? waxay ku sifoobeen xigmaddii ahayd "Doqontu xeerna ma hoyso xoolana ma hoyso.

6: Dhaqan aadan aqoon dhibaatadiisa lama xalliyo:

Marki la kala yaacay oo lababa meel ku haadday qabiil kastaana yeeshay hoggaamiye meel kale laga soo hagayo kaasoo ama xog ama xirib ugu taliyo ayaa dad badan oo tayo iyo talo fiicniba is bidaayey ku dadaaleen inay arrintaan murugsan xal u helaan laakiin mar kasta waxay gees marayeen halka sartu ka qurantay oo lagu ogaan karayey hidde iyo dhaqan aqoon ama in la raaco hannaanka beeleed ee Ilaahey soomaalida u sameeyey sidaasna lagu amaamudo dowlad iyagoo dhan mideysa sharaftooda iyo dhiiggoodana dhowrta,

Dowladda ku meel gaarka ah ee lagu soo dhisay tuulada carta ee dalka jabbuuti ayaa ugu dhowaatay wax waddadaas qaado waana la ogaa guulaha ay ku tallaabsatay in kastoo ay kasoo hor jeesteen ama ay cuuryaamiyeen niman lasoo rartay iyo shisheeye aanan danaha umaddeenna eegin.

Dhanka kale waa maahmaahyo siyaasiinta soomaaliyeed kula talineyso in haddii ay kasoo baxeen jaamacado shisheeye ay mar labaad u fadhiistaan jaamacadda magaceedu yahay Geedka hoostiisa taas oo laga barto hab-dhaqanka bulshada ay rabaan inay u taliyaan, haddii dastuur la dejinayana ay lagama maarmaan tahay inaanan la dayicin xeerarki soo jireenka ahaa, waayo xeerarkaas waxay ka unkameen dhaqanka, bulshana waxaa lagu dhaqi karaa dhaqankeeda.

Haddii uu hirgalay dastuur laga soo min-guuriyey buugaagta reer-galbeedka maxaa diiday in lasoo min-guuriyo dastuurka faca weyn ee kasoo unkamay geedka hoostiisa iyo dhaqanka la yaqaanno.

7: Tol waa tolane barse ka taxan.

Maahmaahyadani waxay tusineysaa in xubin kasta ama qabiil kasto uu leeyahay dano gaar ahaaneed laakiin ay jirto dan-guud oo ka dhaxeyso qabiilladoo idil, dantaas guud waa qaranninimo iyada ayuuna qabiilku ku gaari karaa dantiisa gaar ahaaneed, ha ahaato sharaf ama dhaqaale lagu tanaado iwm.

Dhamaan wax garadka kama dahsoona in qarannimadu tahay midnimada qabiillada, waayo horumarka lagu raadinayo mucaaradnimo iyo qabiil hebel oo lagu duulo ama gooni isu-taag iwm wuxuu ku jiraa iyada (midnimada) balse Ilaahey ma solonsiin dagaal oogayaasha, sideese nabad ugu ladi karaa nin deriskiisa dakano ka galay oo dabin lala raadinayo.

Abwaanno soomaaliyeed ayaa markey waddankooda ka hadlayaan waxay ugu magac daraan hal magaceedu yahay Maandeeq, kaba soo qaad in waddanku hashaas yahay mallaga yaabaa haddii uu caawa nin dooxo inaad adiguna berri dambar ka maali doonto? jawaabtu waa maya, balse meydkeeda ayaa kuusoo urayo, tan oo kale ayaa na qabsatay oo waakaas waddankeenni noqday qashin qub lagu shubo qashinka warshadaha iyo waxyaabaha kale ee aanan la mahadin, raas-caseyr ilaa raas-kambooni wey daadsantahay suntaasu waana lagu soo gurayaa, waddankuna wuxuu noqon doonaa dowlad gobaleedyo waligood dagaal ka dhex oognaado ilaa ay hir-gasho maahmaahda sare lana garto inkastoo lakala dan yahay haddana in lagu midoobo danta guud.

8: Doqoni qufacday halka laga hayana garan weysay,

Waa maahmaah aan liidi jiray balse markaan garaadsaday ayaan la yaabay xigmadda ku dheehan, waxayna ku dhabowday umadda soomaaliyeed oo badankoodu dabada hayo dhibki qarankooda dumiyey waxaase ugu daran kuwa damac ka galay inay midnimada kala dhantaalaan iyagoo ka faa’ideysanayo kala-daadsanaanta isla markaana dowlad ku sheegay waab ay reerahoodu kasoo jeedaan, waxaan arki jiray neefka geela ah oo kolkey qodaxi cagta ka muddo dhulka kusii garaaco, geel-jire ayaa arkay hal cagta wax ka mudeen oo sidaasoo kale dhulka ku rabbeyneyso markaas buu yiri "War hashu ragaadka ma iska reebeysaa mis wey isku riixeysaa" neefka waxay la tahay inuu qodaxda iska reebayo ama uu xanuunku sidaas uga dabcayo waxaana la mid ah nimanka dhibaatada dheef mooday ee xitaa iyagoo lixdan jirro ah aanan ku tusaala qaadaneyn waayaha, haddaba kuwaas iyo kuwa kale ee taageersan caashana ka daba lulayo saw kuma dhaboobin maahmaahda sare.

Haddii laga wada hadlo ama la saxo qaladaadki hore waxaan hubaa in midnimadu aysan xumeyn, balse ninka indheer-garadka ah ayuun baa fahmi karo macnaha oraahdan dambe.

9: Rag seddaxbaa ugu xun, Ma tashade, Ma toshe, Ma tashiishe.

Wuxuu caqligu na farayaa in talo wanaagsan la siiyo ninki ay taladu ka qalloocantahay sidaas awgeed in badan waxa dhegaheenna ku dhacday xigmad oraneysa "Ama talo keen ahow ama talo raac ahow" balse markaan dagaal oogayaasha ku tilmaamo ma tashada-yaal waxaa laga yaabaa in la’igu diido la’iguna yiraahdo "Nimanku wey tashadeen oo waxay dabka u hurinayaan waa danahooda qaaska ah" Akhristow arrintu sidaas ka duwan oo nimanku inay tashadeen waa run laakiin taladoodu maxay tahay, waa mid ku hodeyso xumaha ay hurinayaan, talo raacna ma aha.

Ma toshe, marka laga reebo xigmadda ku dahsoon ee sideeda loo fasiro waa ninka aanan maradiisa tolan, balse marka dhug loo yeesho ula jeeddadeedu waxa weeye ninka naftiisa iyo masuuliyadda saaranba ka seexda, nin waxaa laga sheekeyn jiray isagoo meel dhacdiid u jiifo roob culus korkiisa ku da’ay isaguna caajisnimo awgeed halki iska jiifay ilaa roobki hakaday, waxaa lagu yiri "war meesha ka kac oo dharka kaa qoyey iska qallaji" markaas buu ku jawaabay "maxaa howshaas igu wato hadii aan meeshayda jiifo sow hoosku dhanka kale uma wareegayo oo hadhow markey qorraxdu ugu dhacdo iskiis uma qallali doono" arrintaan waxaan ula jeedaa shacabka damqanayo ee aanan tashaneyn lagana yaabo inay ku fekerayaan, dhibkaan Ilaah baa qaddaray isagaana dhameyn doono, waa run oo Ilaah baa qaddaray waxaase lagaaga fadhiyaa falcelin, haddaba labada arrimood ee kala ah ma tashade iyo ma toshe waxaa ku sifoobay wax garadka iyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed inkastoo hadda talo timid haddana waxaan dhowrayaa sida loo tashiilo.

