|
|
Bismillah:
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa
u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan umadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.
Waxaan Xujeyda sannadkan 1422 u rajaynaynaa baraara iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isuwanaajiyo.
Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.
Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.
Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1423 hakadhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba. insha Allah.
Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.
Kulu Caam wa-antum Bikheyr.
CIID MUBAARAK
2 million oo Qof oo Sannadkaan Soo xajidey
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد
Wabillaahi Towfiiq
Bahda SomaliTalk.com
Dil-Xaj 10, 1422 | 22, 02, 2002
MAALINTA CARAFA: Akhri
Ehalkaaga iyo Asxaabtaada ma u direysaa Hambalyada Ciida, Soobooqo boggaga hoos kuqoran: