SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
SALAADDA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»
»»Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
<><><>
WELIGEEY KAMA AANAN QOOMAMAYN ISLAAMKA AAN QAATAY

sidaas waxaa yiri Saciid Guji halkan
Qore: Ibrahim Salah

Maxey ku doorteen Islaamka?

Fredrik Dahlberg
 

Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar
E-mail: Ikraam@journalist.com

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad

Waxaanu la soconay qeybihii hore ee ku saabsan soo islaamidii ay soo Islaameen Maryam iyo ninka la yiraahdo Ismail Stand, oo labaduba nooga soo sheekeeyey sideey ku islaameen iyo sababihii ay ku doorteen guud ahaan Diinta Islaamka.

Hadaba qeybteenan maanta sheekadeenii taxanaha aheyd ee Maxey ku doorteen Islaamka?, waxaan ku soo qaadaneynaa soo islaamidii Fredrik Dahlberg oo ah nin muddo dheer ku qaadatay inuuqaato diinta Islaamka sida uu isaga laf ahaantiisa sheegay. Isagoo inooga sheekeynayana Fredrik Dahlberg sidey arintaasi ku dhacday wuxuu ku bilaabay sidatan.

Yaraanteydii waxaan ku soo barbaaray guri ay wada joogeen dhamaan waalidiinteydii iyo walaalaheygii. Markii aan yaraa la ima geyn xanaanada la geeyo carruurta yar yar maadama ay hooyadeey ay inta badan joogtay guriga.

Tan iyo inta aan ku dhawaaday da’da qaangaarka ee reer galbeedka nolosha wax macno leh iima aysan laheyn jeer aan ka baxay dugsigii sare oo aan dalka dibadiisa dalxiis ku aaday marar badan.

Islaamideydiina sidaan qabo waxey aheyd mid wado dheer aan u maray, xirriirkeeygii iigu horeeyey ee aan la yeesho ruux muslim ah waxey aheyd markii aan ka baxay dugsiga sare markaasoo aan dal xiis u aaday dalalka Afrika galbeed ku yaala sida Sierra Leone iyo Togo. Intii aan dalalkaasi booqashada ku marayey weligeey kuma fekerin inaan Islaamka qaato, dalalkaasina maba moodeyn iney dadkooda u badan yihiin Muslimiin oo waxaan u heystay iney masiixiyada ku weyn tahay.

Muddo dheer kadib waxaan markale booqasho ku tagay dalka Masar iigamaba darin booqashadeydii dalkaas ee waxaan halkaasi ku soo bartay gabadha iminka xaaskeyga ah oo Faransiis dhalashadeedu tahay markaana aan muslim aheyn, balse aan isku waqti wada qaadanay Islaamka. Aniga iyo xaaskeygii waqtigaas waxaan daganeyn agagaarkii buurta Siinaay oo aheyd meeshii uu Nabi Muuse (cs) kula hadli jiray Illaahey scw. Dhab ahaan waa goob qiimo leh oo aad u qurux badan inaan degena meel u dhow buurta Siinaay waxey xageyga ka aheyd waxa aad u weyn oo aysan jirin waxaan ku micneeyo.

Maalintaa kadib waxaan bilaabay inaan Illaahey wax iska weydiiyo jiritaankiisa iyo abuuristiisaba, hase ahaatee markaa waxaan ahaa ruux labo labeyn ku jiray oo si rasmi ah go’aan uma gaarin. Waxaanse degeneyn meel xeeb ah oo aad u qurux badneynd. Xeebta agagaarkeeda dhismayaal ayaa ku socday oo loogu talagay dalxiisayaasha shisheeyaha ah. Qaar kamid ah shaqaalaha dhismayaasha xeebta agteeda ayaa noo iman jiray oo nasoo salaami jiray. In badan oo iyaga kamid ah ayaa nooga sheekeyn jiray guud ahaan Islaamka waxa uu yahay. Waxaa jiray nin kamid ah raggii aan isku baranay meeshaas oo la oran jiray Ayman, inuu maalin si kedis ah oo qudheyda yaab igu abuurtay inta iigu yimid igu yiri “Ma ogtahay anaga muslimiinta ah Ciise, waxaan u ogsoonahay inuu yahay mid kamid ah Rasushii Eebbe soo diray?”. Maalintaa ka hor maba aanan ogeyn waxey muslimiintu sidoodaa aaminsanaayeen iyo inkale. Maalmo kadib waxaa aniga iyo gabadhii aan is arkoonay ka soo dhaqaajinay Masar intii aan u soo soconay dalkeyga ayaan London ku hakanay, waxaan markaa kasoo iibsaday kitaabka Quraanka ah oo macnihiisa ingiriiisi loogu badalay. Balse maadama qoraalka tarjamadu aheyd mid adag wax badan kameynaan fahmin mase nooga darin oo waxaad moodaa in quluubteenii ay soo dabceysay. Aniga iyo xaaskeygii oo waqtigaas xirriir naga dhaxeeyey waxaanu dareemeynay inaan xiisaha aan u qabno dalalka muslimiinta ay sii kordheyso.

Markaa kadib waxaanu aadnay dalka Yeman oo ah meel ay joogeen dadkii u sabab ahaa inuu kordho niyada adag ee aan u heynay islaamka, waxey ahaayeen dad aad u wanaagsan oo soo dhaweeya martida islamarkaasina si fiican u heysta diinta islaamka. Qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa nugu oran jiray ”diinta Islaamka aad bey agteena qiimo uga leedahay”. Taasi waxaan dareenay iney yihiin ummad ku dhegan diintooda iyo caqiidadooda.

Si kastaba arintu ha ahaatee maalinbaa waxaa dhacay anagoo ku sugan magaalada Cadan oo aanu dooneynay inaanu goor waaberi hore ah raacno bas, magaalo la yiraahdo Mukalla ayaan ku soconay. Waxaanu jecleyn inaanu iska seexano rugtii basaska lugu sugayey si haddii aan daahno aysan nugu dhicin gaadiid la’aan oo meesha aan u soconay gaari weyno. Maalintaasi waxey aheyd maalin bisha Ramadaan lugu jiray. Dad kaloo yaman ah ayaa iyaguna nala sugayey baska oo ku sugnaa goobtii basaska. Qadar yar kadib waxaa noo yimid nin boolis ah waxuu nugu yiri ”meeshan lama ogala seexan meysaane ordahaya iska taga!”. Anagoo yaaban ayaan bilownay inaan raadino meel hotel ah aan seexano, nasiib darro hoteeladii dhamaantood wey buuxeen oo malaheyn mid banaan. Balse nin aad u wanaagsan oo dhalinyaro ah kana mid ahaa dadkii meesha joogay ayaa yiri anigaa idiin geynaya gurigeyga oo marti ii ahaaneysaan kaalaya i raaca!.

Siddii baan ninkii ku raacnay oo gurigiisi marti ugu noqonay. Cambaarkii aan la joognay ninkii martida u aheyn wuxuu na tusay sawir gabadhiisa oo iyadoo bil jirta dhimatay. Ninkaasi waxa uu ahaa nin samir leh oo Illaaheygiis ku kalsoon. Waxa uu yiri ”muddo bil ayaa laga joogaa markey dhimatay gabdheydii. Illaahii lahaa ayaa oofsaday, isaganaa badalkeeda mid qeyr qabta ka sugayaa!”. Dhab ahaan waxaan aad u dareemay maalintaasi iimaanka saadiqa ah ee ninkaasi ku jirtay iyo sideysan wax murugo ah uga muuqan, waxaan is tusay inaan marna awoodi laheyn in naxdinta geerida gabdheyda oo weli qoyan aan tuso dad marti ii ah.

Markuu noo soo dhamaaday safarkeenii dalalka carabta aniga iyo saaxiibadeydii waxaanu dib ugu soo laabanay dalkeeni oo aan si deg deg ah isku guursanay, muddo gaaban kadibna waxaan isku dhalnay carruurtii ugu horeysay ee Illaahey nasiiyey. Markaa kadib waxaan bilownay aniga iyo xaaskeygii in islaanimadii iyo xiisihii aan u heynay ay sii tir tirmaan, ileyn waxaanu joognaa meel aan diinta Islaamka ehelkeeda joogin, laakinse nasiib wanaag Illaahey baa qadaray in markale ay noo soo laabtaan xiisihii aan u heynay Islaamka. Durba waxaan bilaabay inaan akhriyo waxyaabaha Islaamka ku saabsan, xaqiiqdiina waxaan helay bilow fiican oo islaamnimada iigu xajineysay qalbiga, taasoo aan weligey xasuusteydii ku hayey ayna ugu wacneyd waqtiyadii aan joognay aniga xaaskeyga dalalka Masar iyo Yeman. Waxaan bilaabay markaas kadib inaan akhriyo Quraanka kariimka oo macnihiisa oo afka ingiriisiga lugu tarjumay.

Runtii inaan akhriyo Quraanka oo afkeyga iyo ingiriisiga ku qoranba waxey igu qaadatay muddo labo bilood ah. Ugu dambeyntii waqti dheer kadib waxaan qaadanay aniga iyo xaaskeygii oo aan ku islaanay dalka aan u dhashay ee Sweden. Alxamdu lilaah, waxaan ku faraxsanahay inaan islaanay oo aanan maanta heysan diin kale oo aan Islaam aheyn. Waan aaminsanaa in Diinta Islaamka ay tahay tan saxda ah, balse waxaan ictiqaadsanaa iney adagtahay in muslim la ahaado marwalba.

Kolkii aan noqday nin muslim ah waxaa aad igu adkaatay sidaan waalidkeygii ugu sheegi lahaa, inkastoo tuhun ku jiray inaan isbadalay hadana waxaan la dhowray waqti ku haboon oo loo sheegi karro. Arintaas awgeed xaaskeygii muddo ma xiran xijaabka jeer ay maalin bisha Ramadaan lugu jiro aan tagnay guriga waalidkeey, markaasna ay ogaadeen ineynaan cunin cuntadii ay noogu talagaleen. Nasiib wanaag waxaan maalintaas u sheegnay waalidkeey inaan islaanay cid nugu qasabtayna aysan jirin. Inkastoo ay ka muujiyeen xumaan arintaa ku saabsan qaadashada diin kale oo aan tooda aheyn hadana wey nugu ixitraameen. Waxa keliya ay noogu ixtiraameen waxey tahay annagoo aynaan cunini hilibka qansiirka (doofaarka), cabista qamriga iwm. Sidoo kale asxaabteydii hore markey ogaadeen in aniga iyo xaaskeyga aan islaanay marna nuguma mucaaridin inkastoo ay u arkayeen wax kale hadana wey soo dhaweeyeen wanaaga korkeena ahaaday awgiis.

Shaqada aan ka shaqeeyo dadkii ila shaqeynayey waxaa in badan oo iyaga kamid ah maskaxdooda ka guuxeysay naceyb daran iyo aqoon la’aan ka heysa Islaamka. Ileyn waa dad aamisan waxey warfaafintu sheegto, sidaa daraadeed waxaa jiray shaqsiyaad markey ogaadeen inaan muslimay igu xumeynayey iyagoo lahaa waxaad qaadatay diin danbeysa oo dadka dagaalo ku guubibsa. Xumaan kasta oo Islaamka laga sheega marna badali meyso g’aankeygii ku saabsanaa islaamideyda hadana waxaaba taas iiga darneyd waqtiga salaada oo cariiri ahaa ninka madaxda ii ahna uuusan aqbaleyn in iyadoo shaqadii lugu jiro inta la baxo oo lasoo tukado.

Nasiib wanaag markii aan si tos ah ugu sheegay ninkii madaxda ii ahaa waxaa iigu yiri ”tuko waqtiga ku haboon salaadaada waxaan kuu fasaxayaa inaad sameyso arintaasi”

Isku soo wada duuboo nolosheydii tan iyo markii aan qaatay islaamka mar qura iskuma badalin oo uma aanan ekaanin muslin qaalis ah, marka laga reebo inaan qirtay shahaada oo keliya. Hadana intii u dhaxeysay markaan ahaa lix iyo toban jir ilaa aan ka gaaro labataan sanno waa islaamideydii ka horee waxaan ahaa nin ku waalan cabista qamriga saasoo ay tahay ma aanan jecleyn inaan cabo qamriga mana igu adkeyn inaan joojiyo, marka si loo eegana ma aheyn muddo dheer waqtigaan cabayey qamriga oo aan ahaa nin balwada iyo aadista goobaha lugu caweeyo qamrigana lugu cabo ay intaba u ahaayeen ehel.

Maalintii aan qaatay islaamka amaba aan muslimay waxaan moodayey inaan ahay kan keliya ee islaamay, balse waxey ii aheyd maalin qiimo leh oo aysan jirin wax aan adduunyada siisto. Islaanimadeyda kadib waxaan aad u jeclaa inaan akhriyo buugg uu qoray ninka la yiraahdo Martin Lings oo ka sheekeynayey Noloshii Nabi Muxamed NNKH. Buuggaas waxaa la yiraahdaa ”Muhammed, his life based on the earliest sources”.

Martin Lings isagaba laftiisa islaamka ayuu gadaal dambe ka qaatay, aadbaana uga helay buuggaas oo kaga sheekey qisaddii Nabi Muxamed NNKH. Akhrinta buugaas marna kama xiiso dhicin waayo marka laga sheekeynayo noloshii Suubanaheenii NNKH,ma jirto sheeko ka wanaagsan oo laga sheekeeyo oo sidaas xiiso u leh. Mahad Eebe weeye inaan maanta ahay muslin qaalis ah aniga qoyskeyga. Waxaan ummadda islaamka ah meelkasta oo ay joogaan uga barayayaa Alle dembi dhaaf iyo naxariistiisa gaarka ah uu siiyo!

 ===DHAMAAD========

Waxaa tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
SomaliTalk Team
ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 26, 2003

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aadQaybtii 4aad

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Sheekadii KIISH


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.