10: Rag talaa u roon rahna roob iyo reyska qoyan:

Maahmaahdaan aniga ayaa iska lahaa marki ugu horreysana waxaan ku soo qaatay buuggeygi Horor iyo kalgacal,waxayna tusineysaa in talada wanaagsani udub dhaxaad u tahay nolosha shaqsiga ama jiritaalka bulshada, taladaas oo laga yaabo inay kugu hoggaamiso meel aysan raaxo kuugu jirin hase ahaatee meecaad dambe leh, badanaa raha ama rakaha waxaad arkeysaa isagoo ka dhex qeylinayo dac iyo biyo qurmay oo isaga ku hodayo qabowga iyo qoyaanka ay naftiisu u bogeyso laakiin jiritaankiisa halis ku ah, sidoo kale lo’da ayaa hogato meeshi biyo iyo nagaarba leh laakiim uu gud ama cudur kale ku dhameynayo, tusaalahaan waxaan ula soo tallaabay dhanka qurbaha iyo soomaalida u riyaaqday iyagoo weliba dhaqaalahooda ku taageerayo niman gurigoodi dab ku shidayo isla markaana aanan ka tashan sidii loogu raagi lahaa hiddaha iyo dhaqanka ama soomaalinnimada ilaa waddanki looga laabanayo, taasi ma dhicin ee waxaa loo bogay roobka iyo reyska qoyan, yacni ceyrta iyo guryaha dugsoon, war dadow rag talaa u roone yaanan la kadsoomin hana loo gargaaro umaddaan dhaqankeedi iyo diinteedi ay kusii libdhayaan qowmiyadihi marti geliyey, hana ogaadeen doorka ay qurba-joogtu ka ciyraari karaan nabadeynta iyo mideynta dadkooda, tan labaad maaddaama la yiri "Biyo kaa badan iyo dad kaa badanba wey ku hafiyaan" dadki dibadaha usoo hayaamana kusii milmayaan bulshooyinka ay usoo hoydeen waxaa lagu suganyahay arrin cawaaqibkeedu u badanyahay aakhiro xumo iyana waxaan kula dardaarmayaa mideynta jaaliyad ku-sheegyada kala qoqoban si uu u tayoobo wax-qabadkoodu.

11: Doqontu laba iyo toban indhood bay leedahay kow iyo tobanna waxay ku aragtaa walaalkeed.

Xigmadda warkan ku duugani waxay noo sheegaysaa in garaadka doqontu boqolkiiba sagaashan ku jaheysanyahay iska celinta walaalkeed, hagardaamo ayey la daba joogtaa horumarna uma oggola, cadow kale uma muuqdo ee walaalkeed uun bay ku karantahay, tani waa xigmad loogu maahmaahi karo soomaalida meel ay joogtaba.

Hadda ka hor waxaa dhacday nin walaalkiis ku sheegi jiray doqonnimo si uu isagu isu muujiyo, nasiib darro dantiisi uma hir-gelin ee wuxuu maqlay dadki oo ugu yeerayo "Doqonka walaalkiis" siday ahaataba soomaalida oo aamminsan haddii aysan sharafi jirin inaysan nolol jirin, qofkii kugu xadgudbana godka looga soo haro ayaa waxay garan waayeen in gobannimadu dulqaad tahay. Oday soomaaliyeed kana mid ahaa guurtida beeshiisa ayaa waxaa dhacday in tolkiisa nin laga dilay dabadeedna meeshi laga sugayey inuu col abaabulo ama diyo doonto ayuu ciddi ninka ka dishay u geeyey xoolo iyo waanwaan kuna yiri "War reer hebelow nin baa naga disheen haddii aan soo duulnana nin kale ama ka badanbaa naga dhimaneyso ee aanu heshiinno"

Odaygaas dantiisa ayuu gartay walaalahiisna wuu u dulqaatay waxaana hubaal ah in xoolihiisu nabad ugu daaqayaan, siday ahaataba indhaheennu ma dhaafin bowdka nagu xeeran nabadna imaanmeyso ilaa laga gudbo garashada gurracan ee walaal naceybka iyo is xasadka ku saleysan.

12: Mar i dage Alle ha dago mar labaad i dagase anays dagay.

