Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan
WD. Maxamuud Yuusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
April 28, 2003
Qodobada Toddobaadkan:
-
Shaar Guduud oo shaarkii Bedeshay
- Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa Madaxweyne ah?
- Xaaji Muuse iyo Col.Cabdullaahi Yusuf Waa Laba Madaxweyne
Xaaji Muuse iyo Col. Yeey Waa Laba Madaxweyne
Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed wuxuu sheegtaa inuu yahay Madaxweynaha maamul
goboleedka Puntland, sidoo kale hogaamiye-kooxeedka Xaaji Muuse Suudi Yalaxow
ayaa u muuqda inuu yahay Madaxweynaha Beesha Mudulood.
Hadalo kul kulul ayey in dhowaalaba is dhaafsanayeen labadan Madaxweyne, waxaana
jira xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa labadan Madaxweyne taasoo salka ku haysa
Muuse Suudi oo horay u sheegay in Jagada Madaxweynenimada ay xaq u leeyihiin
beesha Hawiye halka Col. Cabdullaahi Yusuf rajeynayo in loo doorto Madaxweynaha
Jamhuuriyada Soomaaliya bisha Juun ee soo socota.
Cabdullaahi Yusuf wuxuu horay u sheegay inuu isu soo sharaxayo doorashada
Madaxweyne-nimada balse Muuse Suudi ayaa qaba in beeshiisa Mudulood xaq u
leedahay jagadaas isla markaana isaga Xaaji Muuse ah yahay Madaxweynaha
mustaqbalka ee Soomaaliya.
Labadan hogaamiye-kooxeedba waxey xiriir la leeyihiin dowlada Itoobiya, waxeyna
awood ciidan ku kala leeyihiin degaamadooda. Hadaba waxaa la oran karaa waa
labada nin ee ugu fursada wanaagsan qabashada jagada Madaxweyne-nimo ee
Soomaaliya.
Balse su'aashu waxey tahay ma yihiin hogaamiyeyaal kasoo bixi kara mas'uuliyada
ay xambaarsan tahay jagada ay doonayaan? Hadiise Xaaji Muuse loo doorto
Madaxweyne Soomaaliyeed ma awoodi doonaa inuu nabad ka dhaliyo gobolka Banaadir
meel kaleba yeelkeede. Hadiise Cabdullaahi Yusuf loo doorto Madaxweyne ma awoodi
doonaa inuu Muqdisho yimaado oo uu xafiis ka furto iyadoo uu Xaaji Muuse meesha
soo fadhiyo?
Jawaabaha su'aalahan idinkaan idiin daayey!!!
Siilaanyo iyo Riyaale Kumaa Madaxweyne ah?
Abaabulkii doorashada ka dhacday Somaliland wuxuu ahaa mid la amaanay, intii ay
doorashadu socotayna wax carqalado ah ma aaney dhicin taasoo ay ku amaanan
yihiin shacabka gobolada Waqooyi (Somaliland).
Ku dhawaaqidii doorashada ayaa qaadatay waqti ka dheer kii loogu talo galay
taasoo dhalisay shaki ay horayba u qabeen qaar kamida xisbiyada kuwaasoo
rumeysnaa in xisbiga talada haya UDUB ku shuban doono doorashada.
Gudigii doorashada waxey ku dhawaaqeen in xisbiga talada haya ee UDUB uu ku
guuleystay doorashadii iyagoo sheegay inay kaga sara mareen xisbiga KULMIYE
codad dhan 80.
Natiijadii Gudiga Doorashadu soo saareen ayaa ah sidan:
KULMIYE |
UCID |
UDUB |
VALID |
VOID |
TOTAL |
205,515 |
77,433 |
205,595 |
488,543 |
10,096 |
498,639 |
41.22% |
15.53% |
41.23% |
97.98% |
2.02% |
100.00% |
Axmed Siilaanyo oo hogaamiya xisbiga Kulmiye markiiba wuu diiday natiijadii
doorashada, waxeyna xisbiga KULMIYE 27 April soo saareen natiijo ka duwan tii
gudiga doorashada taasoo ay ku muujiyeen in ay iyagu ku guuleysteen doorashadii
waxeyna soo bandhigeen natiijadan:
KULMIYE |
UDUB |
205,648 |
205,572 |
Iyagoo muujiyey in ay 76 cod ka horeeyaan xisbiga UDUB ee Madaxweyne Daahir
Riyaale. Ilaa hada ma jiraan ifafaale muujinaya in Axmed Siilaanyo iyo
xisbigiisa KULMIYE aqbali doonaan natiijadii doorashada.
Hadaba mala oran karaa arimahani waa bilowgii bur-burka Somaliland?
Dad badan ayaa ka cabsi qaba in is qabqabsigan sababo dagaalo qabiil oo dib uga
soo cusboonaada gobolkaas. Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in
shacabka Somaliland ku jiraan xaalad tijaabo ah, waana arin u taala shacabkaas
iney ka gudbaan tijaabadan iyo iney ku guul dareystaan oo ay kusoo biiraan
Soomaalida colaadu caadada u noqotay.
Shaar Guduud oo Shaarkii Bedeshay
Hogaamiye-Kooxeedka Maxamed Nuur Shaarguduud ayaa kamid ahaa xildhibaanadii
dowlada KMG ee lagu soo dhisay Carta. Shaarguduud wuxuu kamid ahaa
hogaamiyeyaashii aadka ugu dhowaa Madaxweyne Cabdiqaasim bilowgii dowlada. Balse
Shaar Guduud ayaa ka gedooday DKMG kadib markuu helay lacago iyo balan qaadyo
kaga yimid dowlada Itoobiya.
Shaar Guduud ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay xiriir aad u dhow la lahaa dowlada
Adis Ababa wuxuuna ka qeyb qaatay gumaadka beesha uu ka dhashay ee Raxan Weyn.
Dowlada Itoobiya oo markii horeba ogeyd in Shaar Guduud yahay nin aan la aamini
karin daacadna u ah hadba ninkii lacag badan ayaa bilowday iney iska hor keento
isaga iyo Ku-Xigeenadiisii ururka RRA taasoo ay dowlada Itoobiya taageertay
Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade kuwaasoo Baydhabo ka hantiyey Shaar Guduud.
Dhacdadan ayaa sababtay in Shaar Guduud bedesho shaarkii soona xirto Shaar
Buluug ah isagoo mar kale xulufo la noqday Dowlada Kumeel Gaarka ah, saxaafadana
u sheegay sida uu uga soo horjeedo fara gelinta dowlada Itoobiya ku hayso
arrimaha Soomaaliya.
Ma qarsoona in Shaar Guduud yahay nin aan la aamini karin balse waxaan sugeynaa
goorta uu Shaar Buluug bedeli doono shaarkan Buluuga ah ee uu iminka xiran yahay.
QORMADII HORE WAXAA KAMID
AHAA:
- Cabdiqaasim Madaxweyne Debeda Ku Magac Roon
- Meeye Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed?
- Morgan Kama Quusto Kismaayo
- GUJI HALKAN......
WD. Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com
AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.
XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII
JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA....
FAAFIN: SOMALITALK.COM
QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
AKHRI
HALKAN iyo HALKAN
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|