Shacabka soomaaliyeed ee sama-doonka ah haddii Alle u gargaaro xalkoodu wuxuu noqonayaa maahmaahdi ahayd Daacadi ma hungowdo waxaase loo baahanyahay in qof waliba ka dhan noqdo fitna-wadayaasha qaddiyadoodu liidato dhowr marna ku fashilmay xal looga fadhiyey, haddaba qofka ilaa maanta taageerayo qabqable dagaal wuxuu u dhaxeeyaa seddax midood, seddax arrimoodna waan kula talinayaa, waa marka horee waa in qofkaasu doqon yahay, waxaanan kula talinayaa inuu dib u jalleeco beri-samaadki ay jirtay midnimada soomaaliyeed isla markaana uu barbar dhigo xaaladda lagu suganyahay, marki uu wax xasuustana wax buu ogaanayaa, haddaba ha garto in habka keliya ee lagu hanan karo nabad iyo nolol-fiican ay tahay dowladnimo, qabqablaha reerkiisa ahna uu arrintaas diiddanyahay.

Midda labaad waa inuu qofkaasu weli daganyahay, waxaanan ugu caqli celinayaa tuduc aan kasoo deynsaday geeraar aan waa tiriyey oo ahayd, "Doqon baa duggaashado meeluu malag dareensaday" sidoo kale oraah hore ayaa ahayd dad qal looma garguurto ee ogow dagaal-ooguhu waa dad-qal oo muslin ayuu laynayaa, adiguna haddii aad u garguurato waxaa laga yaabaa in maalinti aad maslaxadiisa ka hor timaado uu kawaanka ku saaro sida dhacdaba, ama uu kuu hor-seedo dembi maalinta aakhiro kawaanka lagugu saaro.

Midda seddaxaad oo ah in qofkaasu dakane qabo, waxaan u sheegayaa in tubta badbaadadu tahay toobad keen, waayo dakano ayuu qabaa naftiisana waxaa shuqlinayo cabsi, kalsooniduna wey ka dhuntaa qofka eedda galay oo waa tii lagu maahmaahay Dhagar qabe dhulkaa u dhaqaaqo & Dhiig islaam ma qarsoomo, xitaa haddii aad keligaa ogtahay qofki ama dadki aad xusuuqday waxaadna ka ladi kareynin dareenka murugada leh ee qalbigaaga hurinayo waxaas oo dhanna waxaa looga gudbi karaa toobad keen waayo nacas baa ku nagaado wixi ay dadku ku naceen, goor ay noqotaba sharcigi wuu soo noqonayaa oo rag ama dumar iyo caruur baa maxkamad kula sugayo ee inta aysan taasu dhicin waxaa kula gudboon inaad dadki aad dembiga ka gashay cafis warsato wixi diyo ama waxqabad ah ee lagugu xakumana aad kasoo baxdo,

Nin waxgarad ahaa laakiin ay la tagtay xamaasadda qabiilku ayaa shirki Carta (Jabbuuti) inti isugu timid ka codsaday cafis, dadku wuu tiro badnaa oo hadal la’islama gaarin laakiin gacanta ayaa loo wada haatiyey iyadoo loogu baaqayo in la cafiyey, haddaba walaal waxaan kugula talinayaa inaad ku dhaqaaqdo sidi aad ku kasban lahayd dembi dhaafka rabbigaa iyo dadka aad wax-yeeshay, siday ahaataba aqristow haddii aad taageere qabqable tahay seddaxdaas arrimood midkood uun baad tahay ee iga guddoon waanada aan kuu hibeeyey, haddii aadan ahaynna ila ogow in sababta keliya ee dagaal oogayaashu ku kasbadeen taageerayaal badan ay tahay seddaxdaas arrimood, adiguna tahay ergayga looga fadhiyo inuu gudbiyo risaalada nabadda.

13: Labo hadalka ayey ku roonyihiin labana ammusnaanta: duqa reerka iyo duqa diinta yaqaanno hadalka ayey ku roonyihiin, doqonka iyo dab huriskuna aammusnaanta ayey ku roonyihiin.

Cilmi falag la rumeysanyahay inay unkeen boqortooyadi reer Haan ee jirtay 200-sano (nabi Ciise ka hor) ayaa wuxuu sheegayaa in nolosha ama jiraalku ku dhisanyahay dhulka, biyaha, dhirta, dabka iyo birta, shantaas maaddo midba kan kale ayuu saldhig u yahay ama uu sameeyaa, tusaale ahaan dhulku dhirta ayuu sameeyaa dabkuna dhirta ayuu ka dhashaa, sidey ahaataba hannaaninta maaddooyinkaas oo siyaalo badan loogu dabbaqo nolosha aadanaha ayaa mudan (waa sida ay rumeysanyihiine) in mid kasta laga daba mariyo kan uusan wax yeeli karin oo haddii aad birta ka hormariso dabka waxay ka dhigantahay adigoo aanan noloshaada shaqsiyadeed maaro u helin inaad guursatay, taasina qatar ayey ku tahay jiritaankaaga. akhristow ula-jeedadeydu ma aha inaan sixir ku baro laakiin cilmigaan waxaa ku sugan xigmad oraneyso, "maadadi la dhigo meel aysan lahayn dhibaato ayaa lagala kulmayaa" maahmaahda sarana waxay tusineysaa ninka loo igmaday xil aanan xilkiisi ahayn ama isugu isu doortay in dhibaato lagala kulmayo sida qabqablayaasha oo kale:

Maanta iyo shalayba waxaa la dayacay odayadii dhaqanka kuwaas oo si fiican u garanayey cilmiga sooyaalka ah ee Ilaahey bulshadeenna ku ilhaamiyey, booskiisina waxaa galay dab huris gacan fudud, isla markaana aanan garan falkiisu meesha uu gaarsiin doono, sidaas si la mid ah duqii diinta ee ummadda ku hagayey jidka lagu badbaado ee isaguna xambaarsanaa xigmadda rabbi ugu talo galay in adduunyada lagu dhaqo isagina waa la liiday lagana hoos mariyey maqaamkiisi, haddaba haddii la xaqiray ninkii xumaanta reebayey samahana farayey oo waxa lagu liidayo ay tahay cilmiga uu u go'ay iyo kutubka uu deegta ku sito waxay ka dhigantahay in diinta la quursaday halkaasna waxaa ka dhashay caro Alle iyo fasaad meel walba kasoo daahiray, kolley aniga waligey la'igama maqlin diinta iyo siyaasadda halla kala saaro.

Duqi reerka iyo duqi diinta yiqiinnay waxaa ka sare maray doqon iyo dab-huris xaajaduna sidaas ayey ku ceyn-wareegtay balse maaddaama lagu maahmaahay geel xasuus baa lagu xero-geeyaa dhulkeennana aan in badan misaal uga dhignay hashii maycaska ahayd ee Maandeeq la oran jiray waa in xasuus lagu xero geeyo dibna loo soo gocdaa gaawihi dambarka ahaa ee laga gaacin jiray, nin kasta ee waayo adduun iyo waddankiisa goob-joog usoo ahaa wuu is barbar dhigi karaa shalay iyo maanta, balse ninkii wax garad ah uun baa saadaalin karo haddii sidaan lagu socdo waxa la filanayo mustaqbalka.

14: Nin aan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto.

Billowgii 1993 ayaa la abuubulay shir lagu nabadeynayo beelaha soomaaliyeed hase ahaatee geed balaayo ayaa shirka loo xaartay (Adis-ababa) sanadkaas da’deydu waxay ahayd 18-jir aqoon iyo waaya aragnimo fiicanna uma lahayd utunta kala gaartay labada dal (Itoobiya & Soomaaliya) iyadoo sidaas tahay ayaan xasuustaa maalin aan dhallinyaro soomaaliyeed ku iri "Nimanyahow waxaan la yaabbanahay soomaalidaan arrintooda hoos dhigtay dadki adduunyada ugu necbaa.... wallaahi inaysan meeshaas waxba kasoo socon" Ilaahey amarkiis sidi ayey noqotay ninkii garaad lehna wuxuu ku baraarugi lahaa hadalki uu Meles Sanawi dhowr mar ku celceliyey isagoo munaasabaddaas ka hadlayey oo ahaa "Ma jiraan dano qarsan oo ay Itoobiya ka leedahay marti-gelinta shirkaan waxaanan diyaar u nahay inaan idinka saacidno (sida aad ku heshiin lahaydeen) intaan awoodno qiime kasta oo ay nagula kacdaba"

Bal akhristow ka warran haddii aad cid usoo martiso ee kolki aad jiif isu diyaariso uu kuu yimaado duqii reerka kuguna yiraahdo "walaalow nabad ku jiifo hana ka cabsan inaan jiifka kugu gowraco markaad huruddo!!!

Dabcan shaki ayaa ku geli lahaa oo waxaad is oran lahayd maxaa odayga hadalkaas ka keenay haddiii uusan dhagar-qabe ahayn, taas waxaa la mid ah hadalka Meles ee aan kor kusoo xusay, haddaba dagaal-oogaayaasha soomaaliyeed ee u maleeya inay itoobiya saaxiib tahay haku tusaale qaateen sida loola dhaqmayo shacabka soomaali-galbeed iyo walaalahooda Oromiya ee uu ka dhaxeeyo dhiigga wada dhalasho..

Waxaa la yiri balaayo waa tii kaa qosliso ee waxaan la yaabay qabqable dagaalki ka hor dhabarkiisa ku xamaalan jiray ee intuu xaafado yaryar ama degmo xaaraan ku qabsaday yiri "Itoobiya waligeen waxaa naga dhaxeeyey nabad iyo walaaltinnimo ee waxa waddanka qasayo waa carab iyo rag ay adeegsato!!!!

Runti waxaan aad uga yaqyaqsaday mar uu nin dagaal ooge ahaa ku qudbeeyey in nin waliba u laabto dhulka uu u dhashay yacni qabiilkiisu dego, waxaanan niyadda iska iri, kolley anigu gobal baan ka imid reer-keygu u badanyahay caasimaddeyduna waa Muqdisho oo cidi igama xigto, caasimaddeyda labaadna waa Hargeysa oo cidi igama xigdo, mana aqbalayo magacyada soo kordhay ee dhulkeyga lagu kala qoqobayo, ugu dambeyn barnaamikan waxaan kusoo gunaanudayaa xigmad afka Oromada (Oromiffa) lagu yiraahdo, Lomnni lammuna, tokko kan mataa isaatiif jiraatu, tokko ammoo namaatiif jiraatu, oraahdan macnaheedu waxa weeye, dadku waa labo, nin naftiisa u nool iyo nin umadda u nool.

Qofka tiisa uun u nool waa shaqsiga loo yaqaanno daneyste oo si uu dantiisa ku gaaro wax kasta ayuu ku kacayaa oo fasahaad ah waana dagaal oogayaasha aanu aragno, xigmaddaan waxaa sii qurxinayo hadalki Shantideva oo ahaa budhiistaha qarnigi siddeedaad, wuxuuna yiri "Farxaddu waxay ka timaadaa wanaagga aad dadka kale la jeclaato, dhibaataduna waxay ka timaadaa farxadda aad naftaada uun la doonto.

Akhristow marki nin waliba naftiisa uun farxad la doonay qabiil kastana isagu uun awood iyo amaan isla doonay ayey balaayadu na heshay ee aan Alle ka magansanno midnimo soomaaliyeed iyo baraare lagu nimceysto.

Qore: Caliqeyr M, Nuur.
 Email: caliqeyr@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2003

AFEEF: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><>

MA RABTAA IN AAD WAX KA OGAATID SUNTA SOOMAALIYA KU DUUGAN, HADABA GUJI HALKAN... 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

AKHRIS
WARAAQIHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA... GUJI 

wisdom...  

SUNTA SOOMAALIYA KU DUUGAN 

»»ALLAH KA CABSIGII SAXAABADA
Waa qaybtii 2aad ee Xigmad ka Macaan Timirtii Madiina GUJI...

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.